Qiso: Cajiib ah 120 jir

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 10 ต.ค. 2023
  • Qiso: Cajiib ah 120 jir.
    Sanadkii 1970 koox arday ah oo ka socotay jaamacadda Al-Najah ee magaalada Nablus ayaa raadiyay qofka ugu da’da weyn Falastiin si ay wareysi ula yeeshaan oo ay ugu qoraan joornaalka darbiga ee jaamacaddooda.
    Waxay magaalada Khaliil ka heleen oday da'diisu tahay 120 jir, wuxuuna dhashay qiyaastii 60 sano ka hor dagaalkii 1aad ee aduunka, kaas oo qarxay 1914kii, walina wuxuu lahaa xasuus iyo qaab dhismeed aad u adag.
    Ardaydii ayaa waydiisay: Adeer, nooga waran sheekadii ugu yaabka badnayd ee aad maqashay cimrigaaga dheer?
    Wuxuu ku yiri: waxaan idiinkaga sheekayn doonaa qisadii iigu yaabka badnayd ee noloshayda igu dhacday.
    Odaygii ayaa yiri: Anigoo 70 jir ah ayay xaaskaygii dhimatay, Ilaahayna wuxuu igu mannaystay toban carruur ah oo rag iyo dumarba leh, magaalada Khaliil waxaan ku lahaa dhulal aad u badan, hanti iyo lacag badan.
    Waxaan damcay in aan guursado naag labaad, isla markii ay carruurtaydii maqleen, way igu soo urureen, mid walbana waxa uu bilaabay in uu ii adeego oo ay i yiraahdaan wax kasta oo aad u baahan tahay annaga iyo xaasaskeena ayaa kuu qabanayno ee jooji guurka, Dabcan, waxaas oo dhan waa in aanay naag iyo carruur kale aysan u iman si ay ula qaybsadaan dhaxalkeyga geeridayda kadib.
    Waxay sameeyeen wax kasta oo ay iiga hor istaagi kareen in aan guursado iyaga oo ka baqaya in xaaskayga labaad iyo caruurteeda cusubi ay wax ka dhaxlaan saamigoodii ay sugayeen geeridayda kadib.
    Haddaba carruurtaydu waxay sugayaan geeridayda si ay u dhaxlaan hantidayda iyo lacagtayda.
    Laakin yaabka aan kaaga sheekayn doono ayaa ah in anigoo markaas ahaa 70 jir ilaa aan ka gaaray 80 jir ay wada geeriyoodeen carruurteyda si caadi ah oo dabiici ah wiil iyo gabarba 12kii biloodba mid ayaa dhimanayey oo dhammaantood waxaan ku wada aasay gacmahaygaan.
    Markaan 80 jirsaday oo aan dhal la’anka noqday ayaan guursaday naagtii labaad, oo maalintaas ilaa maantadan ayay ila joogtaa, Ilaahayna wuxuu iga siiyey toban carruur ah oo curdun ah, dhammaantoodna ilaa hadda way ila joogaan. Alxamdulilah.
    Waxay tani noqotay sheeko ay la yaabeen kana fajacisay ardadaydii.
    Haddaba ardeyda jaamacadaheenna ma sameeyaan waraysiyo ay la yeeshaan dadka da’da ah ee waayo badan soo joogay si looga helo xog badan oo dhaxal gal ah dadka intiisa badan aysan ogeyn gaar ahaan da’yarta maanta si looga faa’iidaysto??

ความคิดเห็น •