Hadraawi Iyo Maansaddii HAMBAABIR

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 19 ส.ค. 2024
  • Maansadan sida Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) sheegay waxa ay ku fadhidaa dhagaxtuurkii 20 Feberweri 1982-kii Hargeysa ka billowmay markii dhalinyaraddii is xilqaantay ee UFO la xidhxidhay. Markaasoo ahayd kacdoonkii shacab ee ugu horeeyey ee taliskii meleteriga ahaa lagaga horyimaado.
  • บันเทิง

ความคิดเห็น • 104

  • @Daily_Motivation604
    @Daily_Motivation604 3 ปีที่แล้ว +56

    Habeenada weysha
    Dhurwaa habarteeda
    Dorraad ku hiraabtay
    Haan-haabadka naaska
    Haaneed ka deyeysa
    Nirgaa hugun yuuska
    Halkii lagu ooday
    Hammuunta ka yaw leh
    Riyaa hoganaaya
    Idaa tuban heelka
    Cadceedda hagoogtey
    Haleelada weydda
    Dhaqaaq hidin waaga
    Hareeriga taagan
    Dantaa ku habsiisey
    Inay hakadaane
    Dhulkoo hanad joogo
    Intaan gadadh heerin
    Ka sii degin heerka
    Hadeer la yaqaano
    Intaan habqan beeshu
    Huluulaha oodan
    Ku saan go'in hawdka
    Intaan habac jiitan
    Badhkeed ku hallaabin
    Markay habaq baahdo
    Dugaaggu hilbaysan
    Intaan hawa boodka
    Fardaa higil raacay
    Kuwii higsanaayey
    Hummaaggu ka reebin
    Xayeeshku habaabin
    Intaan halladaadka
    Hayaanku is waayin
    Habeenku dhex qaadin
    Hadhow la shallaayin
    Hadaadunka naaftay
    Sidii habas daalka
    Hawaarsadey ciidda
    Anaa hiddiddiida
    Hobey hobe hooda
    Durbaankiyo heesta
    Ku soo hoga geyne
    Adaa hal abuurka
    Tixraaca ha'leyda
    Ujeeddada hoose
    Hawaala yaqaane
    Haruu orod Faarax
    Horweynta jiciirtay
    Hadhaaga u jooji
    Haydaartiyo doogta
    Hantaaqada ciilka
    Dareenka huqdiisa
    Qamuunyada haarta
    Caloosha hugmaysa
    Hiirtaanyada raagtey
    Dhinbiisha hulaaqday
    Dabkaan hurin doono
    Colkaan humin doono
    Hargaa igu laalan
    Dhowaan henggel baasta
    Ninkaan huwin doono
    Sabaanka hagaagey
    Barwaaqada hoortay
    Daruur iyo heego
    Waxaa hogol gaaxsan
    Hadhaysay dushayda
    Harooyinka buuxa
    Hoobaanta bislaatay
    Haraaciga daadka
    Caleenta hiraysa
    Indhaa halacdooda
    Hibaaqiyo laaca
    Naftayda hankeeda
    Waxay hibanayso
    Haddii wedku daayo
    Inay heli doonto
    Anaa huba taase
    Hambaaber dhowaanta
    Dareen ma hurdaana
    Dagaal wata heeso
    Hidday u lahayde
    Hargeysi ma toostay
    Hogaanka ma diiday
    Harqoodka ma tuurtay
    Inaanay hummaaga
    Hadoodilan yeelin
    Sidii hebel geel ah
    Heshii Nebi Saalax
    Horaadada dhiibin
    Hankeedu ma siiyey.
    Waxay hibanayso
    Ninkay la hadlayso
    Hagaag ma u sheegtay
    Hadday sama weydo
    Inay hantideeda
    Nafteeda hurayso
    Hubaal ma caddaysay
    Allaylehe waa hog
    Shax aan la hilmaanin
    Malaa Hugur tiisa
    Waxaabu u haystey
    Inaan hayal toosan
    Harraatii aqoonne
    Maskii Hilqadaale
    Ma soo hardaf boodey
    Horaanse u sheegay
    Inaan hadda beeshu
    Hadhiimo ahayne
    Haddeer waxa jooga
    Hadmaan ka afeeftay
    Hasaasaha muuqda
    Wallee hagar daamo
    Falkaagu habeensay
    Higlooy gabbalkaa dhac
    Hangaalli hungaalli
    Hegaan hega gaalli
    Hunjaalli hantoolli
    Bidhaan had-hadowga
    Hiwaali hahoodka
    Jibaanjib hunnuunnu
    Huraalka hiraalka
    Hambaaber mardaali
    Hadeedab mardaadi
    Kallaal himbiriirsi
