Qiso: Faa'iidada Thigriga

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 7 ก.ย. 2023
  • Faa’iidada Thigriga.
    Ibnul Qayim Allaha u naxariistee wuxuu yiri: Daaraha Jannada waxaa lagu dhisaa Thigriga (Subxanallahi iyo walaalaheed) haddii uu qofka thigriga joojiyo, malaa’iktuna dhismaha way joojinaysaa.
    Sheekha Ibni Abii Dunyaa: wuxuu yiri marka la weydiiyo malaa’ikta sababta ay dhismaha u joojisay waxay leedahay markii aan helno masruuf ayaan bilaabaynaa. Oo Maal’iktu thigriga Alle ayaa biil u ah.
    Nabiga sallalaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: Qofkii Dhaha Subxaanallahi wa bixamdihi Subxaanallaahi Cathiim 7 jeer jannada ayaa daar looga dhisaa.
    Dikrigu waa xayndaab u dhexeeya addoonka iyo naarta, haddaba haddii uu u leeyahay waddo uu ku galo Naarta Camal ka mid ah camaladiisa, thigrigu wuu xirayaa waddadaas.
    Cabdicassiis bin Warraad oo ahaa imaamkii masaajidka xaramka sanadihii 159kii hijriyada ayaa wuxuu yiri:-
    Nin baadiyaha deggan ayaa samaystay meel masaajid ah oo uu ku tukado wuxuuna qibladiisa dhigtay 7 dhagax, marka uu salaadda ka baxo ayaa wuxuu dhihi jiray dhagaxyahow waxaan idinku marqaati gelinayaa in Alle xaq lagu caabudo ma ogiyee uusan alle kale jirin, wuxuu yiri wuu jirraday wuuna geeriyooday.
    Riyo ayaan ku arakay wuxuu igu yiri waxaa la i amray in naarta la igu tuuro, waxaan arkay dhagax ka mid ah dhagaxyadaas oo aan aqaan inta uu aad u weynaaday albaabkii naarta iga xiray, albaab kale ayaa la igeeyey waxaa haddana xiray dhagax ka mid ah dhagaxyadaas illaa ay 7badii alabaab ee naarta ay iga wada xireen.
    Alle SWC wuxuu tilmaamay in beni aadamka gebigiisaba 3 xaalo uu middood un ahaanayo: -
    1. Mar uu taagan yahay.
    2. Mar uu fadhiyo iyo
    3. Mar uu jiifo.
    3da xaalaba Alle wuxuu ka dalbay addoomasiisa in ay xusaan wuuna yiri
    قال تَعَالَى: ﴿فَإِذا قَضَيْتُمُ الصَّلاةَ فَاذْكُرُوا اللَّهَ قِياماً وَقُعُوداً وَعَلى جُنُوبِكُمْ﴾ [النساء: ١٠٣]
    Marka aad salaadda oogtaan oo tukataan Alle xusa idinkoo taagan ama fadhiya amaba jiifa.
    Alle wuxuu inooga digay in aan helmaanno Thikrigiisa wuxuuna yiri:
    قال تَعَالَى: ﴿ولا تكونوا كالذين نسوا الله فأنساهم أنفسهم أولئك هم الفاسقون﴾. الآية 19 من سورة الحشر
    Ha noqonina kuwii Alle thigrigiisa helmaayay oo uu naftooda in ay anfacaan helmaansiiyey.
    Mar walba Alle wuxuu na amray in aan la imaanno thigri badan tasbiix iyo walaalaheed, gaar ahaan subixii iyo galabtii wuxuuna Alle yiri:
    قال تَعَالَى: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اذْكُرُوا اللَّهَ ذِكْرًا كَثِيرًا ۝ وَسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلا) سورة الأحزاب:41- 42
    Kuwa imaanka lahow xusa Alle, xus badan, tasbiixsada subax iyo galabba.

ความคิดเห็น •