Fursadda weyn ee Ganacsatada

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 10 ส.ค. 2023
  • Fursadda weyn ee Ganacsatada.
    Qofki deymiya qof kale lacag oo muddo u qabta kana suga muddadaas wuxuu leeyahay ajir ah isagoo saddaqeystay in la eg intii uu deymiyey maalin walba.
    Marka ay dhammaato muddada haddii uu iska bixin kari waayo deyntii oo uu ka suga muddo kalena u qabta wuxuu leeyahay ajir ah isagoo saddaqeystay laban laab intii uu deymiyey in la eg maalin walba.
    Tusaale:-
    Haddii uu qof qof kale deymiyo 1000$ muddo 1sano ahna uu u qabto intii ay halkaas sano ka dhammaanayso wuxuu la mid yahay isaga oo sadaqeystay maalin walba 1000$.
    Haddii ay halkii sano dhamaato oo uu iska bixin kari waayo culays dhaqaale darted oo muddo kale uu ugu daro kana sugo wuxuu la mid yahay isaga oo sadaqeystay maalin walba 2000$.
    عن بُريدةُ بن الحصيب الأسلميُّ رضِيَ اللهُ عنه - قالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: )مَنْ أَنْظَرَ مُعْسِرًا فَلَهُ بِكُلِّ يَوْمٍ مِثْلِهِ صَدَقَةٌ(، قَالَ: ثُمَّ سَمِعْتُهُ يَقُولُ: (مَنْ أَنْظَرَ مُعْسِرًا فَلَهُ بِكُلِّ يَوْمٍ مِثْلَيْهِ صَدَقَةٌ(، قُلْتُ: سَمِعْتُكَ يَا رَسُولَ اللَّهِ تَقُولُ: «مَنْ أَنْظَرَ مُعْسِرًا فَلَهُ بِكُلِّ يَوْمٍ مِثْلِهِ صَدَقَةٌ»، ثُمَّ سَمِعْتُكَ تَقُولُ: «مَنْ أَنْظَرَ مُعْسِرًا فَلَهُ بِكُلِّ يَوْمٍ مِثْلَيْهِ صَدَقَةٌ»، قَالَ لَهُ: (بِكُلِّ يَوْمٍ صَدَقَةٌ قَبْلَ أَنْ يَحِلَّ الدَّيْنُ، فَإِذَا حَلَّ الدَّيْنُ فَأَنْظَرَهُ فَلَهُ بِكُلِّ يَوْمٍ مِثْلَيْهِ صَدَقَةٌ(.
    أخرجه ابن ماجه (2418) مختصراً، وأحمد (23046) باختلاف يسير.
    Shareecada Islaamka waxay aad ugu dedaashay in ay dhisto shacab is jecel oo walaalo ah isku xiran iskuna naxariista, waxayna tilmaanay abaalka weyn ee uu helayo qofkii qof dhaqaalo deymiya kana suga, ama qofkii khasaaray suga inta wuu wax ka helayo, taas oo uu Alle quraanka inoogu sheegay.
    وَإِن كَانَ ذُو عُسْرَةٍۢ فَنَظِرَةٌ إِلَىٰ مَيْسَرَةٍۢ ۚ وَأَن تَصَدَّقُواْ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ (البقرة - 280)
    Haddii deymaysanaha uusan awoodin in uu deynka iska bixiyo suga inta uu wax ka helayo, inaadse u dhaaftaan ayaa idiin kheyr badan haddaad ogtihiin fadliga aad arrintaas ka helaysaan, taasaana idiin fiican adduun iyo aakhiraba.

ความคิดเห็น •