Qisadii Haweenaydii Haaruun Al-Rashiid ee Zubeyda, dhistayna Mashaariic biyo galineed oo Cajiiba!!

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 29 ก.ย. 2024
  • 1 Waxa soo jeedinaya: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle.
    2 Sawirda muuqaalku waa Isha Zubeyda ee kuyaala Makkah.
    3 Xuquuqda muuqaalka iyo qoraalkana waxa iska leh gaaldiid.com/
    Akhriso Qisadan oo dhamaystiran:
    Asc, walaalayaal waxaynu soo qaadanaynaa hadii Ilaah ka dhigo haweenaydii uu qabay Khaliifkii dawladii Cabaasiyiinta ee Haaruun Al-Rashiid. Haaruun wuxuu ahaa khulafadii ugu caansanayd ee soo martay dawladii Cabbaasiyiinta, waa nin lagu xasuusto jihaadkiisii badnaa, xajkiisii iyo salaadiisii.
    Imaan Nawawi wuxuu kitaabkiisa Siyarka ku tilmaamay in Haaruun sanadna xajka aadi jiray, sanadka kalena uu aadi jiray goobta Jihaadka. Wuxuu ahaa nin gacan furan oo deeqsiya, wuxuuna qabay gabadh ay eedadii dhashay oo la dhaho Zubeyda bintu Jacfar. Waxayna ahayd gabadh reer Haashimiyad ah, oo aabaheed waa aasaasihii aasaasay dawladii Cabaasiyiinta Abujacfar Almansuur.
    Haweenaydan waxa lagu xasuustaa caqligeedii waynaa iyo garaadkeedii sarreeyey, waxay la talin jirtay odaygeeda, sidoo kalena waxay kamid ahayd dadkii ugu wax qabadka badnaa, marwooynka madaxweynayaasha.
    Waxay taariikhdu sheegtaa in ayadoo u safraysay Xajka ay aragtay dhibaatooyinka waaweyn ee haysta dadka Xujaajta ah, sida biyo yaraanta kajirta magaalada Makkah iyo jidka ay soo maraan dadka Xujaajta ah. Waxay aragtay ayadoo biyaha lagu iibinyo hal diinaar, kadibna waxay Zubeyda fartay injineeriintii inay diraaseeyeen qaabka magaalada Makkah loo keeni lahaa biyo ay cabaan Xujaajta Baytka Ilaahay.
    Injineeriintii waxay dhaheen; “In la keeno biyo magaalada barakaysan ee Makkah aadbay u adagtahay, maxaayeelay waa meel buuralay ah, sidoo kalena biyuhu waxay ka fogyihiin meel u jirta kudhowaad 10 mayl, mida kalena dhaqaalo badan ayaa ku baxaya” Zubeyda waxay tidhi; Xitaa hadii halka mandaraqa ama sabarada kaliya ay ku kacayso qiimo dhan hal diinaar oo dahab ah waa inaad fulisaan.
    Run ahaantii Injineeriintii waxay bilaabeen inay qodaan ceelashii oo ay helaan biyihii kadibna waxay soo raaciyeen kanaalo dhaadheer oo dhex maraya buuraha, taagaga, banaanka iyo godadkaba, keenayana biyaha magaaladii Makkah. Ishaas biyuhu soo raacayeen waxa loo bixiyey Isha Zubeyda, iminka oo la joogo Kun iyo Laba boqol oo sanadoodna wali waxa loogu yeedhaa Ishii Zubeyda.
    Waxay kale oo ay dhistay barkado, ceelal iyo warshado soo saara biyaha oo u dhaxeeya magaalada Baqdaad iyo Makkah, si ay Xujaajtu ugu nastaan inta ay jidka kusii jiraan. Waxay Zubeyda ku bixisay xoolo aad u badan dhisida ceelashaas biyaha ah. Dabcan arrintaas waxay ku heshay sharaf iyo karaamo iyo ayadoo kaga sugaysa abaal marin wanaagsan xaga Ilaahay (S.W.T).
    Dadka Muslimiinta ah ood ka dulqaado dhibka iyo haraadkana wax u dhigmaa ma jiraan, waana sadaqo jaariya ah, oo Umada oo dhan ay ka mahadisay.
    Waxa Qoray oo soo jeedinaya Sh. Abdulaziz Mohamed Oogle

