Yaxyax iyo Xishood Abditahlil

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 ก.ย. 2024
  • Hees macan oo qiima leh,

ความคิดเห็น • 309

  • @dailyxiin
    @dailyxiin 3 ปีที่แล้ว +45

    1) Yuuqa = cid wax ku taagid far ama qori.
    2) atoor = sagaarada labka ah.
    3) yaxyax = qajilaad/xishood.
    4) yurrursaday = ku lifaaqid/ dhex galid.
    5) yeedha = jabaq/shanqadh
    6) ugaadha = duurjoog
    7) yagleelaa = xero ama deyr yar ama labo lamaane isu guurin.
    8) yac = sagaarada dhadigga
    9) yamaruug = geed yar oo qodax leh oo gocan dhada u,eeg
    10) yulqan = yoon/qaylo badan
    11) yookee = xoolo addimo ka xirid ama geed ku xirid.
    12) yaboohis = baadi doonid/baafin .
    13) yaaye = ka wardoonid.
    14) yabadh = carrurta ay dhasho haweenay min yaro ah
    15) yoon = nafley xoolo/dad wada hugmid/bulaamid ama yulqan
    16) yur = wax erin / hush dhex riyaha
    17) yacaya = noole wada socda si siman
    18) yabar = xoolaha ugu horreeya ee lasiiyo wiilka arooska ah
    19) yag = wax ku muday/jug kuugu dhacday sida filaadhihi hore oo dadkii hore ku ugaadhsan jireen
    20) yure = dugaagta dadka cunta
    21) yoto/yoto'go'ay = wax sidii la rabay loo helin oo kala dhiman
    22) yu'asho = waa ficil ka yimid yaboohis/baadi doonid/baafin
    Afka Soomaliga ayaa wuxu yahay af hodan ah !
    Waxa la yidhi maxamed Saleeb tubeec
    Ayaa yidhi boqorka codka waxaan siin
    laha Cabdi Tahliil warsame AUN
    Aduunow xaalka be....!
    *Erayadii axmed aadan dacar*
    *Laxankii cabdi tahliil warsame*
    Waxay ahayd *1968*
    Mahadsanid Jaaale *Abdi wahab*

    • @husseinahmed5324
      @husseinahmed5324 3 ปีที่แล้ว +1

      Hestaan adban ujeclahay lknse Somaliyan ku dhashy on ku barbary ku labaatan jirsadey hdana kalmadahas 30% man granayn
      Ilahay nxariisti jano haka warabiyo
      Hesihiisa kama marmo markan dhgaystana waxan i ad idamaqda dayacu la kulmay cabdi tahliil warsame🥺🥺
      Manta hadraawibaa burco ku dayacan maxaynu tari karnaa somaliyeey?😥😞
      Wa sual damqasho leh
      16.fab.2021

    • @SuugaanSafaari
      @SuugaanSafaari 2 ปีที่แล้ว

      𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻𝗶𝗱 𝘀𝘅𝗯

    • @ayanlehdoubad5067
      @ayanlehdoubad5067 ปีที่แล้ว

      MASHA ALLAH QAMUUS MA TAHAY SXB THANKS

    • @CumarMaxamuud-ol7th
      @CumarMaxamuud-ol7th ปีที่แล้ว

      Maxamed aadan dacar

    • @Am-pk3zh
      @Am-pk3zh 3 หลายเดือนก่อน

      Mahadsanid jaale

  • @AliHassan-yo2qw
    @AliHassan-yo2qw ปีที่แล้ว +6

    Ilahow Abdi tahliil Kuu Naxariiso Akhayarta Kula Fadhido Edeb Iyo Degenaan Ayey Isku Darsadeen Dad Waa Dadkii Hore Wayahan Nasiib Uma Yeelan Inaa Soo Gaaro ❤️❤️❤️❤️

