Warqad ka timid gabar la furay

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 30 เม.ย. 2024
  • Warqad ka timid gabar la furay oo ku socota gabdhaha la qaba!
    Waxaan ahey gabar laba wiil lagu soo furay, sababta furriinkeyga waxay aheyd ninkeyga ayaa igu yiri waxaan rabaa in aan gabar kale guursado, waan xanaaqay waxaan isaga tegay gurigaygii waxaan aaday gurigeennii, wuxuu u yimid reerkeenni wuxuuna iga baryey inaan gurigeyga ku soo noqdo waanse diiday, waxaan dacwo furriin ah u gudbiyay maxkamadda isagiina waa uu diiday furriinka laakiin maxkamaddii ayaa xukuntay furrinkii waana la i furay.
    Toddobaadyo ka dib wuxuu aroosay gabadhii aan arooskeeda u diidanaa wuxuuna hadda ku jiraa aroos, halka aniga aan ku khasbanaaday in aan shaqo aado si aan ilmaha u korsado, waxaana noqday adeegto shaqeyso subixii illaa makhribkii, waxaa iga dayacmay wiilashii waxaan ku noolaan jiray cizzi iyo sharaf maantase adeegto iyo dullinimo ayaan ku noolahay waxaana sabab u ah kibirkeygii iyo isla weynigeygii.
    Allah! Haddaan sabri lahaa haba iska guursadee waxaan wada joogi laheyn ninkeyga waxaan daryeeli lahaa oo ku dedaali lahaa wiilashayda, nasiib darro fursaddaasi wey i dhaaftay aadbaan uga shallaayey.
    Wallaahi waxaan hadda jeclaan lahaa in aan ninkeyga dib iigu soo laabto si aan u noqdo xaaskiisa labaad, waxaanse ogahay in uusan iga yeelaynin waxa aan ku sameeyey dartood.
    Sidaa darteed waxaan ugu naseexaynayaa gabdhaha la qabo in haddii ninkooda doonayo guur labaad aysan u diidin ayna ku fikirin in la furo, waayo cid u turayso ma leh bulshada iyo ehelkeedaba waxayna leeyihiin waa garoob xun oo wixii lagu soo furay ayey qabtaa.
    Gabdhaha la qabow ku sabro arrintaas ajjir iyo wanaag alle agtiisa ku xisaabsada ee ha raacina dariiqa shaydhaanka si aad u guulaysataan goor walba iyo goob walba.
    رسالة من اخت مطلقة للأخوات المتزوجات 👇
    ----------------
    تقول: انا مطلقة وعندي ولدين قصتي مع الطلاق هو ان زوجي قال لي انه يريد التعدد فغضبت وتركت المنزل وجاء عند اهلي وطلب مني الرجوع للبيت فلم اوافق
    ورفعت عليه دعوة بطلاق الشقاق وهو لم يرغب في طلاق
    فحكمت المحكمة بالطلاق،
    من بعد اسابيع سمعته تزوج الفتاة التي كان تكلم عليها معي والان يعيش حياته مع زوجته
    وانا اجبرت على الخروج للعمل بعدما كنت في بيتي معززة مكرمة
    حاليا اخدم من الساعة السادسة صباحا الى السادسة مساءا
    أصبحت مهملة للأبنائي...
    والسبب هو التكبر والانانية
    لو كنت صبرت وتزوج زوجي ثانية سوف اكون مجتمعة مع زوجي واحافظ على ابنائي واحرص عليهم ولكن فات الاوان وندمت كثيرا
    والله اريد حاليا ان ارجع لزوجي
    كي اكون انا #الزوجة_الثانية
    ولكن اعلم انه لن يوافق على ما فعلت به لذالك انصح كل متزوجة زوجها يريد ان يتزوج عليها ان لا تمنعه ولا تفكر في الطلاق
    لأنها لن يرحمها اهلها ولا المجتمع....
    يا ايها المتزوجات عليكن باحتساب الأجر والثواب خير من اتباع طريق الشيطان .
    والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

ความคิดเห็น •