Qiso | Noloshaada Bedeli doonta | Sheekadan Adiga ayey kugu Socota |

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 ต.ค. 2024
  • Sheeko Bedelaysa Jihadda Noloshaada
    Maalin maalmaha ka mid ah, wiil ayaa aabihiis u tagay oo ku yiri, “Aabe, waa maxay qiimaha nolosheyda?” Aabbaha ayaa wiilkiisa siiyey dhagax Wuxuuna ku dhahey , “Wiilkaygiyow, haddii aad rabto inaad ogaato qiimaha noloshaada, qaad dhagaxan oo suuqa tag.
    Haddii uu qof ku weydiiyo qiimaha dhagaxan, ha u jawbin keliya kor u qaad labadaada farood.
    Wiilkii wuxuu soo aadey Suuqii
    Mudo yar marka uu Suuqii joogey Haweeney da' ah ayaa u timid oo ku tiri, “Immisa ayaad dhagaxan siisaneysaa ?” Wiilkii jwb uma celin, keliya wuxuu kor u taagay labadiisa farood.
    Haweeneydii waxay tiri, “Laba dollar sax Okay waa diyaar wan ku siinayaa.”
    Wiilkii wuu yaabay wuxuuna usoo noqday aabihiis wuxuuna ku dhahey “Aabe, waxaan suuqa kusoo arkey haweeney da' ah oo rabtay inay dhagaxan iga iibsato Qiimaha dhagaxa ayey i weydisey Markaasan labadeyda Farood Kor u qaadey Waxey igu tirey 2 dollar Sax wan ku siinayaa.
    Aabbihii wuxuu ku yiri Wiilkiisii Okay waa Arin wanaagsan Hadana dhagaxa qaad waxaadna aadaa matxafka
    Qof kasta oo ku weydiiya qiimaha dhagaxan, ha u jabaabin keliya kor u qaad labadaad farood.”
    Wiilkii wuxuu soo qaaday dhagaxii Wuxuuna soo aaday matxafkii.
    Qiyaastii 20 daqiiqo ka dib, nin da’diisa ay dhexdhexaad tahay ayaa u yimid wiilka Wuxuuna ku dhahey, “Immisa ayaad dhagaxan Siisaneysaa?” Wiilkii waxba ma oran , keliya wuxuu kor u taagay labadiisa farood. Ninkii wuxuu yiri, “200 dollar miyaa Okay wan ku siinayaa.”
    Wiilkii wuu yaabay kadib guriga ayuu ku noqday isagoo leh, “Aabe, aabe, waxaa Soo arkey nin matxafka jooga oo rabay inuu dhagaxan iga siiyo 200 dollar!
    Aabbihii ayaa dhahey, “Hagaag Haddana Meesha ugu dambeysa ee aan rabbo inaad tagto waa goobaha Alaabaha qaali ah laga godo, Sida dhaymanka Dahabka Iyo Mujowharaadka kale.
    Qaado dhagaxan oo tag halkaas. Haddii uu qof ku weydiiyo qiimaha dhagaxan ha u jwbin keliya kor u qaad labadaada farood.”
    Wiilkii wuxuu soo qaaday dhagaxii Wuxuuna Soo aadey meesha uu aabihiisa u tilmaamey Muddo ka dib, isagoo goobtii ku sugan, waxaa u yimid nin da’ ah.
    Ninkii da'da ahaa Marka uu arkay dhagaxii aad ayuu farxey Wuuna Qayliyo isagoo leh, “ waxaad haysaa dhagaxii aan nolosheyda oo dhan raadinayay! Meeqo ayaad iibineysaa dhagaxan.
    Wiilkii wax jwb ah uma celin keliya wuxuu kor u qaadey labadiisa farood.
    Ninkii da’da ahaa wuxuu dhahey “20,000 Dollar Miyaa waa iga diyaar.”
    Wiilkii aad ayuu u Farxey wuxuuna usoo orday aabihiis isagoo leh, “Aabe, aabe, nin da’ ah oo joogay Halka lagu gado dheymanka ayaa rabba dhagaxan inuu 20,000 Dollar ku iibsado.
    #dhiirigeliye Markaasaa Aabihii wuxuu la hadley Wiilkiisii Asagoo ku dhahaya “Wiilkaygiiyow, hadda ma fahamtay qiimaha noloshaada? Nolosha waxay ku Qiimo tahay meeshaad Adiga naftaada dhigto.
    Waxaad go’aansan kartaa inaad noqoto qof qiimihiisu yahay laba dollar ama Qof Qiimihiisu yahay 20,000 Kun dollar. Sidaas darteed adiga ayaa go’aaminaya qiimaha noloshaada, wiilkaygiiyow.”
    Sheekadan waxay na baraysaa in qiimaha nolosheynu ay ku xiran tahay Meesha aan anaga naftaana dhigno.
    Sidaa darteed Aqriste Ogow Adiga ayaa go’aaminaya qiimaha dhabta ah ee Noloshaada.
    Hadii aad ka dhigi laheyd mid Qaali ah amaba hadii aad ka dhigi laheyd mid raqiis ah.
    سلام عليكم.
    #dhiirigalin
    #caawiye
    #motivation
    #success
    #support
    #qiso
    #qisoxanuunbadan
    #qiso_cajiib_ah
    #sheeko_cusub
    #sheeko
    #subscribe

ความคิดเห็น • 2