Dardaaranka Aimada Rta mad-habood

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 21 ต.ค. 2023
  • Dardaaranka Aimada 4ta mad-habood
    Dar’daarankii Aimada 4ta mad-habood ee raacidda sunnada nabiga sallalaahu calayhi wasallam iyo ka tegidda hadaladooda iyo ficiladooda khilaafsan sunnada nabiga sallalaahu calayhi wasallam .
    والله عزَّ وجلَّ يقول: اتَّبِعُوا مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِن ربِّكُم وَلا تتَّبِعُوا مِن دُونِه أولياءَ قَليلا مَا تَذَكَّرونَ} الأعراف: 3]ـ
    Alle wuxuu leeyahay raaca waxii Alle xagiisa la idiin kaga soo dejiyey (quraanka iyo sunnada) ha raacina cid kale warkooda. In yar ayaa idin ka waansamaysa.
    Dardaarankoodii culamada xaddiithka ayaa tix gabay ahaan u tiriyey dhallintu waa in ay xifdiyaan:-
    1. قَـالَ ( أَبُـو حَنِـيفَـةَ ) الإِمَـامُ لَا يَـنْـبَغِي لِـمَـنْ لَـهُ إِسْـلَامُ
    أَخْـذًا بِأَقْـوَالِـيَ حَـتَّى تُـعْـرَضَـا عَلَى الحَدِيثِ وَالكِتَابِ الـمُرْتَضَى.
    2. وَ ( مَالِكٌ ) إِمَامُ دَارِ الـهِجْرَةِ قَالَ وَقَدْ أَشَارَ نَحْوَ الـحُجْرَةِ
    كُـلُّ كَلَامٍ مِـنْـهُ ذُو قَـبُـولِ وَمِنْهُ مَرْدُودٌ سِوَى الرَّسُولِ.
    3. وَ ( الشَّافِـعِيُّ ) قَـالَ إِنْ رَأَيْـتُمُ قَـوْلِـي مُـخَالِـفًا لِـمَـا رَوَيْـتُمُ
    مِنَ الـحَـدِيثِ فَاضْـرِبُـوا الـجِـدَارَا بِـقَـوْلِـيَ الـمُـخَـالِـفِ الأَخْــبَـارَا
    4. وَ ( أَحْـمَدٌ ) قَالَ لَـهُمْ لَا تَـكْـتُـبُوا مَـا قُلْـتُـهُ بَلْ أَصْلُ ذَاكَ فَـاطْـلُـبُوا
    5. فَانْظُـرْ لِـمَـا قَـالَ الـهُدَاةُ الأَرْبَعَهْ وَاعْـمَلْ بِـهَا فَإِنَّ فِـيهَا مَنْـفَـعَـهْ
    6. لِـقَـمْـعِـهَـا لِـكُلِّ ذِي تَعَصُّبِ وَالـمُنْصِفُونِ يَكْتَـفُونَ بِالنَّـبِيْ
    هذه الأبيات للع+لامة المحدث الشيخ صالح الفلاني، من فقهاء المالكية، من أهل المدينة،
    1. Abuu xaniifa Allaha u naxariistee wuxuu yiri: -
    Uma bannaana qof islaanimo sheeganaya in uu qaato warkayga illaa uu u bandhigo xaddiithka iyo kitaabka quraanka.
    2. Imaamu Maalik Allaha u naxariistee wuxuu yiri :-
    Isagoo farta ku fiiqaya qabriga rasuulka sallalaahu calayhi wasallam hadal kasta oo uu qof yiraado wuu saxmi karaa wuuna qaldami karaa (oo qof oo macsuum ah ma jiro) marka laga reebo rasuulka sallalaahu calayhi wasallam.
    3. Imaamu Shaafici Allaha u naxariistee wuxuu yiri :-
    Haddaad aragtaan hadalkeyga oo khilaafaya xaddiithka rasuulka sallalaahu calayhi wasallam , darbiga ku dhufta hadalka aan ku khilaafay xaddithka.
    4. Imaamu Axmed Allaha u naxariistee wuxuu yiri :-
    Ha qorina wax walbo oo aan iraahdo ee asalka (xaddiithka iyo quraanka) meesha cuskanayo raadiya.
    5. Bal u fiirso hadalka ay yiraahdeen aimada 4ta math-habood, sidaas ku camal fal waxaa ku jiro faa’iidee.
    6. Si loo dulleeyo qof kasta oo qof kale ku tacasuba (cilmi la’aan qof kale iska raaca).
    Kuwa wanaagsan waa kuwa ku kaaftooma hadalka iyo ficilka nabiga sallalaahu calayhi wasallam .
    Waxaa waajib ah qof kasta oo uu Alle siiyey cilmi iyo aragti diimeed in uusan aqbalin wax aan daliil cad oo quraanka iyo xaddiithka aanan laheyn marba haddii uu xaqa u caddaadana uusan sheekh iyo math-hab toona ku raacin wixii sunnada khilaafsan, waana arrin ay culumada isku raaceen.
    Laakin qofkii aanan cilmi iyo aragti diimeed lahayn waxaa ku filan in uu raaco sheekhiisa, haddii uu badbaadana la badbaado haddii uu dhumana la dhumo illeen isagaa wax baran waayee!.

ความคิดเห็น •