    Hawaawir hayaayir
    Sadaad herimooya
    Hunnnuushle hannaashle
    Sareedo hamboori
    Hankooble hayooshe
    Falaad habbabbaale
    Hanquusle halowle
    Garaad himhimowle
    Hayaayub xumaanta
    Humbaalle dhaqaaqa
    Hallaallimo soofka
    Hallaasiga sheelka
    Harawsiga qaawan
    Hiliiliqa jeexa
    Higiishis boqoolka
    Galbeed hiyi raaca
    Maraykan ku hiilka
    Shirqool la hadaafka
    Habheeb alalaaska
    Hinraag qayayaabka
    Haraaryada neefta
    Hantaatac ergeynta
    Hagaas caga jiidka
    Walaaac haghagoodka
    Tawaawac higgoodka
    Hamuun taltalawga
    Calaacal hungowga
    Heshiis macaluulka
    Hunfey salsalaaxa
    Hinfaal wax u sheegga
    Wasiiro habaynta
    Hoggaanno samaynta
    Hadhuubada daatay
    Hareero ka leefka
    Jalbeebta hal leyda
    Rogaal halalleyda
    Hamaal shaqalkeeda
    Higgaadda shanlleyda
    Halkaan ka abbaaray
    Hadhauudhku Carraale
    Huftoo hufmi waaye
    Maxaad kala haadin?
    Intaas haqab beelka
    Hadhoodho horteed dheh
    Hal baase xasuus ah
    Nin tiisa u heellan
    Haddaan taladayda
    Hayaankiyo beesha
    Hoggaami idhaahdo
    In taydi haallawday
    Annaa huba taase
    Hadhow iyo fullan
    Waxaanan huraynin
    Inaan hadda yeelo
    Ayaa ka hagaagsan
    Qabiil ku hadaaqa
    Hobsheyntiyo faanka
    Masayrkiyo haybta
    Hinaase la boodka
    Holayntiyo maagga
    Hirrooda qab dhaafka
    Tollaay hebel meeyey
    Sidii horror waalan
    Hilbaa igu yaalla
    Halgaad kula duulka
    Colaad hurgumootey
    U sii hangagaarka
    Heleysada dhiiggu
    Markuu heleleyda
    Sidii harawaati
    Hamuun tiro ciidda
    Dagaal lagu hoobtay
    Halyey ku idlaaday
    Ka soo hindiwaaska
    Tabaalada huursan
    Hangoollada qaybta
    Fulaa halistiisa
    U sii gacan haadsho
    Halkay godobtaydu
    Ka soo hullanayso
    Ninkay huntutuulka
    Ku soo hullaanayso
    Inaan dib u haybsho
    Hillaabta ka qaado
    Ayaa ka hagaagsan
    Shirqool hadiwaaga
    Hiqlaynta riyaaqa
    Hubsiino la'aanta
    Haloosiga luuqda
    Hawaawi la boodka
    Hanuun la jibboodka
    Dhurwaa halab saarka
    Waraabe u heeska
    Hufnaanta kashayda
    Nin aan hibo saaray
    Xariir ku habsiiyey
    Markuu hal haleelka
    Sidii hurin yey ah
    U soo hal haliilo
    Anoo hadhsan waayey
    I soo hungureeyo
    Inaan hanqalkayga
    Sidii habla weynta
    U soo rogo hoosta
    Inaan af-lahaarka
    Harraati ku diido
    Ayaa ka hagaagsan
    Hanraawe I boobay
    Markuu iga haago
    Inuu hadhadaydu
    Hafeefta xanuunka
    Markay hurgumooto
    Hoosaaso afuufo
    Halbawlaha kayga
    Sidaas kula hoydo
    Nin haad I cunsiiyey
    Inaan horror siiyo
    Ayaa ka hagaagsan
    Hawraar iyo sheeko
    Haween laga reebay
    Beraa habar guurtey
    Hayaan rarygeeda
    Culaab iyo haamo
    Waxay hilif saartay
    Haldhaa kici waayey
    Hiyeeda gadh jiidka
    Markuu hollan waayey
    Ayey hindiskeeda
    Halaanhal ku keentay
    Midaan kolkaa haabka
    Markaa lagu haynin
    Waxay tidhi "Hoogey
    Hayaay Cabdi-Qaadir
    Hareer qabo awrka"
    Markuu hayinkeedu
    Hagaag isu taagey
    Ayey tidhi " haakah"
    Hebloo gabanteed ah
    Hilowna basteeda
    Malaa u han weynna
    Karaamadan hiirta
    Ku soo hormanaysa
    Hilmaanina weydey
    Wadaadka hoggiisa
    Ka soo hangallaystay
    Siduu ugu hiishey
    Ayaa tidhi "hooyo
    Muxuu horta sheekhu
