EP10| 3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.
ฝัง
- เผยแพร่เมื่อ 11 ก.พ. 2025
- Xalqadan waxa aan kaga hadlay maamulka, maaraynta, la dhaqanka iyo fahmida dareemada.
Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho.
Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.
Waxa uu kaa caawin doonaa in aad dadka kale fahanto, caawiso oo aad dareen ahaan taageerto, adiguna xilliyada aad is fahami waydo aad caawimo dalbato.
Fahamka dareemadaadu waxa uu kaa saari doonaa ceeb moodka ah in dareenka la cabiraa uu ceeb yahay, waxa aanay kuula muuqan doonaan in dhamaan dareemadu ay yihiin wax dabiici ah oo ay caadi tahay in aynu hadba dareen nooc ah dareeno.
Buuga aadka idiinka caawin doona fahamka dareemadiina, maamulka dareemadiina, cabirkooda iyo la dhaqankoodu waa “
English : Letting Go
Writer: David R Hawkins
Arabic: السماح بالرحيل