Qiso: Naxdin iyo Farxad wada leh

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 12 ก.ย. 2023
  • Qiso: Naxdin iyo Farxad wada leh.
    Nin ayaa safar diyaaraded ku qornaa waxyar ayuu soo daahay markuu yimid airoportigii ayey diyaaraddii horey ka kacday aad u naxay aad ayuu uga xumaaday aad ayuuna u murogooday heer miyiri dabool uu ku dhawaado.
    Kadib waxaa la arkay isagoo aad u faraxsan oo Alxamdu Lilaahi ku haya markii la weydiiyey wuxuu yiri diyaaraddii ayaa shil gashay dadkii saarnaa oo dhan waa ay wada dhinteen, waxaan hubsaday in uu Alle i badbaadiyey oo uu ijeclaa.
    Gabyaa ayaa wuxuu yiri:
    "ويكتب اللهُ خيرًا أنت تجهلهُ وظاهرُ الأمرِ حرمانٌ من النعمِ
    ولو علمت مراد الله من عِوضٍ لقلتَ حمدًا إلهي واسع الكرمِ
    فسلّم الأمرَ للرحمن وارضَ بهِ هو البصيرُ بحالِ العبد من ألمِ."
    1. Alle wuxuu kuu qorayaa kheyr aadan ogayn.
    2. Laakiin adiga kuula muuqdo arrin aad wax ku waayeyso.
    3. Haddaadse ogaan lahayd muraadka alle ee uu wax kuugu bedelayo
    4. Waxaad oran lahayd Alxamdu Lillaah Allow deeqdaada badanaa.
    5. Arrintaada Alle u daa kuna raalli noqo
    6. Isaga ayaa og xaalka addoomadiisa iyo wixii u daran
    قال الحسن البصري:
    لا تكرهوا البلايا الواقعة والنقمات الحادثة؛ فلرُبّ أمر تكرهه فيه نجاتك ولرُبّ أمر تؤثره فيه هلاكك!
    Ha dhibsanina wixii dhib ah ee idin ku dhoco waxaa laga yaabaa arrin aad dhibsanayso in ay badbaadadaada tahay e, haddii aad qeybka ogaan laheydna waxaad dooran lahayd waxa uu alle kuu dooray.
    Alle wuxuu yiri:
    وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ
    Waxaa laga yaabaa in shay aad nacaysaan uu idinka kheyr idiin yahay.

ความคิดเห็น •