    Inoo yahay haybta"?
    Waxay tidhi "heedhe
    Hibooy ratigeennu
    Markuu hingan waayo
    Ayaan huriwaaga
    Haleel cuskadaaye
    Habeen ma wadaagno
    Haddaan magaciisa
    Dantaydu higgaadin
    Ma soo hadal qaado"
    Ujeediyo haatan
    Nin tiisa u heegan
    Halyeynimadiisa
    Hashiisa ku dheelmay
    Iddiisa ku hoystey
    Inuu hantidayda
    Habaynta xilkayga
    Dhismaa hodankayga
    Hiddaa sharafkayga
    Waxaan nolol haysto
    Horsed ka ahaado
    Ka haayir idhaahdo
    Ayaa ka hagaagsan
    Hashayda nin maalay
    Markuu hordhaceeda
    Habniin kaga daalo
    Inaan hanbadiisa
    Hafriinyaha beenta
    Habeedda qalaysan
    Ku hoorsado weelka
    Gobaad ka hillaabto
    Inaan ku hagoogto
    Ayaa ka hagaagsan
    Anoo qaba hawsha
    Habeen iyo maalin
    Intaas sida heeryo
    Habaaska I fuushan
    Inaan ku hungoobo
    Hulleeka madhnaanta
    Hamaansiga quusta
    Hamuun la carrawga
    Heshiis ku ahaado
    Naftayda ka hiisho
    Hugaas doqonniino
    Hurrow nin I saaray
    Inaanan u hoogin
    Calaacal harraaddan
    Xaqayga ku haybsho
    Ayaa ka hagaagsan
    Habkii xidinxiidka
    Dugaag huwantiisa
    Horyaal ka ahaaye
    Markii hankakoobka
    La soo helay guusha
    Libtii lala hoydey
    Tukaa yidhi "hoy day
    Hashaan qalay saami
    Hagaagna u qaybi
    Hadhowna I toosi"
    Tukow hayedaadu
    Waxbay huwanayde
    Dantiisa ka haybi
    Qorshii hiyigiisa
    Halkay talo joogtay
    Ka sii wadey hawsha
    Ninkiina hilmaanyey
    Saqdii dhexe hawda
    Ninkii hurdey toosyey
    Hareeraha eegyey
    Raqdii ku hungowyey
    Hanqaar warwareegga
    Hankaag jaljaleeca
    Haqdii samri waayey
    Tukii hanfariirka
    Waldeys kula haadyey
    Gar laysu hankaabsey
    Hamuun gorayaale
    Ninkii Halac-dheere
    Wuxuu yidhi "hoy war
    Intaan hana qaaday
    Hadeer iyo caawa
    Haddee weligayba
    Inaanan hanbaynin
    Horaad u ogayde
    Maxaad igu hiifi" ?
    Ninkayse ka hoostay
    Mar bay hawireene
    Ka soo kabey haarta
    Bahaysiga haadda
    Hilbaa cuniddooda
    Habeen gama'iisa
    Inaanu haweysan
    Ayuu han fogaanta
    Halkii kaga dhaartay
    Ujeeddiyo haatan
    Rag waa hal adayge
    Heddeyda wedkeyga
    Inaan habalyeeyo
    Tubaa halaq yaalka
    Hog laygu qaniiney
    Ku sii hiradkiisa
    Ka haari agtiisa
    Ayaa ka hagaagsan
    Haddaanan haddaanan
    Haddaanan dhawaaqa
    Hireyda wireyda
    Hayaay ka kacayda
    Jahaadka Hargaysa
    Barbaartu hagayso
    Haweenka godoodey
    Ka qayb gelin hawsha
    Haddaanan haddaanan
    Intii isku hiila
    Hargaysiyo Bayla
    Intii la hal maasha
    Bakool hilinkeeda
    Heeraarta Kismaanyo
    Ilaa Hobyo geynin
    Hiiraan u tallaabin
    Runtay la hudmeene
    Haddaanan haddaanan
    Sidii hanqar yeedha
    Hillaac iyo maayad
    Dhulkoo dhan hadhaynin
    Banaadir ka heesin
    Wixii hurda toosin
    Halyeyada ciilka
    Ka haajirey ciidda
    Halkay talo joogto
    U sii farin haadda
    Haddaanan haddaanan
    Waxaan huro caawa
    Dhammaan huga xaaska
    Hayla maryahayga
    Sariirta hanbaadha
    Kuraasta hagoogan
    Ashuunka hunbuuca
    Haraaq iyo haadyo
    Waxaan jaqaf haysto
    Haddaanan xaraashin
    Waxay hanti goyso
    Intaan hub u siiyo
    Dadkayga habaynin
    Dagaal u hormaynin
    La soo hadhin guusha
    Hawraartiyo luuqdu
    Cabdow hadalkaygu
    Hawaawi kac weeye
    Ninkii hebel miihi.

