Baydhabo Jinaay | Janada Somaliya | Waaberi Show | Xalqadda 11aad

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 28 ส.ค. 2024
  • Baydhabo waa magaalada ugu wayn gobolka Baay ee dhaca koonfur galbeed soomaaliya, waa magaalo istiriaatiji ah oo 275 KM dhanka konfur kaga beegan Caasimada Muqdisho, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan dhulka soomaaliyeed, waa caasimadda Afraad ee dalka, Marka laga hadlayo xududuudaheeda waxaa ay u kala baxan xuduud badeed iyo xuduud dhuleed, Gobolka Bay oo ay magaalo madax u tahay Baydhabo waxaa gaar u ah in uu yahay Gobolka kaliya ee ay dhamaan afarta jiho ka xigaan gobolo kale oo Soomaaliya ah, Juquraafi ahaan waa magaalo aan wabi iyo xeeb toona lahayn, balse ku caan ah wax soo saarka beeraha ee ku dhisan ilaha biyaha dabiiciga ah ee magaaladani hibada u leedahay. Gobolka Bay oo ay caasimada u tahay Magaalada Baydhabo waxa uu dhacaa inta u dhexeysa labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, Ilaha biyaha oo sameeya qulqul sidii wabigi ah, dhulka cagaaran eek u xeeran magaalada iyo beeraha dhinac walba magaalada kaga yaala ayaa keenay in magaalada lagu naaneyso Baydhabo Janaay.

ความคิดเห็น • 225