Geesiga Dhulkiisa lyrics | | Tubeec Iyo Hiba Nuura

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 5 ก.พ. 2025
  • Maxaa ka taqaanaa Taariikh nonoleedka fanaanada weyn ee Hibo-Nuura?
    Bilawgii kontankii ayay ku dhalatay Dila oo ka tirsan gobolka Awdal. Magaalada Boorama ayay timid iyadoo da’deedu yar tahay. Halkaas bay waxbarashada malcaamadda iyo dugsiga hoose dhexe ba ku qaadatay.
    Hargeysa ayay judhiiba timid fankana ka bilowday. Firfircooni iyo fahan wanaag ayay fanka la soo gashay. Markii ba Maxamed Cumar Huryo AUN ayaa heesteedii koobaad u dhiibey. Laxankana waxaa ugu ladhay Maxamed Cige oo loo garan ogaa ‘ILBIR’. Waa ta iyaduna codkii ku biirisey iyadoo leh:
    “Naf jacayl haleelay
    Hawl waayi maysee….”!
    Waxay ku noqotay heestaas fannaanad la aqoonsaday. Iyadoo heestaas oo qudha leh; ayaa Axmed Saleebaan Bidde isna hees kale u dhiibey. Heestaa markii hore wuxuu rabay abwaanku inuu Shamis Abokor oo ku magac dheerayd (Guduudo Carwo ) u dhiibo AUN. Waayo, heesta ayaa dareen gooni ah abwaanka u lahayd. Cid ka soo bixi karta oo si fiican loo yaqaan ayuu la rabay. Se Guduudo Carwo iyo Baxsan ayaa ka cudurdaartay kana codsaday abwaanka inuu u dhiibo inanta; si ay ugu soo baxdo. Isaga oo ka werwersan iney sidii loo baahnaa u qaadi karto; ayuu u dhiibey heestii. Waa ka soo dhalaashay tijaabadii xaqiiqdii. Waxay noqotey heestii loogu jeclaa wakhtigaas. Illaa haddana ma duugoobin oo waa sideedii. Laxanka waxaa u sameeyay Ismaaciil Yare AUN. Iyaduna cod dananaaya oo diiqadda kaa saaraaya ayay ku sidigtay; ereyo laab wax jecel ka soo go’ay.
    Waxayna tidhi;
    “…Waadigan se liitee,
    Leexdu ku sidatee
    Hadba laan cuksanayee..”!
    Qoftaas wada garate ayaan filayaa. Waa fannaanadii keligeed waddaniga ahayd. Waa Hibo Maxamed Huddoon oo wakhti danbe uu weriye Cawke AUN u gu biiriyey magaceedii Hibo, naannaysta ah; “Nuura.”‘!
    Intaas kadib riwayaddii Shabeel Naagood ayay aktarad ka noqotey oo waxaa loo bixiyey;” Xiddigtii Shabeel Naagood”! Xaggaas ayay ka sii wadday uun badweyn faneed oo illaa wakhti dhawaa taxnaa.
    Waxyaalaha aan ku xasuusanno waxaa ka mid ah; dagaalkii 1977-kii codkeeda ayaa ciidanka iyo shacbiguba ku dagaal galay. Iyada iyo Tubeec ayaa wehel u ahaa. Waa kuwii lahaa iyagoo darrandoorrinaaya:
    “Geesiga dhulkiisa
    Guusha u horseeda
    Geeridii dishaa
    Geedkaa ha ba’o…”!
    Riwaayado badan ayay ka qayb qaadatay. Heeso badan ayay codkeeda noogu soo gudbisey. Heesaha, kuwa waddaniga ah iyo kuwa jacaylka ah ayay ku badnayd.
    Riwaayadahana xagga dhaqanka, hiddaha iyo asluub wanaagga ayay u janjeedhay mar walba. Qabiilku lamuu weynayne; qarannimada ayaa la weynayd Hibo. Illaa hadda waa sidaas. Meel sare ayay taagan tahay. Waxay taagan tahay; ‘Afrikaannimo’ kadib ‘Soomaalinnimo.’
    Xilligii dalku burburey, qof weliba waa kii meel u cararay. Xaggaas iyo qurbaha ayay qabatay iyadu. Dad badan ayay iska heleen oo Abwaan Singub ka mid yahay. Dalkoodii iyo qaaraddoodii ayay u boholyoobeen. Dabadeed intan ayay iska soo horreysiiyeen intii aaney innagu soo noqon oo aaney innoo iman. Waxay inna dhaheen:
    “..Afriki waa dhulkaygii
    Aan ku dhashay
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhaqan
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhiman
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhaadanayaa…”!
    Kama gayoon karno xusuusihii faneed ee Hibo-Nuura. Se intani waxay iga tahay uun xusuusin kooban oo aan ku xasuustay sawirkan qurxoon oo aan ka helay Faysbuugga.
    Ilaahay cimiriga iyo caqligaba haw barakeeyo Hibo-Nuura. Bal adna?
  • เพลง

ความคิดเห็น • 533

  • @ABDI-SHAKUR-DAHIR1
    @ABDI-SHAKUR-DAHIR1 2 หลายเดือนก่อน +64

    Hadaad heestaan 2025 dib usoo raadisay ama aad dhagaysanayso waan ku salaamay Allow Soomaali oo mida natus Hibo iyo Tubeecna unaxariiso

    • @MullerOfficial
      @MullerOfficial หลายเดือนก่อน

      02/01/2025
      3:41

    • @abdimuse7911
      @abdimuse7911 หลายเดือนก่อน

      Naxariista eebe qof nool & mid dhintayba waaloo baahan yahay... Laakiin Hibo Nuura waa Nooshahay, Maxamed Saleebaan ayaa dhintay aun

