Xasan Geney & Maansaddii Dhaqan

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 8 ก.ย. 2024

ความคิดเห็น • 59

  • @hanadqalab-jaan803
    @hanadqalab-jaan803 8 ปีที่แล้ว +8

    Xasan ganay runtii waa abwaan lagu faano aadna waan uga danbeeyaa maansooyinkiisa iyo heesaha uu sameeyaba waa abwaan dhaganka aad iyo aad wax uga yagaana bawaan ilahay cimriga iyo cagligaba hakuu siyaadiyo

  • @yoonisgabal5461
    @yoonisgabal5461 3 ปีที่แล้ว +14

    dhoomaha sanaagoo
    daali ay ku dhawdoo
    dhool bari ku jiifsaday
    iyo dhibic mahiigaan
    marna dirir dhirbaaxiyo
    miiraale dhaqa iyo
    gudgudaha dhabaandhabay
    dhildhilada u bixiyoo
    dhaan nageeye ku onkaday
    mayayna uu ku dhagagsaday
    mid kalena dhab ugu da’ay
    dharagtooy camuuduna
    kobta dhiica godan iyo
    calcalyadu dhijaamaha
    dhacadiid u jiiftoo
    raha doobi dhaaliyo
    shinbiraha dhawaaqee
    dhawr nooc u ciyayana
    dhagtii maqashay jeceshahay
    oo daro dhanaantoo
    dhaashaday korkeediyo
    xarfo rays ay dhaadhiday
    xididkeedi dhuunyaday
    ka dharqaday biyaha iyo
    ubaxoo dhamaysoo
    dhambalaha cadaystiyo
    maadhu isku dheeliday
    baldhooluhuna kala dhacay
    dareemaduna dhuuxiyo
    kala dhilin caleentii
    iyo dhuubki dixiduba
    oo geedo dhayla ah
    laga dhawro socodkoo
    marka aad dhaqaaqdaba
    cosob dhaaxa hawroo
    dhiidhida ku seexdiyo
    rays dhiiqo daaciyo
    dhac caleeni leedahay
    oo xagar dhamaysoo
    man uu cunin dhurduhu wali
    oogada ku dhiibshiyo
    dhuyuciyo maraagiyo
    dhiitacab magooliyo
    dhinbiliil galooliyo
    qudhac dhamasta leegoo
    dhaameel udgoonlihi
    dheega isa saartoo
    dhirta geedba dhalankii
    dheehiisu buuxsamay
    marankuna dhexda u galay
    saarkuna ku dherersaday
    oo gob iyo dheentiyo
    dhafaruur bislaatiyo
    gomorshaa is dhilay iyo
    himir sida hunguri dhubuq
    dhuunta kuu maraysiyo
    dhabigiyo madheedhkuna
    hoobaan dul dhididoo
    malab yar oo dhibqayaa
    kasoo dhibiqtif leeyoo
    midho dhiina bixiyeen
    oon ciidu dheged iyo
    dhoobo madaw ahaynoo
    dharka kaa halaynayn
    oon dhuug wareeniyo
    lagu arag dhibiiqoo
    jiilaalki lagu dhixin
    udubkuna ku dhicin wali
    mar habeenku dhaxan wadan
    dharaartiina kululayn
    dhex-dhexaad hawadu tahay
    oon dhac iyo duulaan
    dhawr bahal lahaynoo
    reeraha is dhinac yaal
    dhaabadoodu nabad tahay
    maalkiina ugu dhalay
    oo dhiilo waawayn
    dhanaan iyo dhitiyo ciir
    gooni loogu kala dhigay
    oo dhooraydii iyo
    daba dhoonki geeliyo
    dhaydiiday kuraygii
    oo dhaayin badisoo
    nirgo dhaylo soconloo
    yaanay dhiman daraadeed
    qaar loogu dhuufoo
    dheeraaday kuruskii
    edega u dhex jiiftoo
    ku dul dhaacatoo godod
    dhiiqeen danbeedadu
    oo dhaqasho doobloo
    ramadkiisa dhawrtoo
    dhididkii hablaha iyo
    ka fogaaday dhaantadu
    isagoo dhadhabid neceb
    dhaqso gorof u qaatoo
    ka soo buuxshay dhaameel
    oo ubad dhalaanoo
    dhanbarkii lafta u dhacay
    dhuxulaha ka daadshoo
    iyaguna dhadhamin li’I
    dhangad loogu qaatoo
    dhama waalidkood yidhi
    oo rimay dhawaysoo
    dhaystii la socon loo
    dheega xardhayoo faraw
    dhuumatadu qarsoontiyo
    dhaqayaha la kala garan
    oo baarqab dhibiloo
    malaa bil iyo dheeraad
    wali dhuuni cuninoo
    dhexdu qabasho leeg tahay
    koromada dhufaaniyo
    dhawr qaalin didiyoo
    ka dhexsaaray geelii
    oo micida dhaaliyo
    dhoolaha is mariyoo
    dhiilaabay galawgii
    oo doobta dhiifta ah
    dhawr goor garaacoo
    rakaadiina daba dhigay
    dhiriftiina roorsaday
    galoof xayl ku dhigayoo
    markii uu dhulka u riday
    afartiisa dhaadheer
    baalaha ka dhaafsoo
    dhinacyee markay tidhi
    ku dhirbaaxay jeeniga
    oo naylo dhaga jeex
    iyo galwo lagu dhigay
    dhacanta looga qaadoo
    mari doodi loo dhigay
    oo nugulka dhaadani
    waa dhiin lo’deenee
    dhasalaalaq reentoo
    intoo dhoobi sara kacay
    loo yeedhay xayn dhool
    oo waylo dhuudaan
    dhogortoodu noqotiyo
    dharag boodka waxaruhu
    qolqolka is dhexyaaceen
    oo dhawr gamaanoo
    koore ay ku dhididiyo
    dhangad lagu xanuunjiyo
    bir dhareer ka keentoo
    afka loogu dhaabiyo
    dhacsi iyo rogaal galin
    dhoodida ka muuqdaan
    oon dhaanto iyo sacab
    dhalin yaradu daynayn
    dhalatooy cadceeduna
    godka ay ku dhawdoo
    dharabkii arooryiyo
    intaan dheelku sara kicin
    is dhextaagtay mina subax
    dhugashada sideedaa
    dhaayaha ku eegaa
    adigana dhargi ogyiin
    dhudi kubab dhamaysleey
    dhexyar dhabano hoobaan
    dhabeel gaari dhaqasho leh
    adigaa dheg iyo qurux
    rabi kuu dhameeyoo
    intaad dumarka dheertahay
    dhulka aad ku ababtiyo
    dhaqan hooyo weeyaan

