Qiso: Qofkii shirqool dhiga isaga ayaa ku dhaca!

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 3 ต.ค. 2024
  • Qiso: Qofkii shirqool dhiga isaga ayaa ku dhaca
    Markii uu xukunka qabsaday Amiir Xakam bin Hishaam bin Cabdiraxmaan Al-daakhil dawladdii Andulus (Isbayn) wuxuu u leexday dhankii fisqiga iyo xumaanta sida khamriga, zinada, dilka dadka iyo dhaca xoolahooda.
    Culumadii ayaa ku kacday oo diiday waxa uu samaynayo si toos ahna ula hadlay, culumadii ayuu kula kacay dil, xarig iyo ciqaab daran oo aan loo aabbayeelin, qaar ayaa ka badbaaday oo cararay waxaa ka mid ahaa Dhaaluut bin Cabdiljabbaar ardaygii imaamu maalik allaha u wada naxariistee oo ka mid ahaa culumadii ugu waaweynayd waqtigaas.
    Wuxuu ku dhuuntay guriga nin yahuudi ah muddo sanad ah, yahuudigaas ayaa ugu khidmayn jiray si sharaf leh, markii ay hal sano dhammaatay inta uu u mahad celiyey yahuudigii ayuu ku yiri waxaan rabaa in aan berri baxo oo aan u tago waziir Abil Basaam macalinkiisii quraanka iyo sheekhiisii cilmiga baray ayaan ahaa wuxuuna ka mid yahay waziirada aadka ugu dhaw Amiir Xakam waxaana rabaa in uu igala hadlo maadaama aan abaal macalinimo u galay.
    Yahuudigii wuxuu ku yiri sheekhow arrintaas ha samaynin waxaan ka cabsanayaa in uu amiir xakam ku dilo!! Wuu baryey in uu la joogo wuxuuna ku yiri walaahi haddii aad ila joogto inta aad nooshahay cimrigaaga kama daalayo hayntaada iyo qarintaada e.
    Dhaaluut wuxuu ku adkaystay in uu baxo kadib habeen ayuu baxay wuxuu tegay guriga waziirkii abil basaam, markii uu arkay abil basaam aad ayuu u soo dhaweeyey oo ugu farxay wuxuuna weydiiyey 1kaas sano xaggeed ku dhuumanaysay? Wuxuu uga sheekeeyey arrintii yahuudiga, kadib dhaaluut wuxuu ku yiri wazxiir abil basaam igala hadal amir xakam ha i cafiyee!! Wuxuu yiri waayahay wuuna baxay ciidan ilaaliyo ayuu u yeelay dhaaluut.
    Waziir abil basaam wuxuu u galay amiir xakam wuxuuna ku yiri waxaan kuu hayaa hadiyad! waxaan kuu wadaa madaxii munaafiqiinta ee Dhaaluut oo aan soo qabtay!!
    Amiir Xakam wuxuu yiri war istaag oo iila soo degdeg oo ii keen markiiba wuu u keenay amiir xakam oo aad iyo aad ugu caraysan ayaa yiri Alle ayaa mahad leh oo iikaa soo gacan geliyey maanta, hooggaagee maanta waxaan kuu dilayaa si xun, yaa ku yiri wixii aan sameeyey wax ka sheeg?
    Dhaaluut wuxuu yiri: maanta war kale iima furna waxaanse ku leeyahay waxaan kuugu carooday Alle dartiis marka aad wanaaggii ka leexatay oo aad xumaanta u leexatay alle ayaana sidaas amray culumada, amiir xakam caradii ayaa ka degtay wuxuuna yiri: Dhaaluudow waxaad ii timid aniga oo kuu diyaariyey ciqaab iyo dil tii ugu xumayd ee adduunka jirtay haddase waa la iga kaa leexiyey waan ku cafiyey waxaana kugu cafiyey allaha aad dartiis iigu carootay isaga ayaana iga kaa leexiyey ee orod oo bax waan ku cafiyee.
