Sacuudiga oo fasaxay dhoofka xoolaha Soomaalida

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 12 ก.ย. 2024
  • Dowladda Sacuudiga ayaa dib u fasaxday dhoofinta xoolaha nool ee Somaliya ee loo iibgeeyo dalkeeda, ka dib in ka badan shan sano oo dhoofka xooluhu uu hakad ku jiray.
    Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ay labada dowladood ku shaacinayeen heshiiska dib u furidda dhoofka xoolaha nool. Munaasabadan waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda, Ra'iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Safiirka Sacuudiga ee dalka u joogga, Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

ความคิดเห็น •