Digniin: Iskajir dadka kugu hoos nool

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 ก.ค. 2024
  • Digniin: Iska jir dadka kugu hoos nool!
    Nin asxaabtii nebiga sallalaahu calayhi wasallam ka mid ah ayaa rasuulka soo hor fariistay wuxuuna ku yiri rasuulkii Allow waxaan leeyahay 2 addoomo oo ii shaqeeyo, been ayey ii sheegaan wey i khiyaamaan, weyna igu caasiyaan kadib waan garaacaa waana caayaa ee ka waran xaalkeenna Alle agtiisa?
    Rasuula wuxuu yiri sallalaahu calayhi wasallam : waa laguu xisaabinayaa wixii ay kaa khiyaameen, wixii ay kaaga beensheegeen iyo wixii kugu caasiyeen, garaacii aad garaacday iyo caaydii aad caaydayna waa la xisaabinayaa.
    Haddii garaacaagii iyo caaydaadii ay ka denbi yaraadaan wixii ay kuu geysteen xaqaaga waa lagaaga qaadayaa.
    Haddii dhibkii aad u geysatay iyo kii ay kuu geysteen ay isla ekaadaan waxba kuma lihid iyagana waxba kuguma laha.
    Haddiise dhibka aad u geysato uu ka weynaado midkii ay kuu geysteen xaqooda waa lagaa qaadayaa qisaas ahaan.
    Ninkii wuxuu billaabay in uu ku hor ooyo rasuulka sallalaahu calayhi wasallam oo qeyliyo.
    Rasuulka sallalaahu calayhi wasallam ayaa markaas wuxuu yiri muxuu la oynayaa saw ma uusan akhrin kitaabka Alle,
    ﴿وَنَضَعُ الْمَوَازِينَ الْقِسْطَ لِيَوْمِ الْقِيَامَةِ فَلا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا وَإِنْ كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا وَكَفَى بِنَا حَاسِبِينَ﴾
    Waxaan u dejinaynaa miisaanka caddaaladda maalinta qiyaamo, qofna waxba lagama dulminayo wax yarba allaha ka dhigee (xabbatul khardal) oo waan siinaynaa innagaana xisaabiye ugu filan.
    Wuxuu yiri ninkii oynayey: Rasuulkii Allow wax ka wanaagsan in aan xoreeyo ma ogiye wax kale ma hayee, marqaati ii noqo waan xoreeyey dhammaantoode.
    Xigasho: Tafsiirta Ibnu Kathiir iyo Baqawi, Musnad Imamu Axmed.
    Iska jir inaad dulmiso dadka kugu hoos nool sida xaaskaaga, shaqaalaha, adeegaha, carruurtaada iwm. Ogaw maalinta qiyaamo wixii yar iyo wixii weynba waa la xisaabinayaa.
    Sida ku qoran tafsiirka Dhabari Cabdullahi bin Mascuud wuxuu yiri Allaha ka raalli noqdee: -
    Waa la xisaabinayaa dadka maalinta qiyaamo, qofkii uu wanaaggiisa ka bato xumaantiisa 1 xabbo jannada ayuu gelayaa. qofkii ay xumaantiisa ka badato wanaaggiisa 1 xabbo Naarta ayuu gelayaa.
    Maalinta qiyaamo wixii yar iyo wixii weynba waa la xisaabinayaa qofkii wax dulmiyey dharbaaxaba allaha ka dhigee kama gudbayo buundada naarta jahannamo ilaa laga aargudo oo laga qisaaso.
    Xaddiitkha wuxuu tilmaamay sida ay saxaabada naarta uga cabsan jireen uguna dedaali jireen sida ay uga badbaadi lahaayeen.
    In qof kasta wixii uu geystay uu cadaabkiisa noqonayo.
    In miisaan lagu miisaamayo acmaasha dadka.
    Allaha ina wada badbaadiyo, Janno aan cadaab ka horreyna Allaha ina wada geeyo, Ducadana Allaha inaga wada aqbalo Aamiin.

ความคิดเห็น •