TAWAAWAC || Shamso Cumar Axmed|| HD +Lyrics

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 19 ก.ย. 2024
  • HEESTA: TAWAAWAC
    EREYADA: ABWAAN MUXUMMED SOOFE (KANEECO)
    LAXANKA: XASAN AADAN SAMATAR
    LUUQDA: SHAMSO CUMAR AXMED
    _______________________________________________________
    EDITED, LYRICS & PRODUCED BY: QARAAM CHANNEL
    ______________________________________________________
    Qisada Heesta Oo Kooban:
    Gabadh fanaanad ah oo nin isna fannaan ah uu markaas qabay, ninkii fannaanka ahaa baa wuxuu safar ku gaadhay Abu Dhabi, dabadeedna gabadhii baa waxa ay war hoose ku heshay in ay gabadh kale jirto oo ninkeedu xidhiidh la leeyahay si kasta warkaas ha ku soo gaadhee wey masayrtay.
    Iyada oo markaas maseyrsan bey u timid abwaanka heesta ereyadeeda sameeyay (Kaneeco), dhacdadii bey u sheegtay kana codsatay in uu hees u sameeyo, dabadeedna waxa uu u dhiibay Shamsa Cumar heestan (Tawaawac), heestii baa si xoog ah magaalada u gashay, fannaankii soo laabashadiisii iyo waxa kulmay heestii oo markaa magaalada si xoog ah u haysata oo aad loo dhagaysanayo, dabadeed fannaaniin iyo abwaano ay ka mid ahaayeen Abwaan Sangub iyo Xasan Ganey ayuu ku yidhi ninkan abwaanka ah hala iga soo qabto reerkii buu ii daba maray oo igu kiciyay.
    Waa la kala dhex galay kolkaas abwaankii heesta sameeyay baa lacag Shs1000 (Kun Shilling Soomaali) ah oo markaas lacag badan ahayd lagu xukumay n uu bixiyo oo xaal ahaan ah.
    Abwaankii waxa uu codsaday maadaama lacagtu ku badantahay in uu hees kale sameynayo oo xaal marin ah waana laga aqbalay, ka dib waxa uu allifay hees kale oo uu isla (Shamso Cumar) u dhiibay oo ay ereyadeeda ka mid ahaayeen;
    - Guri rays leh iyo doog,
    - Weynu gaadhi doonnaa.
    Heestaasi markii ay soo baxday baa qolooyinkii dhexdhexaadinayay ku yidhaahdeen waanu kaa aqbalnay laakiin maxaad u odhan weyday “Guri rays leh iyo doog, weynu joognaa” maadaama ay isqabaan oo reer wada nool yihiin markaas.
    Halkaas baa ugu dambeyn kiiskaasi kaga soo xirmay abwaanka illaahay ha u naxariistee.
    Waxaan Sheekadan ka soo xigtay waraysi uu bixiyay abwaan/qoraa Yuusuf Shaacir oo abwaanka heesta allifay uu uga sheekeeyay qisada heesta.
    __________________________________________________________
    Ku soo dhowoow QARAAM CHANNEL - LYRICS, waxa aan rajaynaynaa qaabka aad noo soo booqatay in aad noogu xirnaan doonto adigoo rukumanaya channelka.
    Fadlan haddii aad ka heshay muuqaalka aanu soo gudbinnay:
    • like
    • subscribe (Nagu soo biir)
    • comment (Rayigaaga xagga hoose noogu reeb)
    • and share ( La wadaag asxaabta ciddii xiisaynaysa)
    Wixii warbixin, talo, dhaliil iyo music aad nala wadaagaysoba waxaad noogu soo gudbin kartaa;
    Email: qaraamchannel@gmail.com
    Sub
    / @qaraamchannel
    _______________________________________________________________
    Warbixin kooban oo ku saabsan channelka:
    Channelkan waxa aan kusoo gudbinnaa qaybo xul ah oo ka mid ah suugaantii dahabiga ahayd ee hore (Qaraami) iyo kuwii ka dambeeyay ee dhexeba, laga soo billaabo badhtamihii 1950-meeyadii illaa dhammaadkii 1990-kii (wakhtigii iyo waayihii u wacnaa taariikhdeennii soo jireenka ahayd iyo guud ahaanba dhaqankeenna).
    Waxa xaqiiqo ah oo sida aan filayo aad markhaanti ka tahay adiga daawadaha ah in video kasta eynu soo gelino channelka aanu isku dayno in aan helno wixii markaas warbixin aan ka heli karno oo ku saabsan heestaas, annagoo la xiriirna macallimiintii ka qayb qaadatay heestaas haddii ay tahay abwaanada ama fannaaniintaba intooda nool ee aan ka gaari karno mahadi haka gaarto dhammaantoodba, si aan uga ogaano inta badan dadka ka qayb qaatay heestaas haddii ay noqoto samaynta;
    • Ereyada
    • Laxanka
    • Muusigga
    • Sannadkii la qabtay
    • Iyo riwaayaddii ay markaas qaybta ka ahayd.
    Sidoo kale qaybta ugu muhiimsan ee ah suugaanta qoraalkeeda oo aanu isku dayno in aan usoo gudbinno sida ugu saxsan ee abwaanku u qoray, taas oo aad runtii mooddo in ay tahay qaybta ugu adag marka ay noqoto soo bandhigista heesihii hore oo qaab qoraal (lyrics) ah lagu soo bandhigo,.
    Runtii ma aysan suuro-gasheen qodobada aan kor ku xusay oo dhan, abwaanada, laxamiistayaasha, fannaaniinta iyo waayo-aragga aan markaas u raadinno warbixintaas la’aantood, mahad gaar ahna waan uga gudbinayaa halkaan innagoon kala reebayn dhammaantood sida hufan ee sharafta leh ee ay noogu hagar-baxaan markasta oon la xiriirno.
    In aan diiwaan gelinno suugaanta, dadkii ka qayb qaatay dhammaantood iyo weliba ereyadii hal-abuurka oo saxan waxa ay keenaysaa in jiilka dambe aysan ku dhibtoon raadiska warbixinta halyeeyadii soo qurxiyay fankeennii hore, Eebbe naxariistii janno haka waraabiyo intooda dhimatay inta noolna cimri iyo caafimaad suubban ha u siyaadiyo (Aamiin).
    Haddii aad barnaamijkaan nagu raacsan tahay annagoo ah bahda channelka waxaa naga codsi ah in aad ku xirnaatid channelka adigoo subscribe saaraya sidoo kale la wadaagaya asxaabta kale, kana qaybqaadanaya adigoo markaas nagala soo xiriiri kara Emailka aan kor xusnay.
    Mahadsanid.

