kufyee caashaq yaa ka baalqaadoo kashkii ku jeclaata yaa kaafiya kadeed kugu dhacaa kal looma kasee kiiskaad gashay waa inoo kow kolkaan ku xushee aan kali ahayee kurbaa kor la iiga qaadaaye kol baan koox noqdaa kol wada heestoo halkii go'day kaa midays nahay kolbaan dhidid kuusaan hooraayoo kulaylkaygu guudka gaaraa kol aan sida aarka ukada loobaa macaan kaagii lay hor keenaayey labada kunibaad ii kuushaayoo macaaneey Indhuhu kulaalaaneey kalaam aad bari tiri galgacalkiisaa intaa nafta aan ku koriyaaye wax bay kordha waaga kaahima oo intuu kobcey aan koolkooliyaayey kaluunka kolbaa la gawracaye hada waa ka naflaha ka midee. Wixii aan khalday waad sixi kartaan
Khabiir Harnandez, wllo waxa kale oo aan rabay inaan kuugu mahad celiyo erayada sawdkan oo si aad u wacan u soo dhigtay. Sidoo kale waxaan urruriyaa erayadii qaraamka oo iyaguna taariikh kale ah. Mahadsanid wllo. Waxaad tahay dadka dhegtoodu fanka u dalloosho. Waxa laga gartaa sida heestan oo aan ku raftay fahankeeda aad u dhigtay.
Wah wah yaa saalax qaasim walaahi caadi ma ahan waa inuu raaxeeyee ilaah cimri dheer ha siiyo cajiib saas ayaa kaban loo tumaa habeenkaas meesha sedax qof oo fanka somaliyed ku qaali ah baa halkaas isku helay kaban saalax qaasim durbaanka Aweys abuukar goobe codka Maxamed Yuusuf ilaa u naxariisto inta dhimatay inta noolna caafimaad iyo cimri dheer iyo cimaado suuban ❤️❤️❤️❤️❤️
Ereyadii abiihii jacaylka fanka ismaaciil shekh axmed cagaf AHN
Laxankii maxamed siciid farax guroon jire AHN
Luuqdii Legenkii maxamed yuusuf cabdi AHN
Old is gold♥️ Codkan wxa la duubay xus loo sameyay ismaciil jaamac cagaf 82dii iyada iyo heeso badan oo qarama ay ka mid ahaayen heesta kaar,kalkaal,Carwo- iwm .aun dhaamntood dad qiimo leh abay ahaayeen oo la tabay.
Taariikhdii cagaf nala.wadaag
Kaban iyo durbaankana yaa tumaya. Mooyi waxay tahay markasta waa halmaama. Waxaan filayaa waa Abuukar Awees Goobe
Mahadsanid
Waa heesaha I xusuusiya beri samaadkii.
allow u naxariisoo dhammaan Kuwa
aan caawa inala joogin!
Axsan kaban ,saalax gacan libaaxleh
Codka madiix oo uu lahaa gu'roon jire waxaa qaaday fannaaniin bafan, balse waxaa u sita inta qaadday maxamed yuusuf cabdi raximahu allaah
Yaa zalaam Laxankii gu,roonjire
Ereyadii ismaail cagaf
Luuqda maxamed yuusuf
Kabanka saalax qaasim
Durbaanka goobbe AUN
#qaaraami madiix
Aloow unaxriiso lagand maxamed yuusuf aamiin saalax qaasim naaji cimri dheer iyo caafimaad
yaasalama hees waya dhafataya alleh hawo naxarizto maxmed yuusuf cabdi
Yaasalaam!! Laxanku Macaana ❤
Kaluunka kol baa la goowracayee,
Hadda waa kaa naflaha ka midee.
#Qaraam_Madiix
Waxasi baa hees la dhaha heestii madiix ay ya qaram allah ha unaxariisto maxamed yuusuf cabdi iyo dhamanba dadkii hibada laha
Yaasalaaaaam. Maxamed yuusuf Allaw kuu naxariiso.