  • @khalidkhadar4319
    @khalidkhadar4319 6 ปีที่แล้ว +1

    Waa manso qiimo badan leh oo dhaqankii iyo af somali badan aan ka faa iido
    Alle ha dhawro abwaan xasan xaji abdilahi ganey

  • @suleimanabdirahman6929
    @suleimanabdirahman6929 5 ปีที่แล้ว +8

    Alla ninku dhaqanyahansanaaa👏👏👏👏✊

  • @cuudkacashaqa8276
    @cuudkacashaqa8276 8 ปีที่แล้ว +4

    xasan ganey waa iga yabiyay naw masha allaah alle hano ka daayo

  • @azlmcl198
    @azlmcl198 4 ปีที่แล้ว +5

    waa dhaqanyahan abwaanku alle ha daaye aamiin

  • @ahmedmohamed-se6xw
    @ahmedmohamed-se6xw 6 ปีที่แล้ว +4

    xasan ganey waa abwaan qaaaliye ilhy ha xiftiyo

  • @muxiyadiinmuuse6943
    @muxiyadiinmuuse6943 5 ปีที่แล้ว +2

    Xasan xaaji c/laahi ganey wlhi waa abwaan qaaliya oo dhaqanka aad uyaqaana noolaw abwaan

  • @Khalid46518
    @Khalid46518 6 ปีที่แล้ว +5

    Xasan ganey salaad walba waxaanu ku wada tukanaa masaajid walaahi waa nin qaali ah oo aan isla weyney iyo kibir toona ku jirin
    Hadaad LA sheegaysato wuu ku ixtiraamayaa waa abwan genius ah

  • @suman2ahmed
    @suman2ahmed 11 ปีที่แล้ว +7

    Abwan alle ku deejay aftahanimo
    Masha allaah

  • @nuurjabane8108
    @nuurjabane8108 6 ปีที่แล้ว +3

    Allow cimriga kuuu barakeee adeeer

  • @cabdimahamed1165
    @cabdimahamed1165 6 ปีที่แล้ว +2

    Xasan ganey waa abwaan qaaliya

  • @ijoadan2061
    @ijoadan2061 4 ปีที่แล้ว +2

    Waa cimilada dalkeena in roobka gu ka bilaabmo. Galbeed roobka dayreedna bari abwaanku ma qaldana

  • @halabuurcabdisalaan8917
    @halabuurcabdisalaan8917 7 ปีที่แล้ว +2

    mnsh Allah wllo qaali

  • @abubakarugaaz262
    @abubakarugaaz262 5 ปีที่แล้ว +2

    Nollow AdeerO❤

  • @abdijamah7083
    @abdijamah7083 8 ปีที่แล้ว +9

    Hassan gane
    hadrawi
    gaariye
    ibrahim gadhle
    Sleebaan Bide
    Cali Sugulle
    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

    • @Shaacuur
      @Shaacuur 6 ปีที่แล้ว

      abdi jamah isaaq qabyaalad Badanaa ma yuhuudbaa.

    • @user-iq4qv2nq3t
      @user-iq4qv2nq3t 6 ปีที่แล้ว

      Sir Burhaan maye wall dad aanu kudhadano alle naga beeray alxm

    • @caliwasaaye.5728
      @caliwasaaye.5728 5 ปีที่แล้ว

      Tukaale, Yamyam, singub, dhoodaan, idaajaa, geeleyare, makayte.

