Baaq ku: Bangiyada iyo Shirkadaha

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 21 ก.ค. 2023
  • Baaq ku socda bangiyada iyo shirkadaha bixiya adeegga shacabka.
    Waxaa la galay bishii Zeko Alle wuxuu leeyahay, Salaadda toosiya, Zekadana dhiiba wax kasta oo aad bixisaan wax ka fiican ayaad helaysaan. Alle waxa aad samaynaysaan wuu u jeedaa!!
    وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ ۚ وَمَا تُقَدِّمُوا لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ (110( بقرة.
    Alle wuxuu yiri kuwa keydsada dahabka, filada (iyo lacagta) Accoun# ama meel kale ku haysta ee aan zekada iyo xaqa masaajiinta ka dhiibin ugu bishaaree in ay cadaab xanuun badan geli doonaa. Maalin xoolahaas inta la dhalaaliyo oo la kululeeyo wejiyada, dhinacyada iyo dhabarka looga dhejdhejin doono.
    وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ (34) يَوْمَ يُحْمَىٰ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ ۖ هَٰذَا مَا كَنَزْتُمْ لِأَنفُسِكُمْ فَذُوقُوا مَا كُنتُمْ تَكْنِزُونَ (35) سورة التوبة
    Waxaa jira dad badan oo deymo lagu leeyahay aanan iska gudi karin sabab faqri darteed haddaba alle wuxuu leeyahay.
    وَإِن كَانَ ذُو عُسۡرَةࣲ فَنَظِرَةٌ إِلَىٰ مَیۡسَرَةࣲۚ وَأَن تَصَدَّقُوا۟ خَیۡرࣱ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ۝٢٨٠
    Hadii uu culays (faqri) jiro deymaysanaha, mar uu wax heli karo ha la sugo, inaadse u dhaaftaan ayaa idiin kaga kheyr badan haddii aad wax ogtihiin.
    وأخرج الطبراني عن أسعد بن زرارة قال: قال رسول الله ﷺ ” من سره أن يظله الله يوم لا ظل إلا ظله فلييسر على معسر أو ليضع عنه “
    Nabigana sallalaahu calayhi wasallam wuxuu yiri Qofkii uu farax gelinayo in uu Alle hooskiisa harsado maalinta qiyaamo qof uu lacag ku leeyahay ha u dhaafo ama qeyb ha ka dhaafo.
    Waxaa jira qof qaatay murabaxa ama qardu xasan ayna ku cuslaatay gudiddeeda, haddii la ogaado in uu faqri asiibay waxaa muhiim ah in la qaato waanada alle oo ah in waqti uu wax heli karo la sugo ama laga cafiyo.
    Waxaa jiro qof ay ilmihiisa dukaan raashiin ka qaateen lacagna lagu yeeshay iskana bixin kari waayey haddii la ogaado in uu faqri asiibay waxaa muhiim ah in la qaato waanada alle oo ah in waqti uu wax heli karo la sugo ama laga cafiyo.
    Waxaa jiro qof ay ilmihiisu farmashiye ama isbital daawo ka qaateen lacagna lagu yeeshay iskana bixin kari waayey haddii la ogaado in uu faqri asiibay waxaa waajib ah in la qaato waanada alle oo ah in waqti uu wax heli karo la sugo ama laga cafiyo.
    Waxaa jiro qof ay ilmihiisa jaamacado dhigtaan lacagna lagu yeeshay iskana bixin kari la’ haddii la ogaado in uu faqri asiibay waxaa waajib ah in la qaato waanada alle oo ah in waqti uu wax heli karo la sugo ama laga cafiyo.
    Shacabka deymaysan ha loo naxariisto si looga badbaado dab, dhac iyo cudurro.
    Kherka Allaha ina wada waafajiyo, inta deymo la dhibbanna dhibka allaha ka qaado.

ความคิดเห็น •