Qiso: waxaan jeclaaday in uu aabbahey maalin dhergo geeridiisa ka hor

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 5 ต.ค. 2024
  • Qiso: Waxaan tamaninayey (jeclaaday) in uu aabaheey maalin dhergo inta uusan dhiman ka hor.
    In badan oo dadka ka mid ah marka ay bixinayaan zekada xoolahooda waxay ku adkaystaan in ay siiyaan agoomaha iyo garoobada.
    Haddaba ma saxbaa in aabbayaashu baahi iyo cuduro u dhintaan si carruurtooda iyo xaasaskooda wax loo siiyo geeridooda ka dib? Bal qisadaan ila arka !
    Gabar ayaa waxay tiri waxaan ahayn arday gabdho ah oo dhigto dugsi sare, waqtiga bareegga waxaan isku darsan jirnay quraacdeena hal meel ayaana wax ku wada cuni jirnay, waxaa jirtay gabar miskiin ah oo iyadu aanan waxba keenin laakin wax nala cunta sidaas ayaan ahayn illaa la gaaray xilligii aan dhammayn lahayn dugsiga sare, waxaa geeriyooday gabadhii aabbaheed ka dib xaalka gabadha wuu is bedelay waxaana ku arkay dhar quruxsan, nolol quruxsan iyo in weliba ay quraac keento, waxaan is iri armay aabbaheed ka xolo dhaxleen.
    Waan la fariistay waana waraystay isbedelkaan aan ku arkay waxa uu yahay? Inta ay gacanteyda qabatay ayey oysay ! waxayna igu tiri Allaan ku dhaartee casho la’aan iyo gaajo ayaan ku seexan jirnay habeenadii, waxaana sugayey in subixii aan idinka idin la quraacdo gaajada ihayso darteed, hooyadey muufo jajab ah oo qalalan ayey ilmaha meel ugu qarin jirtay si ay quraac uga dhigto.
    Laakiin hadda markii uu aabbahay dhintay dhammaan qaraabadi, macrifadii iyo saaxiibadii waxay noqdeen kuwa naga fikira oo na caawiya maadama aan agoomo noqonay, waxaanse jeclaan lahaa in uu aabaheey maalin dhergo inta uusan dhiman ka hor iyadoo illinta ay ka hoorayso, waayo qaraabadayda iyo saaxiibadenna ma aysan ogaanin in aan nahay dad fuqaro ah oo dhibaataysan illaa uu aabbaheey ka geeriyooday --- iyadoo aad u ilmaynayso.
    Haddaba ma saxbaa inaan sugno inta uu aabbaha ka geeriyoodo si aan agoonta iyo xaasaska uu ka tago u caawinno.
    Ka warqaba xaalka qaraabadiina, xaalka saaxiibadiina iyo xaalka deriskiina waxaa ka buuxo kuwa aan casho heli karin dadkana aan baryin oo wax isii dhihi karin Allena uu quraanka ku sheegay (يحسبهم الجاهل أغنياء من التعفف).
    Ogaw in aad muraadkiisa fuliso waxaa kaaga weyn inaad adiga muraadkaaga hesho.
    Nabiga wuxuu yiri sallalaahu calayhi wasallam Unaxariista addoomada Alle, Alle ha idiin naxarisitee !
    إرحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء.

ความคิดเห็น • 6