    • @khaliil1407
      @khaliil1407 3 ปีที่แล้ว +1

      Thnkz zhp

    • @afnaansaed8663
      @afnaansaed8663 3 ปีที่แล้ว +1

      shukarn wllo waad noo fududaysay

    • @inaxaaji1935
      @inaxaaji1935 3 ปีที่แล้ว +1

      Thank you hawl badan ba ka gashe waad mahasantahy indeer

    • @abdimajidmohamed8028
      @abdimajidmohamed8028 2 ปีที่แล้ว +1

      Mahadsanid wllkey waqti baa kaa galay

    • @sahrafarah8834
      @sahrafarah8834 2 ปีที่แล้ว +1

      Ahmedow kheeyr Allaha haa kuu Siiyo qooralka aad qoortey baan
      Maarkasta akhrye Abwan Maxamed
      Ibrahim Warsame Illaheye qaabriga
      Haa uu nuuro qabrigana Jaanatal
      Fardousa haa uuga dhiigo

  • @mohagalgal3634
    @mohagalgal3634 7 ปีที่แล้ว +15

    abwaan af somali eebbe ku manaysty allaha ku dhawro mr hadraawi from mudug somalia

    • @Wadani1988
      @Wadani1988 6 ปีที่แล้ว

      waalo eeeg mgaca somali dayanu diir darood kuqabadhbtaa

  • @jawahirmohamed5495
    @jawahirmohamed5495 8 ปีที่แล้ว +31

    subxaanaka yaa cadiim
    tolow hadraawi oo kali goormuu dib u dhalan .
    Rabi yaxfadak

    • @farah2295
      @farah2295 5 ปีที่แล้ว +3

      Alle cimriga haku dheereyo hadraawi

  • @mustafedhamac9370
    @mustafedhamac9370 6 ปีที่แล้ว +15

    Ilaahayoow Hadraawi sii caafimaad saree can.