ความคิดเห็น • 233

  • @qaraamchannel
    @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว +210

    Qisada Heesta Oo Kooban:
    Gabadh fanaanad ah oo nin isna fannaan ah uu markaas qabay, ninkii baa wuxuu safar ku gaadhay Abu Dhabi(UAE), dabadeedna gabadhii baa waxa ay war hoose ku heshay in ay gabadh kale jirto oo ninkeedu xidhiidh la leeyahay si kasta warkaas ha ku soo gaadhee wey masayrtay.
    Iyada oo markaas maseyrsan bey u timid abwaanka heesta ereyadeeda sameeyay (Kaneeco), dhacdadii bey u sheegtay kana codsatay in uu hees u sameeyo, dabadeedna waxa uu u dhiibay Shamsa Cumar heestan (Tawaawac), heestii baa si xoog ah magaalada u gashay.
    Ka dib fannaankii soo laabashadiisii iyo waxa kulmay heestii oo markaa magaalada si xoog ah u haysata oo aad loo dhagaysanayo, dabadeed fannaaniin iyo abwaano ay ka mid ahaayeen Abwaan Sangub iyo Xasan Ganey ayuu ku yidhi ninkan abwaanka ah hala iga soo qabto reerkii buu ii daba maray oo igu kiciyay.
    Waa la kala dhex galay kolkaas abwaankii heesta sameeyay baa lacag Shs1000 (Kun Shilling Soomaali) ah oo markaas lacag badan ahayd lagu xukumay in uu bixiyo oo xaal ahaan ah.
    Abwaankii waxa uu codsaday maadaama lacagtu ku badantahay in uu hees kale sameynayo oo xaal marin ah waana laga aqbalay, ka dib waxa uu allifay hees kale oo uu isla Shamso Cumar u dhiibay oo ay ereyadeeda ka mid ahaayeen;-
    -Guri rays leh iyo doog,
    -Weynu gaadhi doonnaa.
    Heestaasi markii ay soo baxday baa qolooyinkii dhexdhexaadinayay ku yidhaahdeen waanu kaa aqbalnay laakiin maxaad u odhan weyday “Guri rays leh iyo doog, weynu joognaa” maadaama ay isqabaan oo reer wada nool yihiin markaas.
    Halkaas baa ugu dambeyn kiiskaasi kaga soo xirmay abwaanka illaahay ha u naxariistee.
    Waxaan Sheekadan ka soo xigtay waraysi uu bixiyay abwaan/qoraa Yuusuf Shaacir oo abwaanka heesta allifay uu uga sheekeeyay qisada heesta.
    Mahadcelin:
    1. Cumar Seerbiya oo qoraaga waraysigaas ka qabtay, iyo
    2. Abwaan/Aqoonyahan Maxamed Aw-Jaamac oo isna heestan iisoo diray ilana wadaagay.

    • @farhiaiamail605
      @farhiaiamail605 3 ปีที่แล้ว +4

      Xasan adan qabay

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq 3 ปีที่แล้ว +13

      Waxaan ku dari lahaa oo la yidhi in arrintu ayada ku dhacday oo ay uga sheekeysay Aun Abwaanka kana codsatay sameynta heestaan inuu ku caawiyo. Ninka gartaa soo dhingtayna uu ahaa Xasan Aadan. Sheekaduna waa sidaa aad qortay qoraaguna sheegay. Mahadsanid

    • @arafaatabdirahmaan6165
      @arafaatabdirahmaan6165 3 ปีที่แล้ว +2

      Sidaas weeye sheekadu (yuusuf shaacir) oo ka shekaynaya ayaan arakay

    • @cabdifitaaxmahamuudaliwama103
      @cabdifitaaxmahamuudaliwama103 3 ปีที่แล้ว +1

      Wwww heesba kadaran wuxu allaha unaxarista inti dhimatay

    • @cabdicasiis.germany7601
      @cabdicasiis.germany7601 3 ปีที่แล้ว +3

      @@axmed_deeq wll haduu xasan aadan yahay miyuu laxamaynlahaa ilayn isagay qisadu ku socotaaye hhhh laxankana isagaa saaray dhici maysee isaga maaha waa fanaan kale wll

  • @zalmanomar18856
    @zalmanomar18856 2 ปีที่แล้ว +22

    Waxan kugu bogaadinayaa sida fiican eed ereyada heesta ku jira u wada saxday dadku inta badan ma fahmaan oo way qaldaan lkn adigu halkeeda ayad dhigtay👌👏

  • @amiinmuxumedsoofekaneeco6553
    @amiinmuxumedsoofekaneeco6553 2 ปีที่แล้ว +50

    Aabo Allah hakuu naxariisto
    Abwaan muxumed soofe kaneec
    Fanaanad shamsa cumar axmed
    Allah hawnaxariisto.

  • @safiyamuuse5569
    @safiyamuuse5569 3 ปีที่แล้ว +7

    Alle haw naxariisto intii heestan ka qayb qaadatay ee maanta dhimatay sida abwaan kaneeco & fanaanada shamsa
    Chanalka si qurux badan ayuu usoo diyaariyay heesta waa mahasantahay

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว

      Adigaa mudan walaal, soo dhowoow.

