Tafsiirka Darsiga 282aad MUNAAFIQUUN 07 ilaa...

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 11 ก.ย. 2024
  • FADLAN SUBSCRIBE SAAR CHANELKA RASMIGA AH EE SH DIRIR SI AY KUU SOO GAADHAAN VEDIO-YADA CUSUB
    SHARE GAREE VEDIO-GA SI KHAYRKU WALAALAHA KALE U GAADHO

ความคิดเห็น • 32

  • @JaamacMaxamed-yo7kj
    @JaamacMaxamed-yo7kj 4 หลายเดือนก่อน +1

    Jannatul firdawza ilahay ha ku siiyo amiin

  • @dadirabdowharay480
    @dadirabdowharay480 3 ปีที่แล้ว +4

    Sheeq Alaha kuxfdiyo Aqiro & Aduunba & Cilmigana Alowkuusiyaadi

  • @abdiabdulle8629
    @abdiabdulle8629 3 ปีที่แล้ว +4

    Jazakumulah sheikh ala nabadu macanaa ilahay ha idiin siyaadiyo somaliland iyo somali oo dhan walalo is jecel alaha kadhigo

  • @abdinurkosar8602
    @abdinurkosar8602 3 ปีที่แล้ว +3

    mansha Allah ilahow culumada noo dhawr oo noo barakee anagana naga dhig kuwa kafaa,idaysta

  • @mohamedgahair313
    @mohamedgahair313 3 ปีที่แล้ว +3

    Maansha alla sh alla haku xiftiyo if iyo Akhiraba

  • @Ss53426
    @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +4

    0:17:10 Halkaas ayay suuratu التغابنka bilaabmaysaa
    Waxyaabaha Guud ay ka hadlayso suuratu التغابن iyo faaiidooyinka laga Qaadanayo suurada:
    💥Waxyaabaha Guud:
    1.Awoodaha Alle ee xeesha dheer , is bedelada ummadaha ku smaynayo iyo inuu illahii Xaqa ahaa ee umadaha iska lahaa inuu yahay ayuu alle suurada inta hore ku cadeenayaa.
    2.isbedelka imaanaya ee Aakhiro ee ummaduhu ka gaaloobeen.
    3 .illahay wuuxu uuga digayaa inay ku hanuunaan o ku kadsoomaan wuxuu illahay siiyay ee dad iyo duunyaba ah, intaas oodhami waxay sheegayaan naxariis illahay.
    💥Faa iidooyin:
    1.awoodaha alle ayuu illahay in badan inoogu celcelinaya, waana Arimaha hadaad inbadan ka fiirsato oo ay qalbigaaga degaan waad ku degaysa Amarka allena waad qaadan.
    2.casharo waaweyn ayaa labo Arin laga qadanayaa:
    🍃Caalamka Abuurkiisa.
    🍃Naftaada Abuurkeeda.
    3.Abuurka kala duwan ee illahay abuuray waxba haka sheegin.
    4.wax qarsoon iyo wax muuqda iyo wax qalbi ka dhaqdhaqaaya aya illahay isugu midaa.
    5.Hadaad illaahay si dhabaa ugaraneyso xubin walba alle ayay isu dhuldhigi lahayd.
    6.Nicmooyinka illaahay ina siiyey waxa kamidaa inuu siwacan inoo Abuurey.
    7.Qofka caqli badani sida uu muuqaalkiisa kore uwanaajinayo waa inuu macnawiyaatkiisana uwanaajiyo.
