CODKA UBAX - Silsilad-maanseedda Digrigii Xubbiga

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 11 ม.ค. 2025

ความคิดเห็น • 380

  • @ZamzamXuseen-hf6zi
    @ZamzamXuseen-hf6zi ปีที่แล้ว +59

    Markaan adi kuu darsado
    Ku tabo owgaa damqado
    Indhuhu ilmo daadiyaan
    Agtayda hareerta dayo
    Ayaan dib u sii naxaa
    Ileyn dow baan furnaan
    Docdaada iga soo jirtiyo
    Mar kale dunidii shidnayd
    Hadaan ku dalxiisi lahaa
    Dartaa ugu laaban lahaa
    Dib baan loo iman karayn
    😭😭😭😭😭😭😭😭
    Jidhkani I dubaaxiyoow
    Digtoor ma hayee miyaan
    Anigu ku dawayn karaa
    Dabiib kuu noqon karaa
    Didmada kaa Celin karaa
    Wadnaha I daloola ee
    Hadana I danqaabayooow
    Wuxuu dildilaaac ku yimi
    Wadnihii ku dabooli lahaa
    Diyaarada halkaas ka timi
    Dushayda ma soo martee
    Dabaysha dhacdaay I qaad
    Ayaamahan diifta badan
    Daruur onkodaay I qooo
    Dariiiq ba dariiiq ka dheer
    Dhabadu sii durugtayeeey
    Dalcadu sii korodhayeeey
    Hadh baan doon doonayeee
    Markuu damalkaygu dhacay
    Cadceeda is daashanee
    Markuu jawi diiran lumay
    Dubkiyo dhaxanta is helay
    Qof buu ahaa dugsooon kalgacal
    Qof buu ahaa difaac qofnimo
    Qof buu ahaa daryeel ku sida Haduu Dakhar yari ku dhaco
    Waxaan darisnaa naxdine
    Wiil diran buu ahaa
    Qof eega dantuuu ahaa
    Dulqaad qof leh buu ahaa
    Darbiga samirkuu ahaa
    Dubaha xumuhuu ahaa
    Qof diin leh buu ahaa
    Raga janaduu ahaa
    Dartaad ku lahayd qalbiga
    Adaa ku dakaamayee
    Dhexdeeda dawaafayee
    Dayrkaaga xasuusta Mudan
    Habaaska ma daari karo
    Jacaylku qolkuu dhex degay
    Albaabka dartaa u furan
    Ilaalaa ku daabacanoo
    😭😭😭🤲🤲🤲😭😭😭
    Salaada markaan tukado
    Duraansiga eebahaay
    Wuxuu dalabkaygu yahay
    Si daacada oo kal furan
    Janada ha dabaasheee
    Rabow durdurkiisa geee😭😭😭😭🤲😭😭😭🤲
    Qof dacada baad ahayd
    Dareenka naftaad ahayd
    Dayrkii cadowgaad ahayd
    Qof ii damqadaad ahaud
    Mid ii diiran baad ahayd
    Adaan dadka kuu jeclaaa
    Cidloday dartaa walal
    Qof kale iga diid Nabdigu
    Agtadu doonayaa
    Dawana wuu kaa rabaa
    Nalkaad ii daartay baan
    Hadeer ka dayaa iftiin
    Walow big dam uu yidhaaah
    Wakhtiga inamuu yar dayn
    Duruuftuna may xishooon
    Halkaad degtay baa fogayd
    Hadii dumarkaba la yidhi
    Kun Bay dushaa ugu ritaan
    Aniga waan dilanahooo
    Mid baan idaryeeli karayn
    Damacu waa kaad ogayd
    Naftana adigaa u daran
    Hayeeshee durufta iyo wayaha
    Ina kala diree
    Ducaan kuu so diraaa😢😢😢😢😢

    • @asmoyuusuf1068
      @asmoyuusuf1068 11 หลายเดือนก่อน

      Sorry😢😢😢

    • @primemoha
      @primemoha 10 หลายเดือนก่อน

      😢😢

    • @MahadabdiSahal
      @MahadabdiSahal 10 หลายเดือนก่อน

      Wllo maad iso diri kartaa

    • @ZamzamXuseen-hf6zi
      @ZamzamXuseen-hf6zi 10 หลายเดือนก่อน

      @@MahadabdiSahal xagee kugu so diraaa

    • @MahadabdiSahal
      @MahadabdiSahal 9 หลายเดือนก่อน

      Sorry wllshey ❤❤

  • @sakariyecartan1326
    @sakariyecartan1326 2 ปีที่แล้ว +81

    Nalkii damayoow ku tabey
    Jaceyl dumayoow hanjabey
    Ilinta qubataaay dardhadey
    Difaaca jirkooow isdhimey
    Cidladaan derisnaay kunacey
    Abwaan kaaba..🥰🥰🥰💯

  • @sawaraanuush-tb8kv
    @sawaraanuush-tb8kv ปีที่แล้ว +35

    Waxa lagu jira bil ramadan ramadan waxay mareysa 10 tariikhdu waa 4/2023 malin axada sacadu waa 5:11 waxan dul fadhiya saliga salada waxan rajenaya wax badan oo qalbigeyga ku jira Alle ha ii rumeyo Qisadan Digriga xubiga Wey ii baxaysa alle wixi qalbigodu gubanayo ha uu qabojiye❤

