Alle Sw 3 ayuu ku hoos qariyay 3 kale

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 26 มี.ค. 2023
  • Alle saddex ayuu ku dhex qariyey saddex kale hoostooda.
    1. Raalli ahaan shihiisa wuxuu ku dhex qariyey dhaacadiisa.
    2. Caradiisa wuxuu ku dhex qariyey macaasidiisa.
    3. Awliyadiisa wuxuu ku dhex qariyey addoomadiisa.
    1. Raalli ahaan shihiisa wuxuu ku dhex qariyey dhaacadiisa.
    Ha yaraysan wixii wanaag ah, walaalkaa oo weji bashaash leh ku qaabishaba allaha ka dhigee, dhagax ama qodax aad jidka ka qaaddo ama xayawaan ooman oo aad waraabiso allaha ka dhigee waxaa laga yaabaa in uu alle kuugu denbi dhaafo oo janno kugu geeyo sababteeda, Ogaw in nin jidka qodax ka qaaday uu Alle janno ku geeyey sidoo gaalo naag zaaniyad ah Ey waraabisay darteed uu Alle ugu denbi dhaafay sidaasna janno ku geeyey.
    2. Alle caradiisa wuxuu ku qariyey macaasidiisa.
    Ha yaraysan macaasida hana u dhawaan mid yar iyo mid weynba, waxaa laga yaabaa in uu addoonku ku hadlo hadal xun oo uu iska yiri taasoo uu ku mutaysto naar.
    وَلُعِنُوا بِمَا قَالُوا
    وإنَّ العبدَ ليتكلَّمُ بالكلمةِ من سخطِ اللهِ ، لا يُلقي لها بالًا ، يهوي بها في جهنَّمَ)
    3. Alle owliyadiisa wuu qariyey wuxuuna ku dhex qariyey addoomadiisa ee qofna ha xaqirin muuqaalkiisa, shaqadiisa (nadiifiye, waardiye, miisle, doobile, cunto kariye, rooti iibiye, qudaar iibiye, shaxaadle) waxaa laga yaabaa in ay Alle Awliyadiisa yihiin adna aadan ogaynee, xasuuso xaddiithkii nabiga sallalaahu calayhi wasallam badanaa! inta nin basaasaysan (raf ah), carro (siigo) leh, dhar dhammaad ahna qabo dadka aysan qiimaynin haddii uu alle wax weydiisto uu horey ka aqbalayo.

ความคิดเห็น •