Psychiatry (11)Obsessive Compulsive Disorder/ Xanuunka Waswaaska

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 5 ก.ย. 2024
  • #Xanuunnada #Nafsiga ama #Dhimirka #drmawliidkudar
    #ObsessiveCompulsiveDisorder
    Qoraalna waad kaga bogan kartaa..........
    Waa maxay #OCD?
    Waa xanuun nafsi ah oo qofka uu hayaa laba calamaadood is ku sarsado amaba midkood lagu arko waxaanay kala yihiin
    1) Obsession:warwar qofka jiif iyo joog u diida iyo fikiro ah inuu qofku sumow ama xanuun ka baqayo inuu ku dhici karo, shaki uu ka qaado wuxuu sameeyay sida inuu albaabka xidhay iyo inaan xidhin markuu gacmigiisa maydhaba wuxuu ka baqayaa inaanu si fiican u maydhin , wax kastoo aan nidaamsanayna warwar ayay ku keenayaan, sidoo kale waxa dhici karta inuu ka baqayo inuu cid waxyeelo.
    2) Compulsions: waxa weeya ficilada qofku samaynayo si uu u dego, haduu ka shakiyo inaanu albaabka xidhin ama shoolada inuu ku noqnoqdo in laba jeer ka badan inuu gacmigiisa maydho marwalba ama guriga si xad dhaaf ah u nadiigifiyo, inuu wax kasta isku dayo inuu nidaamiyo haduu ka baqayo inuu cid waxyeelana uu guriga joogo.
    Maxaa keeni kara?
    Waxa keena sida loo malaynayo arimo hidaha la xidhiidha, arimo deegaanka la xidhiidha iyo hoos u dhac ku yimaada serotonin ta.
    Raga iyo dumarkaba isku si ayay ugu dhacdaa oo 2-3% ayay caalamka ka maraysaa.
    Sidee loo daweeyaa OCD?
    Waxa lagu daweeyaa:
    1) Psychotherapy iyadoo la adeegsanayo CBT(Cognitive behavioral therapy) si aad u ogaato waxay tahay casharada hore ka akhriso.
    2) Pharmacotherapy oo ah in dawooyin Psychiatrist ku u qoro sida kuwa loo yaqaan SSRIs (Selective serotonin reuptake inhibitors).
    Ila wadaag (Share) si ay uga faaidaystaan bulashada inteeda kale.

ความคิดเห็น • 20

  • @rahmiizhofficial8645
    @rahmiizhofficial8645 2 หลายเดือนก่อน

    Macalin sidee oga caafimaadi karaaa💔

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  หลายเดือนก่อน

      Inaad dhakhtarka nafsiga ah talooyinkiisa qaadato Allena talo saarato

  • @Hugaanmedia
    @Hugaanmedia 4 ปีที่แล้ว +2

    Wcs dr kubadso ina abti horey usoco ayan kuleyahay dr. Masha Allah wad laheysa shugran dr 🇸🇴🇸🇴🇸🇴💪💪💪👑👑👑💙💙💓💚💚❤💘💋💞😍😍💕

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  4 ปีที่แล้ว

      Waad mahadsantahay wll

    • @Hugaanmedia
      @Hugaanmedia 4 ปีที่แล้ว +1

      @@drmawliidku-dar6625 adiga mudan dr kubadso ina abti

  • @maryanmahadfarax7005
    @maryanmahadfarax7005 2 ปีที่แล้ว +1

    Wlhy 5sano xnuunka ihaya cid iga cawizana mahelin 🥲🥲🥲🥲🥲

  • @munirweyrah7399
    @munirweyrah7399 4 ปีที่แล้ว +1

    Asc Dr Mawliid Kudar
    Alxamdulilaah👍

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  4 ปีที่แล้ว +1

      Wcms sxb Muniir , ka waran caafimaadka?

    • @munirweyrah7399
      @munirweyrah7399 4 ปีที่แล้ว +2

      @@drmawliidku-dar6625 Nabad weeye, Magacaa ha jiro, Casharka Maanta in uu Aniga iga hadlayo ayaan moodayay😱

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  4 ปีที่แล้ว

      @@munirweyrah7399 waad mahadsantahay sxb , haa way dhacdaa mararka qaar oo nafsigu sibuu isugu eegyahay

  • @xavierabdulkarem5057
    @xavierabdulkarem5057 4 ปีที่แล้ว +1

    Dr waku salaamay marxamada OCD aniga ayaa isku arkay 4 sano ee u danbaysay markaa daawaynteedu maxay noqonaysaa

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  3 ปีที่แล้ว

      waan ka qaaday ,kolay inaad dhakhtar u tagto ku takhasusay nafsiga ayaa u horaysa si uu si gaar ah kaagala taliyo waxay tahay inaad samayso

  • @haumaleenpodcast6182
    @haumaleenpodcast6182 3 ปีที่แล้ว +1

    Dr arintaan wee I heesataa. Waxaa Ka cabsadaa inaa dadka dhib Ku sameeyo. Mida kale marwalba albaabka waan hubiyaa waan xiraa waan furaa hadana waan xiraa. Ilaa dowr mar. Lakiin mida dhibka badan iku heeso ayaa ah in aan dadka dhib u heesto anoo ukula talagalin. ama inaa ani dhib isku geesto

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  3 ปีที่แล้ว +2

      Waan gartay wll waxaad u tagtaa dhakhtar ku takhasusay psychiatry ga ama psychology ga kuwaas ayaa ku caawin Kara kuna siin doona wixii dheer intaan halkan ku sheegay

    • @haumaleenpodcast6182
      @haumaleenpodcast6182 3 ปีที่แล้ว +1

      @@drmawliidku-dar6625 mahadsanid walaal

  • @maryanmahadfarax7005
    @maryanmahadfarax7005 2 ปีที่แล้ว

    Maxa dawdo u ah

  • @somaliamedia2074
    @somaliamedia2074 4 ปีที่แล้ว +1

    Dr ma pschiatry baad barataaa bro iam medical student

    • @drmawliidku-dar6625
      @drmawliidku-dar6625  3 ปีที่แล้ว

      waan baran jiray hadase takhasukaygu waa Endocrinology

  • @maryanmahadfarax7005
    @maryanmahadfarax7005 2 ปีที่แล้ว

    Ana qaba wlhy 5 year🥲🥲🥲🥲🥲