    • @Dhiirintanafta
      @Dhiirintanafta ปีที่แล้ว +2

      Alle haku rumeeyo wllo

    • @ciidoaroos4246
      @ciidoaroos4246 9 หลายเดือนก่อน

      Waxan Markii 301aad Daawanaya Iyadoo ay tahay 21ka Bisha Ramadan Runtii Aad ayay iisaamaynaysaa Waxana waayay Qofkii Agtayda Ugu Mudnaa 23kii March 😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢

  • @ugbaadshanle
    @ugbaadshanle 2 ปีที่แล้ว +76

    Waxaan anna maanta dacal
    Is idhi darafkaaga gudo
    Qisada deel lagu dhisee
    Abwaan Haldhis daahfuree
    Weedhsame sii daadahshee
    Dar kale maansada galee
    La yidhi ‘Digrigii Xubbiga’
    Daryeel aan waayayeey
    Markaad dunidii lurkiyo
    Ifkii naxdintiyo dulmiga
    Dushooda ka haajirteed
    Daar kale ku cawaysay baan
    Digniin qalbigaad jeclayd
    U direy samir iyo dulqaad
    Adoon ii wada dulmarin
    I deeqsiin xaalka jira
    Wed baa kugu soo degdegay!
    Huq baa dabadaa i tidhi
    Dhibaatada deris la noqo
    Waa tii anba iilka dedan
    Dayr aan cidi dhaafi karin
    Derbiga adag jabi i tidhi
    Naftii durugtaay intaan
    Adiga dun cad lagugu tolin
    Waxaan duni ugu jeclaa
    Inaan daafaha arliga
    Dalxiis keligaa la galo
    Ha yeeshee daacaddii
    Xaq baa yimi aan dib dhicin
    Malaa’ig an daalay odhan
    Ayaan dalbadaa inay
    Jannada deris kula noqdaan
    Waxaan u arkaayay deeq
    Inaan dumar kaala baxay
    Waxaa hadda iigu daran
    Markay dadku iga tagaan
    Xusuus baan daawadaa
    Waxaan dalbadaa adayg
    Ma doono xidhiidho kale
    Qalbiga aad doojisaa
    Cid kale dejinayn mar kale
    Nalkii damayoow ku tebay
    Jacayl dumayoow han jabay
    Illinta qubataay dardhaday
    Difaaca jidhkoow is dhimay
    Cidladan derisnaay ku nacay
    Wakhtiga ordayaan ku degi
    Dan baa iman waan ladnaan
    Dambaytadu way wacnaan
    Niyadda jabtay baa is diri
    Damiir qancay baa mar kici
    Qof kale doondoon i odhan
    Danayntaadii wacnayd
    Cid kale kama doonayee
    Nasiibkaygaan ku dayi
    Tijaabada doorar kale
    Wuxuu qorey daa’inkeen
    I daa kaagama tagee
    Anoon diidayn xaqiyo
    Wuxuu daabacay Ilaah
    Adaan duhur iyo allayl
    Salaad kasta kuu ducayn.
    Kaaba Axmed Caydiid
    💔🥺😭

  • @sadiiqcabdiraxmaan856
    @sadiiqcabdiraxmaan856 2 ปีที่แล้ว +39

    Ya allah dadkaanu jecelnahay cimriga iyo caafimadkaba u barakee 🤲🤲😥

  • @mohancintile9865
    @mohancintile9865 2 ปีที่แล้ว +35

    Cabdiraxmaan-Haldhis Axmed Cumar
    Digrigii Xubiga ❤️
    Waktigu dardar buu ka yahay
    Mar kale door buu ka yahay
    Dahsoonna mar buu u yahay
    Dunida safarkeeda taxan
    Nolosha duubkeeda dheer
    Markani gurigaan dugsaday
    Dawaar adag baa furfuran
    Darmiyo gogoshii la laab
    Labada dhinac baan ka dayey
    Dacalka midig baa babbaday
    Darafka bidix baa ku xigey
    Markuu seeskiisu dumay
    Dawanka dhiilladu ka yeedh
    Durtaba cabsi baan dhex galay
    Dareen cidla' aan dhex tagey
    Docdii wehelkaa bannaan
    Duruufahan yaabka badan
    Dharaarahan daalka badan
    Xanuun daran baa ku ladhan
    Naftayda dab baa ku shidan
    Boggana damqashaa ku mudan
    Jidhkani i dubaaxiyoow
    Digtoor ma hayee miyaan
    Anigu ku dawayn karaa
    Dibiib kuu noqon karaa
    Didmada kaa celin karaa
    Wadnaha i daloola ee
    Haddana i danqaabayoow
    Wuxuu dildillaac ku yimi
    Wadnii ku dabooli laa!
    Diyaarad Riyaad ka timi
    Dushayda ma sooo martee
    Dabaysha dhacdaay i qaad!
    Ayaamahan diifta badan
    Daruur onkoddaay i qoo
    Dariiqba dariiq ka dheer
    Dhabbadu sii duragtayeey
    Dalcaddu sii koradhayeey
    Hadh baan doondoonayee
    Markuu damalkaygu dhacay
    Cadceedda is daashanneey
    Markuu jawi diirran lumo
    Dubkiyo dhaxantaa is hela
    Qof kuu ah dugsoon kalgacal
    Qof kuu ah difaac qofnimo
    Qof kuu ah daryeel ku sida
    Hadduu dakhar yari ku dhaco
    Waxaa deristaan naxdine
    Dhabeel diran bay ahayd
    Qof eega dantay ahayd
    Dulqaad qof le bay ahayd
    Darbiga samirkay ahayd
    Dubbaha xumahay ahayd
    Qof diin jecel bay ahayd
    Dumarka jannaday ahayd
    Maxay dun xariiri tari
    Haddaan lays daynahayn
    Dabeecad wanaagsaneey
    Maxay sharaf doora iyo
    Lahayd dadnimiyo xishood
    Waxaan u jeclaa dadkoo
    Darteed baan faraxsanaa
    Dhawaanna dugsaan lahaa
    Wax see arrinkaa dellegay
    Talada dakharkaa ku dhigay
    Dillaan dhacay kaayihii
    Dugsiga noloshee baxaay
    Dambarka samehee gudhaay
    Dabayl farxadeed go'daay
    Shimbirka duulee tagaay
    Gabbalka dhacayee dumaay
    Dayaxa nuuree libdhaay
    Laydhkii araggee damaay
    Digriga xubbigaad tahee
    Haddaan dabadaa qof helo
    Xuskaaga ma duugi karo!
    Daartaad ku lahayd qalbiga
    Adaa ku dakaynayoo
    Dhexdeeda dawaafayee
    Dayrkeeda xusuusta mudan
    Habaasku ma daari karo
    Jacaylku qolkuu dhex degay
    Albaabka dartaa u furan
    Lillaahi ku daabacnow
    Salaadda markaan dukado
    Durraansiga Eebbeheen
    Wuxuu dalabkaygu yahay
    Si daacada oo kal furan
    "Jannada ha dabbaalatee
    Rabboow durdurkeeda gee"
    Si aan hadal uga dambayn
    Tixdana dulucdii u lumin
    Waxaan dabarkaa ku xidhay
    Rabbow ducadaa ajiib!
    Maansadan Waa Cabjiib
    Ilaah Cimriga Iyo Cafimaadka Hakuu Daayo .
    Waxaa Waqti Badan Agtayda Ku dhagaysan Jirray Yar Zxbky ahhaa Oo Uga Dambeyn Markii Ay Xaaskiisi Aqal Galeen ay Ka Dhimatay .😢