ความคิดเห็น • 40

  • @munaahmed2997
    @munaahmed2997 5 หลายเดือนก่อน

    Masha Allah Tabaarakallaah waa tusaale wanaagsan kheyr kaas faraha badan oo walaasheen Zubeyda bintu Jacfar sameysay oo Ilaahey SWT ku maamuusay inay Muslimka u gargaarto. Ilaahow noogu gargaar aniga iyo inta kheyrka jecel Hanti aan Islam ka iyo Muslimiinta uugu gargaarno. Rabiyow naxariistaada noogu Deeq. Aamiin

  • @mxmdzylcy4303
    @mxmdzylcy4303 7 ปีที่แล้ว +2

    ya allah kumanayso naxaristada harun arashid & marwadisi & sh a aziz & anaga & dhamaan muslimanta

  • @abshiromahamed7190
    @abshiromahamed7190 7 ปีที่แล้ว +4

    masha alaaaha alaha kubarakeyo shikh

  • @cabdifataaxxasanadooneebe3991
    @cabdifataaxxasanadooneebe3991 3 ปีที่แล้ว

    Salalaahu calayhi wasalam masha allah ale haku barakeeyo aamin Sheekh❤️🤲☝️

  • @umumaida5085
    @umumaida5085 7 ปีที่แล้ว +3

    Masha Allah jazakallahu kheyr sheikh

    • @deeqamuuse8139
      @deeqamuuse8139 7 ปีที่แล้ว +2

      Asc ficna cilmigu allahayaw diinta xaqa na garn si yaa alllah jazakalahu kheyr allah haku xafido wlo

  • @amiiribnuxuseen2755
    @amiiribnuxuseen2755 7 ปีที่แล้ว

    jasaakumulaah khayr sheeekh

  • @wizxame2184
    @wizxame2184 7 ปีที่แล้ว +3

    mnch Allah

  • @mohamudaliabi5890
    @mohamudaliabi5890 2 ปีที่แล้ว +1

    M.alaah gabadh ahlu baydkii rasuulkena suuban kasoojeeda ilaahay janadiisa haku galado insha alaah

  • @wllpreem7051
    @wllpreem7051 7 ปีที่แล้ว

    walaal aad ayaad umahad santahay lkn waxaan kaarabaa inaa kahadashid ..................................... siigada......... iyo wixiilamid ah thanks

  • @raheebeauty9053
    @raheebeauty9053 5 ปีที่แล้ว

    SHEIKH sedkaas halkuu ku yaalaa aan soo arkee haddii Allah idmo markaan xajinaayo oo aan joogo maka halkey iga xigaan waa arin qurux badan oo lagu deydo ,sheikhadda Zubeydana Allah ha ka raalli noqdee.

  • @cabdifataaxxasanadooneebe3991
    @cabdifataaxxasanadooneebe3991 3 ปีที่แล้ว

    Salalaahu calayhi wasalam masha allah ale haku barakeeyo aamin Sheekh❤️🤲☝️

  • @tamaamnasri8919
    @tamaamnasri8919 7 ปีที่แล้ว +3

    sheikh Mahdsnd ajir Fara badan allh hakaa siiyo

  • @nimcattudunya5308
    @nimcattudunya5308 7 ปีที่แล้ว +3

    mashaa allaah ilaahay hakaa abaal mariyo qayrka aad noosoo gudbiso walaalkey gabadhaas na ilaahay jano fardawsa haku abaal mariyo aamiin anaka na ku dayasho wacan inshaa allaah

