Ma ii baaqday sida meel lyrics || Hibo nura iyo dacar

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 ก.ย. 2024
  • Maxaa ka taqaanaa Taariikh nonoleedka fanaanada weyn ee Hibo-Nuura?
    Bilawgii kontankii ayay ku dhalatay Dila oo ka tirsan gobolka Awdal. Magaalada Boorama ayay timid iyadoo da’deedu yar tahay. Halkaas bay waxbarashada malcaamadda iyo dugsiga hoose dhexe ba ku qaadatay.
    Hargeysa ayay judhiiba timid fankana ka bilowday. Firfircooni iyo fahan wanaag ayay fanka la soo gashay. Markii ba Maxamed Cumar Huryo AUN ayaa heesteedii koobaad u dhiibey. Laxankana waxaa ugu ladhay Maxamed Cige oo loo garan ogaa ‘ILBIR’. Waa ta iyaduna codkii ku biirisey iyadoo leh:
    “Naf jacayl haleelay
    Hawl waayi maysee….”!
    Waxay ku noqotay heestaas fannaanad la aqoonsaday. Iyadoo heestaas oo qudha leh; ayaa Axmed Saleebaan Bidde isna hees kale u dhiibey. Heestaa markii hore wuxuu rabay abwaanku inuu Shamis Abokor oo ku magac dheerayd (Guduudo Carwo ) u dhiibo AUN. Waayo, heesta ayaa dareen gooni ah abwaanka u lahayd. Cid ka soo bixi karta oo si fiican loo yaqaan ayuu la rabay. Se Guduudo Carwo iyo Baxsan ayaa ka cudurdaartay kana codsaday abwaanka inuu u dhiibo inanta; si ay ugu soo baxdo. Isaga oo ka werwersan iney sidii loo baahnaa u qaadi karto; ayuu u dhiibey heestii. Waa ka soo dhalaashay tijaabadii xaqiiqdii. Waxay noqotey heestii loogu jeclaa wakhtigaas. Illaa haddana ma duugoobin oo waa sideedii. Laxanka waxaa u sameeyay Ismaaciil Yare AUN. Iyaduna cod dananaaya oo diiqadda kaa saaraaya ayay ku sidigtay; ereyo laab wax jecel ka soo go’ay.
    Waxayna tidhi;
    “…Waadigan se liitee,
    Leexdu ku sidatee
    Hadba laan cuksanayee..”!
    Qoftaas wada garate ayaan filayaa. Waa fannaanadii keligeed waddaniga ahayd. Waa Hibo Maxamed Huddoon oo wakhti danbe uu weriye Cawke AUN u gu biiriyey magaceedii Hibo, naannaysta ah; “Nuura.”‘!
    Intaas kadib riwayaddii Shabeel Naagood ayay aktarad ka noqotey oo waxaa loo bixiyey;” Xiddigtii Shabeel Naagood”! Xaggaas ayay ka sii wadday uun badweyn faneed oo illaa wakhti dhawaa taxnaa.
    Waxyaalaha aan ku xasuusanno waxaa ka mid ah; dagaalkii 1977-kii codkeeda ayaa ciidanka iyo shacbiguba ku dagaal galay. Iyada iyo Tubeec ayaa wehel u ahaa. Waa kuwii lahaa iyagoo darrandoorrinaaya:
    “Geesiga dhulkiisa
    Guusha u horseeda
    Geeridii dishaa
    Geedkaa ha ba’o…”!
    Riwaayado badan ayay ka qayb qaadatay. Heeso badan ayay codkeeda noogu soo gudbisey. Heesaha, kuwa waddaniga ah iyo kuwa jacaylka ah ayay ku badnayd.
    Riwaayadahana xagga dhaqanka, hiddaha iyo asluub wanaagga ayay u janjeedhay mar walba. Qabiilku lamuu weynayne; qarannimada ayaa la weynayd Hibo. Illaa hadda waa sidaas. Meel sare ayay taagan tahay. Waxay taagan tahay; ‘Afrikaannimo’ kadib ‘Soomaalinnimo.’
    Xilligii dalku burburey, qof weliba waa kii meel u cararay. Xaggaas iyo qurbaha ayay qabatay iyadu. Dad badan ayay iska heleen oo Abwaan Singub ka mid yahay. Dalkoodii iyo qaaraddoodii ayay u boholyoobeen. Dabadeed intan ayay iska soo horreysiiyeen intii aaney innagu soo noqon oo aaney innoo iman. Waxay inna dhaheen:
    “..Afriki waa dhulkaygii
    Aan ku dhashay
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhaqan
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhiman
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhaadanayaa…”!
    Kama gayoon karno xusuusihii faneed ee Hibo-Nuura. Se intani waxay iga tahay uun xusuusin kooban oo aan ku xasuustay sawirkan qurxoon oo aan ka helay Faysbuugga.
    Ilaahay cimiriga iyo caqligaba haw barakeeyo Hibo-Nuura. Bal adna?