  • @AbdiazizSaidAhmed
    @AbdiazizSaidAhmed 5 ปีที่แล้ว +96

    Yaxyax iyo xishood baa
    Igu yuurursadayoo
    Jaceyl igu yutu'ay baa
    Ii yeeranaayee
    Yeydiyo ugaadhaan
    Xeryaha u yagleelaa
    Yaco iyo atooraa
    Aan yamaarug daajaa
    Yuuqaba aday baday
    Yulqanka iyo taahee
    Laygu kaa dul yookee
    Wanaagana ma yeeshide
    Sideed iila yaabtaa
    Yoom baad i gelisee
    Kalgacayl yuhuunlihi
    Yaryareysi ma lahee
    Yaan yaboohiskaaga
    Yaayaale qaadine
    Yoociyo adoon noqon
    Laan yicibahoo kale
    Oo aan yuashaydana
    Waa yeelkaadaa oran
    Yabar baan ka helilaa
    Haddaan dhagax u yeeree
    Laygu kaa dul yookoo
    Wanaaggana ma yeeshide
    Sideed ii la yaabtaa
    Yoom baad i gelisaye

    • @SuugaanSafaari
      @SuugaanSafaari 4 ปีที่แล้ว +1

      HEESTAN LYRICS KEEDA INBADAN YAN DONAYEY WAAD MAHADSANTAHAY PROTHER
      🙌❤❤❤❤❤❤❤❤✌

    • @mwarsame5800
      @mwarsame5800 4 ปีที่แล้ว

      Good

    • @abrahamhashimi72
      @abrahamhashimi72 4 ปีที่แล้ว

      Xanuun badanaa ciil badanaa

    • @Tayasiir
      @Tayasiir 3 ปีที่แล้ว +2

      Eryadii abwaan Maxmed aadan Dacar

    • @ibrahimMohamed-fb6yt
      @ibrahimMohamed-fb6yt 3 ปีที่แล้ว +1

      Sideed iila yaabtaa yaabtaa yoon baad i galisee yoom baad i galisee maaha ereyga yoon macnihiisu waa buuq baad i galisee

  • @sayidnuur7992
    @sayidnuur7992 7 ปีที่แล้ว +43

    qaaci iyo qayilaad c/tahliil oo live kuugu heesaya jawi macan iga dheh killo awadey ah ama far miiro ah goor aad dhamaysad garan waayi lahayd iga wale aaax alla idaa

    • @cabdiraxmaanyare4665
      @cabdiraxmaanyare4665 6 ปีที่แล้ว +2

      Sayid Nuur 😂😂😂 been maad sheegin wlhi libaax goor aad ku yaacday maad garateen codkaa macaan saad ula haysato ayaad dhamayn lahyd 3 kiillo ayaad 1 Hees ku dhamayn lahyd 😂😂😂

  • @rashkaxqatar6214
    @rashkaxqatar6214 6 ปีที่แล้ว +10

    Maanta ayey nafta deysay abdi tahliil warsame ilaahay naxariistiisa janno hasiiyo😢

  • @netflixfaiza6229
    @netflixfaiza6229 2 ปีที่แล้ว +9

    30/12/2021 from Norway 🇧🇻❤🙏🙏 and its good to know that Somali people was once normal humans enjoying their lifes with out complex ❤❤

    • @AbshirAwad
      @AbshirAwad 13 วันที่ผ่านมา

      We are still human😂😂😂

  • @hodanjaamac7780
    @hodanjaamac7780 2 ปีที่แล้ว +6

    I can understand this song 5% because somaligi hore iyo imnka farqi weyn udhexeya✌

  • @MrLooyaan
    @MrLooyaan 3 ปีที่แล้ว +12

    ستظل في قلوبنا للأبد .......... ربنا يرحمك ويغفرلك عبدي تهليل ورسمه

  • @warsamewaberi3792
    @warsamewaberi3792 2 ปีที่แล้ว +2

    Cabdi Tahliil Waxaasaa cod iyo laxan iyo midho ah. Anu waxaan siin lahaa boqorka codka fannaaniinta somaliyeed Abdi Tahliil codkiisa macaan iyo sidda uu kolba codka u bed bedelaayo. Analysist Ciise man from Djibouti who love Somalis anciens songs

    • @cashaaxmed5491
      @cashaaxmed5491 10 หลายเดือนก่อน

      6:08 6:09 erayadii jamac daad

  • @ceebla82
    @ceebla82 7 หลายเดือนก่อน +2

    Fadhi rageed😂 yaaa abditahliil warsame❤ AUN

  • @cabdiraxmaancaddow4787
    @cabdiraxmaancaddow4787 8 ปีที่แล้ว +18

    yaxyax iyo xishoodbaa igu
    yuurarsadayoo, jaceylbaa ii yeedhanaayee....
    Waa FANAAN aan hubo inuu naga mudan yahay in Taalo loo dhiso.
    Alle ku dhowr Cabdiyoow, Waadba dhowran tahee.