  • @cabdilqaadirsidiiq1114
    @cabdilqaadirsidiiq1114 3 ปีที่แล้ว +5

    Alle haw naxariisto General Abwaan Kaneeco. Aamiin.

  • @abdikarinsuleimanali5518
    @abdikarinsuleimanali5518 2 ปีที่แล้ว +13

    Wadku mahadsan tahay wll sida aad heesta ugu dedaashey
    Dhawr eray baan kaa saxi rabaa
    1. Tifmay waa “dhamaaday’’ ama caatoobay ee ma ahan buuxsamid.
    2. Erayga “Sami” ma ahan ee waa “Dhami”waana usha aad sheegtay.
    3. “Wadnaha dhiigga kala tegay” baa sax ahe kala degay ma ahan wll.
    Qaladna ha ii fahmin wax uun baan kaa saxayey wllo! Hadad sax u aragtay qaladaadka aan saxayey faldan like dheh👍

  • @Safiyalowriinta
    @Safiyalowriinta ปีที่แล้ว +6

    Xaaskii Xasan Aadan Samatar Alaha Unaxariisto

  • @abduqani4951
    @abduqani4951 7 หลายเดือนก่อน +2

    Kampala sacaadu 3:22pm
    Habeenimo
    Entebbe luqmaan legend nolosha is bedel ka samayn raba ilaahay hayla qabto 😢❤

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  6 หลายเดือนก่อน

      Aamiin Insha Allah guul.
      Luqmaan kaalintii shidaalka sow ma aha? Entebbe branch ku yaalla miyaa jiray?

    • @abduqani4951
      @abduqani4951 6 หลายเดือนก่อน

      @@qaraamchannel Haa ugaas waa kaalin shidaal ila south sudan ila kenya ayay branches ku leedahay

  • @husseinadan386
    @husseinadan386 3 ปีที่แล้ว +15

    Abwaan kaneeco labada heesood uu u dhiibay Shamsa cumar waxay ku socdaan Xasan Adan samatar oo xumeeyay.
    Abwaan Kaneeco ilaahay haw naxariistu
    1986kii anagoo joogna tuulada la yidhaa kaam haashin ee ku taala dds Ethiopia ayuu iiga sheekeeyay labadaa heesoodba

    • @caalamiboy3510
      @caalamiboy3510 2 ปีที่แล้ว

      Sxb qisada uu kaga waramay ma inala wadaagi karta, oo heesta ku jirta

    • @ahmedcabdirisaaq2402
      @ahmedcabdirisaaq2402 2 ปีที่แล้ว

      Nala wadaag qisada abwaanku se goormuu dhintay

    • @MushrafMedia9789
      @MushrafMedia9789 2 ปีที่แล้ว

      Sxb inooga sheekey qisooyinkaasi adoo mahadsan

    • @Mocishqii
      @Mocishqii 2 ปีที่แล้ว

      Alaa maxaan maray Kam hashiin intaan hartaa sheekha qad kasoo qado ayaan wadadaa qaxo soo dhufaan jiray way way from Canada 🇨🇦 xusuus garaa

    • @blessedyonis6153
      @blessedyonis6153 5 หลายเดือนก่อน

      Qisada walal nosoo qor halkan fadlan

  • @nasriabdale4552
    @nasriabdale4552 3 ปีที่แล้ว +4

    Waa ereyadii ilaahay haw naxariistee abwaankii waynaa ee maxamuud soofe kaneeco iyo codkii fannaanad shamsa cumar axmad iyadana ilaahay haw naxariistee

  • @Daljir143
    @Daljir143 3 ปีที่แล้ว +8

    6jir anoo ah oo Baladweyne joogo baan dhegeysan jiray 2021 weli kama daalin❤ mama AUHN🤲

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว +1

      Aamiin.

    • @ismailalihasan9519
      @ismailalihasan9519 9 หลายเดือนก่อน

      Oo hada ma 8 jir baa tahay adkaatay

    • @Daljir143
      @Daljir143 9 หลายเดือนก่อน

      @@ismailalihasan9519 go’aan baan leeyahay weli intii baan jiraa😂😜

    • @asmaomar7113
      @asmaomar7113 หลายเดือนก่อน

      28/7/2024❤

  • @gaashaanbile6528
    @gaashaanbile6528 8 หลายเดือนก่อน +1

    ❤Alle ha U Nxaristo mamo Shamso cumar axmed Runti wa qof naxaris badan bey ahey walahi aad iyo aad baan u garanaya alle hay naxariste dalka itobiya wad joognay gar aham adiis Ababa xafada maganay sholay wad daganen illaahay Ha u naxariso gananad qaran bey ahey

  • @maxamedbashiir6155
    @maxamedbashiir6155 ปีที่แล้ว +4

    Heesaha ay qaado shamso cumar Cid ka daba qaaday oo saxday weli lama hayo Cid qortay oo saxday lama hayo waa maxay sababtu ilaahay haw naxariisto shamso cumar iyo intii dhimatay

  • @SareyFarah
    @SareyFarah 11 หลายเดือนก่อน +4

    Xusuus wllhi musalsalkii❤ Marry Kalara ❤heestaan waxaan dhageysan jiray 2009--2012 ❤
    ❤25-10-2023 ❤Wednesday ❤

  • @shaaniqadarshaani5677
    @shaaniqadarshaani5677 2 หลายเดือนก่อน

    Allah unaxristo abwaanka iyo intii dhimatay dhamaan bahda fanka 😢

  • @Runsheeg53633
    @Runsheeg53633 11 หลายเดือนก่อน +3

    Kudos to this channel. sharax erayada, lyrics and everything.