  • @salahmohamedegaal2204
    @salahmohamedegaal2204 2 ปีที่แล้ว +9

    Waxan leenahy dhaqan iyo hiddo tiir uyahay suuganta wamaxay dareen iyo samarsiin, wax u sheeg micno wayne xambarsan ooy noosheegen abwaaninto
    #whatthefeelings😭😓thankscudkaubax

  • @Sakariye_Akabe
    @Sakariye_Akabe 2 ปีที่แล้ว +34

    Ustaad Ismaaciil cabdilaahi ubax, Waad mahadsantihiin adiga iyo Codka ubax.
    Runtii barnaamijyada codka ubax ma kala dhacaan, oo dhamaantood waa kuwo wada dhagaysi iyo daawashado mudan.
    Ustaad Sheeko Faneedadaadii ay gaax, Indho-deeq iyo isaseeg isleeg ahaa fadlan noosoo codee.
    Mahadsanid.♥️

    • @AbdinassirShukri
      @AbdinassirShukri 2 ปีที่แล้ว +1

      Waryaa dhammayso.

    • @Sakariye_Akabe
      @Sakariye_Akabe 2 ปีที่แล้ว +1

      @@AbdinassirShukri tamaam ustaadii war dhamaaday.♥️

  • @Siciid04
    @Siciid04 2 ปีที่แล้ว +6

    Ilaahay ha u raxmdo gabadhaas beddel khayr qabana ka siiyo walaalkeen.
    Aad bay u mahadsan yihiin Haldoorrada horteenna wada fadhiya ee dhallinyarada ah kuwaas oo dareenno wada qalbi taabad ah noosoo gudbiyay. Codka Ubax waa saaxiib aan wehshado markasta. Mahadsanid Ismaaciil barrnaamijyadaada tayada badan ee aad nala wadaagto.❤

  • @dhemanlaki
    @dhemanlaki 9 หลายเดือนก่อน +1

    alleh ha u naxaristo wiilkana alleh qalbiga ha uga reebo

  • @jamajabra5290
    @jamajabra5290 2 ปีที่แล้ว +9

    Qiso murugo leh waxaase cajiib ah qaabka ay suugaanyahanka kala duwan ula dareen noqdeen dhibanaha una daweyeen ayago weliba dawr walba ciyaaray.
    Really they are special pschycotherapies❤

  • @masriaali984
    @masriaali984 2 ปีที่แล้ว +10

    Ismacil waad ku mahadsan tahay in aadan ogalaan sii daynta codkeeda, waalidkeeda un ma ahee inaga oo dhami ayey ina dhaawici lahayd Alle Swt ha u naxariisto🤲🏼

  • @ixsaanmahdi4488
    @ixsaanmahdi4488 2 ปีที่แล้ว +14

    Alle hawnaxariisto marxuumada wiilkana cawil khayr qaba 🥲🤲🏻
    Allaw hanaga fogayn qofaan jecelnahay 🤲🏻🤲🏻🤍

  • @hamzaking2942
    @hamzaking2942 2 ปีที่แล้ว +20

    Dhiiri galintu waa shay aad u qiimo badan qofku markuu wax wanagsan sameeyo "Codka Ubaxa" aadbaan kuu bogaadinayaa wax tabintaa nafciga leh.
    Mahadsanid.

