Geeridii Wazeerad Khadiijo

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 20 ธ.ค. 2023
  • Geerida Waziirad Khadiijo.
    Waziirad Khadiijo Maxamed Diiriye Allaha u naxariisto waxay jabuuti u tagtay in ay ka qeybgasho shirka Heritage oo jabuuti lagu qabanayey iyada iyo mas’uuliyiin kale geerideeda waxaa inoogu jirta cibro qaadasho weyn maadama ay aheyd geeri kedo ah waxay 20kii sano xilal muhiim ah ka haysay dawladda soomaaliya waxay ahayd maamo nicmaysan waxaase asiibtay geeri degdeg ah oo aad looga wada naxay.
    Alle wuxuu leeyahay:
    أَفَرَأَيْتَ إِن مَّتَّعْنَاهُمْ سِنِينَ (205( ثُمَّ جَاءَهُم مَّا كَانُوا يُوعَدُونَ (206) مَا أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا يُمَتَّعُونَ (207(
    Bal ka waran haddaan u raaxayno sanooyin (Mansab, dhaqaalo iyo adduun siino), kadiba uu u yimaado wixii loogu gooddiyey iyo geerida, muxuu uga tarayaa xaggooda wixii loogu raaxeeyey mansabkii dhaqaalihii iyo adduunkiiba oo markaasi uu yiraahdo
    مَا أَغْنَىٰ عَنِّي مَالِيَهْ ۜ (28) هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَهْ (29(
    Hooggayega ee waxba iima tarin xoolihii iyo mansabkii
    Waxaan hubaa haddii ay maanta soo noolaan laheyd in saddaqeysan lahayd hanti kasta oo ay leedahay sida uu Alle quraanka inoogu sheegay.
    وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ (10(
    Haddaba mas’uulintii kala qeybgalaysay shirka Maamada, ha ogaadaan in qofka marka uu dhinto karfan aan jeeb laheyn oo keliya uu kala tegayo adduunka, lacagta accounka, midda shirkadaha iyo mid dhulalka oo dhan uu ka tegayo oo ay dadkale qaadanayaan xisaabteeda qabriga ku sugayso.
    Waxaan idin xasuusinaya in maanka aad meesha ku shiilaysaan aad ku dhistaan buundooyinkii ku burburay roobabkii dayrta gaar ahaan tii baardheere iyo tii buurdhuubo, lacagta shirka ku baxayso haddii loo weecin lahaa dhismaha buundooyinkaas wax weyn ayey ka qaban lahayd.
    Maamada Allaha u naxarisito denbigeedana allaha dhaafo waxaan carruurteeda iyo qaraabadeeda xasuusinayaa in ay maamada u sameeyaan sadaqo jaariya gaar ahaan baahida loo qabo dhismaha buundooyinkaas oo marka la dhiso qof kasta oo dul maro ajirkeeda uu qabriga ku gaarayo. In aysan geel laqalqalo oo dad xildhibano iyo wasiiro dheregsan cunaan aysan ka fikirin ee ka fekiraan sadaqa jaariya u soconayso sanooyin badan sida dhisamaha buundooyinkaas oo kale.
    Waxaan xasuusinayaa dadka madaxda ah iyo kuwa dhaqaalaha haysta ee ka mashquulay salaadda weglo ay qaadi jireen culumadii hore ee aheyd
    Xaliim Rabbi waaye xabaasha dayaay naftiina xoreeya salaad xafidaay.

ความคิดเห็น •