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe 3 หลายเดือนก่อน

    E mashaaaaalah tabaarakalah Qibrad Qibrad Wax yu qado waayaha ba ba layiri.Noloshaudaba sheekooyin yashayda waayarahayEba ii Qas ah.Ya ila YaQEEn wa taxanE soo jireen ahba.Nicmaturabi xasbunalah wanicmalwakiil

  • @GargooyeGargooye-s4f
    @GargooyeGargooye-s4f 10 หลายเดือนก่อน

    RABBII u naxariiso shamso cumar axmed 🤲 aamiin

  • @UbdirahmaanAbshirnuune
    @UbdirahmaanAbshirnuune ปีที่แล้ว +1

    Ax yaa hees heestan waxan dhagaysan jiray sanadi 2008 walahy xasuuss😢😊😊

  • @abdiibrahim8612
    @abdiibrahim8612 2 ปีที่แล้ว +5

    Heesta markii horasay anigoo socda wadda aya gaari lagu xiray meel iga sareesay oo taag sare ah isla markiiba anigoo bogan codka macaan bogan aniga Arday ahaan balse niyadeeda ayee Save kunoqaday

  • @newgenerationstudents3434
    @newgenerationstudents3434 3 ปีที่แล้ว +29

    The best song ever wlhi believe me or not

    • @Maeyann9
      @Maeyann9 ปีที่แล้ว

      I do believe you

    • @rabile6352
      @rabile6352 ปีที่แล้ว

      Yes indeed non stop hits

  • @arafaatabdirahmaan6165
    @arafaatabdirahmaan6165 3 ปีที่แล้ว +12

    Waxaan ka helay sida aad u fasirtay erayada adag ee aan dhalintu fahmayn tbks sxb

  • @abdimuse7911
    @abdimuse7911 ปีที่แล้ว +3

    waala isku Sar Gooyay Errayada, Laxamka & Codka Lagu Qaaday Intaba, Aun Fanaanada ..

  • @timroyacoub8369
    @timroyacoub8369 7 หลายเดือนก่อน

    Even the music was crying 😢 with the singer, and somali artists were genius ❤

  • @sabrinamahad8151
    @sabrinamahad8151 2 ปีที่แล้ว +9

    2022 hbeen jimco soo gashay 3habeenimo
    Oo roob da’ayo ayaan dhagaysanaya 😂😂😂😂😂❤️❤️❤️

  • @ua4426510
    @ua4426510 2 ปีที่แล้ว +1

    Thanks sxb si fiicanbad noogu faahfaahisay

  • @AMO00165
    @AMO00165 2 ปีที่แล้ว +2

    Qisadu waa sidaa aad sheegtay
    Waxay ku sabsanathay
    Shamsa cumar iyo hassan aadan

  • @elmiguleed7566
    @elmiguleed7566 3 ปีที่แล้ว +5

    Hydra walaalkeen baa la dhahaa.. Weriye Maxamed Cumar Haydra

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari 2 ปีที่แล้ว +4

    26 Sep 2020 Monday
    Jawi Subaxnimo Magaalada Hargeisa
    Heestan Oo aan ku xasuusto Filimkii
    Maria KLarra 2010 ayaan filayaa inu aha
    maanta ayaan marke nasiib u helay inaan dib u dhagaysto heestii Filimka.
    " Taawa cuduriyo
    "midaan taws lahaynoo
    "waxaan tabanayaa jirin
    "oo guri tigaadliyo
    "raaxo aan ku talo galay
    "Qormadaan tusmaystiyo
    "tiskuna ay isku muuqdaan
    "tifmay oo kalgacalkuna
    "ilaa maatan iyo cidhib
    "igu tiixay sida roob
    "tabtii Layla iyo Qays
    "isu tebinay sheekada
    "kaanu dhigay mee tallo
    "sow ma tuurin wacadkii
    "Ilays taran jacayliyo
    "talaal malaha caashaqu
    "ragna taada taada kama naxo
    "Tigaad ka laacdoo
    "sami Lagu tayaystiyo
    "Taabsin dheer wax iga jira
    "anoon tiigso weli odhan
    "Sow toomman naaf galay
    "Saxal ururku toban yahay
    "Toddob baaqday kowsaday
    "ma tiraabin wiilyohow
    "ana uma tawaawicin
    "todobaadba sheekadu
    "waxay taako socotaba
    "Markuu taabtay Halistuu
    "wadnaha dhiiga kala dagay
    "yaa taqaan Imuu Odhan
    "ILayn taran Jacayliyo
    "Tallaal malaha Caashaqu
    "Raggna Taada taada
    "Taada Kama Naxo.
    Raxmaanku haw naxariisto AUN Shamsa Omer

  • @farhiaiamail605
    @farhiaiamail605 3 ปีที่แล้ว +3

    Mahadsanid qarami kanal

  • @Siyaad_Show
    @Siyaad_Show 2 ปีที่แล้ว +7

    Qoraalka heesta iska saxa
    #Anoo Taawi Cudur iyo
    #Midaan Taws lahaynoo
    Sidaas ayaa sax aha
    Waayo kalmada
    Taawi = dhib ama Xanuun aan miirdabool lahayn
    Taws = farak isla hadal ku jiro
    Marka erayga Taws kama hor mari karto inna!

    • @mahamedali7781
      @mahamedali7781 2 ปีที่แล้ว

      Wax xooga sixitaana sxb
      Taawi= waa wax aad kasha ku hayso, rajaynayso ama aad filayso
      Taws= waa tabaalo ama dhibaato
      Sidaa awged u saxan yahay qoraalka hestu

    • @mo.ziyaad6216
      @mo.ziyaad6216 2 ปีที่แล้ว

      wxy ila tahay in uu sida ay u qorantahay ku saxanyahay

    • @dr.naimaomargaras4965
      @dr.naimaomargaras4965 2 ปีที่แล้ว

      Shukran erey bixinta saxda aad nala wadaagtay

    • @BaraarujiyeMedia
      @BaraarujiyeMedia 2 ปีที่แล้ว

      Ereyga Farak bal ii micnee walaal adoo mahadsan

    • @farhiaismail1984
      @farhiaismail1984 ปีที่แล้ว

      Sax waye Ano tawi cudur waxan tabanaya jirin o guri tigagliyo raxo an ku talo galay qormadan tusmeystiyo tiskuna ay isku mudan tarmayo kalgacal ki igu tixay sida Rob tabti leylo iyo Qeys si tabinay shekada kanu dhiganay balan sowtu turin wacadki ilen taran jacel iyo talal ma Laha cashaqa af somali qof ba nuc u qori Hal kalmad o boqol magac jiro