    • @AdnaOmar-cm4xe
      @AdnaOmar-cm4xe หลายเดือนก่อน

      👍

    • @deeqdaahir-lx2yo
      @deeqdaahir-lx2yo 19 วันที่ผ่านมา

      2025 iyo somali oo midawda isha allh

    • @AminaAbdi-l5w
      @AminaAbdi-l5w 12 วันที่ผ่านมา

      Wan ka qaaaday wllo

  • @MohamedNoorcali
    @MohamedNoorcali 9 หลายเดือนก่อน +20

    Gesiga dhulkiisa guusha uhorseda gerida dishaay geedkaa haba'o
    Rabi naxriistii jano haka warabiyo general Farxaan qarole gashanle suulnuuge gashanle xasan tuure iyo dhamana gesiyadii xogga dalka ee naftoda uhuray dalka iyo dadkaba 🇸🇴😭😭🤲

    • @nopenope2364
      @nopenope2364 7 หลายเดือนก่อน +1

      War heesta noo dhiga orodo heeso samaysta

    • @nimcocabdilaahi7692
      @nimcocabdilaahi7692 4 หลายเดือนก่อน +2

      Heestan waxa midhaha waxa iska laha abwaan xuseen aw faarax dubad ahun waxa walaqaadaya fanaan maxamed saleebaan tubeec ahun fanaanad hibo maxamed hibo nuura ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba ilaahay how dheeryo

    • @Nacab_jabshe
      @Nacab_jabshe 3 หลายเดือนก่อน

      Farxaan jilib ayaa udhaantay sida cilmaaniyada loogu shirqooleey😢

    • @yaxyeyare7622
      @yaxyeyare7622 2 หลายเดือนก่อน

      ​@@nopenope2364hees somalia laqaday wara kenya ithopia amleh

    • @nopenope2364
      @nopenope2364 2 หลายเดือนก่อน

      @@yaxyeyare7622 isaaq aya iska leh

  • @khaalidbihi85
    @khaalidbihi85 ปีที่แล้ว +54

    Cawaa oo bishu tahay 4/1/2024 ayaan dhagaysanaya waxana buuqa bada somaliyeed ka tagan in ithiopia la siiyo insha allh taasi marna dhicimayso insha allah ay joogan dad somaliyeed oo dhiigle oo wadani ah guul iyo gobinimo somali meelay joogtaba insha allaah❤

    • @muneiraguzel7212
      @muneiraguzel7212 11 หลายเดือนก่อน +2

      Insha Allah Somalia guul 😢😢🇸🇴🇸🇴🇸🇴💕💕💕

    • @yaasmiincabdi
      @yaasmiincabdi 11 หลายเดือนก่อน

      Somaliya ha nolato

    • @Khaalidcade01
      @Khaalidcade01 9 หลายเดือนก่อน

      madaxeey 😂😂 badd simaliya leedahay e kenya barihiraa lagaso celiyay

    • @RobleBarre-xz6kt
      @RobleBarre-xz6kt 9 หลายเดือนก่อน +1

      Gobanimada waaloo go aa god aaqiriyo
      Iil loo galaaa
      Xattaa xilligii nabiga
      Markii rag dhigoda huren ayey gobanimo
      Timid

    • @muneiraguzel7212
      @muneiraguzel7212 9 หลายเดือนก่อน

      @@Khaalidcade01 🤣🤞

  • @hamdisagal8177
    @hamdisagal8177 2 ปีที่แล้ว +183

    Geesi dhulkiisa guusha u horseedaa geerida dishaay geedka ha ba.o😭😭😭 30.09.2022 maalin madow waxaa nagabaxay geesi halyey farxaan qaroole rabi jana fardowsa hageeyo 😭😭😭😭

    • @nadiifoshire8770
      @nadiifoshire8770 2 ปีที่แล้ว +2

      😭😭

    • @nasrojeylaaninasriin6753
      @nasrojeylaaninasriin6753 2 ปีที่แล้ว +2

      😭😭😭

    • @rahmaruhi8286
      @rahmaruhi8286 2 ปีที่แล้ว +3

      Alle ha u naxriisto😢

    • @mrpirate3020
      @mrpirate3020 2 ปีที่แล้ว +1

      Amiiin Amiin Amiin ALLAH Yarxama raximiin

    • @sahalyare4425
      @sahalyare4425 2 ปีที่แล้ว

      😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭

  • @ExploreEpoch-cl8eh
    @ExploreEpoch-cl8eh 11 หลายเดือนก่อน +21

    Maxamed Siyaad Barre Alle ha unaxariisto xabashi iyo kiinyaati nama haweysan jirin.

    • @internetpolice3553
      @internetpolice3553 7 หลายเดือนก่อน +1

      Ilaahay ha cadaabo 😂

    • @SuperKahin
      @SuperKahin 5 หลายเดือนก่อน +1

      Hadana dalkagi iyaga burburiyay kala qaybiyay😂

  • @abdullahimohamed2767
    @abdullahimohamed2767 11 หลายเดือนก่อน +15

    Ganshale Suulnuge general farhan qarole Ganshale Hassan tuure Ban so xasuusty Rabi ha u naxariisto dhamaantood

  • @Apdalla_Montana
    @Apdalla_Montana ปีที่แล้ว +182

    Hadaad heestaan miraha macan Dib usoo booqatay Like dhac kusii 👍🇸🇴😢

    • @omarabdishire8315
      @omarabdishire8315 ปีที่แล้ว +5

      war nio heestaan macanheda yaa isheega❤😊

  • @karasay__01
    @karasay__01 2 ปีที่แล้ว +30

    Alle haku naxriisto General farxan Mohamud adan qoroole 😭🤲🏾

  • @Youngmo_23
    @Youngmo_23 ปีที่แล้ว +22

    2024 ayaa soo xasuustay hestan😢🇸🇴❤️

  • @queennasta2258
    @queennasta2258 2 ปีที่แล้ว +37

    Geesi dhulkiisa guusha uhorseede geerida dishaay geedka ha ba'o 30/9/2022 Black day s/guuto farxaan qaroole 😭🤲ilahay janada kuwa kukulma Allaha hanaga yeelo 😭

