Qiso: Ganacsade Alle ku xiran

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 14 ต.ค. 2023
  • Qiso: Ganacsade Alle ku xiran.
    Nin ay ka muuqatay faqri iyo danyari ayaa soo galay dukaan lagu iibiyo bustayaasha, waxaana uu waydiiyay ninkii dukaanka lahaa busteha ugu raqiisan ee uu hayo, wuxuuna u sheegay in uu u baahanyahay 6 buste maadaama qoyskiisa uu ka kooban yahay 6 qofood uuna haysto lacag dhan 100 riyaal oo kaliya.
    Ninkii dukaanka lahaa wuxuu ku yiri: Waxaan hayaa nooc Shiinees ah oo ugu fiican dhaxanta, qiimaha bustayaashuna waa mid macquul ah, halkii xabbo waa 20 riyaal, waxayna leedahay dalab gaar ah, oo haddii aad iibsato 5 ka mid ah, waxaad helaysaa xabbad lixaad oo bilaash ah.
    Aad ayuu u farxay wuxuuna soo bixiyey 100kii riyaal si uu iibsadao 5 busto una helo 1 buste oo hadiyad ah , sidaas ayuuna ku qaatay 6 busto wuuna baxay isagoo aad iyo aad u faraxsan.
    Miskiinkii markii uu baxay nin meesha taagnaa oo ay dukaanlaha saaxiib ahaayeen ayaa ku yiri saw usbuucii la soo dhaafay ima aadan dhihin waa bustayaasha ugu fiican uguna qaalisan magaalada oo weliba aniga iyo saaxiibkaa hebel xabbaddii nagama aadan siin 350 riyaal?
    Ninkii dukaanlaha wuxuu yiri haa oo Allaan ku dhaartee waa sidaas! oo iibkooda waa 350 riyaal waxaana idin ka faa’iiday 1riyaal bes ah waxayna iigu fadhiyeen 349 riyaal.
    Ee ninkaan miskiinka ah iyo qoyskiisa ayaan ku saddaqeysanayey maadaama xagaagii qabowga badnaa la gelayo, waxaan rajaynaya in sababtooda uu Alle iiga ilaaliyo kuleyka jahannamo.
    Haddii aanan ka cabsanaynin in aan ninka xishoodsiiyo saddaqo ahaan ayaan u wada siin lahaa, laakiin waxaan rabay in aan ka dhigo nin lacagtiisii wax ku gatay si aan u ilaaliyo karaamadiisa.
    إن الذين يخشون ربهم بالغيب لهم مغفرة وأجر كبير . [ الملك: 12]

ความคิดเห็น •