    • @shortfanny14498.
      @shortfanny14498. หลายเดือนก่อน

      7 sanno kadib iwarn zhp 🫡

    • @nastedave9842
      @nastedave9842 29 วันที่ผ่านมา

      After 8 years inaad nooshahaan rajeynaa gacal 🥰

  • @adalimpire4128
    @adalimpire4128 4 ปีที่แล้ว +2

    Maxamed axmed kuluc uu fadhiyaa mijiliska legend cabdi tahliil waa fanaanka fanaanintu aydhageysan jireen marka baashalyaan legend weyn allow cafimad sii🤲🤲

  • @awomiyirofficial
    @awomiyirofficial 8 ปีที่แล้ว +5

    mansha allah cabdi tahliil warsame magaca maskin kama ahan ilahayow aduunka cafimad kugu sii akhirana janatul fardowsa we somalis love u fanankena ax cod macanaa waxa nasiib leh

  • @aarlion8718
    @aarlion8718 5 ปีที่แล้ว +7

    Ma joojin karro heesaha Abdi tahliil wlhi I'm in love with all his songs

  • @Sigma-143
    @Sigma-143 7 ปีที่แล้ว +5

    Heestan 2012 jaceelkaygi horeeeyay ayaan dhageesan jiray ax wlhi waa xasuus😭😭😭😭😭

  • @geelegeedi2948
    @geelegeedi2948 4 ปีที่แล้ว +5

    Allah ya raxma Cabdi tahliil. Janatul fardouza Allaha kugu casuumo.

  • @genmustafeburcaawi6972
    @genmustafeburcaawi6972 4 ปีที่แล้ว +3

    Alle Hakuu naxariisti Geesi la gabay oo Umadiisii dayacday Caawuu God galay cabdi tahliil Warsame 5/06/2020

  • @daahirguureye5923
    @daahirguureye5923 4 ปีที่แล้ว +26

    Waar cidii daawanaysa 2020/3 xiliga crona19 like so dheha

    • @faysalmuuse10
      @faysalmuuse10 3 ปีที่แล้ว

      Walaahi 1984 maraan gurmadkii joogay mareerey jubbadda dhexe oo aan ilaalinayey aniga iyo saleeban abdi gedle iyo abdi risaaq ibrahin maxamud abyan xasuus dheer

  • @jiboqaraamimedia4583
    @jiboqaraamimedia4583 4 ปีที่แล้ว +5

    Rabi hawnaxariisto aamiin aamiin

  • @dalalmagan4377
    @dalalmagan4377 8 ปีที่แล้ว +6

    dadkii wakhtiga jiray waxay heesten 👉dowlad soomali o midaysan sidokale 👉fanka o ah mid jira o aan aheen midka hada jira ee ruuxwalba siduu doono iskaga hadlaya
    💖soomali allow midee

  • @saadiq.mohamedismail
    @saadiq.mohamedismail 7 ปีที่แล้ว +3

    Cabdi tahliiil warsame fanaaan qaran ayuuu ahaaa ilaaaahay cimri dherer iyo caaafimad iyo cibaaado saaalixa

  • @shaaficiqandala5637
    @shaaficiqandala5637 4 ปีที่แล้ว +2

    Fanaanka kaliya ee yoolka ii ah ee aan ku daydo maba gaadhi karee wlhi waa CABDI TAHLIIL labo waraysi ayaan ku sheegay fanaan wuu dhaafay mucjisada fanka somaliyeed

  • @ahmedyusuf4975
    @ahmedyusuf4975 4 ปีที่แล้ว +1

    Alle ha u naxariisto maanta ayuu hoygiisi dhabta ahaa tegay 05.06.2020.
    Fanaan qaran. Boqorka codka

  • @alfaqiih01
    @alfaqiih01 11 ปีที่แล้ว +5

    waaaaaaaw aduunyo Cabdi Tahliil Weeye Ninkani Toloow fanaan ma haray

  • @hashi-dhorrehashi-dhorre7980
    @hashi-dhorrehashi-dhorre7980 6 ปีที่แล้ว +9

    Swishey, swagg legend may Allah have mercy on you big brother Cabdi Tahliil

  • @Abdisamaddaacad1
    @Abdisamaddaacad1 3 ปีที่แล้ว +1

    2021 Baan Daawanayaa allaah ha unaxariiso fanaanka Abdi tahliil

  • @samaalenuur6717
    @samaalenuur6717 4 ปีที่แล้ว +1

    Maanta ayuu ku dhintay magalada
    Muqdisho alla swt haw naxariisto
    Fanaan qaaliya ayuu ahaa.
    5.6.2020.maalin jimcaa.

