Asalka 72da firaq ee Ehlu Naarka

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 26 พ.ย. 2023
  • Asalka 72da firqo ee Ehlu naarka.
    Imaam Cabdullaahi bin Al-Mubarak allaah ha u naxariistee wuxuu yiri:
    Asalka 72da firqo ee Ehlu naarka waxay hoos yimaadaan 4taan hawo (damac) ama firqo, firqo kastana waxaa ka sii hoos dhasha 18 firaq oo kale 4 x 18 = 72.
    1. Al-Qadariya. Wixii dhaca qadar Alle kuma dhacaan ee markii ay dhacaan kadib ayuu Alle ogaadaa.
    2. Al-Murjia. Iimaanka waa rumeyn bes ah camal lagama rabo qofka.
    3. Al-Shiica. Cali bin Abii dhaalib ayey ka hormariyeen 3dii khulafada
    4. Al-Khawaarij. Waxay gaalaysiiyaan dadka dembiyada waaweyn gala.
    • Qofkii aaminsan in wax kasta oo kheyr ama shar ah ay ku dhacaan qadar Alle, Allena qofkii uu doono hanuuniyo qofkii uu doodanana dhumiyo, qadariya-nimo wuu ka baxay kor iyo hoos.
    • Qofkii yiraahda iimaanka waa hadal iyo camal wada jira, dhaacada ku siyaada xumaantana ku nusqaama murji’animo wuu ka baxay kor iyo hoos.
    • Qofkii saxaabada nabiga sallalaahu calayhi wasallam ugu hor mariyo Abubakar, Cumar, Cusmaan kadibna Cali inta kalena wanaag ku sheega una wada duceeya shiicanimo wuu ka baxay kor iyo hoos.
    • Qofkii ku daba tukada qof Baarri ah iyo qof Faajir ah, lana jihaada madaxweyne kasta, diidana in uu ka baxdo dawladda lana dagaalamo isla dawladda, taas bedelkeeda uu ugu duceeyo wanaag khawaarijnimo wuu ka baxay kor iyo hoos.
    Intaas qofkii ah waa ehlu sunna.
    Xigasho: kitaabka sharxu sunnah Lilbarbahaari.
    وكل ما أحدثه أهل البدع ... فبدعة مضلة لا تتبع
    والبدع الأصول فاعلم أربعه ... قول الشراة مذهب ما أشنعه
    أخسس بهم وما به قد جاءوا ... والرفض والقدر والإرجاء
    وكل فرقة فقد تفرقت ... على ثمان عشرة تمزقت
    فاستكملت صدقا بغير مين ... فرقهم سبعين واثنتين
    وهي التي في مسند الأخبار ... بأنها بجمعها في النار
    كذا رويناه عن اولينا ... فالزم هديت الواضح المبينا
    الأرجوزة المنبهة على أسماء القرّاء والرواة

ความคิดเห็น •