  • @mohantakar4517
    @mohantakar4517 ปีที่แล้ว +10

    Geesiga Dhulkisa Guusha U Horseedaa Geerida Dishaay Geedka Ha Ba'o
    Alle Ha U Naxariisto Walaalkeen Xasan Tuurre😭🤲

  • @JAMHAD10
    @JAMHAD10 2 ปีที่แล้ว +50

    Eaydii xuseen aw-faraax dubad halyeey🇸🇴
    Laxankii Maxmad suleban tubeec halyey🇸🇴
    Codadkii Tubeec iyo hiba nuura laba geesi
    "Xoreyntii soomaaai galbeed ONLF ama ogaaden soomaaliya🇸🇴 1977-kii
    Insha alaah dhulkeeena maan ilaawin maantayna waan liidanaa mooyee aan soo kacno Ethipia ha sii diyaar garodo❣️
    Ama geeri aakhiro ama guusha nololeed🇸🇴❣️

    • @qadaryare3338
      @qadaryare3338 2 ปีที่แล้ว +1

      12april waan jognaa

    • @khalidjiheeye3809
      @khalidjiheeye3809 2 ปีที่แล้ว +2

      Ilaahey ka baq Sangub ayaa lahaa

    • @JAMHAD10
      @JAMHAD10 2 ปีที่แล้ว +1

      @@khalidjiheeye3809 Walaal ku laabo oo soo baar anigu dubbad baan ku ogaaye!!

    • @abdisamadwarsame272
      @abdisamadwarsame272 2 ปีที่แล้ว +1

      Wll soo xaqiijiya ciddii lahayd
      Anigu waan baadhay oo weli baxdan
      Mahayo

    • @abdinoor2023
      @abdinoor2023 2 ปีที่แล้ว +3

      xuseeen aw faarax dubbad ba sameeyey heesta muranka dhaafa
      tubeeec hibo iyo xuseen ba waa reer somaliland

  • @armaankhadar7091
    @armaankhadar7091 2 ปีที่แล้ว +82

    somali inan ka dhashay ayaa hanti igu filan wlhi 🇸🇴🇸🇴❤

    • @mohamettdalnurshe1189
      @mohamettdalnurshe1189 2 ปีที่แล้ว +4

      Taasoo oo mesha aad tagtaba lagugu sharfayo oo lagaga baydhayo maxad odhan lahayd. Weliba kuukuyada gufuur culusta kenya iyo xabashida itoobiya.
      Somaali is raacday maraykan xataa way ka awood waynaan lahayd. Ilahow qalbigooda midee.

    • @maxameddacar5435
      @maxameddacar5435 2 ปีที่แล้ว

      @@mohamettdalnurshe1189 waa sidaas wll

    • @IlwaadAbdurashiid4631
      @IlwaadAbdurashiid4631 2 ปีที่แล้ว +1

      @@mohamettdalnurshe1189 Aaamiin soomali Allah 1haka dhigo

    • @abdinoor2023
      @abdinoor2023 2 ปีที่แล้ว

      hal iyo awr kaad doonto allah ha kaa dhigo

  • @Fadahaabdi112
    @Fadahaabdi112 2 ปีที่แล้ว +31

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseede geerida dhishaay geedka ha ba,o
    Wlhi geesi Qaran ayaa maanta naga baxay😭😭😭😭😭
    30/9/2022 maalin murug iyo xanuun badan
    G,farxaan qaroole Rabbi naxariista jano ha siiyo siiiiyo🤲🤲🤲🤲🤲😰

    • @AR-cx5yf
      @AR-cx5yf 2 ปีที่แล้ว

      Alia xurmo@ kkk DADKIISA AYAA LOO ADEEGSAN JIRAY INUU DILO SORRY TO SAY THAT ITS TRUE

    • @XuseenDaahir-ey3wq
      @XuseenDaahir-ey3wq ปีที่แล้ว

      Kumuu ahaa gorma ayuu tiyay 0:04

    • @yaxyeyare7622
      @yaxyeyare7622 2 หลายเดือนก่อน

      ​@@XuseenDaahir-ey3wqaun

  • @mustaffarax3481
    @mustaffarax3481 4 ปีที่แล้ว +30

    Xasus 1977 dadgna wadani laga dhaha Allah ha barageyo 🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴☑️☑️☑️👌👌💯💯❤️❤️❤️❤️

    • @uleexyare6403
      @uleexyare6403 4 ปีที่แล้ว +4

      1969 baa laqaaday. Inqilaabikii waqtigiisa. Taarikhda bara intaadan iska hadlin

    • @uleexyare6403
      @uleexyare6403 4 ปีที่แล้ว

      K* isticmaal niyow. Dont modify the language

    • @ahmedissak9089
      @ahmedissak9089 3 ปีที่แล้ว +1

      Waxaa loo qaaday xukuumadii militariga ee kacaanka. Sanadkii 1969. Waxaana alifay AUN, abwaan Cabdi Maxamed Amin.

