Saffaax iyo Xaaskiisii

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 14 มี.ค. 2024
  • Saffaax iyo Xaaskiisi.
    Amiirul Mu’miniin Abulcabbaas Assafaax ayaa wuxuu guursaday Umu salama Al-Makhzumiyah waxay guurkeeda shardhi uga dhigtay in uusan naag kale la guursadan gabdho addomo ahna uusan la isticmaalin.
    Maalin ayaa waxa u yimid Abul Cabbaas Assafaax isagoo firaaqo ah Khaalid bin safwaan, wuxuuna ku yiri sidii aad talada musliiminta u qabatay waxaan raadinayey maalin firaaqo ah oo waxa aan rabo kuu sheegi karo.
    Wuxuu yiri haddaaban firaaqo ahee ii sheeg!
    Wuxuu yiri yaa amiirul mu’miniin waxaan ka fekiray xaalkaaga weligey ma arag qof sidaadoo kale magac iyo mansab leh oo naagaha macaankooda arag! Waxaa naftaadii qiimaha badnayd ag dhigtay hal xaas oo go’doon ku gelisay, hadday jirrato waad jirran hadday maqan tahay waad maqan tahay hadday kuu carooto galmo ka heli maysid.
    Waxaa farxad ah in aad ku raaxaysato macaanka kala duwanaanshaha haweenka iyo xaaladahooda.
    Waxaan jeclaa in aad aragto: -
    • Naagaha Dhaadheer ee cadcad.
    • Kuwa maariin madow xigeenka ee macaanka badan
    • Kuwa curdunka ah ee naasaha fiiqfiiqan.
    • Kuwa hadalka macaan ee soo jiidashada leh.
    • Kuwa sunniyaha badan ee indha kuulan.
    • Kuwa buurbuuran ee barida iyo naasaha waaweyn.
    • Kuwa afka gaaban ee aan hadalka aqoon.
    • Kuwa jabta yar ee nuurka badan.
    Wuxuu u taxay noocyada kala duwan dumarka weliba si wacan ayuu ugu sifeeyey.
    Markii uu hadalka dhammeey ayuu yiri Abul Cabbaas Assafaax Allaan ku dhaartee khaalidow weligey ma maqal hadal ka macaan badan hadalkaaga ee fadlan iigu soo celi waad ikicisayee wuuna ugu celiyey.
    Abulcabbaas wuxuu maalintaas oo dhan ka fekirayey waxa loo sheegay isagoo fikirkii ku mashquulsan ayey xaaskiisii Umu salama u timid waxay aragtay isagoo isku mashquulsan firfircooni aysan ka muuqan waxay tiri maanta maxaa kugu dhacay ma qumanidee? Sidii ay u baarbaaraysay ayuu u sheegay hadalkii uu ku yiri Khaalid bin Safwaan!
    Waxay ku tiri maxaad ku tiri marka doqonka! Wuxuu yiri subxaanallaah ma nin ii naseexeeyey ayaad caaynaysaa?? Inta ay aad u xanaaqday ayey ka tagtay oo khaalid ciidan u dirtay waxayna ku tiri garaaca illaa aad xubin walba ka jebisaan.
    Khaalid markii uu baxayba albaabka ayuu fariistay isagoo ku faraxsan in warkiisa uu bogay amiirka sugayana in la siiyo abaal marin.
    Waxaa yimid ciidankii ay soo dirtay Umu salama wuxuuna yiri aawey khaalid bin safwaan? wuxuu yiri waa aniga isagoo u maleeyo in loo wado hadiyad markaasee burar la dhaceen inta cararay oo uu gurigiisii galay ayuu hoosta ka soo xirtay wuuna fahmay dhibta soo gaartay meesha ay uga tumid.
    Maalmo ayuu guriga ku jiray, kadib waxaa u yimid ciidan uu soo diray Abul Cabbaas assafaax waxayna ku yiraahdeen soo bax Amiirka ayaa kuu yeerayee, wuxuu iska dhaadhiciyey in la dilayo wuuna soo raacay isagoo bilaa dhiig ah naxdin darteed.
    Markii uu u soo galay ayuu salaamay salaantiina waa laga raddiyey markaasuu xasilay. Meel ayaa loo tilmaamay oo fariiso la yiri wuu fariistay wuxuu amiirka gadaashiisa ka arkay albaab daahii loo raariciyey oo uu qof ka dhaqdhaqaaqayo wuxuuna ogaaday in uu xaaskiisii yahay.
    Ka dib abulcabbaas wuxuu ku yiri beryahan kuma arag ee xaggeed jirtay caro ayuu u muujiyay. Ka dib wuxuu ku yiri maalintii iigu kaa danbaysay waxaad ii sheegtay war macaan oo haweenka ku saabsan oo aanan weligey maqal ee fadlan iigu soo celi:-
    Wuxuu yiri: haa Yaa amiirul mu’miniin waxaan kuu sheegay in carab magaca dhibta ee ka keentay dhibaatada ay leedahay 2da xaas ee la isla qabo. Sidaa darteed qofkii 2 xaas guursado wuxuu la kulmaa dhib iyo qaxar.
    Abul Cabbaas wuxuu ku yiri war hooggaaga ee hadalkaagii kan ma aheyn!
    Wuxuu yiri waa hadal keygiiyee, waxaan kaloo kuu sheegayaa in 3nagood oo la isla qabo ee la mid yihiin dheri ku karkarinayo oo kale.
    Abul cabbaas wuxuu yiri waxaan bari’ ka ahey qaraabanimada aan rasuulk sallalaahu calayhi wasallam qaraaba la ahay haddii aan warkaan kaa maqlay.
    Khaalid wuxuu yiri waad iga maqashee waxaan kale oo aan kuu sheegay in ninka qaba 4ta xaas ay shar ku kulmeen wey daciifiyaan, noloshay ku ciriiriyaan, cirro ayey ka soo daadiyaan isagoo da’dii cirrada gaarin.
    Abul Cabbaas wuxuu yiri wallaahi in aanan warkaan iyo wax u dhow toona kaa maqal! Waan ku iri hadalkaan yaa Amiirul Mu’miniin.
    Wuxuu yiri war hooggaaga ee khaalidoow ma anigaa been ii sheegaysaa hadda?
    Wuxuu yaa amiirul mu’miniin ma inaad idisho ayaa rabtaa? Wuxuu qosol daran ka maqlay daaha gadaashiisa.
    Khaalid wuxuu yiri waxaan weliba kuu sheegay yaa amiirul mu’miniinow inaad qabto reyxaantii qureysheed mana bannaana in aad dumar kale damacdo.
    Markaasuu daaha gadaashiisa ka maqlay cod leh: "Ilaah baan ku dhaartaye, waad saxan tahay adeer, laakiin Amiirkii Mu’miniinta ayaa beddelay hadalkaagii, wuxuuna ku hadlay wax aan ahayn waxa aad sheegtay”.
    Khalid wuxuu aaday gurigiisii, markii uu tegayba Ummu Salamah ayaa u soo dirtay saddex boorso oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee dharka iyo shan kun oo dirham oo lacag ah.

ความคิดเห็น •