ความคิดเห็น • 28

  • @jeeni-goroyo5354
    @jeeni-goroyo5354 4 หลายเดือนก่อน +4

    Wa hes qaaliya oon aad u jecelahay ilahay cimriga haw barakeyo maxamed adan dacar masaajid baanu ku wada tukan jiray beri dhawayd 2 sano kahor hibo nurana ale cimriga haw barakeyo

    • @SalmanIbrahin
      @SalmanIbrahin 2 หลายเดือนก่อน

      Hubi nuura ma noola hadda dacar uunbaa nool

    • @jeeni-goroyo5354
      @jeeni-goroyo5354 2 หลายเดือนก่อน

      @@SalmanIbrahin way nooshay waxay joogtaa maraykan hibo nura

  • @SalmanIbrahin
    @SalmanIbrahin 2 หลายเดือนก่อน +2

    Abwaan dacar uu noolyahay 2024 - July
    Sahra alle haw naxariisto way inaga hoosayzaa maanta 😢

    • @farahibrahim4588
      @farahibrahim4588 2 วันที่ผ่านมา

      Sahra maa aha waa hibo nuura wll

  • @khadarmohamed2676
    @khadarmohamed2676 ปีที่แล้ว +5

    Ma ii baaqday sida meel kulahaa!
    Ma ii baaqday sida beel.

  • @alisaid2008
    @alisaid2008 2 หลายเดือนก่อน

    Mirihii a.s.bide laxankii cali nuur ibraahim codka m.a.dacar iyo hibo nuura

  • @Mustaf-warsame0023
    @Mustaf-warsame0023 3 ปีที่แล้ว +5

    Ma ogtahay bil oo
    Baahida galkacalkaa
    Beerkayga gooysoo
    Ana barashadaadii
    Bidhaan araga guudnimo
    Baalna uma dhaafine
    Waxaad tahay bogaygiyo
    Beerkiyo wadnaha iyo
    Nacab uga baaqayee
    Maxaan kaaga beeraa
    Ama kaaga baaqdaa
    Sow layma kaa badin
    Inanyahay nin beerlihi
    Runta lama bareeree
    Bogan waa dantiisee
    Adna banjoog cowl
    Ceelsira banaanada
    Kaligay ka baaqaa
    Waxaad tahay bogaygiyo
    Beerkiyo wadnaha
    Nacab uga baqayaa
    Inanyahay bidhaan iyo
    Dumar baaxad xoog

    • @dayaxari322
      @dayaxari322 2 ปีที่แล้ว

      Sxb ma afka somaliga kugu adag ? waan u jeedaa waxad soo qoraysa waa wada qalad mise qoraalka heesta akhriso fiira

  • @SaajinMuse
    @SaajinMuse 4 ปีที่แล้ว +4

    Cilmiga iyo aqonta Ilahy haku siyadiyo Wll Hibana cimri dheer Insha alh

  • @Azad_2004
    @Azad_2004 4 หลายเดือนก่อน

    Waxad Tahyy BogayGiyo beerka wadnaha oo Nacab Uga BaQaayee🥺❤️

  • @CabdiLovelike-vl6jq
    @CabdiLovelike-vl6jq 10 หลายเดือนก่อน

    Wow waa hees aad u macaa

  • @Mohamedgaleyr2023
    @Mohamedgaleyr2023 4 ปีที่แล้ว +4

    Heesaha midaan ugu jecelahay iyo l labada hobal ee aanan codkooda ka dhaaggin.

  • @mjjariiban
    @mjjariiban 4 หลายเดือนก่อน

    BEEL miyaa mise waa MEEL
    Aniga dhagahaygu waxay maqlayaan MEEL. Micne ahaana labaduba waa sax.

    • @HassanmohamedkaarOgaal
      @HassanmohamedkaarOgaal 2 หลายเดือนก่อน

      Waa beel
      Meel maba noqon karto bilaa macnay noqonaysaa haddii laga dhigo

  • @geriileguled347
    @geriileguled347 2 หลายเดือนก่อน

    Heestan waxa lahaa Sahra Axmed Jaamac Hibo ruwaayada kuma jirin

  • @user-oc2iv6co7x
    @user-oc2iv6co7x 4 วันที่ผ่านมา

    Hees iyo baadh weye wale

  • @Mustaf-warsame0023
    @Mustaf-warsame0023 3 ปีที่แล้ว

    Ma ogtahay bil oon
    Baahida kalgacal
    Beerkayga goosee
    Ana barashadaadii

  • @guulwade989
    @guulwade989 3 ปีที่แล้ว +1

    Ma ii baaday sidii beel weeye meel mahan

  • @adenibrahim8164
    @adenibrahim8164 ปีที่แล้ว

    mxaan kaaga baydhaa ama kaaga baaqdaa Soo la Ima kaa badin

  • @MaxamedCabdi-s1l
    @MaxamedCabdi-s1l 2 วันที่ผ่านมา

    4:09 ahahah