  • @abbejusuf1610
    @abbejusuf1610 7 ปีที่แล้ว +8

    ninkaan caadi ma ahan , heesiisa waa kala daran yihiin........ kaban aan caadi aheeyn. the master!

  • @mussashire9889
    @mussashire9889 7 ปีที่แล้ว +3

    abdi tahlil garan meysid axmey fanka hal kow kaga jira wa abayasha fanka ama tirarka fanka hesaha shey mire waxan ku naqana tubec iyo abdi tahlil iney leyin

  • @maxamedjamal983
    @maxamedjamal983 4 ปีที่แล้ว +1

    Alle ha u naxariisto Cabdi Tahliil Warsame bishan 5 june 2020 ayuu ku geeriyooday xamar...

  • @mubarakali6819
    @mubarakali6819 9 ปีที่แล้ว +8

    they enjoyed life while our beautiful country was stable alaah I wanna die in my country while am enjoying the beauti of my homeland u see how happy their faces are no judgment is going on women and men having good time.

  • @gxman2948
    @gxman2948 11 ปีที่แล้ว +10

    |Cabdi Tahliil Warsame Waxa uu aha Fanaan aad u cod macaan aniga Gx ahaan xushmad wayn ayaan u haya mararka qaar waxa aan iska dhaa dhiciya in uu ahaa fanaanka abaid ugu codka macana Ee soo mare Somalida, Cabdi Tahliil Warsame ,
    Waxa uu ahaa Fanaan bilaa mushkila heeso ,

  • @zakariyefacuul9491
    @zakariyefacuul9491 3 ปีที่แล้ว +2

    Maanta waa carafo 2021 qofki daawonaayo like isaar.ciid wanagsan

  • @hamseganey4383
    @hamseganey4383 9 ปีที่แล้ว +2

    AUN fanaan Cabdi Tahliil waaa fanaanka qudha.......... Illaahoow caafimaad izo cimri dheer siii.

  • @faysalmuuse10
    @faysalmuuse10 3 ปีที่แล้ว +1

    Xasuus 1984 mareerey gurmadkii oo aan ka baxay s/diin sare kana ahaa ilaaliye aniga saleban abdi gedle iyo abdirisaq ibrahim maxmud (abyan)
    Bandhig faneed alle haw naxariisto cabdi tahliil

  • @xaredoabukar784
    @xaredoabukar784 ปีที่แล้ว +1

    Allahayow u naxariiso Cabdi Tahliil

  • @munaabdiaziz213
    @munaabdiaziz213 8 ปีที่แล้ว +5

    Ilahey Danbi dhaaf Haa siyo All fananinta iyo inta xumanta ku dhex jirta sona Hanunii Yaa Allah

  • @nasirabdi8513
    @nasirabdi8513 7 ปีที่แล้ว

    mashalah axsan fanan al ustad cabdi tahliil warsame ala gogosha wacan qacigan iyo codka cabditahliil hablaheena sharfta iyo quruxda badan wa hablo an iscadeyn hablaheni hore bal eeg wajiyadooda mashla waxana ka bashal ah cabdi tahliil alow cafi cafimad tam ah

  • @monaahmed6119
    @monaahmed6119 ปีที่แล้ว +1

    Ilaahay ha u naxariisto cabdi tahliil

  • @ahmedlangadhe6939
    @ahmedlangadhe6939 4 ปีที่แล้ว +3

    wa erayadii abwaan maxamed aadan dacar

  • @badriabdulkadir5798
    @badriabdulkadir5798 10 ปีที่แล้ว +1

    Cabdi Tahlil codkiisa oo kale wali maan arag

  • @Am-pk3zh
    @Am-pk3zh 3 หลายเดือนก่อน

    masha allah sida nbada ahee la isu dhex fadhiyaan kayaab. Waa intuusan alshabaab carada qabsan ❤❤

