Qiso: Saaxiibka Xun

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 ก.ค. 2024
  • صحبة السوء
    Furaat bin Thaclabata Al-Bahraaniyyu wuxuu yiri isagoo fasiraya Hadalka Alle ee (إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ): -
    Labo nin ayaa shirko ahaa waxay heleen lacag gaarayso 8,000 oo diinaar, mid aya xirfad shaqo lahaa, kan kalena xirfad ma laheyn. Kii xirfadda lahaa wuxuu ku yiri kii kale wax xirfad ah ma lihid ee waan kala baxaynaa xoolahana waan kala qeybsanaynaa ka dib wey kala qeybsadeen min 4000 ayey u kala qaateen weyna kala tageen.
    Ninkii xirfadda lahaa wuxuu 1000 diinaar ku iibsaday guri uu lahaa nin boqor ahaa oo dhintay, wuxuu u yeeray saaxiibkiis wuxuuna ku yiri gurigaan waxaan ku iibsaday 1000 diinaar ee ka waran?, wuxuu yiri qurux badanaa!! markuu baxay ayaa wuxuu yiri Allow saaxiibkey gurigaan quruxda badan ayuu 1000 diinaar ku iibsaday, ee waxaan ku weydiistay inaad isiiso guri ka mid ah guryaha jannada wuxuu saddaqeystay 1000 diinaar,
    Muddo ka dib wuxuu guursaday naag wuxuuna ku bixiyey guurkeeda 1000 diinaar wuxuu martiqaaday saaxiibkiis wuxuu ku yiri naagtaanaan ayaan guursadee ka waran? Wuxuu yiri qurux badanaa! Markuu baxay ayaa wuxuu yiri Allow saaxiibkey naag ayuu 1000 diinaar ku guursaday ee waxaan ku weydiisanayaa naagaha xuural ceynta ah wuxuu saddaqeystay 1000 diinaar.
    Muddo ka dib 2 beerood ayuu ku iibsaday 2000 diinaar wuxuu tusiyey saaxiibkiis wuxuuna ku yiri beerahaan ayaan iibsaday ee ka waran? Wuxuu yiri qurux badanaa! Markuu baxay ayaa wuxuu yiri Allow saaxiibkey laba beerood ayuu ku iibsaday 2000 ee aniga waxaan ku weydiisanayaan laba beerood oo jannada ku dhex yaalla wuxuu saddaqeystay 2000 oo diinaar.
    Kadib wey wada geeriyoodeen ninkii wax saddaqeysanayey waxaa la geeyey daar aad u quruxbadan oo jannada ku dhex taallo, waxaana la siiyey naag xuural ceyn ah oo ifaysa, kadibna waxaa la siiyey laba beerood oo uu Alle un uu ogyahay wanaaggooda.
    Markaas kadib ehlu Jannaha qaarkood ayaa qaarka kale qaabilaya iyagoo wax is weydiinaya, mid ehlujannaha ka mid ah ayaa wuxuu dhihi waxaan lahaa saaxiib idhihi jiray ma waxaad ka mid tahay dadka maalinta qiyaamo rumeeyey? Oo markaan dhimanno oo carro iyo lafo aan noqonno ayaa nala abaal marini.
    Wuxuu dhihi ma ila daawadaysaan? Markaasuu fiirinayaa wuxuuna ku dhex arkaa naarta jaxiimo dhexdeeda! Wuxuuna dhahayaa Allaan ku dhaartee waad idhumin gaartay, hadduusan alle ii naxariisteen waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyo naarta.
    Alle oo wada sheekaysigoodaas ka warramayana wuxuu yiri: -
    ﴿فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضࣲ یَتَسَاۤءَلُونَ ۝٥٠ قَالَ قَاۤىِٕلࣱ مِّنۡهُمۡ إِنِّی كَانَ لِی قَرِینࣱ ۝٥١ یَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِینَ ۝٥٢ أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابࣰا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَدِینُونَ ۝٥٣ قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ ۝٥٤ فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِی سَوَاۤءِ ٱلۡجَحِیمِ ۝٥٥ قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِینِ ۝٥٦ وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّی لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِینَ ۝٥٧
    Xigasho: Tafaasiirta Dhabari, Ibnu Kathiir, Qurdhubi.
    عن الشعبي، قال: قال علي بن أبي طالب عليه السلام لرجل رآه يصحب رجلاً كرهه له:
    فَلا تَصحَب أَخا الجَهلِ وَإياكَ وَاِيّاهُ
    فَكَم مِن جاهِلٍ أَردى حَليماً حينَ آخاهُ
    يُقاسُ المَرءُ بِالمَرءِ إِذا ما هُوَ ما شاهُ
    وَلِلقَلبِ عَلى القَلبِ دَليلٌ حينَ يَلقاهُ
    وَلِلشَيءِ علي الشَيءِ مَقاييسٌ وَأَشباهُ
    فاحذر أيها الحبيب صحبة السوء، وقانا الله وإياك شرها.

ความคิดเห็น •