Muraadkaaga Alle Weydiiso

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 พ.ค. 2024
  • Muraadkaaga Alle Weydiiso!
    Maryamo Bintu Cimraan waxaa kafaalo qaaday xilli ay abaar daran jirto Nebi Zekeriye oo habaryarteed qabay, mar alla marka uu nebi zekriye yimaado guriga wuxuu maryamo agteeda ka heli jiray risqi aan xilligaasi dalka laga heli jirin! wuxuu ku yiri maryamow risqigaan xaggee ayuu kaaga yimid waxay tiri Alle agtiisa, Alle wuu irsaaqaa qofkii uu doono xisaab la’aan.
    Alle oo arrintaas ka waramayana wuxuu yiri :
    ﴿ وَكَفَّلَهَا زَكَرِیَّاۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَیۡهَا زَكَرِیَّا ٱلۡمِحۡرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزۡقࣰاۖ قَالَ یَـٰمَرۡیَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَـٰذَاۖ قَالَتۡ هُوَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ إِنَّ ٱللَّهَ یَرۡزُقُ مَن یَشَاۤءُ بِغَیۡرِ حِسَابٍ﴾ [آل عمران ٣٧]
    Culumada waxay yiraahdaan Alle wuxuu ku irsaaqi jiray maryamo mirahada jannada iyada oo adduunka joogto, culamo kale waxay yiraahdeen wuxuu alle ku irsaaqi jiray miraha jiilaalka xilliga xagaaga sidoo kalena miraha xagaaga xilliga jiilaalka.
    Nebi zekeriye wuu arkay in ay maryamo karaamo leedahay oo ay awliyo tahay maadaama alle agtiisa laga irsaaqo weliba ay hesho irsaaqad aan markaas dalka laga heli karin.
    Sidaa darteed wuxuu hubsaday in uu Alle wax walba awoodo wax uusan awoodinna aysan jirin, sidoo kale wuxuu ogaaday in Alle cid ka xigto aysan jirin oo uu isagu toos u baryo wuuna baryey wuxuu Alle ka baryey in uu awlaad wanaagsan siiyo.
    Alle oo arrintaas ka waramayana wuxuu yiri :
    هُنَالِكَ دَعَا زَكَرِیَّا رَبَّهُۥۖ قَالَ رَبِّ هَبۡ لِی مِن لَّدُنكَ ذُرِّیَّةࣰ طَیِّبَةًۖ إِنَّكَ سَمِیعُ ٱلدُّعَاۤءِ ۝٣
    Malaa’iktii ayaa u dhawaaqday isagoo salaad ku jiro waxayna ugu bishaaraysay wiil, inta uu aad u farxay ayuu haddana Alle weydiiyey sida ay suurtagal u noqon karto maadama uu duqoobay xaaskiisana ay duqowday madhashana ay tahay ? Alle wuxuu ugu jawaabay, Alle wixii uu doono wuu sameeyaa wax uusan sameyn karinna ma jiraan.
    فَنَادَتۡهُ ٱلۡمَلَـٰۤىِٕكَةُ وَهُوَ قَاۤىِٕمࣱ یُصَلِّی فِی ٱلۡمِحۡرَابِ أَنَّ ٱللَّهَ یُبَشِّرُكَ بِیَحۡیَىٰ مُصَدِّقَۢا بِكَلِمَةࣲ مِّنَ ٱللَّهِ وَسَیِّدࣰا وَحَصُورࣰا وَنَبِیࣰّا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِینَ ۝٣٩ قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ یَكُونُ لِی غُلَـٰمࣱ وَقَدۡ بَلَغَنِیَ ٱلۡكِبَرُ وَٱمۡرَأَتِی عَاقِرࣱۖ قَالَ كَذَ ٰ⁠لِكَ ٱللَّهُ یَفۡعَلُ مَا یَشَاۤءُ ۝٤٠
    Waxaa kale oo uu Alle weydiiystay in uu siiyo calaamad uu ku garto in ay xaaskiisa uur qaadday? Wuxuuna Alle calaamaddii uga dhigay in uusan 3 maalmood dadka la hadlin xanuun la’aan uuna isticmaalo luqadda tilmaanta keliya. Waxaase la amray in uu digri badan la yimaado subax iyo galab laakin hadal kale uusan ku hadlin
    قَالَ رَبِّ ٱجۡعَل لِّیۤ ءَایَةࣰۖ قَالَ ءَایَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَـٰثَةَ أَیَّامٍ إِلَّا رَمۡزࣰاۗ وَٱذۡكُر رَّبَّكَ كَثِیرࣰا وَسَبِّحۡ بِٱلۡعَشِیِّ وَٱلۡإِبۡكَـٰرِ ۝٤١﴾ [آل عمران ٣٨-٤١]
    Faa’iidada ku jirtaan aaydahaan!
    1. In baryada Alle lagu dedaalo wax walbana lagu helayo.
    2. In haddii aad qof nicmo ku aragto.
    a. Aadan xasdin
    b. Aadan wax Weydiisan.
    3. In aad adigana muraadkaaga Alle weydiisato.
    4. In aan Alle cidna kaa xigin addoomadana u wada siman yihiin.
    5. In dadku aysan isku muraad aheyn.( Maryamo = Risqi, Nebi Zekeriye = Awlaad)
    6. In Alle wax walba uu awoodo, wax uusan awoodinna uusan jirin!
    7. In Alle uu na baray in aan isaga keliya wax weydiisanno si aan muraadkeenna u helno.
    8. In Alle uu nooga naxariisa badan yahay Aabbo, Hooyo iyo Dhammaan khalqiga oo dhan.
    9. In mar walba Digri badan lala yimaado oo aan marna la joojin si aan ugu shukrino nicamada uu alle na siiyey.
    10. Ballanteenna adduunka ha ahaato baryada Alle keliya, Ballanteenna akhirana Jannada allaha nagu wada kulmiyee cadaab la’aan.

ความคิดเห็น •