Qiso: Murugo Leh

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 21 ธ.ค. 2023
  • Qiso Murugo leh.
    Asmaci allaha u naxariistee wuxuu yiri waxaan arkay nin xambaarsan nin duq ah oo kacbada la dhawaafayo oo leh waad idaalisay adigoo yar iyo adigoo weynba, waxaan ku iri war u roonow duqa koley wax badan waa uu ku soo wanaajiyee! Wuxuu yiri oo yaad u malaynaysaa? Waxaan iri kolley waa abaahaa ama awoowgaa! Wuxuu yiri midna ma ahan ee waa wiilkeyga! Waxaan iri oo maxaa sidaan ka dhigay? Wuxuu yiri xaaskiisa ayaa xumayd.
    Xaaska xun waxay ninka ku sababtaa in uu cirroobo isagoon da’dii cirrada gaarin murugta, tiiraanyada iyo nolol adeegga uu kala kulmayo darteed.
    Sidaa darteed nabiga sallalaahu calayhi wasallam wuxuu Alle ka magan galay xaas xun oo cirro gelisa (murug iyo tiiraanyo darteed) isagoon da’dii cirrada gaarin. Adiguna Alle ka magan gal.
    Waa tee xaaska ninkeeda dhibta, murug iyo caloolxumo ku abuurta had iyo jeer isagoo walbahaarsan seexda isagoo murugaysan shaqada aada, kana fekerayo mar walba hadalada uu dhibsado ee ay xaaskiisa kula hadasha.
    قال الأصمعيّ: رأيت رجلاً يطوف بالبيت يحمل شيخاً كبيراً يقول له: أعييتني صغيراً وكبيراً. فقلت له: أحسن إليه فطالما أحسن إليك؛فقال: من تراه لي! فقلت: هو أبوك أو جّدك، فقال: بل هو ابني فقلت: ما صيّره إلى ما أراه؟ قال: سوء خُلق امرأته.
    : محاضرات الأدباء - (240/2)

ความคิดเห็น •