Guska Mala Weyneyn Karaa?
ฝัง
- เผยแพร่เมื่อ 22 ม.ค. 2025
- "Xubinta Taranka Ragga mala weyneyn karaa? Ama haddii aynu si kale u dhigno, Mala kordhin karaa dhererka, dhumucda iyo ballaca guska?"
Jawaabta oo, koobani waxay noqonaysaa - "Maya", lama weyneyn karo guska sababta oo, ah Hidde-sideyaasha ayaa go'aamiya cabbirka guska ee dhan kasta ah sida dhererka, dhumucda iyo ballaca".
Bal marka hore aynu isla fahamnee - waa maxay hidde-side ama hidde-wade?
Hidde-side ama jiin waa halbeegga muuqaal ahaan iyo shaqo ahaanba aasaaska u ah dhaxalka. Waa cunsurka gudbiya tilmaamaha la kala dhaxlo.
Hidde-sideyaasha waa waxa ugu weyn, uguna muhiimsan ee xukuma cabbirka guska. Sida midabka maqaarka jirka iyo dhererka qofka ay u go'aamiyaan arrimo fir ah oo, kale ayuu cabbirka guskaaguna la mid yahay.
Aan ku weydiiyee, "Qof weyn oo gaabni u dhashay mala dheereyn karaa? Ama qof weyn oo, dherer u dhashay mala gaabin karaa? Dabcan, waa maya. Inaad si wanaagsan ii fahamtay ayaan rajaynayaa.
Laakiin, mid ogow; waalidku waa uu ka ballaaran yahay labada ku dhalay oo, keliya. Waa silsilad aad u dheer oo ka bilaabmaysa hooyada iyo aabbaha ku dhalay, kuna dhammaanaysa ilaa iyo aabbe Nabi Aadam iyo hooyo Xaawo.
Iyada oo, ay sidaas tahay, haddana, rag badan ayaan ku qanacsanayn cabbirka dabiiciga ah ee guskooda. Waxay raadiyaan fursado kale oo, ay ku weyneyn karaan cabbirka guska si ay kor ugu qaadaan hankooda. Habraacyada, sida in dareerayaal lagu mudo guska, in maaddo jilicsan oo, loo yaqaan silikoon la geliyo guska iyo qalliinada dib u dhiska guska ayaa keeni kara dhibaatooyin halis weyn ku ah caafimaadka ninka.
Run ahaantii, ma jirto qaab sax ah oo, la isku hallayn karo oo, aad guskaaga ku weyneyn karto. Inta badan cilmi baarayaasha, xirfadlayaasha cilmiga caafimaadka iyo dhakhaartiirtuba, waxay isku raaceen in qalliinada, qalabka lagu bam gareeyo guska ee loo yaqaan faakuum bambaris iyo mashiinada kale ee la xayeysiiyo, kuwaas oo, qaali ah, halisna ku ah caafimaadka, ama keena xanuun badan, aysan shaqayn.
Ha rumaysan muuqaallada beenta ah ee sooshal miidiyaha dhex yaacaya kuwaas oo, ku andacoonaya inay soo heleen daawooyin, cuntooyin, cabitaanno ama kareemyo weyneeya guska, marka laga soo reebo inyar oo, daawooyin dabiici ah oo, dhir laga sameeyey kuwaas oo, kordhiya dareenka kacsiga iyo mugga shahwada ama adkeeya guska. Waxa jira shirkado waaweyn oo, ka macaasha waxyaabo been abuur ah. Anigu waan kaaga digayaa ee is ilaali ninyahow yaan mar dambe lagu khiyaamin.
Waxba haka walwalin, waan ogahay inaad culays dareemaysid. Bal ka warran haddii aan ku iraahdo wali xal ayaan kuu hayaa!
Si uu guskaagu ugu muuqdo wax weyn, raac talooyinkan aan kuu sheegi doono:
Timaha bisqinta iska xiir ama iska gaabi. Haddii aad tahay nin buuran oo, calool weyn leh, isku day inaad baruurtan ka takhalusto. Timaha bisqinta iyo baruurta gummaarkuba waxay dib u celiyaan oo, ay yareeyaan guska. Haka walwalin cabbirka guskaaga maxaa yeelay walwalka badani wuxuu sababayaa in maskaxdaadu ay aaminto in guskaagu yaryahay, taas oo saamayn ku yeelanaysa noloshaada galmo. Iskuday Jimicsiyada ay ka mid yihiin kegel iyo jelkin. Isticmaal dhirta iyo waxyaabaha kale ee dabiiciga ah ee aynu hiddaha iyo dhaqanka u lahayn sida malabka, toonta, basasha, xulbadda, sanjabiisha, mooska, lawska, caanaha geela ee dhayda ah iyo waxyaabaha kale ee la midka ah, kuwaas oo kordhiya dareenka kacsiga iyo xaddiga shahwada. Sidoo kale, waxay guskaaga ka dhigayaan mid adag, oo, xoog badan, oo, celiya shahwada muddo dheer. Biyobaxa degdega ah waa cillada ugu weyn ee ay lammaanuhu ka cawdaan. Dib ugu noqo muuqaalkii aan ku faahfaahinnay sida ugu fiican ee aad isaga dawayn kartid biyobaxa degdega ah.
Wali ma waxaad daawataa muuqaallada wasmada ah ee boornoogaraafiga loo yaqaan ee ay jilaan Xiddigaha galmada? Miyaanan hadda kahor kaaga digin daawashada filimada ama sawirada noocan oo kale ah? Si aan mar dambe laguu marin habaabin dib ugu noqo fiidyowgii halkan aynu soo gelinay ee aan si fiican ugu faahfaahinay halista caafimaad darro ee ka dhalan karta la qabsashada boornoogaraafiga.
Ma ogtahay in dumarka intooda badani aysan wax dhib ah ku hayn inta uu le'egyahay guskaagu?
Ugu dambaytii, waxan doonayaa inaan idinla wadaago sir weyn oo, muddo dheer lagaa qarinayey. Taas oo, ah waxa jira hal waddo oo, aad uga bixi kartid walwalka kaa haysta guska iyo galmada. Waxan hayaa sir weyn oo, lagaa qariyey oo, qiimo ahaan u dhiganta hal milyan oo, doollarka Maraykanka ah ee haddii aad doonaysid inaad ogaatid fadlan si degdeg ah iila soo xiriir.
Cilmi baaristan waxa soo ururisay warbaahinta caalamiga ah ee Luula Miidiya. Mar kasta, meel kasta iyo marxalad kastaba ku raaxayso warbaahinta casriga ah ee Luula Miidiya. Marnaba ku khasaari maysid daawashada muuqaallada aan halkan kusoo bandhigno.