Qiso: Dhagar Rageed

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 11 ต.ค. 2023
  • Qiso: Dhagar Nimeed.
    Qaalli ayaa xaaskiisii la guursaday xaas kale iyadoon ogaan, wuxuu xaaskiisa cusub u qabay si sir ah, xaaskii kowaad waxay dareentay in ninkeedii xaaladiisu is beddeshay, waxayna ka shakisay in uu naag kale guursaday, way weydiisay? Laakiin wuu inkiray wuxuuna ku yiri wax cad ma haysidee shaydhaanka iska naar waxaas malo xumo mana jiraan ee.
    Ka dib wuxuu sameeyey xeelad uu ku qanciyo xaaskiisii weynaa, wuxuu u tegay xaaskii yaraa wuxuuna ku yiri bacdal casar guriga iigu i imaw kana dalbo xaaskeyga in aad ila kulanto oo qaalliga ayaan rabaa dheh kadib i dheh qaaliyow ninkeeygaan dacwo ka ahay xaaladdiisii ayaa is bedeshay waxaana uga shakisanahay in uu naag kale ila qabo wax cadna ma hayo! wey ogolaatay.
    Xaaskii yaraa wuxuu u yimid xaaskii weynaa waxayna ku tiri ninkeygaan dacwo ka ahay qaalliga ayaan rabaa ee ila kulansii wey ka aqbashay weyna la kulan siisay iyadiina wey ag fariisatay, kadib waxay ku tiri qaalligii ninkeeygaan dacwo ka ahay xaaladdiisii ayaa is bedeshay waxaana uga shakisanahay in uu naag kale ila qabo wax cadna ma hayo!
    wuxuu ku yiri waxaas ma jiraan ee shaydhaanka iska naar waa malo xumo allaan ka magan galnee niyadda kheyr u sheeg, waxaana taas caddayn u ah aniga xaaskeygaan hadda ku ag fadhida sidaas oo kale ayey igu haysataa saxna ma ahan anigana hadda hortaada ayaan Alle ku dhaaranayaa ee hadday jirto xaas aan qabo oo bannaanka guriga jirta wey iga furan tahay waana iga xaaraan.
    Xaaskii weynaa wey oysay inta ay soo istaagtay ayey madaxa ka dhunkatay waxayna ku tiri Allaan ku dhaartee mar danbe kaa shakin maayo ee qaalliyow walaalow raalli iga aha oo i cafi.
    Sidaas ayuu ku wada qabay qaalliga 2daas xaas ee is ag fadhida.
    Laakin adiga is jir kaarto kale la imaw, kaartada kaarkaan qaaligaas ayaa xoqday adiga kuuma suurtagalayso waayo waxaa dhegaysatay sheekadaan xaaskaaga waxaana usoo dirayo xaasas kale oo dhaarsan, ha ku kadsoomin.
    Xigasho: من كتاب المكر الأليم في الضحك على الحريم

ความคิดเห็น •