  • @inacarab7794
    @inacarab7794 6 ปีที่แล้ว +1

    aduunyo wata mantana muqdisho ayu ku rafaadsanyahay oo uu xanunsanaya iLahay cafimad haku siiyo abdi tahliil

  • @umuhaan22
    @umuhaan22 7 ปีที่แล้ว +1

    wallahi waa aduunyo fanaaniita illaahay ha u danbi dhaafo cabdi tahaliilna illaahay cafimaad ha siiyo iyo dabidhaaf islanaya horta
    aa anka yeeu hadayna dan iska lahayn yga iyo anagaba fanaaniit

  • @abdirisaqmohamoud8740
    @abdirisaqmohamoud8740 4 ปีที่แล้ว +1

    Alle hawnaxariisto 5-6-2020 ayaa muqdisho lagu aasay, somali dhexdooda dayac Buu ugu dhintay waxa dhab noqotay ifka laysu turaaye iilka laysma gargaaro aboor layskama baajo.!!!!
    Haduu maanta qabiil weyn ka dhaln lahaa way maanuusi laahayeen, xitaa 20 sano uu xanuunsanyey dawlad iyo bah fananiin iyo abwaano wax uqabatay majirin, Allow kuu naxariiso runtii fanskiisan kamid ahaa codkiisana aad ban uga helijirey cajiib buu ahaa .!!!
    Nin walaba maracad iyo qabri madow uu baa kadanbeeya subxaan.!!!

  • @durguf3993
    @durguf3993 3 ปีที่แล้ว +1

    Waaw waa xilligii ay somaalidu miyirka qabtay iyo barisamaadkii.

  • @mohamedabdinour730
    @mohamedabdinour730 5 ปีที่แล้ว +10

    2019 April 5 Yaa ila dhagaysan 4 habeenimo goobtu waa Germany gaar ahan Kassel

    • @hassandweeu4096
      @hassandweeu4096 5 ปีที่แล้ว

      Aniga kula dhageysanaya sxb 16.june 6 22:34 habeenimo Germany gar ahaan Sachen Anhalt

  • @KISTATV
    @KISTATV 4 ปีที่แล้ว +3

    Waakaa boqorka fanka. Allow kuu naxariiso!!

  • @cabdimaxamed2106
    @cabdimaxamed2106 6 ปีที่แล้ว +3

    ilaahow caafimaad taam ah sii walaalkeen Cabdi Tahliil Warsame, fannaan sidiisa ah waa yaryahay ama maba jiro ayaan dhihi karnaa wlhi

  • @abdirahmanhaydar9481
    @abdirahmanhaydar9481 4 ปีที่แล้ว +2

    Shankaroon axmed sagal wey jogtaa legend

  • @ifka8884
    @ifka8884 7 ปีที่แล้ว +2

    Allaha ku caafiyo abdi tahlii warsame. Insha allaaaaaaaaaah

  • @inacarab428
    @inacarab428 6 ปีที่แล้ว +2

    Axyaa hees Abdi tahliil warsame yax-yax iyo xishoodba igu yuruursadayo jacaylba ii yeedhaye

  • @djcishqiyare6603
    @djcishqiyare6603 6 ปีที่แล้ว +1

    wayo wayo waxaa qayilad ah still am watching 2018

  • @Walid-Qaran
    @Walid-Qaran 7 ปีที่แล้ว +2

    allah cfmd taam ah iyo naxariis tiisa haku siiyo

  • @luulhassan7154
    @luulhassan7154 4 ปีที่แล้ว +2

    Illahow ha u naxaristo fananki weynaa maanta ayuu xijaabty
    Illah wuu ka maydhay denbi oo dhan

  • @khadarcabdi1
    @khadarcabdi1 5 ปีที่แล้ว +1

    Ilahay xanuunka hakadulqaado Cabdi tahliil warsame waxa uu kuxanuunsanayaa magaalada xamar somalidu afka uunbay wax iskaga tahaye Lama hayo cid caawisay ilahay baa kuumaqan ilahay haku caafiyo Tahliilow

  • @abdirizakadan897
    @abdirizakadan897 3 ปีที่แล้ว +16

    Good people who enjoyed their good moments with discipline, good manners and ethical qualities while still killing time in wonderful mixed gender chewing sessions.

    • @cadeycali6723
      @cadeycali6723 2 ปีที่แล้ว +1

      Ma aragtay. Wallaahi wa waqti xajiib ah.