  • @ayaanleaxmed1435
    @ayaanleaxmed1435 8 หลายเดือนก่อน +1

    Mucjisada af somaaliga hadrwwi alle qabriga haku nuriyo adiiga iyo intii dhimadayba muslim ah anagana haga daba naxatisto

  • @mubaarik66maxamad37
    @mubaarik66maxamad37 5 ปีที่แล้ว +9

    waxaa dhacay ayuu sii sheegay hadraawi waa ninka ugu afsomliga badan abwaanda somaliyeed ilaahay cimriga ha u bareeye

  • @Yonis5
    @Yonis5 2 ปีที่แล้ว +1

    Allah ha u naxariisto Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame "Hadraawi" maantuu geeriyooday😭😭😭😭

  • @MAHIIGAANCALI
    @MAHIIGAANCALI 2 ปีที่แล้ว +1

    Allow kuu naxariiso shalaa la aasay abwaan hadraawi😭

  • @leylacadeeyxusseen2312
    @leylacadeeyxusseen2312 11 ปีที่แล้ว +13

    walaahi abwaan hadraawi si xun buu u karbaashay hororkii afweyne maansadani waxay kamid ahayd maansooyinkii hadhitaaga ku riday hororkii afweyne ugu dambayntiina xabaashiisii u daadihiyay viva hadraawi

  • @puresomalilander6951
    @puresomalilander6951 3 ปีที่แล้ว +2

    Illaahow caafimad dheer sii abwaan hadraawi aqoonyahan ku suntan qulubta umada
    Wlhi ado kle dib loo arki doonin hooyana dihan doonin

  • @dareen72
    @dareen72 11 ปีที่แล้ว +7

    Abwaan Hadraawi Alle ha dhawro.... eesh calaa indheer garad,naftayda hankeeeda waxay hibanayso hadii wadku daayo anaa huba taas............

  • @dhawrsancaqil9746
    @dhawrsancaqil9746 7 ปีที่แล้ว +6

    masha allah abwaan hadraawi nolow waxad tahay nin wajiibkisi aduunka gutay akhirana ilahay kuma hoojiyo insha allah cafiimaad tam ah

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari ปีที่แล้ว +1

    Allow naxariistii jano ku sii Haraawi🤲

  • @ahmedshanfool5068
    @ahmedshanfool5068 6 ปีที่แล้ว +3

    Masha Allah halyeey nagu qaaliya.

  • @M.F.A-44
    @M.F.A-44 ปีที่แล้ว

    Ilahay Ha ku Naxaristo Amiin Yaa Rabi Duco Uun Bu inaga Mudanyahay

  • @jaynaani_yare
    @jaynaani_yare ปีที่แล้ว +1

    HADRAAWI THE LEGEN NEVER LEAVE MY HEART 😪

  • @asiayounis7498
    @asiayounis7498 2 ปีที่แล้ว

    Allah haku naxariisto mujahid

  • @khaalidapdiaziiz2420
    @khaalidapdiaziiz2420 2 ปีที่แล้ว +1

    Hadraawi 💚💭❤😍

  • @cabdiraxmanmaxamed1268
    @cabdiraxmanmaxamed1268 2 ปีที่แล้ว

    Allaha u naxariisto

  • @ubahaided4416
    @ubahaided4416 5 ปีที่แล้ว +3

    Mocha Allah ani si gaaran hadraawi u taageera

  • @cabdinaasirjamaac6010
    @cabdinaasirjamaac6010 ปีที่แล้ว

    Allow ku naxariiso

  • @sahalfarah1634
    @sahalfarah1634 2 ปีที่แล้ว +1

    Taariikhdu waa mudan waa jire markhaantiya !!! Shaley maanta u ekaa! Afweeyne & muuse mexey isdooriyaan?!!!!

  • @NimcosalybanNimcosagal-vr2kx
    @NimcosalybanNimcosagal-vr2kx 11 หลายเดือนก่อน

    Allah haw naxariisto

  • @engmustafahassan3945
    @engmustafahassan3945 3 ปีที่แล้ว +3

    Marka la gaaro daqiiqa 5:_23 ereyada ka bilowdo waa cajaa'ib.

