Qiso: Ummad Cadaabkii laga dulqaaday

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 14 ก.ย. 2023
  • Qiso: Ummad cadaabkii laga dulqaaday.
    ﴿فَلَوۡلَا كَانَتۡ قَرۡیَةٌ ءَامَنَتۡ فَنَفَعَهَاۤ إِیمَـٰنُهَاۤ إِلَّا قَوۡمَ یُونُسَ لَمَّاۤ ءَامَنُوا۟ كَشَفۡنَا عَنۡهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡیِ فِی ٱلۡحَیَوٰةِ ٱلدُّنۡیَا وَمَتَّعۡنَـٰهُمۡ إِلَىٰ حِینࣲ﴾ [يونس ٩٨]
    Ummad markii uu cadaabka u yimid oo tawbad keentay towbadiina laga aqbalay cadaabkiina laga qaaday waxaa ka jirta oo keliya umaddii nebi yuunis calayhi salaam.
    Qowmkii loo diray nebi Yusunis waxay deganaayeen Neynawi oo ku taallo dhulka mowsil ee dalka Ciraaq, wuxuu ugu yeeray in ay Alle rumeeyaan wey diideen, nabiga waxaa loo waxyooday in uu u sheego in uu cadaab berri subax ku billaabanayo uuna soconayo 3 maalmood, wuu u sheegay.
    Waxay is yiraahdeen weligiis been ma sheeginee haddii uu caawa idin dhex baryo waxba ma jiraan haddiise uusan caawa magaalada baryin ogaada iyo uu cadaabka berri subaxba uu billaabanayo.
    Markii la gaaray habeen barkii ayuu nebiga yoonis magaalada ka baxay, markii ay waa bariisteen waxay arkeen cadaabkii oo dul jooga, daruur madoow oo qiiq daran qiiqayso aadna ugu soo dhawaatay ayaa magaaladii ka habsatay markaaseey hubsadeen in la cadaabayo, nebi yuunis ayey gurigiisa ka raadiyeen weyna soo waayeen wuxuu alle quluubtooda ku riday towbad keen waxay u baxeen bannaanka iyaga, xaasaskoodii, carruurtoodii iyo xoolahoodii waxay xirteen dharkii culumada waxay muujiyeen iimaan iyo towbad keen waxay kala geeyeen hooyo kasta iyo ubadkii ay dhashay dad iyo xoolaba illaa ay isku soo ololaan waxaa isku duba dhacday oohintii waxaa kor u kacay dhawaqoodii waxaa isku dhex darsamay qeylidoodii alle ayey baryeen iyagoo wada oynaya waxayna yiraahdeen Allow waxaan rumannay wixii uu inoola yimid Nebi Yuunis.
    Kadib Alle wuu u naxariistay towbadii wuu ka aqbalay cadaabkii wuu ka qaaday waxayna ahayd maalintii 10aad ee bisha zeko (Yowmu Caashuuraa).
    Nebi yuunus waa tii uu horey magaalada uga baxay wuxuu sugayey cadaabkooda, wuxuuna arkay in wax cdaab ah uusan dhicin, waxaana magaalada ka jiray xeer ah qofkii been cad sheego in la dilo, wuxuu is yiri marka sideed ugu noqonaysaa magaalada adigoo been u sheegay saw lagu dili maayo, markaasuu sii baxay isagoo la dagaashan Allihiis una caraysan qowmkisii wuxuu yimid badda wuxuuna la kulmay Doon raran oo dhaqaaqi rabto wey aqoonsadeen lacag la’aan ayeyna ku qaadeen markii ay badda dhexdeeda tagtay ayey istaagtay doontii horey iyo gadaalba u socon weydey dadkii waxay yiraahdeen maanta doonteena caadi ma ahan! Nabi Yunis ayaa wuxuu yiri waxaa doonta saaran nin dembi weyn leh! waxay yiraahdeen waa kuma? Wuxuu yiri waa aniga ee badda igu tuura! Waxay yiraahdeen maya! Waan qoryo tuuranaynaa 3dii jeer ee la tuurtayba qorigii wuxuu ku soo baxay isaga sidaas ayaana baddii loogu tuuray doontiina wey socotay waxaa markiiba liqay Nibiri weyn, nibirigaas oo uu alle u waxyooday oo ku yiri Yuunis cunno kaagama dhigin ee waxba ha gaarsiinin waxaan calooshaada uga dhigay xabsi iyo masaajid ee.
    Nibirigii wuxuu la aaday gunta hoose ee badda wuxuuna calooshiisa ku jiray 40 habeen, wuxuu u maleeyey in uu dhintay markii uu ogaaday in uu noolyahay ayuu salaad u istaagay wuxuuna yiri Allow waxaan ku tukuday meel uusan qof kale ku tukan karin, kadib wuxuu maqlay guuxa tasbiixda uunka badda ku jira kadibna wuxuu yiri
    ( لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنْتُ مِنَ الظَّالِمِينَ)
    Markaasuu Alle u naxariistay kana soo saaray xabsigii caloosha nibiraga.
    Wuxuu Alle ku cafiyey uguna naxarisitay, ducaadaas iyo in markii hore uu ahaa nebi tasbiix badan.
    فلولا أنه كان من المسبحين * للبث في بطنه إلىٰ يوم يبعثون
    Yunis hadduusan ahaan laheyn qof tasbiix badan caloosha nibiriga ayuu ku jiri lahaa illaa maalinta qiyaamo - ogaado tasbiixda waa badbaado.
    Xigasho: Tafsiirka Baqawi - aayadda kore hoosteeda

ความคิดเห็น •