    • @Farashaash
      @Farashaash 2 ปีที่แล้ว

      Such a beautiful comment.. I agree 110%

  • @axmedcismaan6497
    @axmedcismaan6497 4 ปีที่แล้ว +1

    Erayada heesta abwaan jaamac seed cawad daad waa hees qaafiyadeed tahay xarafka y waan xarfaha aan hodanka ahayn waxaan adeegsada uun abwaan afka aad u yaqaana

    • @hamz233
      @hamz233 3 ปีที่แล้ว

      Abwaan Maxamed adan dacar baa leh heesta sxb

  • @alisaid2008
    @alisaid2008 3 ปีที่แล้ว +1

    Mirihii m.a.dacar laxankii iyo codkii cabdi tahliil warsame

  • @abdiaziizahmed7827
    @abdiaziizahmed7827 7 หลายเดือนก่อน

    WAA NAAGIHII DAAROOD FAQASH OO LAGU WASAYO NAIROBI KENYA KUWII OO JABAY OO AH GUN JABTEY WALAAHI WAA LAGA DHERGEY ILAAHEY AYAA MAHAD ISKA LEH

  • @samadiininabacaadimahan1580
    @samadiininabacaadimahan1580 8 ปีที่แล้ว +2

    inaba caadi mahan viva cabdi tahliil warsame

  • @nuuxckaafi-su4iq
    @nuuxckaafi-su4iq ปีที่แล้ว +1

    Aloow unaxriiso aamiin aamiin

  • @xamseshooki9627
    @xamseshooki9627 9 ปีที่แล้ว +1

    woooooooow abdi tahliil axsan fanan alle haku caafiyo

  • @cawilciise425
    @cawilciise425 7 ปีที่แล้ว +1

    kama daaalo dhagysiga heesaha cabditahliil warsame mshallah rabi cod bu ugu deeqay

  • @Hibonuura-w4o
    @Hibonuura-w4o หลายเดือนก่อน

    Eraydii Abwaan Xuseen Ow faarax dubad.
    Dadka isku qaldaya ama iska qiyaasaya fadlan ixtirama xaquuqda dhaxalka ah ee Suugaanta Somaliyeed.

  • @mustafamoallim2336
    @mustafamoallim2336 6 ปีที่แล้ว +3

    Axsan fanaan
    Waxaa tahay kan ugu fiican koonkan
    Wxaazaa kaa cod ah
    Dad waa dadkii hore
    Fanaana waa fanaaniintii hore
    Layaabkaa layaabkaa
    Kama dhargo dhagaysigeed
    Aaaaaaa eeeeee

  • @amiirkaofficial4826
    @amiirkaofficial4826 4 ปีที่แล้ว +1

    2019,11,29 balbalarka ayaa nahaysata walalow rabbi haku xaristee

  • @a.rashidmahad6043
    @a.rashidmahad6043 8 ปีที่แล้ว +1

    waa fanaan qaaliya alle danbigiisa ha dhaaafo

  • @fahadmahamed5985
    @fahadmahamed5985 8 ปีที่แล้ว +3

    ilahy. haku caafiyo. axyaaaa. tahliiili.

  • @hodanjaamac7780
    @hodanjaamac7780 2 ปีที่แล้ว +1

    Su'aal mar walpa isweydiyo fananiintu ama kuwi hore ama kuwa imnka balwad la'aan laguma heesi kro miyh mustaaqplkoda danbe kamey fakerin cabdi tahlil ilaahey haw naxarizto wlhi intaad caafimad iyo qurux hayzato ayunba hareerahaga lajogah maalinkad dhib iyo xaalad xun gazho shakhzi bil'aadana oo garabkaga istaagi majirto 😭💔

    • @xaredoabukar784
      @xaredoabukar784 ปีที่แล้ว +1

      ❤Allow u naxariiso una dambi dhaaf isaga iyo annakaba dhamaanteen Amin

  • @Dhabbar-xamar
    @Dhabbar-xamar 7 หลายเดือนก่อน

    Ligu kaa dul yookee wanaagana ma yeeshidee ❤❤❤ abaayooy Nimcooy ❤❤

  • @khalidmohamed6987
    @khalidmohamed6987 2 ปีที่แล้ว

    Shaw Legend-Ku Kabankana Wu tumi jirey Alle Ha u naxaristo.