    • @thiagotakaweyne6562
      @thiagotakaweyne6562 3 ปีที่แล้ว

      Kelmado noocasa inay afsomaliga ku jiran wllhi uma malaynayn 😂😂😂

  • @sayidomerawaamiiroi
    @sayidomerawaamiiroi 8 ปีที่แล้ว +10

    halyay aan lahal maamikarino hufano aqoon loo aqligiiso hagayo hagranaynin hadalkoo heesayn yaqaanoo murtida luuqba isladhi yaqaanoo hobol caanabatay cimrgaa intuu jiro afimaadka noloshi cimridher kunoolaw aakhirana aqiidiyo camal kii toosna ilaahay taladakuusaar tubta khayrka ka aroor

  • @bushaarobaanday7613
    @bushaarobaanday7613 3 ปีที่แล้ว +5

    😁😁😁 5:23 cajiib

  • @mubaarik66maxamad37
    @mubaarik66maxamad37 5 ปีที่แล้ว +2

    libaax hadraawi

  • @barisamaadtv5176
    @barisamaadtv5176 2 ปีที่แล้ว

    Allaw Gabaygu Cajiibsanaa

  • @AbdikaniAhmed-wd9tr
    @AbdikaniAhmed-wd9tr หลายเดือนก่อน

    Ancient Somali Language

  • @sacadsiciid4934
    @sacadsiciid4934 10 หลายเดือนก่อน

    5:23

  • @cabdizalaan373
    @cabdizalaan373 10 หลายเดือนก่อน

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

  • @iamwaitforyou..8229
    @iamwaitforyou..8229 3 ปีที่แล้ว

    MuCjisaat weeeye suugaantadu odey.

  • @awbustaale5719
    @awbustaale5719 2 ปีที่แล้ว +1

    Hadraawi waa hanti qaran. Sharaf iyo karaamo ayuu inaga mudan yahay. Marnaba lama ilaawi doono kaalintii uu ku lahaa halganka reer Somaliland soo galeen.

  • @abdulkadiral-hashim3134
    @abdulkadiral-hashim3134 5 ปีที่แล้ว +2

    Xaqiiqo ahaan manta ayay taagantahay ina biixi iyo diiranyaba wakuwa shilamadana ina siiatay

    • @abdulkadiral-hashim3134
      @abdulkadiral-hashim3134 5 ปีที่แล้ว

      @@youngdahir Ina bixi qudhunkiisiba cirka gaadhay isaga iyo Siiranyaba Somaliland ayay bulaacad kurideen, laba Munaafaq oo xoolo urursi mooyee iyo burbur mooyee aan waxkale aqoon ayaa Umada lagu soo habaaray, makuwa uu munaafaqada kushubay ed meelahaa ka xayaysiiya ayaad tahay anigu ilaa qaaxaan aqaanay inuu qudhun mooyee aanu waligii horumar lahayn

    • @abdulkadiral-hashim3134
      @abdulkadiral-hashim3134 5 ปีที่แล้ว

      @@youngdahir waxaan filayaa kuwuu xamar kasoo qaxay ayaad tahay ama kuwii iska soo galay magaalooyin aanay waligood arag markaa Ama bankii balaadh iyo buushaalaad katimid ama gaadhi baa kukeenay, waayo siiranyana markaanu qaxoontiga joognay isagu Diri Dhaba Raas Hotel ayuu khamriga kudhamayay caruurtisa iyo habartisii wadanka boobtayna London ayay joogtay, ina biixina isku dir iyo dadka wada dhashay kala fogayntooda ayuu SNM kula dhex jiray waligiina ninkasi xabas faqash kumuu ridin markaa ma bamuslimaad tahay waadigan difaacaye, maxaarkanaad dadka cadar umarinaysaa ninkaagan buushaale kayimidow