  • @ciiltira10
    @ciiltira10 ปีที่แล้ว +6

    2023/April/12
    Ramdaan 21 this story touching my heart
    14:14 duhurnimi Allow danbigeena dhaaf
    Allow hamigayga irume Amiin😭💔

  • @abdaa8152
    @abdaa8152 2 ปีที่แล้ว +11

    Dareen dhab ah💯
    Allaha u naxariisto marxuumada, inankana badal kheer qabaan u rajaynayaa

  • @Qofnaba.
    @Qofnaba. 2 ปีที่แล้ว +11

    Xalqadi ugu qiimaha badnayd weeyi codka ubax oo ay abwaanada dada yari inagula wadaageen dareenada kala duwan ee la hadlaya qisada xanuunka badan ee ku dhacday lamanaha 🙏🏾😭💔💔😭 mahadsanid walal ismciil ubax

  • @hudaabdirahman5374
    @hudaabdirahman5374 2 ปีที่แล้ว +12

    Ustaad Ismail anoo podcast ka kaala socda oo halkaas ka dhagaystay isla habenkaad soo galisayba hadana waxan xil iska saaray inaan TH-cam kana ka daawo si views ka iyo like taydaba aanad u tabin🥰Horay u soco dadaalkana kordhi mar walba dhankaagaanu nahaye✊🏻

  • @hamdakilwe6420
    @hamdakilwe6420 7 หลายเดือนก่อน +3

    Caawa ayuu aqal galay inankii silsiladu ka waramaysay.
    Hambalyo allaha barakeeyo reerkiisa.
    "Nasiibkaygaan ku deyi
    Tijaabada doorar kale."
    Waa maansadii "Xusuuus baan Daawadaa" oo ah maanso kabasho ah, kana mid ah Qisadii Digrigii Xubbiga.
    Waxa alliftay: Ayan Ahmed Aidid

    • @Nayza.678
      @Nayza.678 6 หลายเดือนก่อน

      Wiilku waakee wllo

  • @geenyadacaad2456
    @geenyadacaad2456 ปีที่แล้ว +10

    💔😭😭 Geeriyey maxa daad aan jeclaa iga kaxaysay 2021/April /4:37 am Sunday waa habeen habenada kle iga duwan. Waan hurday hurdo saaq ah waxa so dhacay telkaygi o dhanka bidix iga yalaay oo an fiidki mute ka hilmamay wan qabtay sa waa qof family gena ka mid ah waxun dhahay hooyo daa allah u naxaristo haday naftu daysay telki wan tuuray hadalkan laha midh kama xasusto lkn waxa carar waxan furay albab sidan qofa kuri u aado si aan isku tuuro gabadh ba ilaa jogtay way isku kay madhay ilaa umadi so baxdo wan oyaay ilaa aan awood dhigo why hooyadey 2019 igu dan baysay geeridu kadis ahaaydi tan kale waxay i aheed friends iyo mother waxay aheed gabadha kaliya ee ay adunka ka eegan jirtay wan jecla sii bilaa indho ah lkn hal😭hal mar baa aduunki igu madobaday
    KHALID KAMIL MAXU DHAHAY WARAAQ KU QOR OHINTAADA😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭💔💔💔💔💔💔💔💔

  • @miimashariif2394
    @miimashariif2394 2 ปีที่แล้ว +9

    Waa qiso an la ilmeeyay wlhi illahay qalbiga haw qaboojiyo🤲

  • @sihammohamed7026
    @sihammohamed7026 2 ปีที่แล้ว +3

    Suuganta Somalidu waa cajiib,
    يا ليتني كنت شاعرا اعبر بما في نفسي .
    Lakiin dheg ka maalie uun baan ahay ❤
    Iakiin Suuganta Somalida wa khayali, mahaa med ka turjuntaa dhaqanka Somalida......ee wa qaybtaa ka maqan .

  • @amalnuura4789
    @amalnuura4789 ปีที่แล้ว +5

    Wlhi waa la ilmeeyey inankas Allow qalbiga uu qaboooji iyana uu naxriiiso😭🥺🤲🏻

  • @mohamedalihassan3327
    @mohamedalihassan3327 2 ปีที่แล้ว +4

    Sheekadan 2019kii meelahaas baan dhagaystay ,runtii habeenkaas ma seexan Ilmo iyo murugo darteed. ALLE ha u naxariisto gabaadhaas walaasheen ee qisadaasi ku socotay .

    • @XanaanYaasin275
      @XanaanYaasin275 2 หลายเดือนก่อน +1

      Ana maantan dhegeysanaya ka wrn 9.November 2024

  • @drabdirahmanmaxamed5175
    @drabdirahmanmaxamed5175 2 ปีที่แล้ว +4

    😭😭😭😭 xaqiiq di qof kasta oo inuu qalbi nool alle ugu deeqay wa dareemi kara xanunks alle badal khyr qaba ha siiyo wllkay wllshyna alle ha u naxaristo
    Inta sida dhabta ah isku jecelna alle ha isku daayo 🤲🏻🤲🏻🤲🏻🤲🏻

  • @abdirahmanhassan3769
    @abdirahmanhassan3769 2 ปีที่แล้ว

    Waaw war waxani xikmad wey dhaaf taye magac u baxshay .runtii dhalinyaro xikmad iyo aftahanimo badan ku duugantahay oo suugaanteeni dib boorka uga jafi kara ayaa weli nool. Masha allah 🙏

  • @mizwacan3065
    @mizwacan3065 2 ปีที่แล้ว +5

    😢😢Waa qiso iyo maansoyin murugo leh alle ha u naxariisto inanta janadana kuwii ku kulma alle haka yeelo

  • @zakicade5961
    @zakicade5961 2 ปีที่แล้ว +3

    Dareen dhab ah ❤❤
    Marxuumada allah u naxariisto janadii fardowsa allah haka waraabiyo
    wiilkyna allah qalbiga u qaboojiyo badal qeyr qaba allah uhu badalo