  • @saidhaashi3096
    @saidhaashi3096 17 วันที่ผ่านมา

    Tanu Dhiganey meel Talo Sow ma tuurin Wacadkii
    03.09.2024 Helsinki Finland

  • @mohamedsaleban
    @mohamedsaleban 2 หลายเดือนก่อน

    Aad ayaad ugu mahadsantahay sidaad Ereyada noogusoo sharaxday,

  • @sahruzhaahmed5214
    @sahruzhaahmed5214 2 ปีที่แล้ว +4

    1 Feb 2022 Tuessay Ayan dhagaysanay hadad iga dabayso Ayado Wakhti badani kaso waregay laga yaba inan dhigtay pls iso duce😓😍

    • @ladanxaaji6671
      @ladanxaaji6671 2 ปีที่แล้ว

      Ilaah cimriga hakuu dhereyo walada dhimnaaye

  • @WALAALAHAHARGEYSA
    @WALAALAHAHARGEYSA 3 ปีที่แล้ว +3

    AUN,Abwaankii weynaa Muxumed Xaaji Soofe Cilmi kaneeco. Iyo Fanaanaddaba Shamso Cumar. Thanks Chanelka.

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว

      Aamiin wll, Eebbe ha u naxariisto iyaga iyo dhammaan hooballadii iyo abwaanadii soo qurxiyay fankeenii wanaagsanaa.
      You are most welcome Barkhad Ciise🙏🏻 .

  • @XamseCaarane
    @XamseCaarane 3 หลายเดือนก่อน

    Qisadi gabadhi ninkedu
    Saudi Arabia 🇸🇦 jiray e masayrku galay heesti lo sameeyay
    ...
    Waxaana xaal ahaan loogu sameeyay ninki heesta ay shamso qaado e naftaan gabiga dheeriyo

  • @najibkhalif
    @najibkhalif 3 ปีที่แล้ว +10

    Wow. Great sxb. The record quality is the best that I have seen for this song. Sxb continue the good work. Respect!

    • @hooyomoomo8903
      @hooyomoomo8903 7 หลายเดือนก่อน

      Yeeeee xuseen xirsi jamaac faarax

  • @najiibcolaad2876
    @najiibcolaad2876 2 ปีที่แล้ว +4

    Hambalyo sxb. Waxaad tahay nin afka iyo dhaqankaba aqoon dheeraad ah u leh,anigoo isku tiriya inta af yaqaanka ah lafataydu erayo aan fahmi waayay ayaan ii kala qaad qaadday. Kun jeer hambalyo walaal. Halkaa ka sii wad hawsha fcn ee aad ku fooggantahay.

  • @sahalcabdiaxmed4992
    @sahalcabdiaxmed4992 2 ปีที่แล้ว +3

    waad ku mahadsan tahay sida aad erayada usharaxday waa shaqo bogaadin mudan

  • @khalidkaar9054
    @khalidkaar9054 2 หลายเดือนก่อน

    Aad ayaad ugu mahadsantahay sidaad ereryada noo deeqsiisay ee noogu macnaysay,

  • @cabdiwalibeeroof2483
    @cabdiwalibeeroof2483 9 หลายเดือนก่อน

    Very nice anoo maanta duhurkii qaadaya is arkay saas usoo raadiyay.

  • @M.Cabdulle
    @M.Cabdulle 6 หลายเดือนก่อน

    Ninka Lead Guitarka tumaya waa raggeedi wallaahi, siduu uga ooyisiiyey ayaan la yaabay!

  • @farhiaismail1984
    @farhiaismail1984 ปีที่แล้ว

    Hees macan aun mamo qaran shamso xasan adan

  • @maqmiipmukhtar3943
    @maqmiipmukhtar3943 9 หลายเดือนก่อน

    Caawa oo ay tahay salaasa
    Bishuna ay tahay
    04/Dec/ 2023
    Ayaa ku dhagaysanayaa
    Caasimada soomaaliland (Hargaysa caday)
    Habeen murqaankiisa wata

  • @garbiyemediaproduction8337
    @garbiyemediaproduction8337 ปีที่แล้ว

    hore u soco zxb qali🎉

  • @KM-jc5hl
    @KM-jc5hl ปีที่แล้ว +1

    Masha soonole qarami😂 👍 keep going 🎉

  • @Youtube.comkelliyare
    @Youtube.comkelliyare ปีที่แล้ว +1

    War halka aad farta yar yar ku qorteen waad khaladeene.
    ereygu waa (dhami) ama dhamaan
    meel tigaad ka laac do
    dhami lagu tayeys tiyo.

  • @iftinxaajicabdi791
    @iftinxaajicabdi791 8 หลายเดือนก่อน +1

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤shamsa❤❤❤❤

  • @mohamedyasin7726
    @mohamedyasin7726 8 หลายเดือนก่อน

    Qaraam channel sxb heestan way erayo adagtahay dadka badankiisu ma fahmaan waliba page ka dane lkiin 100/ wad saxday lyrcs ka horay usoco sxb wan ku bogaadinaya

    • @sulemansiryaaani6913
      @sulemansiryaaani6913 7 หลายเดือนก่อน

      Aad buu u saxay lakin laxanka xasan ma laha intaa ayuu yara qalday , fankii hore iyo sheekooyinkiisa cid saxaysaa ma jirto waxaa u sababa soomaalida oon taariikhdoida ka reebin dadkoodu intanay geriyoon, ta kale dumar badan oo ku heesaa iminaka way qaldaan waayo afsoomaaliga ma yaaqaanin dadka danbe. Tusaale -TIFAY = Sidii wax tif le sida daroor jiingad soo dhacaysa oo kale dhibic dhibic ah.