    • @Haleeleelin
      @Haleeleelin 13 ชั่วโมงที่ผ่านมา

      ​@@ahmedissak9089cabdi muxumad amiin alaha unaxariisto

  • @Dhabarweyne
    @Dhabarweyne 2 ปีที่แล้ว +8

    Heestaan waxaan daawanaya xilli Shabaab gobolo badan laga qabsaday Sida Hiiraan, Shabeelada dhexe, Mudug haaf dhan waa xor waxaa mudnaantaas leh Madaxweyne HASSAN SHEIKH MOHAMUUD iyo ciidama xooga dalka uu horkacaayo Generaal Odawaa waxaa sidoo kale Kaalin weyn ka qaatay xoreynta goboladaas Ciidamada dib u xoreynta “Macawiislee” oo ayagana uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan CALI JEYTE CUSMAAN.
    Inshaa aa allaah Muddo yar oo kooban kadib Shabaab waxay noqon doonaan Taariikh Laga sheeken doono Insha allaah. Wiilashi naga shahiiday inta dagaalka socday Allaah u naxariisto kuwii ku dhaawacmay na allaah noo caafiyo🤲🤲😢

  • @sakariye-cali
    @sakariye-cali ปีที่แล้ว +7

    Faraxaan qaroole geesi naga baxay😢😢😢 Ax😢😢😢

  • @wejdanaabdurahman5973
    @wejdanaabdurahman5973 หลายเดือนก่อน +2

    Markii an u dulqaada waayey bahdilka iyo faragalinta Xabashida ayaan heestaan soo raadiyey.
    Ee ma heysaanaa golo sare oo awood leh oo dalka iyo dadkaba badbaadiya

  • @marrisaquenofficial9299
    @marrisaquenofficial9299 2 ปีที่แล้ว +17

    😢😢😢 weli wxan xsusta gesigeeni farxaan qarole ilahey hku nxaristo wlal dabada adunya qaribnty 😢😢😢

  • @shaacirproduction2116
    @shaacirproduction2116 ปีที่แล้ว +5

    Geesiga dhulkiisa guusha horeeda
    Geerida dishaay geedka go 'o
    30.9.2022. Alle ha unaxariisto. TALIYE. FARXAAN MAXAMUD ADAN QAROOLE

  • @bestrongenough8228
    @bestrongenough8228 11 หลายเดือนก่อน +2

    Geedka ha go, weeye maha geedka ha bo,

  • @bureeqahamse9254
    @bureeqahamse9254 2 ปีที่แล้ว +9

    Farxan qarolow rabii narta ka hay wll naxaistisana kugu deeq gesiga dhulkisa gusha u horsedyey gerida dishay gedka haa ba.o ilahow kuwi diley calamo iif iyo akhiiro ka mujiyi😢😢💔💔💔😢😢😢😢💔💔💔

  • @knownking9094
    @knownking9094 5 หลายเดือนก่อน +2

    Heestan waxaan dhagaysanaaya habeen sagaal sac aniga jiida hore taagan si shacabka soomaaliyeed aay si nabada ugu seexdaan❤

  • @Saciido-vv9bs
    @Saciido-vv9bs หลายเดือนก่อน +2

    Last year
    16-12-2024
    Mondy night 🌙
    Ayan soo xasusty
    Alaha u naxaristo intii wadaniyad udhimaty 🙏 🙏 🙏 🙏 🙏 🙏 🙏 🙏

  • @sharmakeali5248
    @sharmakeali5248 ปีที่แล้ว +2

    2024 baan dhagaysan bi aan badayda xabashida iyo dadka soomaalida sheegta ee la socdo ugu difaaco dhulka bada somalia gorgortan geli maysee yaan lagu guban cirifka bari ee soomaaliya baa somaliyey idinka soo salaamaya maalin baa imaan doonto aan dowlad xoog badan leenahay inshallah ❤❤❤😢

  • @maxdar11
    @maxdar11 3 ปีที่แล้ว +35

    Maxaa heestan Hargaysa laga dhagaystay awoowgay ayaa iiga sheekeeyey waan ilmeeyaa markaan xasuusto sheekadii awoowo

    • @yoyo-tf7eh
      @yoyo-tf7eh ปีที่แล้ว

      Abwaanku waa kee sameeyay heestan

    • @caskaali4951
      @caskaali4951 11 หลายเดือนก่อน +1

      @@yoyo-tf7ehabwaan cabdi maxamed amin ba la dhaha wll

    • @MohamedBashirAhmed
      @MohamedBashirAhmed 11 หลายเดือนก่อน

      Husen awfarax dubad ​@@yoyo-tf7eh

  • @aishaahmed2241
    @aishaahmed2241 2 ปีที่แล้ว +29

    Farxaan qaroole allow naxariistaada uku deeq 30/9/2022 black day😰😭😥😭😭

    • @mawlidsmohamedhalale8485
      @mawlidsmohamedhalale8485 7 หลายเดือนก่อน

      Natiijooyinka laga dhaxlay weeye Hassan Sheikh dagaal lagaliyo ciidanka, wax natiija ahna aan laga gaarin saraakiishii xulka ahaydna kumadheen sida General Maxamud Farxan Qarole

  • @sheekhmaxamadshaafi7563
    @sheekhmaxamadshaafi7563 2 ปีที่แล้ว +31

    Heestan waxaan markiii iigu danabaysay dhagaysanaaa caawa waa hbeen sabtiya taariikhduna waa 21/1/2023 waxaan ku suganahay jigjga international hotel waxaan go aansaday inaan iska dhaafo heesaha wlhi heestana waa heesta kaliyeen ka helo marakaa caawa iyadaan ku khatimayaa
    Waxan rajaynayaa inaan katago gulaysta zxbyaal

    • @hassanomarali3249
      @hassanomarali3249 ปีที่แล้ว +1

      Waxaan rajaynaa in aad isaga tagtay 3 bil kasoo wareegatay
      Sida jeceshahay Allah kuu yeelo

    • @shaacirproduction2116
      @shaacirproduction2116 ปีที่แล้ว

      ​@@hassanomarali32497:32

    • @Abdisalanmohamoudahmedilkacase
      @Abdisalanmohamoudahmedilkacase ปีที่แล้ว +1