  • @Zuumi3
    @Zuumi3 ปีที่แล้ว +6

    Qisadan way itaabatay waayo 😭way igu dhacday tano kale wlshy iyo jacaylkayga 1week kala danbeyey😢 lkn hda wankso kabtay💔

  • @sacdiyasiman1348
    @sacdiyasiman1348 2 ปีที่แล้ว +7

    Daartaad kulahayd qalbiga adaa ku dakaynayoo dhex deeda dawafayee dayrkeeda xasuustaa mudan Habaasku Madaari karo 😭😭
    Naxariita Eebe Wayne ayaan uwaydiinayna gabadha inankana qalbiga Allaha uqaboojiyo

  • @sihammohamud493
    @sihammohamud493 2 ปีที่แล้ว +1

    Runtii waa qiso aad u murugo badan inantana Alle haw naxaristo waxan xasustey heestii cumar dhuule ee odhan jirtey
    { biimeeyey naftaan bogsiin jirayeey , waa jaceylkaagee taan u jiidh go'ayeey , Alla jannoy aawadaa ma jiifsado'e}

  • @amriitashorf5889
    @amriitashorf5889 2 ปีที่แล้ว +22

    5/8/2021😥😥 Habeenkii hooyade Alle iga jeclaade
    HiLow baa qabaaye
    ILintaanan Hay karin
    Hor jogaaga i sawiran
    Hormarki noLoshedaay
    Taan hiigsan jirayee
    Adaa ii hiiLiye
    HarerTeyda jooge
    HanFi iyo dhibkaan maraY
    Waxa duni HowL yaaLe agTaada ku HiLaami jire
    Hamiga LaHaay so Hog kuma dhicin Habeenka ku waaYe sow Huq maan dhihin
    Dunidan HaLowsani sow Hal kuma noqon

    • @shakiromarnaxar7212
      @shakiromarnaxar7212 2 ปีที่แล้ว +5

      ApYo ilHahY haw naxariisto hooYo wan kuLa dareemYna dhipka hooYo la aantu leedahY plse xaq baaYimi qlbiga alle Hakuu qaboojiYo walsheY

  • @akhyaarsuguule3856
    @akhyaarsuguule3856 2 ปีที่แล้ว +11

    codka ubax podcast Afsoomaali ku baxa midkii ugu wanaagsanaa aana aad uxiiseeyo baramijtiisa😍 mahadsanidiin dhamtiima

  • @suhaylaaliabdi8346
    @suhaylaaliabdi8346 7 หลายเดือนก่อน +3

    Wlhii waa xanuun markaad waydo qofkaad jeclayd kaliya waxaa dareemi kara qof ay ku dhacday oo kaliyaa alle ayaan u baryaa markaan xasuusto qofkaygi 😭😭😭 waxaan alle ka rajaynayaa in aan janada alle igu tuso insha allah 😭😭😭😭

  • @najibwerar6117
    @najibwerar6117 2 ปีที่แล้ว +1

    Codka ubax waa bogga kaliya ee markan istareex ubaahanaha aanku kifaaxo mar waliba waxan kahela da,yar aanad miridhna indhaha iyo dhegaha ka jeesanayn muunada murtidooda allahayaw aanan dhaqtarada naloo waayin digrigii xubiga🥰

  • @asedali9039
    @asedali9039 2 ปีที่แล้ว +2

    Alle ha U naxariisto walasheen waana xaq qof kastana way sugaysa Alle ha idiin sharfo sidaad wallaalkiin U garab istagteen

  • @asmamaxamuud8584
    @asmamaxamuud8584 2 ปีที่แล้ว +4

    Alle ha unaxriisto
    Gabdha iyo wiilkana Alle Qlbiga ha u adkeyo 😭🤲

  • @mohametsicit2034
    @mohametsicit2034 2 ปีที่แล้ว +7

    Barnaamijyada soo socda noo keen abwaanada da,da yar ee
    Yaxye yeebaash
    Abdirahman filli
    Abdirahman heelo
    Suhayb sidci

  • @horseedmedia5456
    @horseedmedia5456 2 ปีที่แล้ว +13

    Khadar yuusuf ciiltire oo isna boorama jooga ahna qofkii shanaad ee ka qayb qaatay silsiladan wuxu yidhi;
    Horteed dumar maan aqoon.
    Hadhkoo galay duhur samaa
    Farriin sida danab ahayd
    Daaqadda mugdigay furtoo
    Dhegtii maqashaa dam tidhi
    Dunida afarteeda dhinac
    Qof daacada baa ka tagay.!!

  • @queenisro3707
    @queenisro3707 2 ปีที่แล้ว +3

    mansadan ama program Kan waa mid aan aad ula dhacay waayo waligay barnamij Kan oo kale ahna ma daawan 🥺💔
    way xanun bdn thy markad waydid qof aad jeclayd oo qorshihinu guur ahaa lkn wax walpa qadarts allaa ka wayn 🥺😭
    Wxn ka hely Ayaan kaaapa inteda
    xasus ban dawada wxn dalbda adyg
    ma doono xidhiidho kale qalpiga ad dojisa Cid kale dajinayn mar kale 🥺💔😭
    Danayntadi wacnayd Cid kale kama donye nasibkygan ku dagi tijabda doorar kale🥺💔🫀

  • @zakielmi4760
    @zakielmi4760 2 ปีที่แล้ว +3

    Codka ubaxa aad baa idinla socdaa
    Dhalinyaro dhaqan iyo hido leh
    Waqtigaa idin siiyo wax badn baa idin kaga faaidaa 💯❤️wali waa idinla socdaa

