Gabay - Qarnaqsi - Gammuute
ฝัง
- เผยแพร่เมื่อ 7 ก.พ. 2025
- Gabaygan waxa tiriyay oo iska lahaa #Abwaan Maxamed Cabdulle Cali oo ku magac dheeraa Abwaan #Gammuute, waxase hada ku luuqaynaya Maxamuud Saleebaan Xirsi (Abwaan Waraaabe - Burco) oo isla luuqdii Gammuute ku tirinaya maadaama wakhtigii Gammuute noolaa aan waxba la duubi jirin.
Claim FREE £30 or $20 Money. Code: ALIJ125
www.worldremit...
ABCs Somali Picture Book for Children: Available on Amazon, UK, USA, Canada, Australia etc.
www.amazon.com...
Mashaallah allow unaxariiso abwaanka gabay qey mo badan oo ca jiiba dhalin maanta jir taa imbadan wey adagtahy inay fahmaan kaliya ninkii geel jira so ahaan jiray✅✅✅✅✅✅✅✅👈
⁰00
Haa waleee. Anaa dhul badan maray oo nugaal iyo hawd ba kadimo geel ah ku raacay. Hada na Vermont USA baan jeegaynayaa
Hj gabay udaa gamuute abwaan caanbaxay hj ahmed faarah reer abtidoon ❤❤❤❤❤❤
Habar Jeclo gabay laguma gaadho wallee
Gammute waa nin h.yoonis ah sidu Xaaji Waraabe colkiisii u raacay h.jeclo danbe ismay arkin wuxu ahaa nin h.y oo Doollo yinka haysta . waa danbe ayuu ka yimi markii reer caynaashe iyo ogadeen naag isku dileen. markaas ayuu isagoo solamadow dhawaan u yimi ayaa waxa inan layaal ah wadaad ogaadeen ah oo gabadh ka qaba, wadaadku wuxu is leeyay ka warayso ninkan hada dhawaan ka yimi degaanadii ogadeen. isna waxay sameeyeen dhawaan ee laysku dilay naag aabheed nin hy ah siiyay baa adeerkeed mise abtigeed nin ogaadeen ah siiyay markaasay dhan isu wada raaceen . intu qorgi dhigo ayuu ogaadeen degaan degaan uga waramayaa:
wadaadyow dawaafka ihi hadaad war iga doonaysid
dibnahayga inaan ku furaa daw ba ma ahayne
caynaashii naga durkee dabatada raacay
dunjiga reer isaaq nimankii dayra ka ahaaday
reer dalal diraacdii ka qaad dahaba aw Nuure
..marku dhameeyo warka ayuu odhanayaa iga hor dhaqaaq intaanan ku toogan..
adiga iyo doofaaradii reer hebel weys dilantaane
Haa, waa sidaas Gabay baxsan iyo Gabay-yahankii Gammuute Eebbe ha u naxariisto 🤲🙏✌️❤️💚🌷🌷🌷💐
Gabayga hala soo badiyo.....Dhaqankeena wu sii dhumayaa - Hada lagama helo hal shaqsi oo Gabay Karo wadanka Kenya
Alle ha u naxariisto dhamaan abwaamadeenii Geeriyooday Gamuute Waxa la ii yidhi waa geed labkaan ahay
Gabay geel lootiriyo kii ugu qiimaha badnaa gamuute alle hownaxariisto inshaaalll hj laandheere banaan degay
Gabaygu haddaan lagu luuqayn hadalka waxba ma dhaamo'e
Inan golyeedka gabayga soo tebinayaa cod hallaasiya oo luxdan haya
Afka bir iyo boogi kuma goyso.
L
Illahay ha unaxariusti isaga iyo wixii muslim Ahba🤲🤲🤲🤲
Pppo
Habar jeclo
Maxamd abokor
Axmad faarax
Reer abtidoon
Gamuuute aun
Libaaxi habar jeclo
allah ya raxma adeer
masha ilahay ha u naxariisto walee xigmad wuu dhameeyaay geeesina wuu ahaa
Mashallah from Kenya 🇰🇪 arimahaan hala bara caruurta ileen dhaqanki ayaa guuraaya
Habarjeclo gabayga waa loodaayay maxamed cabdile gaamuute ale hawnaxariisto❤axmed faarax cabdile ❤
Maasha alaah alle ha u naxriisto. Abwaanka cajaaiba weeye gabayhaasi geele markaa waxuu ahaa xoolaha ugu qaalisan 🥰🥰🥰💚💚💚
Allah ha u naxariisto
Gabyaagii cajiibkii ahaa ee Gamuute
Aniga gabayada aad ban u jeclahay🥰
😭😭😭😭 ilahoow ku naxariiso adeero gamuute 🤲🤲🤲🤲😭
Gabayga ugu horeeya gabayada Geela Abwaan Gamuute Habarjeclo
Awowo alleh h ku naxariisto
NIN WALIBA SIDII,UU,UGALAY,GUMARADEED MAALYE
AHN
ABWAANKA
ABWAANKA SOO GUDBINYA
LUUQDA IYO CODKIISA ALAAH HAKARAAMEEYO
Masha allaah xiikmad waxa laha raagi hore.