    8.Uumadaha hore taariikhdooda hadaad ku cibro qaadan weydo oo aad iska dhego tirto wixii iyaga lagu sameeyey ayaa adna kuuyaala.
    9.Illaahay naxariistiisey ka mid tahay inuu dadka waxyi ukeeney welibana Rasuulo soo raaciyey.
    10.Kibirku waa Aafada Aafooyinka .
    11.Isbelka Aakhiro waa lagama maarmaan inuu yimaado oo isu soo noqoshaa jirtee ku talo gala saheyna way ubaahantahay.
    12.caqiidada in dadka laga dhiso waxay ku tuseysaa iney raasamaal taheyna waxaana laga qaadanayaa Rasuul kastoo uyimaada ummad caqiidaduu ka dhisi jirey.
    13.Sareynta waxaa leh illaahay iyo kitaabka uu inoosoo dejiyey.
    14.Qofka Hanka weyni waa qofka janada iyo raali ahaanshaha illahay udedaalaya.
    15.caqiidada waxa ka midaa inuu qofku qadarka rumaysanyahay.
    16.illahay wuxuu doonay waa wuxuu qadaray.
    17. Immanka faaiidooyinkiisa waxa kamida inaad hanuunka korodhsato,waxa iimaanka siyaadiya adeecida illahay iyo rasuulka.
    18.Qofka waxyiga raacaya wuxuu u iftiiminaya aduunyo iyo aakhiraba.
    19. Sacaadada sababaheeda waxa kamidaa: inaad qadarka alle ku qanacsantahay.
    20.Daacada illahay iyo rasuulkeena waxay ina faraysa inaan raacno ee ina farimayso inaan wax iska samaysano.
    21. Illahay wuxuu isasaaray inuu risalad noo keeno rasuulka xilka saaranina wuu inuu dadka gaadhsiiyo anaka xilka ina saaranina waa inaan hogaansano ) imaam zuhri.
    22. Farqiba udhaxeeya isdhigashada iyo talo saarashada illahay.
    🍃Is dhigashada: waa inaad intaad meel fadhiisato aad waxba qabsan weydo .
    🍃Talo saarashadu waa : inaad illahay talo saarato adna asbaabta la timaado.
    23.illahay sida looga edeb sanayo waxa kamidaa:
    waa inaanad illahay cidna lasimin ubadkaaga iyo ooridaada ..xaqiisana looma seegi karo illahay xaqiisa cid walba wuu ka horeeyaa.
    24.Adoonku intuu karayo ayuu illahay uugu cibaadaysanayaa.
    25.Iimaanka wnaagsani waaka keen in aanu Adoonku illahay saluugin oo waxa jeebka uugu jira kaga kalsooni badanyahay waxa illahay xagiisa jira.
    26.Dhibaatada waxa uugu daran qofkaad usamo falayso dhibka kaaga yimaado.
    27.Diinta oo la ilaaliyo ayaa waajibaadka uweyn .
    28.Quraanka wuxuu ina baray hadii xumaan laynagu sameeyo inaan dhaqanka wanaagsan ka horgeeno.
    29.illahay wuxuu inagu Adoon saday waxan Awoodi karno.