Reer waqooyi hadii aanu jirin cidina Uma heesteen calanka, ciida ,ciidanka iyo caashaqa midna
Qaraamkan Laxankeeda waxaa Lahaa GU'ROON JIRE .. AUN
ALLAH ha u naxariisto intooda iilatay gebigood kuwa weli noolna ALLAH ha dambi dhaafo!
Dadkan aad lahadlaysaa iilatay mafahmayaan
Beryo beryo iyo wallaalihii hargeysa cod'aan dib'loohelayn iyo hore walaalaha hargeysa.
Godka lagujanee wax'jiray ahaayeen. Mahadsanid goray haldhaa.
الطرب الاصيل لايموت،،، الايرحمهم ويغفرلهم جميعا
قل الله يرحمهم
Kabanka salaax
Durbaanka Goobe
Laxanka qarshe
Codka M.Yuusuf
Bal dacar bas baas cigaal Khadra . Iyo qaar kaloo badan aan halkaas maqlayaa ❤
Erayadii abwaan ismaaciil cagaf
Iyo xuskii jacaylkii sii ee lagu dhigay
Guriga abwaan ismaaciil cagaf
Ee hargaysa
Cajaaibaat.!!!
My favourite Maxamed Yusuf.
kufyee caashaq yaa ka baalqaadoo kashkii ku jeclaata yaa kaafiya
kadeed kugu dhacaa kal looma kasee kiiskaad gashay waa inoo kow
kolkaan ku xushee aan kali ahayee kurbaa kor la iiga qaadaaye
kol baan koox noqdaa kol wada heestoo halkii go'day kaa midays nahay
kolbaan dhidid kuusaan hooraayoo kulaylkaygu guudka gaaraa
kol aan sida aarka ukada loobaa macaan kaagii lay hor keenaayey
labada kunibaad ii kuushaayoo macaaneey Indhuhu kulaalaaneey
kalaam aad bari tiri galgacalkiisaa intaa nafta aan ku koriyaaye
wax bay kordha waaga kaahima oo intuu kobcey aan koolkooliyaayey
kaluunka kolbaa la gawracaye hada waa ka naflaha ka midee.
Wixii aan khalday waad sixi kartaan
Khabiir Harnandez, wllo waxa kale oo aan rabay inaan kuugu mahad celiyo erayada sawdkan oo si aad u wacan u soo dhigtay. Sidoo kale waxaan urruriyaa erayadii qaraamka oo iyaguna taariikh kale ah. Mahadsanid wllo. Waxaad tahay dadka dhegtoodu fanka u dalloosho. Waxa laga gartaa sida heestan oo aan ku raftay fahankeeda aad u dhigtay.
@Hamza Mohamoud sxb adaa mudan adiga laftirkaagu wax badan ayaan kaa faa'iday sxb kula mid baan ahay anba waan aruuriyaa waliba folders bay iigu jiraan laxamada qaaraamiga waana heesaha aan mar naba lagaxiiso dhicin
Khabiir Harnandez, Cod kale ayaa hadda meel ka akhriyay la yidhaa Hinqad.
@Hamza Mohamoud sax sxb aniga laxankii ugu danbeeyay maantaan bartay waxaa la yiraahdaa dabeecad waxaa soo galiyay nuuradiin cali amaan
Khabiir Harnandez, hhh. Halkaasaynu kaga heynaynaa.
Waxad moodaa markad mawjadaa waayaha hore dhex gasho ee aad dhagaysato inaad joogto wakhtigii iyo goobtii ay ku qaadayeen iyo iyagaba waa wax aan duugoobayn codka iyo kabankuba Alle SWC AUN intii dhimatay inta kalena alle ha caafiyo iyo nolol wnagsan
luuqda ama laxanku kabanka saalax qaasim hees lama dhihi karee waa mucjiso runtii..fan quruxbadan buu ahaa
Sawdkii "Madiix" ... codkii Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Ereyadii Ismaaciil Sheekh Axmed (Ismaaciil-Cagaf) .... Ilaahay ha u naxariisto labadoodaba ... Aammiiiin
Rag Waa ragii hore waaba Raashin
Axya qarami"waari meysidhe war haka haro"......
