Qiso: Gabdho Dhakhaatiir ah

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 7 ธ.ค. 2023
  • Qiso: Gabdho Dhakhaatiir ah!
    Ibnu Jowzi Allaha u naxariistee kitaabkiisa Al-Athkiyaa wuxuu ku sheegay in Bashar bin Fadli uu yiri xajj ayaan u safarnay waxaan soo marnay ceel ka mid ah ceel biyoodyada carabta waxaa la inoo sheegay in ay joogaan 3 gabdhood oo walaalo ah oo aad iyo aad u qurux badan oo dhakhaatiir loo bogay ah, waxaan jeclaysannay in aan aragno si aan ugu galno xaruntooda waxaan qori lugta (saaqa) uga xoqnay nin inaga mid ahaa oo aan dhiig ka keennay, waan xambaarnay gabdhihii ayaan ula galnay waxaana ku niri waa la qaniinay ee noo daaweeya! Waxaa noo soo baxday gabadhii u yareyd oo aad quruxdeeda moodo qorrax soo baxaysa oo kale wey fiirisay lugtii dhiigaysay! Waxayna tiri qaniinyo ma ahan waxaan! Waxaan ku niri oo waa maxay marka? Waxay tiri waxaa xagtay qori ay ku kaadisay abeeso lab ah! Waxaana daliil u ah marka ay qorraxda soo baxdo ayuu dhimanayaa!
    Markii ay qorraxda soo baxdayna wuu dhintay aad ayaan ula yaabnay arrintaas.
    Xigasho: Kutubta Al-Athkiyaa iyo Xayatul Xayawaan Al-Kubraa.

ความคิดเห็น •