Qiso: Midda idiin kugu gacan dheer

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 28 ธ.ค. 2023
  • Qiso: Midda idiin kugu gacan dheer!
    Caa’isha Allaha ka raalli noqdee waxay tiri Qaar ka mid ah xaasaskii nebiga sallalaahu calayhi wasallam ayaa nebiga ku yiri geeridaada kadib teebaa u soo hor dhimanayso oo ku soo haleeli doonta? Wuxuu yiri midda idiin kugu gacan dheer!.
    Caa’isha waxay tiri markii uu geeriyooday ka dib ayaan guri isugu nimid oo derbiga ku cabbirnay gacmaheenna ama ul bakooro ah ayaan ku cabbirnay si aan u ogaano midda inoogu gacan dheer, waxaa inoogu gacan dheeraatay Sowda bintu Zamca.
    Khilaafadii cumar bin khadhaab ayaa waxaa iinoogu hor geeriyootay Zeynaba bintu Jaxshin wey gaabnayd mana inoogu gacan dheereyn laakiin waxay ahayd gabar farsamayaqaan ah oo shaqeysata dharka gacanteeda ku tosha oo iibisa ka dibna masaakiinta iyo qaraabada wax ku saddaqeysata, waxaana ogaannay in gacanta dheer ee uu nabiga sallalaahu calayhi wasallam sheegay in ay tahay tan ugu saddaqada badan.
    Xigasho: Xaddiith ay werinayan Bukhaari iyo Muslim
    1. Faa’iida saddaqada in ay qofka ka dhigayso mid dadka ugu wanaagsan.
    2. Fadliga Zeynab bintu Jaxshin.
    3. In haddalka macnihiisa iyo waxa loola jeedo la qaadanayo ee sida loo yiri un aan loo qaadanaynin.
    4. In ay tahay calaamad ka mid ah calaamadaha nebinimada.
    Ma shaqeysataa si aad wax u saddaqeysato?
    Ma gacan dheertahay mise waad gacan gaaban tahay? Adiga ayaa is og!!

ความคิดเห็น •