Allah ha u naxariisto marxuumka
Very good walaal
dhadhanka fanka, qiima badnaa sxb.
Ilahayow naxariistii jano ka warabi Waxaa uu kamid ahaa dadka sharafta iyo cisiga badan Somaliland garahaan Hargiesa somaliland.
Eshqiyaasak. Waxay taabanaysaa meel fog.
Waaaaaaaaw
Bahashu
Macn badana
When it comes qaraami for me he is the one. Every number of years I listen once
Old is gold
Aun Maxamed yuusuf markaan arko asagoo fadhi ku heesaya saalax qassim lagama ag waayo saaxiibo ayey ahaayeen
Ragii Raga ahaa Bay is helay....
Erayadii abwaan ismaaciil cagaf
Mirihii ismaacil cagaf laxankii guroonjire codka maxamed yuusuf cabdi
Gooobe iyo salax qaasim aaadbey isugu soo baxeen laxankuna waa laxan qaali
codkan iyo codka Layaab la yidhaa waxa sameeyay mid ka mid ah aabayaashii fankan isaga ah, Gu'-roon-jirre.
cabdirisaaq Cali, qaraamiga codadka kala ah; Xasuus, Rafaad, Danaakili, Damaq, Olol, Gargaar iyo Taah haddaad inoo soo raadiso aan baan kuugu mahadin lahaa.
Luuqdan LaYaab ayaan u aqaan oo waan kugu raacsan ahay.
Madiix waa luuq ka duwan middan.
Mahadsanid.
Damaq waa la helayaa lkn , rafaad, danaakili , xasuus , olol, gargaar, taah iyo xasuus , intaasba aniguna waan ku daba joogaa
Shaafi cishqi, wllo waa in Aswaadaa lasoo helaa. Waxaan inoogu dartaa heybad, horseed, Hillaac, iyo higsad. Waxaan gacanta ku hayaa ilaa 37 cod oo Qaraami ah oo fanaaniin kala duwan oo yar iyo weyn ba leh ay qaadayaan.
M. Mohamed Indhageelle, wllo tani waa Madiix. Layaab, Muxibbo IQK na waa codad kale oo Gu’-roon-jirre leeyahay.
@Hamza Mohamoud sxb laxamadaa aad kor ku xustay wax maka haysaa?
Kabanka tolow yaa tumaya. Waxaa isleeyahay waa Goobe car yaa igu diidaya. Heesta waxaa fiican qofka soo gelinayaa soo raaciyo macluumad dhamaystiran.
Kaban ka waxa tumaya Saalax qaasim, Goobe laftiisu meesha kama maqna oo wuxu tumaya Durbaanka, Erayada waxa le Ismaaciil cagaf, Laxankana waxa le Gu'roon jire. Wakukaa saaxiib.
Kalaam aad bari tiri kalgacalkiisaa,
Intaa nafta aan ku koriyaaye.
#Qaraam_Madiix
Heestan oo tubeec qaadayo yaa haya toloow ?
Waan hayaa lkn maxamed yuusuf ayaa kaga wanaagsan
Waa saas Meel Tubeec Marayo Lama soo Hawaysto lkn heestan Madiix waxaa loogu kala horeeyaa sidan
1 Maxamed Yuusuf
2 Tubeec
3 Kuluc Aun dhamaantood
Sxb channelka Cumar Seerbiya ka eeg.
Gacantii salax qaasim
Qaraam : Madiix
Laxanka : Gu'roonjire Aun
Luuqda : Maxamed Yuusuf Aun
Erayada : Ismaaciil Cagaf Aun
Durbaanka : Goobe
Kabanka : Saalax Qaasim
...................................................................
Tubeec oo qaadayana Halkaan ka dhagayso th-cam.com/video/bIdIm3hyzbM/w-d-xo.html
464
Erayadii abwaan ismaaciil cagaf