Waa hadraawi inaderkii gamuuti eshcala abwaan
Caazha ALi masha Allah abwaan maxamed Ibrahim warsame hadraawi aad ayaan u jeclahay iyo huri walan walan
Ma hadraawi oo baraanbura baad Gamuute oo guutadii Xaaji Waraabe iyo Hagoogane soo taagnaa baad sintay
kaasi ma gabay ayuu yaqaan wuu baraanburaaye
Ilahay how naxariisto wa Ka lhelay gabaygan dhul aan kusoo koray buu tiriniyaa
Waxaan rikoodh iyo cajilad kudhegeysanjirey 2008 dii XASUUSS Haddana 2022 da ayaan dhegeysanaaye😭😭😭😭😭😭😭👍
Gabay ay adagtahay in ay fahmaan dhalinyarada.
Abwaan gamuutaa luuqdan lahaa kan qaadayaana waa abwaan waraabe ....wiilasha Abwan gamuute ..ayaan aqaanaa Togdheer burco
wallal gamuute ma habar jeclaa
@@fadumofarah2001 haa
@@fadumofarah2001 Haa h jeclo axmed faarax abtidoon 2:17
Allah hawnaxariisto isaga iyo intii islaam ahba
Masha allah.
Qaabka uu u qaadayo wxd moodaaba ninkii gabayga lahaa:.
Khalil Omar luuqdaa liisku dhaafay brother abwaan maxamed amiin sheekh mataan soo daawo laac tv ka soo daawo aad buu u cod macan yahay masha Allah
Eesh calaa gabay 👍❤️❣️❣️❣️❣️💕👏👏👏👏💪🏻
Gamute from haayada ❤
Allah ha unaxriito qariga Allah ha nuuro gamuute waan jaclahay gabayadiisah geelah
Allahow uanaxariiso rabiyoow
Gabaugan qofka hada Ku luuqaynayaa waa abwaan waraabe
Alle ha kuraxmado abwaan gammuute
Abwan keep going
habarjeclo cidi gabay kuma gaadho
Mnsha allah
Xaqiiq
@@AhmedbiciideAhmed
Kugu diidimaayo laakiin suaal gobeed hadaan ku waydiyo yaa gabayga badiya HJ iyo Dhulbahante? Ogaadeen aya Somali number 1 ah. Ciidagale ayan oran karaa ayaa no. 2
Waxanze qiraya in ninkani yahay abwaan culus. Hadalkisu wuxu ii xaqiijiyey feker igu gaar ah sanadahan doqonto sidii koronkoro isu dulbaxday dhul Isaaq iyo Daaroodba. Waayo waa laba rer oo walaalo ah lakin dhaqan magaalo iyo meherad la'aani kala geysay.
@@mohammedabdi7061 kollay intaan odhan lahaa adaa yidhi se ragaa bari ee dhulbahante"habarjeclo iyo habaryoonis ma hubo inder runi wacane se
ogaadeen iyo ciidangale waa cad kala dhacay dood gabay"deeq bixineed" iyo dirir dagaaltoona kuma kala liqaan
Se dhamaanteen waxba ma kala nihin wlahi
@@mahadomar7099
Mahadsanid.
