Dhaqan ka mid ah dhaqamada ay tahay in aynu la dagaalano, dareemada dadkana aynu ku dhaawici karno.

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 10 ก.ย. 2024
  • Hadal cadaantu waa odhashada ama dhihida hadal aan maskaxda la soo marinin laakiin la caadifad yidhaahdo.
    Wax-yaalaha inta badana keena waxa ka mida qofka oo mishkiladi haysato garana la. sidii uu uga bixi lahaa iyo sidii uu xal ugu heli lahaa ama sidii uu ula dhaqmi lahaa miduun.
    Dhibaatada nafsiyadeeda ee haysata darteed waxa ay adeegsadaan erayo aanay umeel dayin oo aan caqligu si fiican u soo shaandhaynin, waxaanay la raadsadaan dad-yawga ay u arkaan in ay xitaa ku xad-gudubkooda kaga gar helayaan oo ay ku kalsoon yihiin in aanay u jawaabi doonin.
    Waxay dad-yawgani nafis ku dareemaan erayada qalooca ee ay dadka kula dhacaan, waana mid kamida wax-yaalaha ay xaqiiqooyinka noloshooda kaga baxsadaan kuna nafisaan.
    Qofka hal mar ama dhawr mar wayka dhici kartaa laakiin dadyawga caadaystey ee cudur daarkana bulshada kaga helay ayuu video gani abaarayaa, waana dhaqan xun oo ay tahay inuu qofku hadii uu isku og-yahay sidii uu u joojin lahaa falawgeed qabto.
    Dad badan baan arkay oo dhaqamo xun xun leh misana caado xun oo uu leeyahay lagu dadayo inta xun ee uu leeyahay. Ceeb maaha in aad dhaqan xun leedahay laakiin waxa ceebaa in adoo og aanad wali rabin in qaybtaada xun aad wali waxka badasho.

ความคิดเห็น • 10