  • @cabdiqanimuxumed6872
    @cabdiqanimuxumed6872 7 ปีที่แล้ว +2

    waaw way u dhacatay ajar wey heshay walee maasha allah

  • @rahmamohamd5357
    @rahmamohamd5357 4 ปีที่แล้ว

    Qisadii haaruun al rashiid noosoo gudbi wll

  • @deqaacadey8159
    @deqaacadey8159 7 ปีที่แล้ว +1

    Masha Allah wll ajir iyo xasanad allah ka siyo aad baan udhageysta tariqada muslinka oo aad marwalbo nogaa shekeyso iyo qisoyinka nabiyada

  • @najmaluul5556
    @najmaluul5556 7 ปีที่แล้ว +2

    masha allah ilahy haku dhowro wlal mahadsanid jasaa'akllah

  • @amiiribnuxuseen2755
    @amiiribnuxuseen2755 7 ปีที่แล้ว +3

    jasakalaaah khayr sheekhg

  • @munasarmunasar2380
    @munasarmunasar2380 7 ปีที่แล้ว +3

    maa axlaa haada ttaariikh

  • @amiiribnuxuseen2755
    @amiiribnuxuseen2755 7 ปีที่แล้ว +3

    jasakalaaah khayr sheekh

  • @zakibincabdala9694
    @zakibincabdala9694 7 ปีที่แล้ว +3

    akhi jazakallahu khayra

  • @yussufahmedabdi774
    @yussufahmedabdi774 7 ปีที่แล้ว +4

    m .a

  • @maamoxabiibo5812
    @maamoxabiibo5812 3 ปีที่แล้ว

    Masha alaah alaha hakubarkeyo

  • @mohammedibrahim8735
    @mohammedibrahim8735 7 ปีที่แล้ว +1

    masha allah

  • @naasiraadanabokor5843
    @naasiraadanabokor5843 7 ปีที่แล้ว +8

    aaad baad u mahadsan tahay ilaahay ha kaa jasaa'i siiyo waxan ahay walaalkaa oo jecel videosyadaaada

  • @caltumaali1889
    @caltumaali1889 7 ปีที่แล้ว +4

    Masha Allah nice story

  • @wardaibraahim3412
    @wardaibraahim3412 3 ปีที่แล้ว

    Masha allaah

  • @suadahersi8521
    @suadahersi8521 7 ปีที่แล้ว +1

    asc dhamantiin sheequna allah'a barakeeyo

  • @ugaasaxmedugaas9340
    @ugaasaxmedugaas9340 7 ปีที่แล้ว

    walaal waxaan kaaga baahanahay qisadii khaliif haaruun rashiid

  • @naimasaid4866
    @naimasaid4866 7 ปีที่แล้ว

    jazakallah kheir wll guulayso aduuun iyo aakhiro

  • @nimcoomar8369
    @nimcoomar8369 7 ปีที่แล้ว +3

    jazakumualah

  • @ubahabdilahi6840
    @ubahabdilahi6840 7 ปีที่แล้ว

    mansha Allah alle hakajisa isiyo

  • @amiiribnuxuseen2755
    @amiiribnuxuseen2755 7 ปีที่แล้ว

    jasakalaaah khayr sheekh

  • @shonetag5879
    @shonetag5879 6 ปีที่แล้ว

    masha allah

  • @maganomar2968
    @maganomar2968 7 ปีที่แล้ว

    masha allah

  • @sihammukhtar9679
    @sihammukhtar9679 7 ปีที่แล้ว

    Jazakumu Allah kheyr walalkey

    • @saarharub2336
      @saarharub2336 6 ปีที่แล้ว

      Siham Mukhtar, Rabi Ajar iyo Xasanaad Fara Baday Ha Kaa Siiyo

  • @maxamuudcandimaxamuudmaxam2581
    @maxamuudcandimaxamuudmaxam2581 6 ปีที่แล้ว

    Ji