Alle ha u naxariisto abwaan gamuute
Kama daalo dhagaysiga gabaygan
Geelu xoolo kuma jiro
Asxaabey yaa iga caawinaya gabay kale oo uu tiriyey abwan gammuute
Geeraarkii Ismiidh - Alif Maanso
Halkan ayaad ka helaysaa: play.google.com/store/apps/details?id=xyzedstudio.somaligabay
@@asalmaal556 Gabay aakhiro kahadlaaya oo uu leeyahay abwaan gammuute aun mahsysaa
*allahayow adaa weyn adaa waaxido jira
Waaaw waxan xasuusty haashaydi midhaaf iyo gahiidh
Niman aan afgaranwaayay baa goonjigii cunaye galaasyaaba lagumaalayaa ee gaawihii dhige
Nin qaliya dhe
Waa dhan geel hoy hoy
Giiryaale mayhiye naftaan geed kusoo xidhaye
Geesi alle haw naxariisto
Alle haw naxariisto
mashalah codwanagsan
Gabayadii gamuute iyo abwaankaygii waraabe
Ma sha allha.❤❤
Inkastuuu gablamo ama Shan jeer laga gol roonaado ma gabado nin gobolay lahaa
Wow keep going
Yaah
allah yarama abwaan gamuute
Afsmoalla
Gabay qiimo badan
Walaahi wa nin dhan jiiray
Wa ka qaldamay gabaygu
Somalida hada noolna naceybka dhexdoda wuxu gaaray inad arkeyso Somali neceb Somali kale ajaanibka laso safanaya wale rag Somali ah hada majiraan rag liita Somalida hada isugu soo haray
soomalaidu waxay Gaalada u necebayd maaha wadanimo.. waxa weeye geelii bay xadi kari waayeen oo askar xabsiga dhiga baa la sameeyey, intaas bay ku naceen
❤😢 0:34
Waxa.sootabinaaya.abwaan waraabe
Halka qabada laga soo guro waa halkee
Dee waa gubadkii Qaansoole
@Qaafaqaris waa xadhadhanka iyo coodanle dhexdooda bay xaga hawd u dga beegantahay gaadalayal bay ku agtaala
@Qaafaqaris gaadale shaqaqoyin ba ka jiray muran dhuleed ahaa kulay imika war sidaa u wayn kama hayo
Gamuute
Hadaan keligay leehay
Nirguhu kus mawaayeene
Kun washaysiyaa loogu furay
Kadinkii Ceeldhaab e
Kufri iyo Axmaar baw kal
Tirin kud iyo kaar laaye
Maandhoow kol yaya
Iga dhadhamin laysku soo kediye
Wuxuu maqlay wiil KU qaylinaya
Waar Nirigta ina hebla
Hasha uga baxa!
Indr Gabaygaa miyaad haysaa Xalimoy Yusuf
Libaax allow kuu naxariisto
Maxamed cabdule cali gamuute
Ilahay ha u naxariisto
Waad magadsan tihiin ee waa inaad gabayadii faarax laan jeer soo badisaan iyo kuwii abwaanadii habar jeclo
vvv
MnchallaH wlhie 2012kiipaN dhgyzaN jiraYyy
Gabaygii wadaadyahaw soogali indr
waar yuusuf shaacir kiisa mooyaane naagtu qabo Idaajaa hanagu soo dayn..waabaan ku saxday markaad tidhi waan soo dhawatynayaa.. waar gunta guntu dhashay naga daa nacalad ba aku soo dagtay...naag cadaawe u dhaxday weeye
Bismilaah I alaahu akbar
very nice
Cajiib
Gamuute waa ninkii geela amantiis Lagu Gadhi wayay
ma ogide galaadiyo bookh gaadh hublaa degaye
Ma Sha AllAH
الليله بالليل نمشى شارع النيل
Gabayada noo soo qora dadyar aa idinku xiran oo baran rabi marka qoraal nooga dhiga
bari horaan qoray mar malaa 20 sanadood ku dhowe, cajalad kale iyo nin kalaan ka qoray markaas way kala badnaan karaan se waa isku mid waa isla gabaygii.
Cabdiyoow gugayguna ma yara guunna waan ahaye
Hadaad talada igu gawdhiseen hayska geedido'e
Dadkoo gama'san gaadh Faranje iyo galawga moyaane
Bal garwaaqso xalay baan guntaday galin dhexadkiiye
Gooraan ninkii dhaqayba waw guul daro iyo ciile
Haddaan Guulle ii soo kaxayn Guban ma taageene
Gabangoobbi guri xaalfa iyo Gol uma daayeene
Waakaa guduudkii ka ba'ay goobadii shuqule
Gadhfeedh iyo Madheedkii Dannod Gawlalliyo Caado
Gaaraabidhaanle iyo intaa godod u sii jeeda
Halka Yicibta laga soo guriyo Gubadki Qaansoole
Gorgor iyo Garboole oo degmadu geedi ku ahaatay
Wax dheexaad diraac gamashigeed geediyaal raraye
Gabri iyo intaan Tuur-Wareen guudka uga meersho
Gadaal baan ku soo furi lahaa goosay meel badane
Garwaanlaana waw daban lahaa Good anoo wada'e
Dhaaxaan Diraac gamashigeed geeddiyaal raraye
Gartallawga waataan wax badan daba galluubnaaye
Sidii Gorayadii Riinji iyo Garane daaqaysay
Waataaan biyaha uga go’ay ee geeri lay filaye
Markuu kabaha gaadhkooda sare guudka ka idlaaday
Gondahayga Jiiq iyo ka guray Gocondho shaydaane
Kolkay Ayda soo wada gashee gobolba meel aaday.