  • @bilexasan7039
    @bilexasan7039 ปีที่แล้ว

    Waa heees cajiiba 17 lul 2023 from goojacade ka dhegaysanayaaa

    • @mohammetziyat508
      @mohammetziyat508 8 หลายเดือนก่อน

      ma nooshahay garacow😂

  • @calimaqdis5952
    @calimaqdis5952 ปีที่แล้ว

    Eraydii abwaan maxamed soofe kaneeco

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe 3 หลายเดือนก่อน +1

    As, Familyyyyyy

  • @kaamilsoofe5242
    @kaamilsoofe5242 3 ปีที่แล้ว +7

    Alle haw naxariisto dhamaantood
    Chanellkuna erey bixin sugan ayuu ku sameeyey heeska mahadsanid🙏

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว

      Aamiin.
      Adigaa mudnaanta leh wll soo dhowoow.

    • @deromar4803
      @deromar4803 3 ปีที่แล้ว

      Eray-bixin maaha waa qeexid (sharixid) balse sharax waa carabi🤣🤣

  • @ahmedcade5139
    @ahmedcade5139 2 ปีที่แล้ว +6

    Beautiful song 💔

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe 3 หลายเดือนก่อน

    IlEEnEEy ilEEneey horistagnansho badan lama ahadEE. HadiikalE xa ka imanaYo dumaar iyo Rag, ya ya lu la ba bsh fa yulo, inyaroo kooban is olright lakiin IlEEnEEy ala baradhooy baradho wanagsanEy wacanEEy wa RunEE saxE.

  • @Cartan7
    @Cartan7 2 ปีที่แล้ว +2

    Waqoyi alifka heesaha somali hal-abuur

  • @YaskaSalama
    @YaskaSalama ปีที่แล้ว

    Mahadsanid sidaad noogu Sharax day. Ereyo aad u adag fahamkooda

  • @ajchannel4221
    @ajchannel4221 2 ปีที่แล้ว +1

    Dhammi lagu tayaystiyo sami baad ka dhigtay

  • @ahmedabdi3141
    @ahmedabdi3141 2 ปีที่แล้ว +1

    Mahad sanid sxb sare hawl adag baad haysaa 11/3/2022 baan dhegeysanayaa

  • @daudmohamed3998
    @daudmohamed3998 ปีที่แล้ว

    Taabsin geel Wax iga Jira
    Anoo tiigso wali odhan
    Saw tooman naaf galay ...
    Ma aha sidaad udhigtay taabsin dheer

  • @shakiradare4832
    @shakiradare4832 2 ปีที่แล้ว +1

    Waa maxay tawaawuc

  • @M.Cabdulle
    @M.Cabdulle 3 หลายเดือนก่อน

    Heestaani Guitar cajiib ah ayay leedahay. Tolow ninka guitarka u tumayey kuma ayuu ahaa?

  • @parre_elmi
    @parre_elmi 3 ปีที่แล้ว +4

    Sxp Waxad Haysa Shaqo Adag Ood San filaa Baritan Badan So Marisay Sxp Jiilka cusub Hada nahay Waxad Na xasusinaysa Dhaqanki Hore Hambalyo Hambalyo and Thankz sxp

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว

      Aad baan kuusoo dhoweynayaa walaal Parre Elmi, sidaa si la mid ah baan adigana runtii kaaga mahadcelinayaa dhiirigelintaada.

    • @farhiaismail1984
      @farhiaismail1984 ปีที่แล้ว

      Waxi idinka horeyay inad baratan wa wax fican beri tariqda wax laga weydiya jawab u heli aniga wax iga horeyay o anan waqti ga dhalan aya ka jawabi kara waqti ku bixiyay dadka old lala shekeysta tariqda dalka wa la barta lala socda

  • @cabdiwalibeeroof2483
    @cabdiwalibeeroof2483 9 หลายเดือนก่อน

    Anoo taawil cuduriyo
    Inna taws lahaynoo
    Wxaan tabanayaa jirin
    Oo guri tigaadliyo
    Raaxo aan ku talo galay
    Qormadaan tusmaystiyo
    Tiskuna ay isu muuqdaan
    Tafayoo kalgacalkuna
    Ilaamaa tin iyo cirib
    Igu tiixay sida roob
    Tabtii layla iyo qays
    isu tabinna sheekada
    Kaannu dhigannay meel talo
    Saw ma tuurin wacadkii
    Illeen taran jacayliyo
    Tallaal maalaha caashaqu
    Ragna taada kama naxo.

  • @bashman345
    @bashman345 3 หลายเดือนก่อน

    Erayadii mujaahid Maxamuud Soofe (Kaneeco)

  • @shimbirka.
    @shimbirka. 3 หลายเดือนก่อน

    Cajiib❤

  • @AhmedMohamed-tn5yg
    @AhmedMohamed-tn5yg 3 ปีที่แล้ว +3

    Sxb heesaha aad noo soo tebiso waa bilaa tashuush weliba taariikhi ah laakiin Waxaad ka daysaa hadalkan aad ku dhex dartay sidii kuwii odhan jirey studio karaama iyo studio boodhari

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว +1

      Hhhhh Anigu ma kor saarin sxb codkaas, nin Maxamed aw-jaamac la dhoho baa ila wadaagay mahadi haka gaadhee, isagaa la weydiin cidda codkaas kor saartay sxb.
      Mahadsanid, soona dhowoow.

