ขนาดวิดีโอ: 1280 X 720853 X 480640 X 360
แสดงแผงควบคุมโปรแกรมเล่น
เล่นอัตโนมัติ
เล่นใหม่
Abwan Abdirahman HaLDhiz🤝
Mansha allahRabi haku xafido Abwaan
Ax ax wlhi wan ilmeyay
😭😭😭😭😭 emotional
Qiso xanuun kulul wlhi
Abwaane nin aad u aminsan ban ahay maskaxdaadu waxa ay qorto
Yaa iga caawin kara maansada weedhsame ta cawaale BBC qaybta fbka ayaan ku arakaye
Wiil iyo Gabadh aad isku jeclaa ayaa ku ballamay inay is guursadaan. Iyagoo wacadkii iyo Axdigii midna aanu jebin ayey gabadhii qalliin wadnaha ah gashay. Nasiib wanaag way ka badbaaday qalliinkii hore, balse haddana mid labaad ayey gashay. Markay qalliinkii labaad maalmo ka soo wareegeen ayey soo wacday wiilkii ay isu dheeraayeen. Nasiib darro telkiisa oo Codku ka xidhnaa dartii kamuu qaban. Cod farriin ah bay ugu dirtay whatsupkiisa ay ku leedahay “Xaalkaygu sidan uu yahay ma garanayo, walaalo i saamax.” Wiilkii markuu arkay inay soo wacday, farriintii codka ahaydna uu helay, ayuu dib u wacay, nasiib darro Adduunkaba way ka tagtay oo ma joogto!!!!Nin Abwaan ah oo Cabdiraxmaan Haldhis la yidhaa ayaa qisadan iyo Maanso uu ka tiriyey ila wadaagay. Anigoo sheekadaasi aad ii taabatay, runtiina argagax igu riday, ayaan isku dayey, bal inaan wiilkaas dhacdadu ku dhacday halkiisa is dhigo, dareemo waxa uu dareemayo, isla markaana aan tiriyo tixdii uu tirin lahaa. Waana tan ee ila eeg. Dareenba dareen xambaar Cod aan lagu diirsanayn Dheg aan u diyaar ahayn Dudduuc ku gal oo dhex qaad.Anoo deggan baan hurdee Anoo dagan maan filayn Inaan dido oo kacee Dalluunta jacaylka yaal Codkuu ku dardaarmayaa Halku duray yaa bogsiin. Duruusuhu yaab badnaaDuruufuhu keenayaan Durbaan selel baa baxeeMiyuu Samir diif tiraa Daryeelina way tagtee Maxaad duniyeey tartaaMarkay isku daacad yiin Dadka isku diir naxee Markay isu duuban yiin Miyaan lagu diirsanayn Miyaan wedka soo degaaLammaanaha deyn aqoon Dib baan asma loo arkayn Miyuu cod deyaamay laaDaruuraha maan jeclayn Bakhtiiyey dabkaan shidee Waxay dawadaydu taal Dal aan cidi gaadhahayn.Haddaan doondooni laaMa daw la maraan aqaan Haddaan is idhaa dawaaf Kun duud iyo meerayaal Ilaysku ku daalayuu Dakaanka la tiicayeyCagtaydani duubaysaa?Dushaa sare waa cir jiidhDhankaa bidix waa dusaaDocdaa midig RaagihiiGiraamuhu deyrayeenFarraaraan deris naheeHaddaan kaa deyi lahaaXigtooy waa lama-degaanDallaalimo kaah ceshaaFallaadha iga dabrayn.Hadduu xiddig durugsanaaQalbigu raadcada u diro Dabaysha khiyaaligaay Dagaara miyaad tagtaa?Cadceedda wax diirisaayMar uun igu deeq ilays Darmaan ugub ii noqdooXawaareeyoo degdegaMiyaadse kal daacadooNaf daahira weydayooDunuunaca aan jaraynDamiir fahma leedahooNaf taag-daran kaalisaa?Dadkaba qaar baa ku jiraWaxay ka durraansadaanKa hela daa’iinka rabbiye,Haddaan weliyada digrigaDibnaha an ka qaadahaynDuceeyee idhaa toloow Miyey qof la duugayooDorraad go’ay soo ceshaan?Ma ruuxda la daadahsheeMalaa’igtu duulisaan Intaa daba luudayaa?Ma caalamka daahaneeIl daawatay aan arkayn Iftiinka ka daaran baanDaboolka ka qaadayaa?Dareenka I maan luloow Miyaad qaddar daafacdaa?Digreeto rabbaaniyooKu daabacan loox maxfuudMiyuu durayaa racfaanAwood ku dabbaalayaa?Naxdinta igu diganaysaayDadnimo ma adaan lahaynDidmadu mise waa anooDubbaha igu dhacay cuslaa?Adoo naga digo-rogtoo Ka tegay dunidii shiddadaDegmooy qalbigaad ogaydXuskii caashaqa ma deynXasuustaadii ma deminXaq-dhawrkaagii ma duminDan baa ka hadh igu tidheeDuddada ruuxdaadu taalDubaaqu hadduu yaqaanMiyaan kaa daahi laa?Xuquuqda Maanso iyo qoraalba waxaa leh Abwaan Weedhsame.
