Anoo aad kaaga mahadnaqaaya, Sixideyda hadaan isku dayo waa. Bayjajka Xasan iyo Sahraba Sidoodaan jaleecada, maahan ee waa Sideedaan jaleecada. Oo waa dhacdo keliya intaa u soo tirinaayo. Not those, but it is that. ama muuqaalkaas. Yacni sida aan u fahmay una dhageystay dhawaaqa heesaaga. Bayjka kowaad ee Sahra bilawga waa Saangee subag idaadiyo ........ isla bayjkaa Cigaalkiina loo sudhay, waxaa xiga Sara joog iyo muuq, oo aad il duuftay Bayjka labaad ee Sahra Oo dirir sagaariyo Sagal gororkuna helay, bay ila tahay. Macalin weyn baad tahay saaxiib halkaa kawad. Markale Mahadsanid walaal.
Waa heesta aan ugu jecelahay xagga dhaqanka 👏👏 Sayloo guyaad badan Soo baxaa kaliishii Seel-seella loo degay Sannad geelu badi dhalay Ooy sidigtii laalays Nirguhu aan socod baran Reeraha sintoodiyo Kaymo saarle loo dhigay Oo igadh mid yari sabo Maqaar lagu salaaxay
Meesha aad yaraan ku baraabrto iyo Waxaad caruurnimo ku aragto ama ku daawato ma ilowdid.waalidkay alle ha u NAXARIISTEE iyo famly gayga ayaan u raacay anoo faslka labaada tiyaatarkii HARGAYSA habynkii u horaysay ee lagu dhigo, halkaa sange waxaan u fanmay saan geel beri dhawayd ayaan fahamay inay leeday sahri sange horaa loo yidhi caruuri waa ciil laga koray ama laga weynaaday
Dhibtu waxay ka joogtaa ubadkeenii wax ay ka fahmayaan ma leh, sabobtoona maaha, inaguna waan daba dhawnahay, yaa khaladkaa iskaleh ma waalidka mise ubadka?
Sayloo guyaad badan
Soo baxaa kaliishii
Seelseella loo degay
Sannad geelu badi dhalay
Ooy sidigtii laaleys
Nirgaha aan socod baran
Reeraha sintoodiyo
Keymo saarleh loo dhigay
Oo igar mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxay
Saameeshay gaawaha
Oo baarqab soohani
Isagoo ah labo sabar
Soofeeeyey micidoo
Ka sanqariyey doobtii
Salaaddiina roorsaday
Ugubkii uu saniyoo
Surmo dheer la tiigsaday
Saqdii dhexena roob helay
Subaxii bareesada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
@@@@@@@@@@
Senge subag idaad iyo
Summal baridii lagu shubay
Ooy sabada ceelkiyo
Sohdu tahay agtiisoo
Loogu dhaansho sacabbada
Oo sud iyo hawd sare
Saddex guure daaqoo
Weli aan sed yari arag
Oo seeto iyo dabar
Labadaba ka saahiday
Oo salow dagaaliyo
Cidi geyn saraayaha
Oo sararta naaxdiyo
Timuhu isku seexdee
Oo sayn gargoorkii
Loo salaaxo guudkoo
Saxarkii ku duuliyo
Loogama mayro siigada
Loo saaro kooraha
Cigaalkiina loo suray
Sanku neefke keligaa
Adaa suuraddiisa leh
@@@@@@@@@@
Sagal gaaxday roob subax
Seerma weyday soo guday
Waaguna ku sara-kacay
Sara-joog nin dhererkii
Cadceeduna la siman tahay
Nuurkuna sagootiyey
Oo waqal sin dadabiyo
Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicdiiyoo
Oo midab sibaaqiyo
Caddaan wada siraatiyo
Madow suul dhalaal xiga
Saddexdaas miduu yahay
Qof suureeyey kala garan
Oo beel sanaagiyo
Ku surmiday saraar godan
Saadaalineysoo
Bal halkuu ku sima iyo
Sugayaan inuu helo
Subaxii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
@@@@@@@@@@
Dhulka saacu wada gaar
Waanu kala sed roonyee
Meel idahaa seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh
Oo dirir sagaariyo
Sagalkii guguna helay
Sagaya xareeddaa
Biyuhuna sunsumayaanoo
Saawe saawiyo
Saxal cudur laheynoo
Salka looga degay nabad
Oo sararta dixidiyo
Siman tayay dareemadu
Oo sebiga caanihii
Lagu siiyey golihii
Habluhuna sibraariyo
Dhiilal saabka loo tolay
Sinta bidix ku qaadeen
Subaxii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
@@@@@@@@@@
F.G: Wixii qaldan hala saxo
Inyar mooyee inta bdn waa sax, Suugaanta ayaad u dhuun dalooshaa bro👍👍👍🙏🙏🙏♥️♥️♥️
Anoo aad kaaga mahadnaqaaya, Sixideyda hadaan isku dayo waa.