    • @suhaybhuud1378
      @suhaybhuud1378 2 ปีที่แล้ว

      Mnshaalh Allah hakaaa jasaaik siiyo wlloh🥰

    • @abdirisaqahmed803
      @abdirisaqahmed803 6 หลายเดือนก่อน

      Mashallah mahadsanid wll😊

  • @bashirabdullahi4374
    @bashirabdullahi4374 3 ปีที่แล้ว +2

    Jazakalahu kheyran Sheikh Maxamed Cumar Dirir.

  • @hanaahmed1115
    @hanaahmed1115 2 ปีที่แล้ว +1

    طاعة الله إتباع لا ابتداع

  • @sahroali1967
    @sahroali1967 3 ปีที่แล้ว +1

    Masha allah jazakallah kheyr sheekh maxamed alla haku xafkdo

  • @maxamedismaaciil3627
    @maxamedismaaciil3627 หลายเดือนก่อน

    Alle haka abaal mariyo ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉

  • @ruqiyaabdulqadir4261
    @ruqiyaabdulqadir4261 3 ปีที่แล้ว +3

    Ilahow munafaq hanaga dhigiin

  • @ayubmohamedhassan
    @ayubmohamedhassan 2 ปีที่แล้ว +1

    MashaAllah

  • @munaahmett2660
    @munaahmett2660 ปีที่แล้ว

    Masha allah

  • @mariamabokor5071
    @mariamabokor5071 3 ปีที่แล้ว +1

    jazaka allahu khayran

  • @faysalcilmi
    @faysalcilmi 5 หลายเดือนก่อน

    baaraka Allah calayka sheikh

  • @MaxamedCabdixashi-hv3oi
    @MaxamedCabdixashi-hv3oi 5 หลายเดือนก่อน

    ilahay haka jisaaya siiyo

  • @aminaqali1182
    @aminaqali1182 3 ปีที่แล้ว +2

    Mnsha allah alle abaalkga hands ha ka dhigo💯

  • @maxmudibrahim9734
    @maxmudibrahim9734 ปีที่แล้ว

    Alle ha ku nuuro

  • @user-el5ep5kc3m
    @user-el5ep5kc3m 3 ปีที่แล้ว +1

    شكرا لك يا شيخ

  • @HiboHassan-o3x
    @HiboHassan-o3x 28 วันที่ผ่านมา

    L❤❤❤❤❤❤

  • @Ss53426
    @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +3

    Waxyaabaha Guud ahay ka hadlayso سورة المنافقون iyo faaiidooyinka Aayadaha laga qaadanayo:
    💥Waxyaabaha Guud ee Suuradu ka hadleyso:
    1.Cudurada munaafiqiinta ayey aad usharaxeysaa si aan uuga feejignaano.
    2.illaahay wuxuu Aqoon inoo siinayaa Cadawgaaga ka dhaw iyo ka dheerba inaad Barato.
    🍃Sababta ay suuradani kusoo Degtay : Rasuulka isagoo safar ku jira ayaa labo saxaabi ayaa is qabtay markaasbaa midna yidhi : Tolay Ansaray kii kalana yidhi: Tolay muhaajiriiney, Munaafiqi C.lahi ibnu saluul oo meesha marayay ayaa yidhi ma sidaasay dheheen: waxay ka dhigantahay maahmaahdii ahayda: Aygaaga Naaxi haku cunee , wuxu uula jeeda waa nebiga iyo asxaabta ,markaasbuu yidhi looma dulqadanyo muhaajiriintan inagu soo qaxay hadaan madiino tagno ka qaxoontigaa ee dulaysan kan deegaanka leh ee sharfan ayaa ka saari doona ,Kuwa dulaysan nebiga iyo asxaabtuu ujeedaa,ka sharafta lehna isaga isku sheegaya , markaasbaa asxaabi yar oo Zayd binu Arqam ladho ayaa hadalkaa markuu maqlay adkaysan kari waayay Nebiguu usoo sheegay oo yidhi ninkaasi waxaasu ku hadlayay , Rasuulkuna wuu uyeedhay ninkiina wuu ka dhaartay inaanu odhan, odayaal xaafadiisana ahina waxay yidhaahdeen:Rasuul allaw laga yaaba inuu inanka yari is mood siiyay , markaasa illahay aayadahan soo dejiyay suurada ku jira inankii saxaabiga aha war kuu sheegay ku rumaynayo , wiilkii wuu ku farxay Rasuulkuna wuu ku farxay kiina waa la fashiliyay.
    Markii Arinkii quraanka lagu soo dejiyay aya munaafaqii wiil uu dhalay oo uu iimaanku qanjaha joogay odaygiibuu ku yidhi : madiina gelimaysid ilaa Rasuulku ku fasaxo nebiguna waa casiis adna waad Dulaysantahay, markii madiina lagu dhawaaday wiilkiina seef isla taagay ayaa odaygii Nebigii Ergo uugu tagay oo yidhi : iga fasax si aan magaalada ugalo, ilaa uu Nebigu fasaxay ma Gelin.
    💥Faaiidooyinka Aayadaha:
    1.meel lagaa xidho Qalbigaa uugu xun.