    • @AhmedMohamed-tn5yg
      @AhmedMohamed-tn5yg 3 ปีที่แล้ว

      @@qaraamchannel mahadsanid sxbow dadaal uun bay iga tahay adba ma jeclid heeso hadal ku dhex jiro

  • @fahmi1435
    @fahmi1435 ปีที่แล้ว

    Xasuus canada 1998 my golden time 😭

    • @abdirihmanhajji7992
      @abdirihmanhajji7992 ปีที่แล้ว

      Ina adeero waan kuu salaaamy adigoo mahadsan waxaan rabaa in aan fariiin kuuu dhiibo ee meel aan kala soo xiriiro ii sheeg

  • @alisaid2008
    @alisaid2008 2 ปีที่แล้ว

    Mirihii maxamed soofe kaneeco laxankii x.a.samatar codka shamso cumar axmed

  • @mohamedhassan-ce1wy
    @mohamedhassan-ce1wy 3 ปีที่แล้ว +5

    mohaud sofe kaneeco ayaa hal abuuray
    Qisada heesta waxa ku soctaa shamsa iyo hassan aadan oo is qabay xasan aadan ayaa tagay dubai kadib shamsa ogatay inuu gabadh kale xidhiidh la yeeshay kadib waxay uu timid abwaanka una sheegtay dareenkeeda wax uun ka sameeya heestan kadib heesti waxa ay ku bahday xamar wax soo noqday xasan aadan wax aanu dawcad ka gudbiyay abwaan mohamud sofe kaneeco isag ka ashkateeyay sanguub iyo c/laahi ganay waxa aan lagu xukumay 1000 shilin oo xala waxa uu idh lagata ha layga daayo oo hees kale oo xala aan sameeyo waana laga yeelay waxa uuna sameeyay heesta ( guur raysle ) oo shamsa ay qaado

    • @ahmedhassan-vo1uu
      @ahmedhassan-vo1uu 3 ปีที่แล้ว +1

      Mohamed Hassan sxb maxaad soo kordhisay intii channel ku sok gudbiyay ayaad soo copy gareysay

    • @ibrahimabdighani9184
      @ibrahimabdighani9184 2 ปีที่แล้ว +1

      @@ahmedhassan-vo1uu kaliya wuxuu magac dhabay fanaanka iyo fanaanadda

    • @ahmedaliali5066
      @ahmedaliali5066 2 ปีที่แล้ว

      Oomane kalgacal iyo jaceyl gaaxsanaa abidey
      Hadii aad gudoon tiri galad weeye eebee guri reysleh iyo doog weynu gaari doonnaa!!! Cajiib

  • @Abdifitahabtidoon
    @Abdifitahabtidoon 3 ปีที่แล้ว +4

    Tis waa xooga oodd ah waa inuu qof qaadi karo

    • @rashiidibraahim4771
      @rashiidibraahim4771 3 ปีที่แล้ว

      Heesta qaybteeda labaad
      Ee ka bilaabanta
      Tigaada laadiyo
      Sami lagu tayaystiyo
      Taabsin wax iga jira
      Anoo tiigso weli odhan
      Saw toomman naaftay
      Miyaanay tilmaamaynin:,
      Sidii qof rejo wacan qaba oo sugaya
      Oo raynrayn u muuqata tiigsanaya
      Ama ku soo fooleedahay
      Oo saxalku ka meeray ama rejadii is doorisay.

  • @hadisserar1842
    @hadisserar1842 ปีที่แล้ว

    Runtii chanalkanii waa kii kowaad ee sidan u macneeyo wordska ku jira heesta waana filaya in aysan bulshada hada nooli aney garaneyn macnaha erayo ku jira heesaha somalida way mahadsan yahiin Qaraam chanal

  • @sulemansiryaaani6913
    @sulemansiryaaani6913 7 หลายเดือนก่อน

    Laxanka xasan muu saarin heesta iska sax halkaa wllo. Faalada aad qortay iyo qisada heestan is waafaji fadlan xasan aadan ma le laxanka heestan ee warayso dadka fanka ku xeeldheer

  • @xuseendhangub9704
    @xuseendhangub9704 ปีที่แล้ว

    AHUIN shamsa cumar Axmed wexey Aheyd fananad Qaliya oo le cod macan

  • @HaashimAhmedali-fe5yi
    @HaashimAhmedali-fe5yi 7 หลายเดือนก่อน

    WAayo waayo

  • @xasancabdi5015
    @xasancabdi5015 ปีที่แล้ว

    Hir tigaad ka laacdiyo weeye halkaa sax

  • @khalidahmed3810
    @khalidahmed3810 2 ปีที่แล้ว +2

    Wadnaha dhiiga kala tagay weeye mala qoraalkaa kaa qaldamee lkn intii lyrics wax ku qoraysay ninkii ugu macquulsana ayaa tahay xata waxaad noo raacisay sharaxaadii heestana faniin badan ayaa dib u qaadey oo wada qaldey ereyadeeda hada ka dib se uma malaynaayo in la qaldi doono mahadsanid

  • @ssaynab3887
    @ssaynab3887 6 หลายเดือนก่อน

    Waan qiirooday

  • @blessedyonis6153
    @blessedyonis6153 5 หลายเดือนก่อน

    Can someone post on here the story behind this song plz heesta qosadeda noosoo qora walal

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  5 หลายเดือนก่อน

      Check out the pinned (top) comment 📌

  • @jibriilabdishakurali614
    @jibriilabdishakurali614 7 หลายเดือนก่อน

    Heeskan waxay ku soo geli jirtay musalsalkii Maariyakalaara ee HCTV, midh kamaan aqoon heestan hadana waan la qaadi jiren, imikanaa si nin weyn u dhagaysanayaa.
    Fanka Asluubaysan ha waaro.