Bayjajka Xasan iyo Sahraba
Sidoodaan jaleecada, maahan ee waa
Sideedaan jaleecada. Oo waa dhacdo keliya intaa u soo tirinaayo. Not those, but it is that. ama muuqaalkaas. Yacni sida aan u fahmay una dhageystay dhawaaqa heesaaga.
Bayjka kowaad ee Sahra bilawga waa
Saangee subag idaadiyo
........ isla bayjkaa
Cigaalkiina loo sudhay, waxaa xiga
Sara joog iyo muuq, oo aad il duuftay
Bayjka labaad ee Sahra
Oo dirir sagaariyo
Sagal gororkuna helay, bay ila tahay. Macalin weyn baad tahay saaxiib halkaa kawad. Markale Mahadsanid walaal.
Madoow sugul dhalal xiga
inta badan waad saxday in yar mahane ayadana waalagula wadagay kudarso horay usoco
Aad baad u mahadsan tihiin inaad i saxdeen. Sxbayaal dhammaantiin guuleysta.
Waa Labdi Fanaan Ee Hobolada Waberi Ugu Codka Macnaa Uguna Heesaha Badna Riwayadow Badana Wada Matalay Xasan Adan Samtar iyo zahra Ahmed jama Alle Swt Ha U Naxariisto Allahuma Aamiin
Acs WAAYO WAAYIHII WACNAA.
Sxb marka hore waxan kga mahad celinaya shaqada wacan eed ka hayso Sugantii WACNAYD.
Iyo sidad noga xaqab tirtay intaba.
Waa heestaan ugu jecelahay, sida loogu saleeyey dhaqankii miyiga, xoolihii, iyo barwaaqadii iyo noloshii dhabta ahayd iyo tii cimiladeenaba. Mahadsanid Waayo Waayihii Wacnaa.
Waa heesta aan ugu jecelahay xagga dhaqanka 👏👏
Sayloo guyaad badan
Soo baxaa kaliishii
Seel-seella loo degay
Sannad geelu badi dhalay
Ooy sidigtii laalays
Nirguhu aan socod baran
Reeraha sintoodiyo
Kaymo saarle loo dhigay
Oo igadh mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxay
Erayadii Abwaan Xassan Ganey
iyo Laxankii Xassan Aadan Samatar
Sawirku ninku wuxuu iila eeg yahay aun Cismaan Gacanlow. Waa hees romantic ah. Waxaan la yaabay inta aay leedahay bayjka labaad Aun Sahri.
Heeso fasiixa ayad soo galisaa zxp hore u soco soo badi heesihii hore Albunadii maxamed s tubeec soo daaa
Labadii fanaan ee ugu Heeso badana kana tirsana hoboladi waberi uguna riwaayadaha badna riyadahay wada mataleen waxa Ka mida galbeed walaxoreye warsa gagixisay wadhaf iyo shimbro waar iskuma hayaan ninba tacabki tolay kamaal nin holaday guur iyo Hablaha maanta ee qaybti laabaad wadhaf iyo shimbro waar iskuma hayaan dumisti aqalkayga Iyo Arooski inankayga Zahra Ahmed Jamac Alle ha u naxariisto Iyo xasan Adan Samatar Waa labdii fanaan ee Ugu Cod Macaan fanaaniinti hore uguna heeso badnaa
soo hor heesaha sxb waa nagu socotaaye legend xasan baashe & sahro axmed Aun
Hadan u soo noqdo dulucda hadal kayga sxb adigo iga rali waxan ka codsanaya hees radin tedu igu dheratay inad ila radio heesta waxa wada qada AUN Labadodabe.
Cumar Xasan Rooraye iyo Khadra Dahir Cige.
heestu waa SIDA LAMA LOSHWSHAHA ooy Dabayluhu lulayan.
Mahad Sanid
inbadan mahadsanid
sxb
xasuus khiima badanleh
ON FIRE🔥🔥🔥🔥🔥
Heesaha xasan aadan iyo tubeec soo badi sxb
waayo waayo sxb waan ku taageersanahay masuul heesaha qoraal nooga soo dhig waa iga codsi
Laxanka axmed nuur jaangow baan u haystay lkn mar hadii kinaalkani sidaa qoray loo noqon maayo
👍👍👍👍❤❤❤❤👌👌👌👌
Waa caawo kale sxbyll
Laxanka waa AUN Axmad Nuur jaangow inta kale waa sax 🎷
Laxanku waa samatar, balse heesaha kale ee riwaayadaan Ku jiray waxaa laxameeyay Ustaad Jaangow.