  • @mahadmaxamedcumar8573
    @mahadmaxamedcumar8573 5 ปีที่แล้ว +5

    Erayadii maxamed Adan dacar laxanka cabditahliil warsame

    • @mahamudomer8163
      @mahamudomer8163 4 ปีที่แล้ว

      Ha khaldin Ahmed salebaan bidde leh wallal

    • @mahadmaxamedcumar8573
      @mahadmaxamedcumar8573 4 ปีที่แล้ว

      @@mahamudomer8163 cumar seerbiya oo fanka aad u yaqaana yaan ka maqlay wll
      Axmed bidde onkod ayuu lahaa mahadsnid

  • @hamzeabdiman3622
    @hamzeabdiman3622 7 ปีที่แล้ว +13

    wax walba waa live
    codka music goobta
    manta wad ogtihin ax

  • @dayaxnorman
    @dayaxnorman 6 ปีที่แล้ว +1

    Subxaana Allah maxay fanaani haween somaliyed baabiiyeen. Balmeeshaa Waxa naag fadhida Oo qayilaysa daawada

  • @yxyiniori3023
    @yxyiniori3023 ปีที่แล้ว

    Dadkaan meesha fashiya maaha dad caadi ah, waa hoboladii Waaberi ee fannaaniinta qaranka Aoomaaliyeed.

  • @muminmoha7102
    @muminmoha7102 7 ปีที่แล้ว +1

    woow wa hes macan Allow ku cafi

  • @mustafmohamedhashi
    @mustafmohamedhashi 8 ปีที่แล้ว +1

    wow ahxasan qaaci viva A, TAHLIIL

  • @hobanlesomalion8468
    @hobanlesomalion8468 ปีที่แล้ว

    Yaa salaam Cabdi-Tahliil sharafta iyo qaayaha weyn waa wax aan kugu xasuusano Master of Fanka Soomaaliyeed mar kasta aan dhageysto C/Tahliil

  • @abdinajibsheikhabdi1278
    @abdinajibsheikhabdi1278 4 ปีที่แล้ว +2

    5 June maalin jimce ah ayu Ku dhintay muqdisho. Ilaahoow qabriga waasac kaaga dhig

  • @mohamedaliosman1634
    @mohamedaliosman1634 8 ปีที่แล้ว +1

    cabdi tahliil warsame waa laf dhabarka fanaaniinta somali

  • @abdinasir7240
    @abdinasir7240 10 ปีที่แล้ว +1

    Wah wah alfanaaan abdi tahliil boqorka cod ayaaa uqalantaaa ee soomaaliya

  • @DuulaneMoohamed-zg7fr
    @DuulaneMoohamed-zg7fr 8 หลายเดือนก่อน

    Aun cabdi tahliil warsame wn ku dayacnay soomaali dad fcn maha qiil baa madax maray allow soomaali midee halyay Qaran fanaan Qaran buu ahaa Aun wlhi waa wx laga yaabo in fanaankaa ladayaco cod dahab tubeec baayiri poqorka codka waxn siin lahaa tahliil Aun

  • @cqanikhamiis2771
    @cqanikhamiis2771 3 ปีที่แล้ว +1

    Waxaasoo dig dam leh keligiisaa tumaya iyo odayg ag fadhiya allow kuu naxariiso

  • @daahirdhiin8900
    @daahirdhiin8900 4 ปีที่แล้ว +5

    26/9/2020/from germany 🇩🇪✌️

  • @armaan9990
    @armaan9990 ปีที่แล้ว +1

    Cabdi tahliil warsame ajar aan lasoo koobi karin alle haka siiyo codkiisa raxmada leh

  • @Ceeldarraad
    @Ceeldarraad 7 ปีที่แล้ว +9

    waa aabaha boqor ka cod ka somaliyeed tubeec waa lagu la qaldamay boqorka codka ee tahliil baa ah fanan ka ugu codka wanagsan

  • @ayala1627
    @ayala1627 5 ปีที่แล้ว +2

    Inta aanan halkan usoo kicin daqiiqado yar uun ka hor waxaan dhex mushaaxaayey Facebook. Waxaan arkaayey sawirro dareen taabad ah oo laga soo qaaday Fannaan Cabdi Tahliil oo aad u xanuusanaaya. Waa ayaandarro in ay Soomaali idilkeed ka aamustay xaaladda fannaanka weyn ee waxaas oo dhaxal faneed ah uga tagay.
    05SEP2019KHAMIIS 5:17PM HARGAYSA.

