Qisada: Curwa iyo Cafraa

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 11 พ.ย. 2023
  • Qisada Cura iyo Cafraa.
    Curwa aabbihiis wuxuu geeriyooday isagoo yar, kadib isagoo 4 jir ah ayaa loo keenay adeerkiis Cigaal, Cigaal waxaa u joogtay gabar yar oo iyadana 4 jir aheyd, 2da carruur waxay soo wada qaateen waqti ciyaar carruurnimo ilaa ay ka qaan gaareen. Markii ay qaangaareen aad ayey isku jeclaadeen maadaama dadka oo dhan ay isaga dhawaayeen.
    Curwa adeerkiis ayuu weydiistay in uu gabadha siiyo adeerkii wuu farxay wuuna ka aqbalay, laakiin adeerkii wuxuu weydiiyey in uu bixiyo gabadha meherkeeda oo 80 halaad ah curwana markaas wuxuu haystay 8 halaad oo keli ah, tix gabay ah ayuu tiri oo kaga calaacalayo meherka uusan awoodin ee la weydiiyey waxaana tixdaas ku jirtay baydkaan
    يُطالِبُني عمّي ثمانينَ ناقةً وما ليَ يا عفراءُ إلاّ ثمانِيا
    Cafraay! adeerkey wuxuu iga dalbay 80 halaad, anigana waxaan leeyahay 8 halaad oo keliya.
    Wuu aqbalay maadaama uu aad u jeclaa, wuxuuna yiri adeerow muddo 2sano ah ii qabo aan 80ka halaad ku keenee adeerkiina wuu ka aqbalay. Wuxuu aaday adeeradiis iyo qaraabadiisii kale oo yemen degganayd markii uu sii maqan yahay qiyaastii sanad iyo bar, waxaa gurigii gabadha usoo martiyey nin hantiile ah oo ka yimid waqooyiga shaam lana yiraahdo Athaalata bin Maalik, wuxuu arkay Cafraa aad ayey u cajab gelisay kadibna aabbaheed ayuu ka doonay, aabbihii waa u diiday isagoo og ballantii uu la galay curwa, Athaala maba quusan hooyadi ayuu u tegay oo dhaqaalo badan u ballan qaaday iyada iyo ninkeeda hooyadii waxay kor iyo hoos ninkeeda ka dalbatay in ninkaan hantiilaha la siiyo gabadha illaa uu ka ogolaaday isagoo ka xun arrintaas, gabadhiina aysan raalli aheyn laakiin la qasbay gabadhii ayuu aroosay oo u wataya dalkii uu ka yimid.
    Kadib waxaa yimid Curwa oo 80kii halaad wado, laakiin aabihii iyo hooyadii oo qorshe kale horey ugu degay ayaa u sheegay in gabadhii ay geeriyootay waxayna dul geeyeen qabri ay ku sheegeen in ay ku aaseen.
    Qabrigaas auu oohin iyo calaacal kala dul dhacay maalmo badanna dul taagnaa, maalin ayey gabar soo martay oo u sheegtay in aysan cafraa dhiman oo uu guursaday nin hantiile ah una watay Shaam, meeshii ayuu safar dheer u galay illaa uu tagay magaaladii, dadkii ayuu weydiiyey guriga Athaala waa loo tilmaamay wuu u tegay in uu marti yahay ayuu u sheegay si fiican ayuu u marti sooray maadama aysan martida xaasasku arkaynin ayuu faraatigiisii weel ugu riday markii ay faraatigii aragtay ayey garatay in qofka martiga ah uu yahay curwa wey kala badbadatay waxayna ka dalbatay in la kulanto wuu ogolaaday xoogaa ayey sheekaysteen sheekho sagootin ah kadib wuu sagootiyey markii uu ka soo noqday ayuu la murugooda sida uu adeerkiis u galay oo ballantii uu uga baxay jeceylkiisana ku waayey siduu u oynayey ayuu jacayl dartiis u dhintay.
    Cafraa markii ay geeridiisii maqashay ayay ninkeedii ka dalbatay in ay qabrigiisii soo booqoto markii ay qabrigii dul tagtay sidii ay u oynaysay ayey iyadiina geeriyootay waana lagu ag aasay.
    Cumar bin Khadhaab ayaa wuxuu yiri haddii aan ogaan lahaa xaalkooda waan kulmin laha yacni waan isku guurin lahaa. Riwaadaha qaarna waxay dhahaan wuxuu ahaa ninkii sidaas yiri Macaawiye bin Abii Sufyaan.
    Xigasho: Kitaabka Akhbaaru Nisaa -Ibu Qayyim-, Kitaabka Rowdatul Muxibbin, Al-muntathim.
    Nin ayaa Nabiga ayaa sallalaahu calayhi wasallam weydiiyey rasuulkii allow waxaan ila joogto gabar agoon ah, waxaa soo doontay nin hantiile ah iyo nin faqiir ah oo aan waxba haysan, annaga waxaan la rabnaa midka hantida leh iyaduna waxay rabtaa midka faqiirka ah ee maxaan samaynaa ? wuxuu yiri midka ay jeceshahay ayaa daawadeeda ah.
    Xaddithkaan danbe waxaa weriyey Ibnu Maajah iyo Xaakim.
    Ar waalidow!! labada is jecel oo isku dhimanayo ha la isku guuriyo.
    Jaceyl waa loo dhintaa!!
    Curwa iyo Cafraa waxaa la mid ah Cilmi Boodhari iyo Hodan.
    وعن ابن عباس رضي الله عنهما إن رجلا قال "يا رسول الله في حجري يتيمة قد خطبها رجل موسر ورجل معدم، فنحن نحب الموسر وهي تحب المعدم، فقال صلى الله عليه وسلم: (لم نر للمتحابين غير النكاح) أخرجه ابن ماجه والحاكم .

ความคิดเห็น •