Goonyaha isaga soo duwoo geed bidhaansadaye
Casarkii intaan godin la kacay gaaf u soo dhigaye
Gabbalka iyo fiidkii markuu Gabanku soo dhaafo
Ee xerada lagu soo genbiyey gaabiskii tebaye
Ganto baas la soo roorayoo guura-baaba'aye
Hadba gegi Cidla joogsadoo guux dhegeysadaye
Meeshaan gadiidkii ka rogey soo garwaaqsadaye
Habeenkaa sidii Cawl la ganay gooxa yuururaye
Markuu waagu ii galalax yidhi goosankii helaye
Anoo gaajo weyn qaba u imi kaan ka soo gudaye
Gabnada iyo candhoolaha nirgaa lagu gunnaynaayo
Intaan fidhinfidhlaha soo gogladay gaar u fuuqsadaye
Dabadeed Ganuun buuxa iyo Gaawe raacsadaye
Gartuubtiyo Caleentiyo markuu Gawdhadhka idlaysto
Gadaal buu ku oomee markuu golongolee dhuubto
Gadhtallawga maantay Nugaal Garawo soo aaddo
Iyada oo Harraad gubey ninkii Guuliyaan ahaye
Garanuug an toogtiyo ri' aan galin dhan hiigaayay
Gog halaad intaan u xidhay goof ku soo degaye
Gunta Caynabo laysaku xidhay galay salaadiiye
Hadba gacan ka daray uumiyuhu ways gerbinayaaye
Qoraxdoo gabaabsiya anigoo guraya lay yeedhye
Gaban-goobbidii iyo la tu'i gegidi hiireede
Gayaxay ahayd meesha iyo gelin horaadkii'e
Gaawaha markii lala galee godolna loo taagey
Ay Gorofka sida reer la miray geba-gebaynaysey
Afartii gudboonaa markii lagu garaacaayey
Gabno looma yeedhyeedho iyo Ganya dhega-weyne
Marqihii guduudnaa haddii goodir laga buuxsho
Gurboodkiyo nin gaajaysan iyo gacalka mooyaane
Aniga iyo ninkii ila gudboon waa ka garanuuge
Afkaygana ma gelin meesha iyo garashadaydiiye
Markaasaa gadaalkana durduur lagu garaacaaye?
Sida Gaadhi boosh lagu guroo galab carraabaaya
Gug bay soo tidhaahdaa waddada qoobka gelisaaye
Habeenkaa guryaha Baalidhaye inay gashaa weeye
Goblamahakan tuug iyo Dhurwaa gaadayaa jira'e
Dhaaxay intay daba galeen gurada jeexeene
Gami'i mayno ee waa inaan gaadh ka qabanaaye
Rag gadaaman baa labada fiid goonyahaw baxa'e
Goonbiyado iyo bay sitaan gaabanow Sumuc'e
Guduudkay istaagtaa sidii gaal ugaadhsiyahe
Aniguna geddeedaan baratiyo caynka loo galo'e
Markaan oodda gees uga duway gudub u jiidhaaye
Subaxaa ninkii garanayoow gadantay Mayliige
Waa inay Gurracan sii martaa gobabki dheeraaye
Maantaa waxay geleleftaa gudihi Dhoomoode
Gobka Heelmaraalay ka bixi gaafki dhererraaye
Galgal iyo miduun baa la geyn gumaci Tuur-Uuse
Geedmadowga iyo Seerigaa Goodir loo dhigiye
Halkaasay kalkii soo galaba dibuga gooshtaaye
Garab-weynta iyo Rimayda iyo Goodirkiyo Qaanka
Gaaleemaduu xooray buu gugu Hillaacaaye
Oo gaadda weynoow Ratigu gii'da ka hayaaye
Nin waliba sidii uu u galay gumaradeed tuugye
Col gingiman gurgurin laysu guray talo la gawdiidshey
Guntiga iyo Feedhaha ku xidhay Gumuc Rasaaseede
Gabgabbiga habeenkaa dhul dhexe Gawre nagu laaye
Ilaalada horeetaba gurnay iyo wiilashaan garanne
Wax la sii gucleeyaba la arag reero goonniyahe
Gaashaanka noo ride intay gacanta muujeene
Gudguduudka waaberi dagaal lagu galaydh-xoorye
Gardarrada raggii loola tegey Gamaska loo qaadye
Ka gug-siinnay meel lagu go'ay Goojo dheertahaye
