Abwaan Hadraawi Iyo Qisada Heesta Suleekha

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 11 ก.ย. 2024
  • Abwaan Hadraawi oo kamid ah Abwaanad soomaalida ugu saamaynta badan xagga maansooyinka iyo suugaaanta qaybaheeda kala duwan.

ความคิดเห็น • 5

  • @YaseinAbdi
    @YaseinAbdi 8 หลายเดือนก่อน

    Allah haku naxariisto abwaan iyo insaan dhaqan wanaagsan oo somalida nin la mida ku yaryahay waan ka qaybgalay askiisi. Allah yarxmo. waxan xasuusta 2007 ano arday jamacdeed dalka dibadisa dhigta oo dalka fasax ju imi ayan Hargeisa ku arkay Hotel an ka casheenayay horena uma arkin sawir mooye markasan u imi oo salaamay markasan cabar hadlaynay wa markan ogaday in xita afcarabi ku hadlo wuxu aha insaan dagan oon islawayni ku jirin oo dadka iska sareysiin.

  • @aal5869
    @aal5869 ปีที่แล้ว

    Ilaahay jidhkaaga cadaab haka xaaraantineeyo. Aad baa laguu tebay

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari ปีที่แล้ว +3

    Idahaa subag Laga Lulaa
    Geelaa sidig Loo Ogaa
    Lo' baa saan Laga baxshaa
    Sengaan orod Lala masayn
    Sareedo ILLAAHAY baa Leh
    Hablaha soomaaliyeed
    Hadaan Quruxdooda Saanyo
    Hadaan miisaanka saaro
    Adaa Tobankii Sagaal Leh!.
    =======================
    LYRICS:
    #1:
    Sansaankaagiyo Jaaha
    Sarajoogiyo Tooska
    Dhexda soohanee tooxda
    Sangaroorka ka dhuubanee
    Biixyaha isa saaran
    Sararahaa Kala sooca ee
    Sanqaroorka La dhiibshee
    Naftan aan sasabaayoo ×2
    Soomal haad gelinaayoo
    Chorus:
    Suleekhaay aragaagu
    Nafta waa u samirsiisoo
    Saddex bay ku qadaaye
    Haka goynin salaanta!
    PAGE 2:
    Saatirkii ku abuuree
    Qoorta aad samay moodo
    Cabaadhyaa kuu sar gooyee
    Sedrigaagiyo Laabtaa
    Timahaagan seexdee ×2
    Kolkaad doc u saydho
    Sararaa ka dagaayee
    Sabarkaaga tagaayaan ×2
    Samayskoodaan La yaabee
    Chorus
    Suleekhaay aragaagu
    Nafta waa u samirsiisoo
    Saddex bay ku qadaaye
    Haka goynin salaanta.
    Riwaayadii Hadimo 1968 Hadraawi AHN
    Erayada Abwaan HADRAAWI
    Laxanka Bashiir Xaddi AHN
    Kabanka Jiim Sheekh muumin AHN
    Codka Mohamed Nuur Giriig AHN.