Xaaskaaga oo Qaawan

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 21 ต.ค. 2023
  • Xaaskaaga oo qaawan.
    Culumadu waxay dhihi jireen sawirada waa xaaraan, maanta sawiradii xalaal ayey noqdeen oo noloshii ayeyba ka mid noqdeen, waxaaba hadda la sii banneeyey in xaaskaaga oo qaawan iyo ninkeeda oo qaawan isa sawiri karaan fiidiyowna iska duubi karaan iyagoo xubintooda taranka ku falaadaya si ay u kala shahwo gutaan.
    Soomalidu waxay dhahdaa 2 ba is qabta colna ma aha nabadna ma aha, haddii marka nabadda la yahay sawiro iyo fiidiyow la iska duubo iyadoo la kala maqan yahay si loo kala shahwo guto, maxaa diidaya marka la isku xanaaqo weliba la is furo in isku xumayn darteed in baraha bulshada la soo dhigo.
    Gabdhihii asturnaa ee xittaa wejigeeda la arki kari la’aa in qof kasta naasaheeda iyo farjigeeda uu ku daawada gurigiisa, ama la arko akhyaar iyo culumo xubintooda taranka lulaya si ay u shahwo gutaan, hadhawna dhahaan lammaanaheyga ayaa iga duubay xilli aan is jeclayn haddase aan is furnay.
    Waxaan akhriyey qoraal ay BBC-da soo dhigtay oo ay leedahay sheekh umal ayaa arrintaas banneeyey, sheekha macsuum ma aha waa uu khaldami karaa, arrintaani waxay keenaysaa billaabashada fasahaad aanan hadda jirin, ee haddii uu sheekha warkaas yiri oo ay dhab tahay si looga hartago in uu fasahaadkaasi dhaco hadda ka noqdo.
    Haddii kale walaalo badan oo asturnaa oo wiilal iyo gabdhaba leh ayaa lagu arki doonaa baraha bulshada iyagoo xubintooda taranka ku falaadaya si ay u shahwo gutaan lehna sheekh umal ayaa banneeyey.
    Waxaadna u malaysaa fasahaad uu sheegay nabiga sallalaahu calayhi wasallam in guri kasta oo muslim ah uu geli doono.
    Kheyrka Allaha ina wada waafajiyo.

ความคิดเห็น •