Wax la sii garaacaba markaan gelin dhan qaadayney
Gaydhooy raggii maali jirey Guruxa soo saarye
Gungunnaaga uga leexanniyo Geel-ilaashaha'e
Maadhiin gariiraaya oo gur isu dhaafaaya
Giiryaale miihiye naftaba geed ku soo xidhaye
Geerida ilaahbaa hayee Gaaddankaw hadhaye
Ka gaddoome Guutaa waddiyo Gaaski loo wacaye
Gebagebaha loo dhigay halkay goray ka yuusaysey
Iyadaan Xabbaadhiiba go'in gool ka dhuun jaraye
Ka gig-beelnay Darib laysu guray gudurka mooyaane
Adiguba garaad waw lahayd goobahaan dhigaye
Gubniyaal Sarkaal iyo haddii Goondharku u fuulo
Geyi lagu beriiiyaa ma jiro Gobiyo Heemaale
Waa kaa ka soo guray halkay goray ku sheellayde
Sida Mawdka loo go'o dhulkuu gelelefaayaaye
Guudaan ha laayo'e ka tegey gacaladiisiiye
Gurya caydhi waa badanyihiin gees la eegaba'e
Nimankii Ogaadeen u galay gaankii Habar Yoonis
Gaadiidna nimanbaan ka raran gaar u hayn jiraye
Dhaaxay sidii goonni-daaq gubadka daajeene
Gashi ay qabeen iyo ma jirin goddob ay hooyeene
Nimanbaa ganteeyaye iyaba Gaanle ma ahayne
Garaad Faarax laba goonjibay guluf ku dhaafsheene
Gadhmadowda Reer Gorod Xirsiyo Galacba waa caydhe
Waayadan ganuun looma shubin malahay Gaandaa'e
Gartii weeye Cali Dhuux inuu gama'a diidaaye
Gaajiyo Haraad bay badeen gabannadiisiiye
Godbardaale iyo maalintay Gaabo ololaysay
Hadaba waxan ka galiilyoonayaa gadhadhacdeediiye
Galaasyaaba lagu malayaa Gaawihii dhigaye
Niman aan af garan waayay ayaa goonjigii cunaye
Guntiin lacaga, gaandaha lo'aad ginigi Nairobi
Gasab kale inaan dhaafsaday gocatay laabtiiye
Maxaa Gaadlayaal iiga dana waaba gadayaaye
Copyright 2000 - 2002 HoygaSuugaanta.com
Masha Allaha
P
Dragon the
Awkuku cm the
Maye gabayadii kale ee gamuute iyo faarax laan jerr ama gun iyo baar eeg habar jeclada
Cidina kama gabay badna ee tariikh dooda
Bay ka xishoodaan qabiilada kalena been
Bay ku faanaan
somalidaba waxaa ka gabya Dhulbahante, ogaadeen iyo habar jeclo
Garxajis wuu gabyaa la isma xaqiree
@@daauudyuusuf4173 lakiin hj markay mesha timado wuu iska fadhisanaya
Waleee
MansHa alla
Giiryaale.maihe.naftaangeedkusooxidhaye
Geerida.ilaahbaa.hayee.gaardanka.uhadhaye
maxaa gaadlayaal iiga dana waaba gadayaaye hhh
❤❤❤
War yarka ku luuqeynaya haloo dhiibo gabayadoo dhami ,
hhh yar maaha waa abwaan weyn gabayo qaaliya ayuu leyahay abwaan waraabe aya la yidhaahdaa
Waaaw
Mashalaah
Abwaan
Gabaydii gamuute soo gali hadaad qaarkale hayso wll sida tooyad etc
Ninkan ku luuqaynaya maxaa ladhahaa
Maxamuud Suleymaan Xirsi (Abwaan Waraaabe) Burco, Togdheer.
Goowlalo ani ayaa kasoo jedo
❤
Gabdho.lalaciyaariyo.unacay.gaari.aqalkeede
Alle swt how Naxariisto Abwaan gamute
Maa shaa’Allah
Wa halka aad sugule ku tidhi hoy yaah
Gabayga subtitle haloo sameeyo.
Anu waxba ka fahmi maayo.
dhulku geela mariyay ayuu sheegayaa uma baahna fasiraad badan
ale ha una xaristo
Mnsha allah qurux
Alle ha unaxariisto iyo inti dhimatey
Masha allah masha allah
AaheeTabeeLadakarod
Sax maahan geerar kaan
Allaha unaxariisto
Gamuute