      Waxad jogtaa meeshii hestan logu talagalay dhulkii halganka❤

    • @AbshirMohamud-np9zt
      @AbshirMohamud-np9zt ปีที่แล้ว +2

      ​@@Abdisalanmohamoudahmedilkacasezxp waxan joga jigjiga waxan hestan dhagaysanya ano daremaya daciif nimo awawgay wuxu kushahiday dagalki 77 ana wxn diyar uahy inan udhinto dhulkayga 30 November 2023 qalbiga ayan idinka salamya

    • @muneiraguzel7212
      @muneiraguzel7212 11 หลายเดือนก่อน

      Ma iska dhaaftey hee😂😂

  • @ayubahmed531
    @ayubahmed531 2 ปีที่แล้ว +2

    Aamiin yarabi intii eey naga dileyn galo iyo munafiqiinba yaa rabi adaa awoowd leh gacmaheyna ku sabab galada iyo shayadiinta cadawogaga ah iyo kuwa dalkoda iyo dintoda iibsaday aamin ya ilahi

  • @AYUUB252
    @AYUUB252 2 หลายเดือนก่อน +1

    Ama geeri aakhiro ama guusha nololeed ✊🏾🇸🇴✊🏾🇸🇴

  • @Badaadiintabada
    @Badaadiintabada 4 หลายเดือนก่อน +3

    Kawarn adoodhageesanya heestan 2024 bishii 9 maqlya daandaansiga ethiopia naguheeso daciifnimda dowladeene qabyaalda umadii qaadey oo quus kugalineysa iney somalia dib usoonoqoto qalbi jab kaweyn miyaa jira😪💔
    Balse ilaahey baa noonaxariisnya geesiyaasha maalintooda wey imaandoonta insha Allah ❤💙

  • @wakeupreality145
    @wakeupreality145 11 หลายเดือนก่อน +2

    Dhulkeena waa in aan dhimanaa ama u diyaar garownaa Addoonsi

  • @AbdilahiAhmed-y9u
    @AbdilahiAhmed-y9u 3 หลายเดือนก่อน

    Allow unaxariiso hibo nuura ilahay cimri dheer hakusiiyo

  • @adnafarjmahad2371
    @adnafarjmahad2371 ปีที่แล้ว +6

    Hees qiimo leh 18/6/2023 malin Axad ah 🇸🇴alla waadnkygow goorme ku arki dooona adooo quwad io ficil ad ku fanto leh ooo qabyald ka dabar go,do😭 ilaaahow wa ku baryee wadankygoo nabd ah oo qani ah anoo arkin hy dilin🤲 wadankygoooooow guuuulo badn inshaaa alah🥰 io hormar baladhan dhulkygooooooooooow🇸🇴 ❤🥰😭🤲💉

    • @SuldaanCisman-sp9ft
      @SuldaanCisman-sp9ft หลายเดือนก่อน

      Waxaan daawanayaa maalin Axada 09/12/24😭hadaad ila daawaneyso 2024 like ta hayla dhaafin😊

  • @muneiraguzel7212
    @muneiraguzel7212 11 หลายเดือนก่อน +2

    Masha Allah hees waa dhaaftey😢❤

  • @Zaky_garad
    @Zaky_garad ปีที่แล้ว +4

    Bil kadib iyo guushii goojacade☝🐎❤

  • @hajjiqasseh2820
    @hajjiqasseh2820 2 ปีที่แล้ว +8

    30.09.2022 Malin Madow allaH Ha u naxariisTo Tali Farxan qoriile

    • @karasay__01
      @karasay__01 2 ปีที่แล้ว

      Amen 😭 🤲🏾

  • @sacdiyosheikhdon9018
    @sacdiyosheikhdon9018 11 หลายเดือนก่อน

    Allow naxariistii aakhiro ku sii adiga iyo dhamaan intii dhimatey ❤❤❤❤

  • @emmamandahier5637
    @emmamandahier5637 2 ปีที่แล้ว +2

    Ilaahey hau naxariisto farxaan qaroole geesi ba naga baxay janada kuraaxeyso

  • @mowliidguleid4558
    @mowliidguleid4558 9 หลายเดือนก่อน +2

    Ereyaddii Xuseen aw faarax dubad somali pure😢😢😢😢😢

  • @somsaid2116
    @somsaid2116 4 หลายเดือนก่อน +1

    Ilahay haw naxariisto abwaanki miraha iska laha iyo fanaanki qaaday

  • @aliosmanabdulkadir7558
    @aliosmanabdulkadir7558 4 ปีที่แล้ว +8

    Somali was soomaalidii hore kuwa hada jira alle AAA umaqan

  • @jimaleahmed1444
    @jimaleahmed1444 8 หลายเดือนก่อน +1

    Madxdiii Kacaanka Madexweyne Iyo sarkiil , Abwaan iyo Fanaan & shcba intiii Geeriyootey Eeebbbe Ha uraxmado Yaaa Rabi Jannooyinkga ku Nimcee
    Dalkana Allow Nabd noogu soo celi Yaa Rabi

  • @bilemohamed4726
    @bilemohamed4726 2 ปีที่แล้ว +2

    Waa qiirooday markaan dhageeystay waxaa soo xasuustay nabada isjaceelka dadka naga dhaxeeyay iyo walaalnimada wadanimada iyo asxaabnimo

  • @wallaluu
    @wallaluu 3 หลายเดือนก่อน

    24/10/2024 xusuus mida kale heeskan yarantyda dhagaysn jiray tubeec inu qaday hda ogaaday AUN ninkaas fanka somalia Aaga gacabta ku haayay

  • @SuperKhaalid123
    @SuperKhaalid123 9 หลายเดือนก่อน +2

    Laxan mirro cod, iyo murti miuran
    Mar labaad in ay ciidanka dib u xuriyaan Dallka ayaan rajaynayaa my life time