    • @dulmadoobedulmidiid4655
      @dulmadoobedulmidiid4655 5 ปีที่แล้ว

      @@caliwasaaye.5728 kaariye, indhabuur, tabantaabo ,harawo,bare fiidow

    • @Burcaawi2471
      @Burcaawi2471 4 ปีที่แล้ว

      abdi jamah cabdi qays iyo qaar kalow badan

  • @claahisaalax7910
    @claahisaalax7910 6 ปีที่แล้ว +3

    Hadhageys taan waxna hakabar taan kuwan sheegta abwaanada cusub

  • @maanochanel2391
    @maanochanel2391 7 ปีที่แล้ว +2

    subxanaka yaa erayo

  • @smiledon77
    @smiledon77 4 ปีที่แล้ว

    WAA SANGUB sugaan reer miyi

  • @FarahBarud
    @FarahBarud 12 ปีที่แล้ว +1

    ONE OF MY BEST POET 100X BETTER THEN HADRAAWI GAARIYE AND NEEF SEENYO HASSAN NOOLOW WAAAD TAHAY HORMUUDKA ABWAANADA NOOL MARKA LAGA REBO EE SAMEEYE HEESAH MA ODHAN KARO GABYAGA WAAYO WAXAA WELI NOOL DHOODAAN,JAAMAC KEDIYE,GACAL XAAYOW IYO RAG BADAN OO AANAN SOO KOOBI KARIN

  • @yaasiinaburas8110
    @yaasiinaburas8110 ปีที่แล้ว

    Dirir.9aad.⛈️⛈️⛈️

  • @xamdixasan1284
    @xamdixasan1284 2 ปีที่แล้ว

    Asc

  • @smiledon77
    @smiledon77 4 ปีที่แล้ว

    waa XASAN GANEY KKKK

  • @cabdirisaaqmaxamudkilaas990
    @cabdirisaaqmaxamudkilaas990 2 ปีที่แล้ว

    Heesta Sayloo Guyaal Badan Waxaa Leh Ayada Oo Gabay ah Mxd Cidoood

  • @naciimaabdirahmaannaciimaa4245
    @naciimaabdirahmaannaciimaa4245 3 ปีที่แล้ว

    Abwaan xasan geny horta ma nolo yhaay mose waa dhintay

  • @aaminayaasiin523
    @aaminayaasiin523 5 ปีที่แล้ว

    maslaxaaad

  • @apdikibarismael2316
    @apdikibarismael2316 5 ปีที่แล้ว +2

    Maxan wiiL isaaq arka

  • @smiledon77
    @smiledon77 4 ปีที่แล้ว

    DIRIR

  • @khalafyare1260
    @khalafyare1260 7 ปีที่แล้ว +3

    Hhhhh libax hasaan ganey abwaanka giiyigaa somalida oo idil

  • @xaalicilmi8155
    @xaalicilmi8155 4 ปีที่แล้ว +1

    Maansadan waxaa iska leh nin layidhaahdo awbaan jirde xogla xasan ganay wuu xaday waxaana cadeeyay abwaankii mulaxamkii waynaa ee xudaydi imikadan waxaad ka dareemi kartaa sida ay ula yaabam yihiin hadraawi iyo gaariye ninkan weyn ee waxaanu lahayn sheeganaya isagoo abwaana

    • @fadxiaxmed3996
      @fadxiaxmed3996 4 ปีที่แล้ว

      Beenaale weynbaad tahay

    • @xaalicilmi8155
      @xaalicilmi8155 4 ปีที่แล้ว

      @@fadxiaxmed3996 bal anigu cadayn ayaan hayaaye adigu maxaad ka hadkaysaa

    • @fadxiaxmed3996
      @fadxiaxmed3996 4 ปีที่แล้ว +1

      Haa zxb ninkan maaha dadkad ku qaldayso waxayna daba socota heesta sayla mida kale anuu maalin kasta wan arka nin magac doona maaha qof walbana wuxu jecel yahay inuu tix galiyo hadaad suuqa ku aragto xasanow wax ma ku weydiiya wuxu yidhaa haaye ader iweydii mxa diiday mana aha nin suugan cid kale damci kara isagaaba hodanka ah xagaa mida kale suugantu waxay leedahay baadi sooc weyna muuqataa in xasan ganey leeyahay

    • @xaalicilmi8155
      @xaalicilmi8155 4 ปีที่แล้ว

      @@fadxiaxmed3996 cadaymo la xidhiidhi ayaanu haynaa maansada inuu leeyahay jirde xogla ninla yidhaahdo

    • @fadxiaxmed3996
      @fadxiaxmed3996 4 ปีที่แล้ว

      Haa ma xuma lkn bal cadaynta isoo gaadhsii markaa ma waa beenaale ayaad leedahay number kaagiyo halka lagaa helo noo sheeg anaa isaga soo helaaye aad ku cadayside ana aan ogaadee

  • @mursalgadhka9394
    @mursalgadhka9394 ปีที่แล้ว

    Wr ninkan qoladiisa yaa ii sheeki kara