💔😢😭
Qiso naxdin leh dareemayaa dareemaya
Masha allaaah 😙
😢😢😢
Abwan Abdirahman HaLDhiz🤝
Mansha allah
Rabi haku xafido
Abwaan
Ax ax wlhi wan ilmeyay
😭😭😭😭😭 emotional
Qiso xanuun kulul wlhi
Abwaane nin aad u aminsan ban ahay maskaxdaadu waxa ay qorto
Yaa iga caawin kara maansada weedhsame ta cawaale BBC qaybta fbka ayaan ku arakaye
Wiil iyo Gabadh aad isku jeclaa ayaa ku ballamay inay is guursadaan. Iyagoo wacadkii iyo Axdigii midna aanu jebin ayey gabadhii qalliin wadnaha ah gashay. Nasiib wanaag way ka badbaaday qalliinkii hore, balse haddana mid labaad ayey gashay. Markay qalliinkii labaad maalmo ka soo wareegeen ayey soo wacday wiilkii ay isu dheeraayeen. Nasiib darro telkiisa oo Codku ka xidhnaa dartii kamuu qaban.
Cod farriin ah bay ugu dirtay whatsupkiisa ay ku leedahay “Xaalkaygu sidan uu yahay ma garanayo, walaalo i saamax.” Wiilkii markuu arkay inay soo wacday, farriintii codka ahaydna uu helay, ayuu dib u wacay, nasiib darro Adduunkaba way ka tagtay oo ma joogto!!!!
Nin Abwaan ah oo Cabdiraxmaan Haldhis la yidhaa ayaa qisadan iyo Maanso uu ka tiriyey ila wadaagay. Anigoo sheekadaasi aad ii taabatay, runtiina argagax igu riday, ayaan isku dayey, bal inaan wiilkaas dhacdadu ku dhacday halkiisa is dhigo, dareemo waxa uu dareemayo, isla markaana aan tiriyo tixdii uu tirin lahaa.
Waana tan ee ila eeg.
Dareenba dareen xambaar
Cod aan lagu diirsanayn
Dheg aan u diyaar ahayn
Dudduuc ku gal oo dhex qaad.
Anoo deggan baan hurdee
Anoo dagan maan filayn
Inaan dido oo kacee
Dalluunta jacaylka yaal
Codkuu ku dardaarmayaa
Halku duray yaa bogsiin.
Duruusuhu yaab badnaa
Duruufuhu keenayaan
Durbaan selel baa baxee
Miyuu Samir diif tiraa
Daryeelina way tagtee
Maxaad duniyeey tartaa
Markay isku daacad yiin
Dadka isku diir naxee
Markay isu duuban yiin
Miyaan lagu diirsanayn
Miyaan wedka soo degaa
Lammaanaha deyn aqoon
Dib baan asma loo arkayn
Miyuu cod deyaamay laa
Daruuraha maan jeclayn
Bakhtiiyey dabkaan shidee
Waxay dawadaydu taal
Dal aan cidi gaadhahayn.
Haddaan doondooni laa
Ma daw la maraan aqaan
Haddaan is idhaa dawaaf
Kun duud iyo meerayaal
Ilaysku ku daalayuu
Dakaanka la tiicayey
Cagtaydani duubaysaa?
Dushaa sare waa cir jiidh
Dhankaa bidix waa dusaa
Docdaa midig Raagihii
Giraamuhu deyrayeen
Farraaraan deris nahee
Haddaan kaa deyi lahaa
Xigtooy waa lama-degaan
Dallaalimo kaah ceshaa
Fallaadha iga dabrayn.
Hadduu xiddig durugsanaa
Qalbigu raadcada u diro
Dabaysha khiyaaligaay
Dagaara miyaad tagtaa?
Cadceedda wax diirisaay
Mar uun igu deeq ilays
Darmaan ugub ii noqdoo
Xawaareeyoo degdega
Miyaadse kal daacadoo
Naf daahira weydayoo
Dunuunaca aan jarayn
Damiir fahma leedahoo
Naf taag-daran kaalisaa?
Dadkaba qaar baa ku jira
Waxay ka durraansadaan
Ka hela daa’iinka rabbiye,
Haddaan weliyada digriga
Dibnaha an ka qaadahayn
Duceeyee idhaa toloow
Miyey qof la duugayoo
Dorraad go’ay soo ceshaan?
Ma ruuxda la daadahshee
Malaa’igtu duulisaan
Intaa daba luudayaa?
Ma caalamka daahanee
Il daawatay aan arkayn
Iftiinka ka daaran baan
Daboolka ka qaadayaa?
Dareenka I maan luloow
Miyaad qaddar daafacdaa?
Digreeto rabbaaniyoo
Ku daabacan loox maxfuud
Miyuu durayaa racfaan
Awood ku dabbaalayaa?
Naxdinta igu diganaysaay
Dadnimo ma adaan lahayn
Didmadu mise waa anoo
Dubbaha igu dhacay cuslaa?
Adoo naga digo-rogtoo
Ka tegay dunidii shiddada
Degmooy qalbigaad ogayd
Xuskii caashaqa ma deyn
Xasuustaadii ma demin
Xaq-dhawrkaagii ma dumin
Dan baa ka hadh igu tidhee
Duddada ruuxdaadu taal
Dubaaqu hadduu yaqaan
Miyaan kaa daahi laa?
Xuquuqda Maanso iyo qoraalba waxaa leh Abwaan Weedhsame.
💔😢😭
Qiso naxdin leh dareemayaa dareemaya
Masha allaaah 😙
😢😢😢