    2.munaafiqiintu waa fulayiin waayo waxay sameeyeen ayay ogyihiin halka qofka muminkaayi xasilanyahay.
    3.kelmada قاتل xaga illahay markey ka Timaado waa nacdal uu nacdalayo cidaa uu kelmadaa raaciyey.
    4.munaafaqu inuu marwalba joogo ayay aayadahu inoo sheegayaan.
    5.munaafaqu waa qof wanaag muujisanaya Baalayana Qarsanaya.
    6.Waxyaabaha uu illaahay ku Eedeeyay munaafaqa waxa kamidaa: Dhaar badnaanta.
    ‼️Carabkaaga dhaarta badan ka ilaali waayo waxay keeni kartaa mararka qaar iney Been kaa noqoto.
    7.kolba sidaad noqoto Ayuu illaahay kuula Dhaqmayaa markey iimaankii ka tageen illaahay qalbiguu ka diley.
    8.Qofka muminkaa Aayaduhu waxay u tilmaamayaan inuu denbigiisa qirto,Tawbadana udegdego .
    9.waxay inoo Tilmaamayaan ineynaan ku kedsoomin qofkastoo hadalkiisa iyo hab labiskiisa fiicanyahay.
    10.Aayaduhu waxay inoo sheegayaan in cadawga Gudaha kadaran yahay ka Dibada waxaana lagu Garanayaa hadaladiisa iyo mawqifyada uu qaadanayo maalmaha adag siduu muslimiinta ukhilaafi doono.
    11.Aayaadku waxay sheegayaan inay munaafiqiintu Naftoodi ku kadsoomeen oo kibir badani galay waana waxyaabaha keena inaad Tanaasuli kari weydo oo Tawbadna unoqon weydo.
    12. Munaafaqnimadu waa labo nooc:
    🍃mid camali ah = sida inuu Been sheega / xaqdaro ku dooda... kani faasiq ayuu ku noqonayaa.
    🍃mid caqadi ah= waa qof Gaalnimo qarsanaya.
    13.munaafaqiinta iyo Gaaladu waxay ku Dagaalamaan Cunaqabataynta.
    14.Khasnadaha Arsaaqada ee cir iyo dhul illahay gacantiisay ku jiraan .
    15.Ciso iyo sharaf illahay iyo Rasuulkiisa iyo muminiintaa leh.
    16.munaafaqa maslaxad Aduunyaa ku sababtay munaafaqnimada.
    17.munaafaqa wuxuu ku caan yahay Bakhaylnimada.
    Bakhaylka waxa ladhaha qofku ku gacan adeega waxyaabaha waajibka sida: zakada.. cibaadooyinka maaligaa .. sunaha wuu la socdaa.
    18.Fursadan aan haysano Aan ka faaiideysano.
    19. Qofka aan zekada bixin xajkana dib dhiga waxqtigaasu warwaraa ) ibnu cabaas aya ayidhi.
    ‼️Wa axiliga geerida ku timaado.
    20.Qofka munaafaqaa naftiisu manasato ilaa uu dadka dhibo cida dhibaysana usoo waarido .
    21.Dadka muminiintaa waxay utaaganyihiin inay Dadka nooleeyaan .
    22.munaafaqa hanjabaadii iyo yabooh beenaladiisa ha dhegaysanina wax inooma hayaan illahay ayaa wax walba inoo haya.
    23.Munaafaqa hankiis ayar haduu dadka la xidhiidhayo wuxuu kaga Raali noqonaya waa Aduunyo /Haduu la dagaalamayo waa Aduunyo/....
    24.Munaafaqu sharaf ayuu sheegtay mana hayo sharafta halkuu kasoo Qaadan lahaa.
    25.cisi = Qofka oo Garta Naftiisu Xaqa ay leedahay.
    Kibir =waa Qofkii Oo Naftiisa ka jaahilaa.
    26.Cadawgaagu waa qofka kaaduwa illahay xaquu kugu leeyahay haba noqdo dadka dad kuugu dhaw.
    27.Dadka iyo Duunyada waxa laynoosiiyay inay xaqa inoogu saacidaan oo diinta iyo wixii dan u aha inoogu taageeraan ,lkn maaha inay illahay iyo cibaadad ina weydaariso si aan qaafiliin unoqono.
    28.Aayaduhu waxay ina Barayaan inaan Geerida xasuusano waxay faaiido ka tahay inaad sahay Qaadato.

  • @mohamedabdillahi5207
    @mohamedabdillahi5207 11 หลายเดือนก่อน

  • @hanaahmed1115
    @hanaahmed1115 2 ปีที่แล้ว

    اراد شرعي وارادة قدري

  • @MaxamadCabdi-qf2on
    @MaxamadCabdi-qf2on 9 หลายเดือนก่อน +1

    Azc

  • @mhametbarkhad2887
    @mhametbarkhad2887 2 ปีที่แล้ว

    taqabun 17minits

  • @hanaahmed1115
    @hanaahmed1115 2 ปีที่แล้ว

    نفاق العملي و نفاق العقدي

  • @kadarmohamedhaji2466
    @kadarmohamedhaji2466 ปีที่แล้ว

    Msha allah

  • @aminaali5806
    @aminaali5806 2 ปีที่แล้ว

    Masha allaha