Khadra Daahir-Sida Laygu Kaa Ladhay-.wmv

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 11 ก.พ. 2025
  • Hooyada Jaceylka Khadra Daahir cige Iyo Hees Kamida Kuwa Ugu Qaalisan Looguna Jecelyahay Heesaheeda aan kala dhicin ......... Xeeldheerideeda iyo halkaraanimadeedana Waxay Heesta Ku Leedahay
    Labadii is doortee
    isku laab ahaadee
    kala laalmi waayee
    dani kala lugoysay
    Midba Gees Uliicee
    Liqi Waayay Oontii
    Midka Kale La,aantii
    Ku Leeleeley Dunidee

ความคิดเห็น • 791

  • @samiirabdi7486
    @samiirabdi7486 11 หลายเดือนก่อน +18

    2024 ka Yaa Daawanaya Markale❤
    Rabi haw naxaristo mamo Khadra Dahir Cige 😢

  • @ahmedabdiabdille
    @ahmedabdiabdille ปีที่แล้ว +61

    Waxan dhageysanayaa Aug 21.08.2023 waxan joogaa dalka Kenya 🇰🇪 waxaan safar✈️ usii ahay dalka mareykanka 🇺🇸 insha allah waa🎤 hees jaceyl xambaarsan murti iyo macaan ana waan rajeyn in aan helo mid baariya oo laabta igeliso insha allah cidkastoo qoraalkeyga akhriso way mahadsan tahay khadro daahir alle ha'unaxariisto 🤲

  • @mohameddhoodhe4059
    @mohameddhoodhe4059 3 ปีที่แล้ว +29

    Heestan waxa jeclaa oo mudo laga joogo 22 sanno ibaray walalkay Cawl kaaso aduuunkan maca salaamayey 19-October-2020, Xusuus iyo xaal aaduun allah godka ha u nuuro

    • @fatouma-zahra1884
      @fatouma-zahra1884 3 ปีที่แล้ว +1

      Allaha u naxaristo

    • @salansacad
      @salansacad 2 ปีที่แล้ว +1

      Aamiin alle ha unaxariisto

    • @MohamedHassan-pu6wk
      @MohamedHassan-pu6wk 2 ปีที่แล้ว +2

      saleeban axmed mursal miyaad walaalalo ahaydeen cawl alle how naxariisee iyaga iyo mustafe bootan iyo mustafe xeedho 19 October 2020 malin talaaalado mise axad ahay ayaan jeclaa inay ahayd wllhi waan naxay siday iminka dhacday geeridiisu markaan arakay commankaga

    • @Short_factz
      @Short_factz 2 ปีที่แล้ว +1

      Even the queen passed away now 🥹🥹

  • @abdirahmanmacaani452
    @abdirahmanmacaani452 4 ปีที่แล้ว +13

    Qof Jaceyl Arkay unba dareeni kara waxan hees waa dhaaftay Nafta bee ku dhaafineysa 😥😥mamo Khadra Heestan Sidee rabto Bee ugu Raaxeystay

  • @mtofficial2953
    @mtofficial2953 3 ปีที่แล้ว +21

    Heestaan waxay igu leedahay xasuus aan dhamaan runtii jacaylkeygii ayaanu isku qaadi jirnay sida ay heestu ka hadlaysaba wakhti iyo dan baa na kala geeyey💔 lkn waayihii waa kuwo wali ila nool hada oo aan qoys iyo ubad leeyahay wali xasuustu Waa mid nool🥲 long life maamo khadra dhool❤️
    Abwaan Cali sulayman bidde oo heestaan curiyey AUN
    Ahmed cali cigaal oo laxanka ku laray Cimriga Allaha u barakeeyo
    Aways goobe oo kabanka macaan tumayna Allaha janeeyo

    • @hajjimunir9676
      @hajjimunir9676 3 ปีที่แล้ว

      GOAT OF ALL TIME AYAAD TAHAY SHB MCN DHANKA FANKA MURTIDAAN KUGU JIRTA TIYAATARKA PETROLDAADIS MAAD KUSOO BANDHIGTID ALYACNI MACNAHA 🤣💪

    • @xafsaabdimanaan2572
      @xafsaabdimanaan2572 2 ปีที่แล้ว

      Badhaadhd kunoollada mama khadra eebe ha unaxristo 😢

    • @MohamethHusien
      @MohamethHusien 10 หลายเดือนก่อน +1

      2024 yaa ila dhegaysanaya😢

    • @cabdigujipages9358
      @cabdigujipages9358 9 หลายเดือนก่อน

      Jacaylka 1ad sa lagu ilaaba way adagtahay libaax

  • @MOHAMETT628
    @MOHAMETT628 2 ปีที่แล้ว +13

    Kadib dhimashadeda hada imatay uduce wllky Allah Jannatul Fardowso geeyo Aamin 😭✋🏽

  • @mohamedmuse2879
    @mohamedmuse2879 3 ปีที่แล้ว +7

    Waxaan halkaan kasalamaa qof kasta oo xasuusuhu ka adag yihiin dhankoodana ujilicsan boholyow iyo gocasho kaqaada kaas oo markuu dhageeysto heesaha qaraamiga ah soo xasuusta waayihii tagay
    Waan idin salaamay dhamaantiin ❤

  • @najaxjamal7937
    @najaxjamal7937 2 ปีที่แล้ว +22

    Waxan dhagaysanayaa 18 /7/2022 /oo ay dhimatay khadra daahir cige /3/7/2022/ ilaahay haw naxariisto😢 ana heesaa hayga madoobeyo aamiin iidhaha inta iga danbaysaay🤲🥰