  • @yasinmohamed3666
    @yasinmohamed3666 3 ปีที่แล้ว

    AUN.Dhamaan Fanaantii Soomaali Dad laga dhashaa maaha waa ku Dayacnay Adiga iyo Fanaaniintii Qaranka. Ducaanbkuu Hibeenayaa mar walbaa oo aad Qalbigayga ku soo dhacdo

  • @BacadweyneMedia
    @BacadweyneMedia 4 ปีที่แล้ว

    Goobtu waa muqdisho Guri ku yaala Laba dhagax

  • @khairaaliammaan2130
    @khairaaliammaan2130 3 ปีที่แล้ว

    Walee fan iyo balwad lakala kariwaa

  • @sucdimursal6580
    @sucdimursal6580 8 ปีที่แล้ว +4

    Sideed Ilaa Yaabta
    yoombad Igalise
    Axsan Fanan My Adeer Illahay ha ika caafiyo

  • @Abdifatah_Hussein_Garweyne_
    @Abdifatah_Hussein_Garweyne_ 4 ปีที่แล้ว +11

    ASC WALALAHA SOMALIYED
    WXA RABA INA MANTA KA HADLO
    ARRIN YARO MUHIIIMA
    MA HABOONA IN DHALLINYARADII WADANKA ANAGOO AH HADANA DADKII WADANKEENA WAX SOO TARAY OO USOO DHIBTOODAY MANTA HEESAHOODII INA ISKA DHAGEYSANO WANAGU CEEB
    SIIBA DHALIINYARADA
    WXAAN DIYAR U AHY INA SI HUFAN OO BILAA HAGAR AH UGU ADEEGO SHACABKYGA DHIBAATEYSAN
    OO UU U HOREEYO
    CABDI TAHALIIL WERSAME
    DOWLAD MA JIRTO WLLHI
    MADAXTOOYO IYO GURIGA BAARLAMAANKU HOOYGA CABDI TAHALIIL WUXU U JIRAA WAX KA YAR 1KM MAKULA TAHAY MARKA XILDHIBAAN KA BAABUURKA MADOW WATA OO MUKEYFKA LEH INUUSAN DHAGEYSANEYN HEESAHA CABDI TAHALIIL ?
    WUU DHAGEYSANAYA WANA HUBA
    MUXUU U XASUSAN WAAYEY?
    IMISA AYUU MAALINLE U CUNA XILDHIBAANKAAS ?
    FANANKII WADANKAN DHIBKA USO MARAY MUXU KU SUGAN YAHY?
    WADANKAAN WLLHI OO BILAAHI OO TALLAHI BAYSAN NABAD IMAANEYN IYO AMNI TOONA
    INTA NOLOSHA NUUCASA JIRTO

    • @anjuulastqueen9454
      @anjuulastqueen9454 3 ปีที่แล้ว +1

      Allah u naxariisto aabe Cabdi tahaliil wersame

  • @osmanaden2779
    @osmanaden2779 6 หลายเดือนก่อน

    Erayadii abwaan Maxamed Adan Dacar

  • @nuuradiinabdi9458
    @nuuradiinabdi9458 3 ปีที่แล้ว +1

    Alla ha u naxariisto amin

  • @ahmedqardhaas8730
    @ahmedqardhaas8730 7 ปีที่แล้ว +1

    Walee fan waa hibo ishcalaa miro laxan iyo cod alaha caafiyo

  • @shaactuuromar5748
    @shaactuuromar5748 11 ปีที่แล้ว +4

    axsan fanaan

    • @Kingjimale
      @Kingjimale 7 ปีที่แล้ว

      shaactuur omar wakhti waa kii hore 🖕

  • @dileytahabib7
    @dileytahabib7 10 หลายเดือนก่อน

    ALLAH IRHAMO .

  • @iisamuhamudabukar5448
    @iisamuhamudabukar5448 4 ปีที่แล้ว +1

    heeskaan smartphones ugu horeyey lenovo ayuu aha asagaan ku dhageysan jiray 2014

  • @ahmedsakiglobal
    @ahmedsakiglobal 8 ปีที่แล้ว +3

    axya Yaa hees dad waa Dadkii höre wlhi