Best song in somali
Heesihii hore weeyaan ee hablaha geela iyo rays iyo waxaa lagu amaanaayey hadaa aday jacayl yihiin xoolaha ayey ku amaanayeen
Hasan adan samatar murti iyo qalbiga oo kalag hadlo
Miraha x.ganey laxanka x.a.samatar codka samatar iyo sahra axmed
Azxapey wxa ishegtan heesta tidha jacaylkan idegay waxaba kadaran
Waan kaa sugayaa
Meesha aad yaraan ku baraabrto iyo Waxaad caruurnimo ku aragto ama ku daawato ma ilowdid.waalidkay alle ha u NAXARIISTEE iyo famly gayga ayaan u raacay anoo faslka labaada tiyaatarkii HARGAYSA habynkii u horaysay ee lagu dhigo, halkaa sange waxaan u fanmay saan geel beri dhawayd ayaan fahamay inay leeday sahri sange horaa loo yidhi caruuri waa ciil laga koray ama laga weynaaday
Saamayshay gaawaha
Somali Waqoyi ku taal deegaanka Sayloo guyaad badan gaar ahaan Beligubadle
Galmo
Xasan Aadan Samater:
Sayloo guyaad badan
Soo baxa kaliishii
Seelseelna loo degay
Sannad geelu badi dhalay
Oo sidigtii Laalays
Nirguhu aanay socod baran
Reeraha sintoodiyo
Kaymo saar leh loo dhigay
Oo igadh mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxooy
Saameeshay gaawaha
Oo baarqab soohani
Isagoo ah laba-sabar
Soofeeyey micidoo
Ka sanqadhiyey doobtii
Salaaddiina roorsaday
Ugabkii u saniyoo
Surmo dheer la tiigsaday
Saqdii dhexena roob helay
Subixii bariisada
Sideedaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
Sahra Axmed Jaamac:
Sange subag idaad iyo
Sumal baridii lagu shubay
Ooy sabada ceelkiyo
Sohdu tahay agtiisoo
Loogu dhaansho sacabada
Oo Sudiyo Howd sare
Seddex guure daaqoo
Weli aan sedyari arag
Oo seeto iyo dabar
Labadaba ka saahiday
Oo salow dagaal iyo
Cidi geyn saraayaha
Oo sararta naaxdiyo
Timuhu ay isku seexdeen
Oo seyn-gargortiyo
Loo salaaxa guudkoo
Saxarkii ku duuliyo
Looga maydho siigada
Loo saaro kooraha
Cigalkiina loo suray
Sarajoogga iyo muuq
Sankuneefle kaligaa
Adaa suuraddiisa leh
Xasan Aadan Samater:
Sagal gaaxday roob subax
Seermaweydo soo guday
Waaguna ku sarakacay
Sarajoog nin dhererkii
Cadceedduna la siman tahay
Nuurkuna sagootiyey
Oo waqal sindadab iyo
Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicii
Oo midab sibaaqiyo
cadaan wada siraatiyo
madoow suul-dhalaal xiga
Seddexdaa miduun yahay
Qof suureeyey kala garan
Oo beel Sanaagiyo
Ku surmiday saraar godan
Saadaalinaysoo
bal halkuu ku simo iyo
Sugayaan inuu helo
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
Sahra Axmed Jaamac:
Dhulku saacu wada gaadh
Waanu kala sed roonyee
Meel idaha seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh
Oo dirir sagaariyo
Sagaal gudcurkuna helay
Saga xareedaan
Biyuhuna sunsumayaan
Oo saawasaawiyo
Saxal cudur lahaynoo
Salka looga degay nabad
Oo saraarta dixidiyo
Simantahay dareemadu
Oo sebiga caanihii
Lagu siiyey golihii
Habluhuna sibraar iyo
Dhiilo saabka loo tolay
Sinta bidix ku qaadeen
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa.
Canjalaha ugu fasiixsan waa kuwiinna.
Waayadii heestu soobaxdey tolow ninkii Ganey khaatiga ka joigey heesihiisana badeli jirrey ma noolyahay?
Wow
Dhibtu waxay ka joogtaa ubadkeenii wax ay ka fahmayaan ma leh, sabobtoona maaha, inaguna waan daba dhawnahay, yaa khaladkaa iskaleh ma waalidka mise ubadka?
Heete beldweyne
Shave BBQ
Siding.cocodbaran.nimcaada.sare.sida.aykutey.tan.dahsona.lamid.doob.awr..???carab.2duba.dhiiig.u.eeke.tilman.shabahaan.lamataaneysan...yihiin.dareeraha.cas.liwika.cas..???suurad.muujiin.inaaad.fahamto.ma.waxaan.ku.moodey.ma.waxaad.noqotey.??Sagal..wade.aytam.baaxadle.oo.ah.new..??Canada an.sibaaq..1..midabada.hooyadood.kan.dhala.ka.farcamaan.dhamaan.tood.2...sibaaaq???isticmaalayeen.in.badan.ase.ayna.fahmin.ilaa.hada.???..Sabi..???.caaano???ERA.best..goold.cadan.bisllatey.ubislaatey.isticmaal.???layaab.wabey.kaxanaqeen.dad.ku.xusan.deegan.heesta.dhexdeeda.taasuna.garasho.la..aan.iga.dhe..To..cnn.&..BBC..&..raadyow.hargeys.tv..qaranka.sland