  • @abasmohamed9819
    @abasmohamed9819 11 หลายเดือนก่อน +1

    Heesta kama daalo ❤
    Waxan dhageysanaa 23.02.2024, ilahoo na tus Somalia 🇸🇴 oo nabad ah oo dadkeduna is wada jecel yihiin ❤😭🤲🏽

    • @RobleBarre-xz6kt
      @RobleBarre-xz6kt 9 หลายเดือนก่อน

      Waa wax fican lakin waaa in ay sharciga islamka dhamman tod ku xukuntamaan
      Kadib waa labarwaaqoobaaa in sk allh

  • @ahmedafgooye3427
    @ahmedafgooye3427 ปีที่แล้ว +1

    ALLAH unaxariisto Xasan tuure😢😢 geesiga dhulkiisa guusha u horseedo geerida dishaa

  • @GargooyeGargooye-s4f
    @GargooyeGargooye-s4f ปีที่แล้ว +1

    RABBII u naxariiso tubeec iyo hibo nuura 😢 aamiin

  • @muumincade7827
    @muumincade7827 6 หลายเดือนก่อน +2

    Rijaal ,ana Hadaan dhagaysabayaaa aniga oo hadda badda ceeligeeda fadhiya.

  • @mrpirate3020
    @mrpirate3020 2 ปีที่แล้ว +3

    Ilahay ha Igu simo inaan Arko una joogo Soomaali oo Gacan maroodi leh

  • @khadram3457
    @khadram3457 2 ปีที่แล้ว +2

    Goofadhe hore u soco walaalkey wakhtigu kuma Cielo wa taarikh aan duugobayn

  • @cumarsharmarke1178
    @cumarsharmarke1178 ปีที่แล้ว +2

    Asc Ciid mubarak illaahey ciidan teeda kale caafimaad ha inagu gaarsiiyo aamiin mida waxaan saxayaa Abwaanka ereyada heesta curiyey illaahey ha u naxariisto janadii ha geeyo aamiin Waa Maxamuud cabdullaahi ciise Sangub ee ma aha Abwaan ka kale Illaahey ha u naxariisto janadii ha geeyo aamiin ee qaaliga Abwaan Xuseen Aw faarax wuxuu ahaa abwaanada ugu sareeyey soomaali ayuu ka mid ahaa ciidul caafiyo Soomaali ha is raacdo Illaahey Nabad iyo barwaaqo ha ka dhigo waa Maalin Ciidul fatri ah 23.4.22 Abti asc wabillaahi towfiiq

  • @NasroAways-zx6to
    @NasroAways-zx6to หลายเดือนก่อน

    Heestaan😢wxan dhageysanayaa 2024 hal maalin kahartay wadankeenuna 🇸🇴 dhinac kasta dagaal qabiil kasocdo . Inshalah mar un Somalia oo nabad ah waan arki donaa

  • @askarciid397
    @askarciid397 2 ปีที่แล้ว +2

    Alle ha unxaristo taliye Farhan qaroole

  • @lulumohamed1735
    @lulumohamed1735 ปีที่แล้ว +3

    Dadka farxaan qaroole ku haayo ma dadkii 77 itoobiya ladagalay ayaan somali aheen ama dadkii 2007 itoobiyankii dalka sogalay aniga waxaan sooxasuustay 2007 markii ee jidka warshadaha sooweerareen dadkii kubaaba ay meshaas 😢😢😢😢😢😢😢😢 1 qof ima damqinayo wlh gobanimada waxey ooysay markiii dalka itobiya qabsatay 2007 ma iloobidono intaa noolahay 😢😢😢😢😢

    • @idirisahmed2885
      @idirisahmed2885 ปีที่แล้ว

      Saxiix 😢😢😢😢

    • @nasraabdullahi
      @nasraabdullahi 3 หลายเดือนก่อน

      Wa isu mid 2da jeerba cadow ayaa dadkeena layay marna lama ilabin 77 io 2007 sidoo klr farxan wuxu ahaa halyey qraan shabab ayana dilay😢 allh haw wada nxrsto

  • @باشكا-ل4ت
    @باشكا-ل4ت 11 หลายเดือนก่อน +3

    Yaa dhagaysanya 2024 😊

  • @CabdiraxmaanCabdicumar-pg2vx
    @CabdiraxmaanCabdicumar-pg2vx ปีที่แล้ว +3

    Waxaa nasiib daro ah abwaankii heestan sameeyay AU xuseen Aw faarax Dubad in darxumo iyo daryeel la'aan u dhintaa.

  • @rowdahassan9455
    @rowdahassan9455 3 ปีที่แล้ว +7

    😢😢😢😢😢 ikraam tahliil Ilaheey cadaalad hakeno Ilaheey haku naxariisto

  • @Xalimo-z4t
    @Xalimo-z4t หลายเดือนก่อน +1

    Waxan gysnayaa 20/12/2024
    Waxan dhihijiray waxad arki somalia mid ah lknse waxan ogady inaan hadhcad riyojiray heestan waxan dhagysnaya anaga oo dagal qabiil kujirnaa guulban urjyna ilmaderdy gulystaa geeshkygow

  • @miftaaxtube2907
    @miftaaxtube2907 2 ปีที่แล้ว +6

    Hiba Nuura & Tubeec Laba Legendary ❤️🙏

  • @murti-dhuuxmedia4276
    @murti-dhuuxmedia4276 2 ปีที่แล้ว +5

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda
    Geerida dishaay geedkaa ha ba'o
    Wadaniyad ❤

  • @sakiizmail3034
    @sakiizmail3034 ปีที่แล้ว +1

    AHUN Mahamed Salebaan Tubeec ❤
    22/01/2024 Malintu waa Isniin

  • @apdirahman1433
    @apdirahman1433 ปีที่แล้ว +8

    Geesiga dhulkiisa guusha u horsede 2023 August 17 waa maalin soomaali uuka baxay allaha unaxariistee 𝐀𝐛𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐣𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐤𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞 godka allaha ujaneeyee 😢😢😢