  • @somalian4663
    @somalian4663 2 ปีที่แล้ว +6

    Ismaciilow waad asiibtay wll
    Codka inanta inaan lasi dayn waad ku mahdsan tahy sidad u ixtiraamtay dareenka waalidkii dhalay inanta.
    Ilaahay haw naxariisto inanta janadiisina ha geeyo

  • @hamzaosman8573
    @hamzaosman8573 2 ปีที่แล้ว +8

    Allow hayga hor qaadin qofkayga😪😭😭😭😭😭😳😭😳

  • @Gobeeyliicoohajabin-qh4qv
    @Gobeeyliicoohajabin-qh4qv ปีที่แล้ว

    Mnshallah Mnshallah Abwaan Hal dhis Qalbiga iyo laabtaa ku salaamay Abwaan Waa Samir siin aad BOOGO DHAY Unoqonaysa walal keena Qisadani kudhacday (MUXUU SAMIRKU GAAXDAA NASIIB GAABIYAA DILAY ISNAAAAA GAADHI WAAAAAYEE)

  • @aminaabshir1495
    @aminaabshir1495 ปีที่แล้ว +1

    Barakumu Allah Tabaaraka Allah jamiican. Jizaakumu Allah kheyr for sharing with us brothers and sisters ❤️ 🙏

  • @hodandaahir-f9x
    @hodandaahir-f9x ปีที่แล้ว +1

    Alle ha u naxariisto

  • @suldaansaddaamasair401
    @suldaansaddaamasair401 2 ปีที่แล้ว +1

    Kaltuun naasir baa si heer sare ah maansadan uga qayb gashay. Mnsha allah walal hambalyo.

  • @abwaantaatiko2739
    @abwaantaatiko2739 2 ปีที่แล้ว

    Waa Cumar Maxamed Afrax (Taatiko)
    Barnaamijka codka ubax
    Waan ku tixnaay sanado
    Runtii waa guriga suugaanta

  • @yaasiinnaasiroffical
    @yaasiinnaasiroffical 2 ปีที่แล้ว +1

    Masha allah abwanad Kaltuun Naasir Xuseen aad ayaan ku salaamaya

  • @hanaabdi9797
    @hanaabdi9797 2 ปีที่แล้ว +1

    Ka waraYso cashaqa ruux wayay ruux kale codka ubaax waa meeel aaad u qiimo io qaayo badan walo anan hore ugu xidh nan jiriin 2022 ayan ba bartay bayskan allah ha barakeeyo dhalinta cudkar nimada io af tahanimada isku darsayaty eee aaadka u da ada yar yar wlhi qisadan xanuun way dhaftay 💔😰 waxana dareèmi kara qofkii ay ku dhacday waxa aaan mar labada aaad ugu farax sanay siida qoruuuxda io qayahaa badan ay dhalinat dada Ayar u garab is tageeen wiilka ay ku dhac day qisadan morogada xambarsan 😰💔

  • @Msskavya9139
    @Msskavya9139 2 ปีที่แล้ว +22

    Heart touching story🥺❤️

  • @fayruus
    @fayruus ปีที่แล้ว +1

    😢wlahi maansadan wa xanuun😢allaha qalbiga ku qaboojiyo wllo

  • @aminaabshir1495
    @aminaabshir1495 ปีที่แล้ว

    Thanks, brother Ismail 🙏

  • @maariyaadem3893
    @maariyaadem3893 2 ปีที่แล้ว +2

    Maashaa allaah abwaano wada dhalin yaraaa oo xikmad leh wiilkasna allaah qalbiga hauqaboojiyo gabadha dhimatayna allaah u nxariisto ooqabrigeeda allaah unuuriyo

  • @U.A.E111
    @U.A.E111 2 ปีที่แล้ว +31

    I’m shedding tears really 😩😭

  • @hananahmed3209
    @hananahmed3209 2 ปีที่แล้ว +1

    Barnamij an ad u jclhy iyo abwano dhalinyaro ah qimo ino leh ❤️❤️❤️

  • @zafaamohamed7483
    @zafaamohamed7483 ปีที่แล้ว +1

    Daruurah maan jecleyn
    baqtiiyay dabkaan shidee
    wexey dawadeydu taal
    dal aan cidi gaarahayn❤😢

  • @aminabdi9142
    @aminabdi9142 ปีที่แล้ว

    Mansha allah Manso yahanada alle caqliga iyo maskaxda haydin barakeeyo qiso xanunkeeda wadata bey ahayd

  • @sawdaaxmed9417
    @sawdaaxmed9417 2 ปีที่แล้ว +1

    M.a. waa abawaanin da yar runtii qiimo badan leh alle haydin xafido kaaba ahmed caydiid abawanad buuxda😍

  • @khayriamahamed913
    @khayriamahamed913 ปีที่แล้ว +1

    Who watching this Ramdan 2023

  • @aizhajama8485
    @aizhajama8485 ปีที่แล้ว +5

    31:36 amazing voice 👏👏

  • @nasrowaddani5073
    @nasrowaddani5073 2 ปีที่แล้ว +4

    Wlhi waa qiso xanun badan qof kasta oo qalbi leh na taabaneyso allaha ka sabar siiyo wiilkas gabadha allaha u naxariisto janada allaha ku kulmiyo labadooda amiin amiin yaa rabi😭😭😭😭😭😰😭😰🤲🤲🤲🤲🤲🤲