    • @abdulkadiral-hashim3134
      @abdulkadiral-hashim3134 5 ปีที่แล้ว

      @@youngdahir waar adigu xageed joogtay kuwan 30 sananu naqaanee kuwakale miyaad sheegaysaa labaduba waxay ahayeen waa layaqaana midna khamrigu Diri-Dhaba ku dgami jiray oo maalintuu SNM wereejiyay xilkeeda umadu quus ayaytaagnaayeen siday maanta quus utagan yihiin midna waa dacawo waalan oo sida dadka wada dhashay laysaga horkeeno mooyee xininyo uu xabad kurido aan lahayn, malinti wadanka la soo galay labadi guuto ee sacadmuuse iyo Ayuub iyo toljecle lahaayeen waa 4aad iyo zayid Umar waxbaba kamay joogin ninka baabiyay Ina Biixi buu ahaa, ragii waligood xabada soo ridayay ninka mid ah oo rer liibaana ayaa ladagalamay isha aanu waxba ka arag waninki kudhuftag xabad buu hadana kuridayo darawalki gaadhigay kudgacday oo bah gobo ah, aaga hargeysa ciidan qiimo legiba majirin oo aan ahayn Koodboor oo isaxaaq iyo ciidagale iyo Araba iyo ciidan yar oo zayid xamse labaxay oo Yasufka iyo makaahiilku samaysteen, maalinti wasanka lasoo galay maysagaa cadkaba ka sokeeyay naaga naagu dhalay waa xidaarayste markaasad adiguna ninku sheegaysa, ilaa qaxa waxa la idhan jiray isaga iyo ina Kahin waa khaniisyo isqaba taasina in ay runtahay waxaad ku garataa Ragii kaloo dhani way ka hadheen labadooda mooye, waar orodo dadka shalay dhashay waxaa ugu sheeke anagu kuwan waanu naqaanaa waxay yihiine

    • @abdulkadiral-hashim3134
      @abdulkadiral-hashim3134 5 ปีที่แล้ว

      @@youngdahir Anigu waxaan usoo taagnaa wixii dhibaato dhacday oodhan 1988 ilaa maanta, kuwan adigu xageed kutaaqanay ma Bamuslumaad tagay mise Ina kaahin baa kuu adeera, kuwan waalayaqana waata somaliland maanta quusta dadki taagan yihiin meelwalba shir jaraid baa beelo kuqabanayaan waxay kunoqotay halkii 1994 lataagnaa, haday kuwa aad sheegaysa rag yihiin in Riyaale wadan dhisan ayuu wareejiyaye mee wadanki buulacadan aad difacayso ayaa bulaacad kuriday. Labada xayawaan dad aan geranayn ayaa wadanka imika jooga oo ay been usheegeen inay ahayeeen mujahidin, waar maxaa laga cayayaa mujaahidnimada kuwan lagu sheegayo. Adigu maxaad tahay dee bal is cadee waxaad tahat mise isagabad tahay wabaki shalay kalahaa camuud youtube ayaa wadanka laga mamulaye, haduu nin caqli leh yahay anigu waan hubaa inanu xayawaankasi caqli lahayne ma youtube ayuu eegi lahaa. Orodo bushalahigi adiguna kunoqo wakhtigiinibwuu dhamaade

    • @youngdahir
      @youngdahir 5 ปีที่แล้ว +3

      @@abdulkadiral-hashim3134 Hadad so tagnayd adeer maxa qabatay hoon madhan ayunbad ahayd somaha🤔war wax ma ku sheega ragan inay yihiin ragi ugu horeyay ee dalka u so halgamay ma caadba saran wa maya,dalkana marki dahir riyale waxba mu dhisnayn ee dadkunban siyasad ku kala tagsanayn inay siyasasa ku kala tagana waddani aya keenay oo markasu qudhunkuba la kawsaday dalka siilanyo ayay noqotay wa ninki ciidanka dhisay ee hub iyo dirays iyo mushahar kordhinba u sameyay dalkuna sidu aha 2010kii marku qabsaday dalka siilanyo iyo marku ka tagay 2017kii farqiga u dhaxeeya adba wad ka dharagsan tahay hadad dhayo leda hay dayn aad u fara badan iyo qasnado madhan ayu la wareegay siilanyo 1$ oo daynana kagamu tagin dalka oo ay horumar wayn oo dhan kasta u si dheerta hay wuxu aha ninki ugu horeyay ee gobolada bariga 99%gadhsiyay nidamka dawladnimo badhna xoreyay wuxu aha ninki ugu horeyay ee darajada siiyay ciidanka wuxu aha ninki ugu horeyay ee lacagta gadhsiiyay gobolada bariga dhanka siyasadana wuxu aha ninki ugu horeyay ee somaliland caalamka si wayn u dareen siiyay ee lo arkayay ilays ka baxaya geeska afrika,hadanad adeer ragan iska necbayn ama anad dalka necbayn wad aragta waxat qabteen iyo wanagay qarankan u hor sedeen