    • @BarwaaqosMohamed
      @BarwaaqosMohamed ปีที่แล้ว +2

      Wll ilahay haW naxariisto aabihii soomaliyeed 😢😢

    • @MohammedMuuze
      @MohammedMuuze ปีที่แล้ว

      Alle janada haku casuumo😢

  • @HalisTa..22
    @HalisTa..22 7 หลายเดือนก่อน +1

    Ama geeri aakhiro ama guusha Nololeed✋

  • @Queendaha
    @Queendaha ปีที่แล้ว +2

    Waxan soo xasusty 2015 fiicnan leheeda manty inan askari yad qaran ahay wxaan aadi lagaa gallmudug gaar ahaan ceel buur dib u xoraynta dalkaygii sorry caawa wan ka maqana hay💪💪💪
    Dhiiga ikaca markan heestan arko ilaahow guule geesi yaashayda

  • @Degal_Yare_2048
    @Degal_Yare_2048 2 ปีที่แล้ว +77

    War Ninkii waxaasoo laxan ah saaray ma Jamacada Fanku kasoo baxay waxaani Laxanka weyne 🙏

  • @hassansayn3575
    @hassansayn3575 10 วันที่ผ่านมา

    27 January 2025
    Baa dhagaysanayaa soomaaliya ilaahow mid ka dhig guuul iyo gobonimo waarta soomaaliya forever ❤❤❤

  • @abdirahmanmohammedwehlie4383
    @abdirahmanmohammedwehlie4383 ปีที่แล้ว +1

    Maante waxan jokaa dalka dibadiisa waxana la socdaa damaca ethopia insha allah sida ugu dhaqsiyaha badan waxan diyar u ahay inan ka mid naqdo ciidanka sharafta badan ee Qaranka somaliyed si an u ilaalino sharafteena
    Ethopian badan ayan hal dhismo wada deganahay luqadooda ma fahmayo lakin mesha an joogo waxa somalida looga aminsan yahay ded geesiyaal ah si kasto qabiil isku dilno hadana marba haday sheekadu Ethopia gaarto hal ban nahay

  • @ragemu-c6q
    @ragemu-c6q 5 หลายเดือนก่อน +1

    Abwaan [Cali gaab] alaha u naxariisto:

  • @maxamuudcabdifaarax3740
    @maxamuudcabdifaarax3740 23 วันที่ผ่านมา

    Ereyada Abwaan Xuseen Awfaarax Dubad Aun

  • @DALJOOG1
    @DALJOOG1 2 ปีที่แล้ว +124

    Who is watching this song in 2023

  • @maxkoyare2185
    @maxkoyare2185 ปีที่แล้ว +1

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseda allaw igano yel nin nasiib udhinta difaca umadiisa somaliyed allaw unaxariiso geesiyada iilka iyo god madaw u galay difaca umadoda somaliyed iyo difaca gobanimada somaliyed dhalinyarada kuma wayna gobanimada dalkoda iyo wadaniyada dhulkiisa hooyo wxa kla wayn qabyalad iyo rer hebel dhalinyaroy dhulka aynu ku noolnahay magaca aynu sheegano geesiyaa sharafta u yelay naftooda u goyay balse inagu qiimihii naftoda u horen maynan ilalin wxaynu ku habsany qabyalad waynu wadaniyadii somaliyed viva somali wa wlalo somaliyi hanolato

  • @garaadabdisalan2135
    @garaadabdisalan2135 7 หลายเดือนก่อน

    illaaah janadii ha geeyo geesiyaashii wacdaraha u dhigay cadawga injirleeyda ee taariikhda baalka dahabka ka galay waad u halganteen dhulkiina waxaadna noo hurteen naftiina, intaa noolnahay waa idiin soo duceenaynaa waxaana idiin balan qaadeenaa cadawga sidaa uga difaacdeen dhulka ayaa anagana uga sii diifaaci doonaa jiilba ba kasii jiil si walba oo aan u taakdaranahay itoobiya intaa xortaana sooma istaagi doonto inta ay heestaana waan ka saari doonaa markaa awood u yeelano.

  • @nrx8684
    @nrx8684 4 ปีที่แล้ว +21

    Yaa salaan waxaas as hees ah, Xuseen Aw Faarax, Maxamed Suleemaan, Hibo Maxamed, Hibo Nuura Allaya Cisag

  • @nickal2018
    @nickal2018 ปีที่แล้ว +4

    Waa heesti lagu galay dagaalki 1977 😢

  • @AbshirMohamudmaxamed
    @AbshirMohamudmaxamed 26 วันที่ผ่านมา +1

    Waxan ahay muwaadin somaliyed o kunool dhulki halganka iyo gobonimo doonka e Ogadenania ama Somali galbeed wa 10 Jan 2025 waxa calol xumo igu haysa maanta dalki xorta ah e Somalia xalki ku jiro