  • @MahamedDirshaale
    @MahamedDirshaale 7 หลายเดือนก่อน

    Xusuus musalsal

  • @somalitoday4962
    @somalitoday4962 ปีที่แล้ว

    Kooxda Musicga tumeysa Waabari Hargaysa

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe 3 หลายเดือนก่อน

    As, LEE, Familyyyyyy wa ayamihii la Racay layfa soo dhawaystoo dumar badnaa Haween dumar Naagodumar murwodumaroo samsamEey yariiseey dagan fariidad Qaasatan facyaashay troonEey bilyans dumarood ugu qiimobadanEEy fariidad kabacdina kabacdina, Natiijo buuxdo wa HEEyE SEE Yartayarta Ya Ya

  • @NJawte
    @NJawte ปีที่แล้ว

    Dhul tigaad ka laacdiyo miyaanay ahayn halkaasi mise waa tigaad ka laacdiyo keliya? 🤔

  • @kaysarsiyaad9182
    @kaysarsiyaad9182 2 ปีที่แล้ว

    Wll gabayo noosoo geli adoo mahadsan

  • @mahadkilwe6096
    @mahadkilwe6096 3 ปีที่แล้ว +1

    Fanaaninta qisadu ku dhacday ma Cigaal iyo Maryanba

    • @buuxciise2167
      @buuxciise2167 3 ปีที่แล้ว

      u malayn mayo inay yihiin cigal iyo maryan

    • @AhmedAhmed-ez6nz
      @AhmedAhmed-ez6nz 3 ปีที่แล้ว

      Fanaanka waa samatar lkn fanaanada ma garanayo 👍

    • @abdullahiahmed2409
      @abdullahiahmed2409 3 ปีที่แล้ว

      Hadduu fanaanka Xasan Adan ahaa Shamso Cumar aun xaaskiisey ahayd dabcan sheekada ayadey ku socotey

    • @adamalsomali9341
      @adamalsomali9341 3 ปีที่แล้ว +1

      @@AhmedAhmed-ez6nz oo suu laxan u saaray hadana ninkii sameyay xaal ugu sheegtay xasan aadan samatar bal halka iska hubso waaberi way badnayene

    • @AhmedMohamed-tn5yg
      @AhmedMohamed-tn5yg 3 ปีที่แล้ว

      Cigaal iyo maryan xilliga heestan la sameeyey ka hor bay is fureen dibna isku may noqon

  • @ugaashashi7412
    @ugaashashi7412 7 หลายเดือนก่อน

    Khakaf

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac ปีที่แล้ว +1

    1kowsadey////🎎wiilooo???

  • @farhiaismail1984
    @farhiaismail1984 ปีที่แล้ว +1

    Ano tawi i cudur ina tows laheyno waxan tabanaya jirin o guri tigagliyo raxo an ku talo galay qormadan tusmeystiyo tiskuna ay isku mudan tarmayo kalgacal ki igu tixay sida Rob tabti leylo iyo Qeys si tabinay shekada kanu dhiganay balan sowtu turay balanti ilen talal ma Laha cashaqa ragna tada kama naxo tigadka lacdiyo sami lagu lagu tayeys tiyo ano tigso weli oran sowtu manaf galay saxal urur ku toban todabadba shekadu waxay tos u socotaba maku tabay halisti wadnaha dhiga kala degay ya taqan imu oron ilen taran jacelki talal ma Laha cashaqa ragna tada kama naxo 😅😅😅😅😅😅

  • @ugaashashi7412
    @ugaashashi7412 7 หลายเดือนก่อน

    Adeer abdi adan mahad

  • @ugaashashi7412
    @ugaashashi7412 7 หลายเดือนก่อน

    Reer mahad xabada ma jeca

  • @ugaashashi7412
    @ugaashashi7412 7 หลายเดือนก่อน

    Only abdi adan

  • @cabdilaahimaxamuud122
    @cabdilaahimaxamuud122 2 ปีที่แล้ว

    Waxaan tabanayaa jirin waye e jidhi ma aha mar walba isma qatan dh da io r du

  • @digaalerooble4296
    @digaalerooble4296 3 ปีที่แล้ว +2

    Siduu u laxanka u saaray samatar.ma raali bu ka ahaa heestan ? markaa laxnkan qof kale aya leh

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 ปีที่แล้ว +1

      Sidaas baa walaal diiwaan gashan.
      Hase ahaatee aan adiga walaal ku weydiiyee su'aal e maxaad ku xaqiijinaysaa in ay qisada heestu ay Xasan Aadan iyo Shamso Cumar ku socotay?

    • @mustafejama7517
      @mustafejama7517 2 ปีที่แล้ว

      @@qaraamchannel abwaanka heesta leh ee kanreco ayaa ka waramay in labada heesod ee uu u dhiibay shamsa ay iyada kusocdaan oo xasan adan xumeeyey iyada

    • @mustafejama7517
      @mustafejama7517 2 ปีที่แล้ว

      @@qaraamchannel abwaanka heesta leh ee kanreco ayaa ka waramay in labada heesod ee uu u dhiibay shamsa ay iyada kusocdaan oo xasan adan xumeeyey iyada

    • @halalmedia9605
      @halalmedia9605 7 หลายเดือนก่อน

      Haa wll wad saxsantey laxanka iyo kabankaba goobe aya lahaa xasan aadana marka dubai ku maqnaa

    • @ahmedelmi-assoweh
      @ahmedelmi-assoweh 4 หลายเดือนก่อน

      Wakhtiga eey heestu soo baxdey Xasan aden dibada buu ku maqna.​@@mustafejama7517

  • @dahircumar3479
    @dahircumar3479 2 ปีที่แล้ว

    Musasalki ay sarnajirtay xagee laga heli karaa

  • @mustafeali617
    @mustafeali617 7 หลายเดือนก่อน +1

    13.2.2024. Decisions again. India.

  • @ugaashashi7412
    @ugaashashi7412 7 หลายเดือนก่อน

    Khasaaro will abdi adan

  • @Nour_abdulahi
    @Nour_abdulahi ปีที่แล้ว

    Omg.....

  • @hooyomoomo8903
    @hooyomoomo8903 7 หลายเดือนก่อน

    ❤❤❤❤❤❤

  • @asmaomar7113
    @asmaomar7113 ปีที่แล้ว +1

    😍😍😍😍😍😍😘