4ta Saxaabi ee Quraanka...

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 30 พ.ย. 2023
  • 4ta saxaabi ee Quraanka.
    4ta saxaabi uu quraanka kulmiyey iskuna wada keenay xilligii uu nool rasuulka sallalaahu calayhi wasallam waxay kala ahayeen.
    1. Ubayyi bin Kacab.
    2. Zeyd bin Thaabit.
    3. Macaad bin Jabal.
    4. Qeys bin Sakni - Abuu Yaziid Al- Ansaari
    4tuba waxay ahaayeen Ansaar isla markaana 4tuba waxay ansaar ka sii wada ahaayeen Khazraj, Alle ayaa fadligaas u doortay, sida ku sugan saxiixeynka, karaamee 4tuba nafteenaba allaha ku furtee, kana dhex baro saxaabada kale allaha ka wada raalli noqdee.
    Culumada ayaa waxay ka diyaariyeen tix gabay ah oo aad u macaan : -
    وعدد الصحابة الذين ... قد جمعوا كتابه المبين
    وأكملوه والرسول حي ... أربعة أقرؤهم أبي
    وزيد بن ثابت وابن جبل ... وقيس الذي به قد انكمل
    عددهم وكلهم أنصار ... حباهم بذلك الجبار
    كذا أتى في مسند الآثار ... عن أنس بن مالك الأنصار
    بأنهم أربعة سواء ... أكرم بهم نفسي لهم فداء
    في الصحيحين عن أنس بن مالك - رضي الله عنه - قال: جمع القرآن الكريم على عهد ﷺ أربعة كلهم من الأنصار؛ أبي بن كعب، ومعاذ بن جبل، وزيد بن ثابت.
    Waxaan u hadyeey kelmaddaan ehlu quraanka Allaha wada dhowree.

ความคิดเห็น •