  • @mahamednaasir544
    @mahamednaasir544 ปีที่แล้ว

    yax

  • @dhimbiilkulanbaxar8490
    @dhimbiilkulanbaxar8490 11 ปีที่แล้ว +1

    Kkkk

  • @abdulkadiral-hashim3134
    @abdulkadiral-hashim3134 5 ปีที่แล้ว

    Siiranyo wuu ina rogay si aan loodaremina habaar qabaha ina bixina wakaa hanbadi isa seeraciyay ee aan manta bilarajo ku joogno

    • @mhassan0163
      @mhassan0163 4 ปีที่แล้ว +2

      Faqash Faqash, waa ku garanaynaa

    • @abdulkadiral-hashim3134
      @abdulkadiral-hashim3134 4 ปีที่แล้ว

      @@mhassan0163 Faqashtu waa adiga dee nijaasyow inigu wayahay iyo hatiduu 30 sano ururinayay ayaa kuburburtay Hargeisa adigu lakin waxaan hubaa inaad bamuslimo tahay oo inabixi banki xarshimeed kaa keenay iyo xayntii adhiga ahayd oo uu kuyidhi Hargeisa ayaan dadka dhulkooda iidin boobayay kaalaya

    • @inaxaaji1935
      @inaxaaji1935 3 ปีที่แล้ว

      @@abdulkadiral-hashim3134 qabyalad un ba ka hadlinaysa walahy shacab iyo cadalal iyo somaliland iyo isaaq midna ma uma daneynesid tug baad tahay aan raga u cayayo waligi gadheyn ragasi koley waxna cune waxna qabte laakin wax ma tare ado kale ahi cay iyo tolay oo marba ka ku haybe xiga u niki moye wax kale ma haysid inbadan ba la so arkay ado kale

  • @mustafemahamoud7492
    @mustafemahamoud7492 6 ปีที่แล้ว +2

    Qabiilayste hanyar weeye abwaanimadu saa ma aha maanta maxaadkahaysaa qabyaalad lagudumi dawladiiye waxmakuudhismeen mise xaarkaa walaaqateen

    • @Wadani1988
      @Wadani1988 6 ปีที่แล้ว

      waar vwabka daa somaliyo sawtad somli lahayd

    • @awlayir2609
      @awlayir2609 5 ปีที่แล้ว

      Aqoon darraa kaa hadlinaysa

    • @Yonis5
      @Yonis5 5 ปีที่แล้ว +1

      Qabyaaladi aday kaa hadlinaysaa. Waxaadba dawlad Ku sheegtay hororkii umadda haalagay. Axmaq

    • @sagaldhool521
      @sagaldhool521 5 ปีที่แล้ว +4

      Xishoodku waa muhiim mar hadaanad laba erey isku hagaajin karin magaca rag buu kula wadaagaa hadraawi

    • @mocharles5641
      @mocharles5641 5 ปีที่แล้ว +2

      Hadaanay wqx u dhismin saw sida dhulkiina oo kake masaajidada hablaha laguma kufsadeen

  • @smartmustafemedia8511
    @smartmustafemedia8511 8 หลายเดือนก่อน +1

    Abwaankii abwaaniinta. An Afeican Legend Hadraawi allah ha u naxariisto.

  • @abdulkadirhassan1446
    @abdulkadirhassan1446 5 ปีที่แล้ว +2

    5:25

  • @cabdizalaan373
    @cabdizalaan373 10 หลายเดือนก่อน

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