Oraahyo Shiinays ah + Qaar kale | Maskaxda xidhani waa sida buug xidhan amaba qolof ALWAAX ah 👀

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 25 ก.ค. 2024
  • Waqtiyada farxadda weyn ha qaadin ballamo .
    Keydka dunida oo dhammi uma dhigmo gabadha wanaagsan.
    Marka ay digaagaddu shaqadii diigga xerada ka dhex bilawdo ayay wax waliba kharribmaan
    Xittaa indhoolaha ayay u suurta gashaa inuu arko lacagta
    Ninka waxgaradka ahi isagaa go'aamadiisa goosta halka ninka maangaabka ahi raaco aragtiyaha dadka kale
    Haku lumin Tamartaada ganista leebka illaa aad ogaato bartilmaameedkaaga
    Waqtiga wanaagsan ee ay ahayd inaad geed beerto wuxu ahaa 20 sano ka hor waqtiga kasii wanaagsanna waa maanta .
    Dahabku qiimuu leeyahay laakiin xigmadda ma jiro wax qiime ah oo jari kara
    Si aad u ogaato caqliga ruuxa dhegayso hadalkiisa
    Beer fikrad si aad u goosato dhaqaaq , beer dhaqaaq si aad u goosato Caado, beer caado si aad u goosato shaqsiyad , beer shaqsiyad si aad u goosato MUSTAQBAL wanaagsan.
    Ninka fakara intaanu hadlin waa waxgarad , ninka hadla intaanu fakarin waa maangaab.
    Aqoonyahanku waxay ka hadlaan afkaartooda , waxgaradkuna waxay ka hadlaan shaqooyinkooda , Maangaabkuna waxay ka sheekeeyaan cuntooyinkooda
    Sida ay biyaha webigu ugu laabtaan badda ayay waxa uu bixiyaana ugu laabtaan ruuxa deeqsiga ah .
    Huga iyo xidhashada raggu waa aftahannimada , huga haweenkuna waa dahabka
    Timestamps
    00:00 Waqtiyada farxadda weyn ha qaadin ballamo
    01:11 Huga iyo xidhashada raggu waa aftahanimada ..
    01:51 Inaad furato dukaan waa arrin fudud laakiin ...
    02:29 Haw sheegin hooyadaa waxyaalaha ku .....
    02:40 ILAAHAYBAA arsaaqa shimbir kasta laakiin ....
    02:55 Haddii aad rabto sannad badhaadhe ah .....
    Xeeldheeruhu waa ruuxa hadla waxyar waxbadanna fakara .
    Suurtagal maaha qabashada bisad madow oo qol madow joogta haddii aanay jirin astaan caddaynaysa joogitaankeeda
    Waxyaalaha rakhiiska ahi ma wanaagsana , waxyaalaha wanaagsanina rakhiis maaha
    Ha tirsanin digaagadda beedka ku jirta ka hor dillaacista beedka
    Ka Farxi kuwa kuu dhow , si ay kuwa kaa fogi kuugu soo dhawaadaan .
    Boqorku xaqiiqdii waa mid maalqabeen ah laakiin Awood uma leh inuu ka gato malagga sannad dheeraada .
    Si kastoo aanad shimbiraha uga joojin karayn inay korkaaga duulaan , haddana waxaad awood u leedahay inaad ka joojiso inay madaxaaga hoy ka dhigtaan
    Inaad furato dukaan waa arrin fudud laakiin inuu muddo kuusii Furnaado waa hal-abuur
    Haka dhigan yaxaas saaxiib xittaa haddii uu muujiyo inay ilmo badani uga timid dartaa
    Ninku waa madaxa qoyska laakiin gabadhu waa qoorta sidda madaxa
    Ruuxa garaadka weyn Lihi wuxu u beddalaaa mushkiladaha dhibaatooyin yaryar illaa ay ka noqdaan kuwo aan jirin
    Inaad daarato shamac ayaa kaaga roon inaad aflagaadayso mugdiga .
    Noloshu waa dagaal . Dagaal aad kula jirto naftaada , dagaal aad kula jirto duruufahaaga iyo dagaal aad kula jirto kuwa liitta ee abuuray duruufahaaga .
    Midka aan qoyskiisa anfac u lahayni cid kalena anfaci maayo marnaba .
    Ha u sheegin hooyadaa waxyaalaha ku murugo gelinaya maxaa yeelay waxay murugoonysaa laba jibbaarka murugadaada wax ka badan
    Haddii aad damacdo inaad dheesho waa inaad taqaan xeerarka iyo waqtiga dheesha
    ILAAHAYBAA arsaaqa Shimbir kasta laakiin cufka guudkiisa maaha .
    Dadka ugu beenta badani waa kuwa in badan naftooda innooga sheekeeya .
    Inaad maskaxdaada ku qurxiso Aqoon ayaa boqol jeer kaaga wanaagsan inaad jidhkaaga lebbis wanaagsan ku qurxiso .
    Haddii aad rabto sannad badhaadhe ah beer midho , haddii aad rabto toban sano oo badhaadhe ah beer geedo haddii aad rabto boqol sano oo badhaadhe ah beero dad , haddii aad rabto badhaadhe kuu waarana beer cibaado kugu xidha RABBIGAA .
    Xittaa dacawga hurdaa wuxu ku riyoodaa digaagad
    Haddii aanad dhoollacdayn karayn ha furan dukaan
    Musiibooyinku maaha dhammaadkii dariiqa balse waa bilawga fursado cusub .
    Maskaxda xidhani waa sida buug xidhan amaba qolof alwaax ah

ความคิดเห็น • 9

  • @abdirizaksheekeeye1191
    @abdirizaksheekeeye1191 4 หลายเดือนก่อน +2

    Muhiim weeye

  • @SakariyeHage1
    @SakariyeHage1 4 หลายเดือนก่อน +2

    Ninka fakara intaanu hadlin waa waxgarad
    Laakin ninka hadla intaanu fakarin waa maangaab

  • @AMSHORTS-np8hy
    @AMSHORTS-np8hy 7 หลายเดือนก่อน

    Soo badi saaxiib

  • @xamseyuusuf8860
    @xamseyuusuf8860 7 หลายเดือนก่อน

    Maanshaa alllaah ❤

  • @user-mv6uo8ct3m
    @user-mv6uo8ct3m 5 หลายเดือนก่อน

    Ca jaaib

  • @MahadMed-rj4ue
    @MahadMed-rj4ue 5 หลายเดือนก่อน

    Haye ❤❤

    • @bravocollege1
      @bravocollege1  5 หลายเดือนก่อน

      Mahadsanid mudane

  • @nagaad5509
    @nagaad5509 7 หลายเดือนก่อน

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