  • @abdallayusuf2708
    @abdallayusuf2708 3 ปีที่แล้ว +37

    Geesiga Dhulkiisa Guusha U HorsedaA geerida dishaaY Geedka Ha ba'0😥😥

  • @maxamedcarab7955
    @maxamedcarab7955 5 หลายเดือนก่อน +1

    I am watching because I love my somali

  • @yoonisfaarax5969
    @yoonisfaarax5969 8 หลายเดือนก่อน +1

    Xaabiiba xasan toxow ❤❤ and tubeec

  • @LuqmaanAar-kg7nb
    @LuqmaanAar-kg7nb 5 หลายเดือนก่อน

    Ilahay haku naxariisto Tuberc❤

  • @abshirahmed4665
    @abshirahmed4665 3 ปีที่แล้ว +19

    Am crying😭😭😭am somali

    • @AbdirizakAhmedKadiye
      @AbdirizakAhmedKadiye 3 ปีที่แล้ว +2

      😍😍 Qof wadankiisa jecel baa tahay ku taagnoow ku qasaari mayside

    • @bobmarley8449
      @bobmarley8449 2 ปีที่แล้ว +2

      @@AbdirizakAhmedKadiye u are right. I agree

  • @carabotawa
    @carabotawa ปีที่แล้ว +1

    Majecleyn towratii lkn waxaan jeclahay Heeskaan😢. After 2023 love iisaar❤

  • @daalacoofficial6369
    @daalacoofficial6369 2 ปีที่แล้ว +4

    Abwaan waddani ah Hussein Ow Farah Dubbad AHUN

  • @nimcomohamed8077
    @nimcomohamed8077 10 หลายเดือนก่อน +1

    Wxy shiidal no ahayd 10bilod❤

  • @milicmeerpro4591
    @milicmeerpro4591 6 หลายเดือนก่อน +3

    18/3/2023 malin sabtiya 6 Am waxa ka dagalamaynay o difac kaga jirnay Aaga dhaban saar iyado hestan no baxayso xasuuus mantana uk ban joga wan salamaya sxbaday iyo nimanki malinti anu dagalamaymayba haday nool yihiim👋

  • @badrauk6940
    @badrauk6940 2 ปีที่แล้ว +13

    Geesiyadii baa naga dhamaadey from laascaanood😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭

    • @maarizaahmad2870
      @maarizaahmad2870 2 ปีที่แล้ว

      😭😪😭

    • @Wasiirka98
      @Wasiirka98 2 ปีที่แล้ว

      Qabyaalad hartinimaa ku haysee hadaaad dadkiina dhinac ka raaci lahaydeen deegankiinuna wuu dhismi lahaa Heer waxbarasho caafimaad iyo wax walba lkn aqligaasi mee lkn love u wllo Alle dhibka ha ka qaboojiyo laascano from hargeisa

    • @mfayz980
      @mfayz980 2 ปีที่แล้ว +4

      @@Wasiirka98 beenta joogi
      Wax Qabyaalad ah naguma jirto
      Laakin dadkena oo xabado lala dhacayo wax wan u fiirsan karno maahan!
      Intaad ciidankiina Somaliland aad wax u sheegi lahayd baad rabtaa Shacabka Reer Laascanod inaad eeda saartid

  • @shakirciise4710
    @shakirciise4710 ปีที่แล้ว +8

    Watching this 2024 after Ethiopia 🇪🇹 want to annex our water😢😤😡

  • @ayanlefarah2452
    @ayanlefarah2452 ปีที่แล้ว

    God bless them 🙏 ❤ geesiyasha wadankane uhuren naftoda iyo malkoda janatul fardowso Allah ha geeyo

    • @mohamedyasin7726
      @mohamedyasin7726 ปีที่แล้ว

      Maaha wlal heestan kacaankii ba loo qaaday 1970 bishii 1aad bay so baxday

  • @Momta299
    @Momta299 ปีที่แล้ว

    Geesiga dhulkiisa guusha horseeda geerida diyaasha geedka ha ba
    🐎🐎🐎🙏🙏🙏❤️❤️❤️

  • @BarwaaqosMohamed
    @BarwaaqosMohamed 5 หลายเดือนก่อน +2

    Khaatumo state ilahay hanoo adkeeyo somalia lagu kalatagayaye sanadkii ay ragaygu kujireen halganka lagaga sifaynayo degaanada SSC soomalidiidka ayay heestan shidaal noo ahayd maantana alx maamul hana qaaday oo sanad jirsaday oo cudud leh baan nahay ❤ciidamada khaatumo ilaahow noo ilaali

    • @Ahmedciiro12
      @Ahmedciiro12 5 หลายเดือนก่อน +1

      Aamin inader❤

  • @sidiiqisseomar5801
    @sidiiqisseomar5801 21 วันที่ผ่านมา

    15/1/2025
    Ama geeri aakhiro
    Ama guusha noolaleed
    Wixi iga dambbeeyo waa idin salaamay wadanka alla ha noo hagaajiyo

  • @knownking9094
    @knownking9094 5 หลายเดือนก่อน

    illahay ha uu naxaristo general xaabsade iyo dhamaan kooxdii RRA

  • @CabdiraxmaanXasan405
    @CabdiraxmaanXasan405 3 หลายเดือนก่อน

    25 October 2924😭😭😭😭 kuwii sidaan inoo galay ithopian kii maanta wadankeena ku raaxeysanaya soomaaliyey kaca
    😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢

  • @kaltunmahamed8138
    @kaltunmahamed8138 2 ปีที่แล้ว +2

    Masha Allah wan qiiroda markan dhageyso heestan

  • @MohaDaahir-dv9ku
    @MohaDaahir-dv9ku 6 หลายเดือนก่อน

    Farxan qarole ilagay ha unaxaristo geesi la jecelyahay ayuu agaa

  • @deeqodaahir-in3ls
    @deeqodaahir-in3ls 7 หลายเดือนก่อน +3

    🇸🇴 1 luuliya 2024 itoopiyana baddena nagu heesato dadkii heestan alifay kuwa qaday kuwa lagu dhiiran galiyay dhaxalkooda in maanta waxay udagalameen la'isku heesto cakuye ciil 😬

  • @Partner1xbet-g6c
    @Partner1xbet-g6c หลายเดือนก่อน +3

    WHO WATCHING 2025😂?

  • @husseinaden7560
    @husseinaden7560 2 ปีที่แล้ว +1

    Caadi maha heesaan legend raximulah tubeec

  • @zakariam.alimire8863
    @zakariam.alimire8863 2 ปีที่แล้ว +2

    Ninka raga ah waa kii dadkiisa dhibta ka saara shabaab ilaahay faracood ha tiro waa khawaarij cadow ah