  • @sidrasuuro6900
    @sidrasuuro6900 2 ปีที่แล้ว +1

    Mnshallh mansoyahnkii somlida iyo codka ubaxa oo is hely caleek caleek waa halkii qamaamuurtee👍👍👍👍

  • @zeadfarah6421
    @zeadfarah6421 2 ปีที่แล้ว +10

    Markaan adi kuu darsado
    Kutabo awgaa damqado
    Indhuhu ilma daadiyaan
    Agtayda hareeta dayo
    Ayaan dib usii naxaa
    Ileen dawbaan furnayn 💔😭

  • @siiniyaomar3626
    @siiniyaomar3626 ปีที่แล้ว +3

    Heart touching story🥺☹️

  • @mariaali677
    @mariaali677 3 วันที่ผ่านมา

    Markey dayax dalnuurshe xaaskisa ka dhimatay waxa igu so dhacay mansoonki digrigii xubiga Illahow janada ku kulansii labadoda😭

  • @Ummada21
    @Ummada21 2 ปีที่แล้ว +27

    Digriga xubigaa tahee
    Hadaan dabada qof helo
    Xuskaaga ma duugi karo.😥
    Janada ha dabaalate
    Rabbow durdurkeeda gey.
    Jacaylku marka uu geeri ku dhamaado waa midka ugu xanuunka badani, kaas oo aaqirka qofka tagay maahane qofka kale ku qasabta inuu caloolyow ku noolaado, Ilaahay gabadha janada ha geeyo, wiilkana badal qayr qaba ha siiyo.

    • @bahjakhalif2654
      @bahjakhalif2654 ปีที่แล้ว +1

      20/32023 😭😭😭😭jaceylkii geerida ku dhamaday 💔💔💔💔💔💔

  • @muniirocadey1382
    @muniirocadey1382 2 ปีที่แล้ว +6

    🥺ax ilahow iyadana qabrigeda u waasici asna badal qeyr qaba sii🤲😢

  • @wardanasir8240
    @wardanasir8240 2 ปีที่แล้ว

    Barnaamijkan waan bogaadinayaa runtii cajiib waaye qaaab tabintaada iyo siday uga qaybqaadanayaa dhelinyarada qurucda badan ee kala duwan waan mahadinayaa runtiii aad baan idiin salaamayaa dhmntin🤍

  • @haawoabdirisaaq4161
    @haawoabdirisaaq4161 ปีที่แล้ว +1

    asma ilahay janooyinkiisa ilahay ha ku irsaaqo
    wiilkana allaah qalbiga ha qaboiyiyo

  • @moha.shine14
    @moha.shine14 2 ปีที่แล้ว +5

    Nalkii damayoow kutabay
    Jaceyl dhumayoow hanjabey
    Illinta qubataay dardhadey
    Difaaca jirkoow isdhimay
    Cidladaan derisnaay kunacey
    😭😭😭😭😭😭😭😭😭

  • @muhiimmohammed3702
    @muhiimmohammed3702 2 ปีที่แล้ว +5

    Ilahay ha u naxariisto 😭

  • @Oowgeedi
    @Oowgeedi ปีที่แล้ว

    SILsiLad Mida Igu Dareenka Badneyd Oo an Dhageysta Eraya Cajaip ah ❤

  • @marwodhawrsan7739
    @marwodhawrsan7739 2 ปีที่แล้ว +2

    Ya Allha qof ana jeclahy hayga hor qadin 🫀♥️😭🤴 yacnhi qisadin waxad mooda inaya aniga dhan ii badshey dareen ahan allha uu naxristo gabdha adiga samir iyo iman 🤴😭

  • @sadamsolteko8483
    @sadamsolteko8483 2 ปีที่แล้ว

    Codka Ubax Podcast Waa Podcast kaliya Ee Qof Soomaali ahi Tabiyo Ee aan ku Xidhanahay! Ustaad ismaaciil Runtii Barnaamijyada uu halkan noogusoo tabiyo waa wada xul waanan ku bogaadinayaa!
    Eebbe Naxariistii jano hasiiyo Inantaas Marxuumada ah iyo Inanka Aabihiiba Runtii Waa Mahadho Xanuun Badan😢

  • @Cabdicasiiscige
    @Cabdicasiiscige 2 ปีที่แล้ว +7

    Jannada ha dabaalatee
    Rabbow dur-durkeeda gee.

  • @ayjeexqalinle6720
    @ayjeexqalinle6720 2 ปีที่แล้ว +2

    Wixii qiso dhacay jacayla
    taariikhdu haday qorayso
    Qaamuuska kuwii galay iga dheh
    Ilaahay haw raxmado inantaa
    Macalinkii weynaana inaad noogusoo dartay ahayd dareenba dareen xambaar waa duni kale iyanee 👐

  • @ismailabdi4243
    @ismailabdi4243 2 ปีที่แล้ว

    Alle swt ayaan badal khyr qaba u waydiinay wiilkaa
    Wlhi dareen wado gariir ah baad soo gudbiseen hawgu darnaadeen ayaan kaaba iyo Abdirahman

  • @munimarvisuals
    @munimarvisuals 2 ปีที่แล้ว

    Waa baramij aad iyo aad uu xiso badan oo dareenkeena daqajiya😭👏🏽👏🏽👏🏽❤

  • @xilkascabdullahi2836
    @xilkascabdullahi2836 2 ปีที่แล้ว +3

    So sad wlhi😭 jclku waa xanun ilhy qalbiga ha u qaboojiyo wilka gbdhana allha unxrsto

  • @ahmethkaderofficial1639
    @ahmethkaderofficial1639 2 ปีที่แล้ว +5

    Dumarku Way Inaga Naxariis BadanYihiin Marka La LeeyahaY Waa Dhab Labada Hablood Labadooda Maasno Way Kaa IlmaYziinaYaan Wlhi

  • @naima_mohammed
    @naima_mohammed 2 ปีที่แล้ว +3

    Waxaa hadda iigu daran
    Markay dadku iga tagaan
    Xasuus baan daawadaa!
    Dadku innaga iyo maankeenay kala maaweeliyaan, run badanaa.