    Ka dib amiir xakam waxaa uu weydiiyey dhaaluut sidee ayuu kuu soo qabtay waziirkeyga Abil Basaam? Wuxuu yiri ima soo qaban ee aniga isku soo dhiibay maadaama aan ahaa macalinkiisii quraanka baray cilmigana baray waan u tegay waxaana ku iri amiir xakam igala hadal haye ayuu igu yiri wuu iiga baxay ballantii wuuna ii kaa soo gacan geliyey si aad ii disho.
    Ka dib wuxuu yiri inta aadan isaga u tegin ka hor xaggeed joogtay ? wuxuu uga sheekeeyey arrintii yuhuudiga!
    Amiir xakam madax ayuu hoos u foorariyey ka dib wuxuu u yeeray Abil Basaam wuxuuna ku yiri Alla! Maxaad nin xun tahay! Allaha ku dilee waxyahow baasaysan, dhaaluut waxaa karaameeyey gaal diinta col la ah wuxuuna u qariyey in uu sheekh weyn yahay darteed, adigana adiga oo la diin ah ayaa khiyaantay waxyahow baasaysan xittaa macalimimadiisii xaqqeeda ma u gudan weydey? Saw ma ogid in uu yahay mashaa’ikhda waaweyn ee diintaada, marka aad ii sii qurxinaysid dilkiisa, iga bax Allaha ku hoojiyee yaanan arkin wejigaaga mardanbe wuxuuna ka ceyriyey golohii waziirada isrsaaqaddiina wuu ku ciriiriyey.
    Sanooyin ka dib dadkii ayaa arkay waziirkaasi oo baa’ba’ay raf ah oo dullaysan waxaana lagu yiri war maxaa kugu dhacay? Wuxuu yiri inkaartii dhaaluut ayaa igu dhacday.
    Amiir xakam wuxuu warqad u qorey yuhuudigii wuxuuna u ballan qaaday in uu abaal marin fiican siinayo yuhuudigii markii uu abaal markaas helay wuu islaamay.
    Dhaaluut si sharaf leh ayuu ugu dhex noolaa andulus illaa uu ka geeriyooday janaazadiisiina waxaa ku tukaday Amiir Xakam wuxuuna ku amaanay daacadninadiisa cilmigiisa iyo camalkiisii wanaagsanaa" .
    أوردَ هذه القصة الذهبي في السِّيَر، سيرة الحكم بن هشام ٨ / ٢٥٤
    والقاضي عياض في ترتيب المدارك، والمراكشي في المعجب، وابن سعيد في علماء المغرب ..
    Ogaada!! Qofkii qof kale shirqoola isaga ayaa shirqolkaasi ku dhaca
    فعلا لا يحيق المكر السئ الا بأهله ..
    ويمكرون ويمكر الله والله خير الماكرين ..
    اللهم جنبنا واياكم شر الاشرار وكيد الفجار وارزققنا صحية الاخيار الصالحين .
    ودمتم فى حفظ الله

ความคิดเห็น • 2

  • @ahmedmahdi88
    @ahmedmahdi88 11 หลายเดือนก่อน

    ASC. SHEEKHOOW QOFKA KU BEEN ABUURTAY NINKAAN CULUMADA AH MIYAAD HADALKEEDA QAADATAY SAW KAMA FIICNAATEEN MAADAAMAAD NIN WAYN OO CULUMA AH TAHAY INAAD HADALKAAD SHEEGA6SO WAYDIISO SHEEKH UMAL.

    • @faridfarid6561
      @faridfarid6561 5 หลายเดือนก่อน

      Waa wax taariikhda kuqoran. Umalba halkaas ayuu kasoo qaadan lahaa oo umul goob joog ma ahayn marka waxaani dhacayeen. Qisadu waxay dhacday 800 sanno kahor.