  • @MohamedAbdulleyMohamed
    @MohamedAbdulleyMohamed ปีที่แล้ว +1

    WAaxaan rabaa inaan kasoo muuqdo codka ubax waxaan ahay hal abuure maanso io qiso jaceyl oo aniga igu sabaabsan baan rabaa inaan soo gudbiyo

  • @suweytacali6468
    @suweytacali6468 2 ปีที่แล้ว +2

    Waa qiso aad u cajiib ah murugo iyo xanuuna wadata😔
    Aadbey i tabatay 4 ta maansaba siiba ayaan kaaba mansadeeda waxaan daawada xasuus🥺💔

  • @faadumocabdilahi8589
    @faadumocabdilahi8589 2 หลายเดือนก่อน

    31-1-2020 25-1-2013
    Majiro tariikh ka adaga noloshada oo isoo maraysa alle haw naxariisto ayeeyday iyo abtigay😢

  • @muhyadin8309
    @muhyadin8309 4 หลายเดือนก่อน

    31:35 golden voice

  • @Abdallahassan5747
    @Abdallahassan5747 2 ปีที่แล้ว

    Aad baad u mahadsantay walaal Ismaciil C. Ubax

  • @marwaaadan9969
    @marwaaadan9969 ปีที่แล้ว +2

    Ramadan kariim
    10 danbe rabdaan ayey ii baxaysa qisadan 1:34 duhurnimo
    10/4/2023
    Malin isniina🥰
    Waxyaabo badan ayaa qalbigayga ku jira waxn rajaynaya in alle si khayr qabta igu dhameeyo riyooyinkayga🤲

  • @simanqali3312
    @simanqali3312 2 ปีที่แล้ว +2

    Cajiib ...Qalbiga Allah hauqaboojiyo

  • @deqaabuukar4363
    @deqaabuukar4363 2 ปีที่แล้ว +8

    Janada hadabalatee rabow durdur keda gee🥺 amiin yarabi 🤲🤲🤲

  • @leaderwlljezzey3238
    @leaderwlljezzey3238 ปีที่แล้ว

    Nafteida dabaa ku shidan
    Bogana damqasha ku mudan
    Jirkani I dupaxiyow
    Digtoor ma hayee miyan
    Anigu ku dawein karaa
    Dabiib ku noqon karaaa
    Didmada ka celin karaaa😥
    Digriga xupigah :Abwan abdirahman haldhis
    Markan adi kuu darsado
    Kutabo awgaa damqado
    Indhuhu ilmo dadiyan
    Agteyda hareerta dayo
    Ayaan dip usii naxaaa
    Ilen dowpa furnen
    Docdaa igaso jirtiyo
    Mar kle dunidi shidned
    Hadan ku dalxisi laaa
    Dip paan loo iman karein
    Ergada malag paan dirsaday :Abwaan cawaale deeqsi🥰

  • @craxiin_key797
    @craxiin_key797 2 ปีที่แล้ว +6

    #codkaubax Abwaan wedhsame ayaa ka shekayay qisadan isagoo barnaamijkan ku casuuman

  • @hamdanazir7629
    @hamdanazir7629 2 ปีที่แล้ว +5

    Waxa hadda igu daran
    Markaay dadku iga tagaan
    Xasuus ban dawada
    Waxan dalbada adayag💔🥺

  • @sawsanahmed8325
    @sawsanahmed8325 2 ปีที่แล้ว +1

    Allow dadkanu jecel nahy hana kala qaadin yaarab🥰♥️♥️🥰

  • @Abdurahman_isse7
    @Abdurahman_isse7 2 ปีที่แล้ว +13

    Amazing program ❤

  • @zadiiqsomali4086
    @zadiiqsomali4086 2 ปีที่แล้ว +2

    Allah yarxamu marxuumadaas.

  • @fatmaibrahimy7068
    @fatmaibrahimy7068 2 ปีที่แล้ว

    Omg Qiso Cajiib Oo Qalbi xanuun Leh Hal Abuuro Cajiiban Iskugu Tageen
    Allle Ha ka samirsiiyo Inankaas Badal Khayr Qaba Ha siiyo😰😰🙈

  • @inacabdirisaaq6529
    @inacabdirisaaq6529 2 ปีที่แล้ว +10

    Haddaan se ka doodi karo
    Diiwaan kiinnii samaa
    Intaan deel iyo higaad
    Xuruufo ku daabacaan
    Kadaa odhan lahaa Gobaad
    Halgaadda dusheeda oo
    Qof bay dawadii tahee
    Makhluuq yahoow ila dareen
    Naftaa daran yoonaysoo
    Markale ugu deeq kanshada
    😭💔

  • @dahabside1813
    @dahabside1813 2 ปีที่แล้ว

    Naxariista ajano alle ha siiyo inaga haynagu deeqo duunka iyo aakhiroba naxariistiisa

  • @shakrayare5729
    @shakrayare5729 2 ปีที่แล้ว +2

    Xisyoow damqada aduunka
    Xidaarada taal dhexdiisa
    Mar bay xanibtaa jaceylka
    😢😢😢😢😢