    • @mustafeabdirisaaq8159
      @mustafeabdirisaaq8159 ปีที่แล้ว

      Aᴀᴍɪɪɴ Iɴᴄʜᴀ Aʟʟʜ Wʟʟᴋʏᴏᴡ 🤲🤲😢

  • @farxaankhadar4398
    @farxaankhadar4398 ปีที่แล้ว +3

    Allh naxariizti janatul firwadza haka waraabiyo 😭 aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen Mather of love 😢 zido kle mucjizo laxanka farzhaxan ayaa ku faroyarayzty abwaan waakii sameeyay 😢 berbera iyo baradii jacaylkee boodhari Ku aaznaa hadaad iiga danbeyzo like dhac Ku ziiya

  • @mahameddhagayare
    @mahameddhagayare 3 ปีที่แล้ว +21

    Xasuus 2018 gabadh aan lasheekaysan jiray ayaan habeen isku dhacnay 2 habeenimo ayaan heestan fariin ahan ugudiray anoo wajaale jooga inantaan habeenka fariinta udirayay waa marwadayda hada jimce 9/12/ 2021 hal bil kadib hargaysa arooskayagii❤❤🎸 Alxd ❤

  • @K___00.00.0
    @K___00.00.0 หลายเดือนก่อน +1

    Waxan ku jirnay safar Hargeisa ilaa borama waxan isku kursi noqonay gabadh dhalin yaro ah lkn ah ayniga aniga iga wyn waxa ka muuqday niyad jab iyo murugo badan waxa u xidha airbods heestan ayay dhagaysanaysay waan is waraysany waxayna i sheegtay waayaha aduun iyo dhibatada jacaylka wxyna iiga digtay inan qof qalbigayga wada siiyo madama dhibato lagala kulmo , hada waxa kso waregtay 5 bilood waxan u rajaynaya gabdhas inay hd afaraxsan tahay 😢❤

  • @Mudugboy0806
    @Mudugboy0806 3 ปีที่แล้ว +5

    Sidaan wada ogsoonahay ruux walba marka uu waajaho waaya dag waxyaabaha aadka u badan uu rajeya ayaa waxa ka mid ah dadku wajiya fiican inay kuso dhaweeyaan waliba qofka marka aduunka uu ka dookhday misena ka calmaday hadaba heestaan waxay ka hadlaysa laba ruux oo kala lumay waayuhuna kala dheereeyay waxaa ad dareen ii galisa
    (sida laygu kaa ladhay
    Hadaad igu lamaantahay
    Laabtaan ku galin
    Libtaan la hoyan lahaa
    Soo maynu kala lumin)
    Waxay cabiraysa sida lamanayaasha ay u caawiso habta qofkasta bini aadana u bahan yahay naxariistaas.
    Waaya badan noolow maama khadra ❤

  • @Khaalid155
    @Khaalid155 3 ปีที่แล้ว +5

    Kama daalo heestan anigu jawi baan ku galaaba runtii waa hees dagan oo dareen jacayl wadata hooyo khadra alah ku xafido cimri dheer iyo cafimaad ku noolow ❣️🖤

  • @duuleyare8546
    @duuleyare8546 2 ปีที่แล้ว +27

    😭markastoon dhagaysto heestaan ilin ayaa igasoo butaacda waayo qof aan dunida uugu jeclahay ayaa layga reebay 2019 waliba xabsi aan galay ani iyo iyadaba😭😭😭 kadib layga saxeexay inaan gabadhaa wacayn lkn naf wax jecel saxeex ma xidhee markii een saa usoobaxay moobeel walaalkay kuboodoon numbeekeeda oon sida faataxada u xifdisanaa ku dhuftay saa codkeedii markeen maqlaan ooyay iyana sidoo kle maalinkii ilaa maanta waan wada hadalaa waanan isku faraxsanahy inkastoo masaafo noo dhaxeeyo 5 years ayaa noobuuxsany xidhiidhkayaga intii jacayl soomartaa iso duceeya wllhi saan ubarty gabadh kale numberkeed daayee maba hunguriyeeyay

    • @abdilahihussen4017
      @abdilahihussen4017 2 ปีที่แล้ว

      Sxb allan kugu dhaarshee maa ka dhaab sxb jacayel noocasah waali maa arag

    • @badrigass4135
      @badrigass4135 ปีที่แล้ว

      How is That Love ❤️😍 Jaceyl waad soo martey Alle Ha isu kiin Amaansado Adigiyo Gabadha Aad jeclayd eed dhibaatada intaa leeg iyo Calool Adeyga usoo martey.

    • @jimcaleabdirashidabdule6088
      @jimcaleabdirashidabdule6088 ปีที่แล้ว

      Saaxiib Alle haysku kiin Simmo❤

  • @ahmedabdi7580
    @ahmedabdi7580 4 ปีที่แล้ว +64

    Laamadood: jiif murugo iyo ciil kuladhan yahay.
    Luun: waa marka cadhuufta afku adkaato oon daraadii waxay samaysaa heer dibnaha kamuuqda.
    Liiq: marka cadceedu godkeeda ku hoobanayso.
    Libta: guusha

    • @Libaan99
      @Libaan99 2 ปีที่แล้ว +1

      Macalin shaqo wacan sxb 👍 👍.

    • @mohasojedo1994
      @mohasojedo1994 2 ปีที่แล้ว +1

      Mahadsanid

    • @axmedc.raxman7778
      @axmedc.raxman7778 ปีที่แล้ว +2

      Luun:waa runtaa oo marka haraad daraadii qofku xitaa cadhuuf iska waayo lkn luun i gawraco waa marka candhuuftii adag isku xdho dhuunto oo usan qofku xitaa hadali karin waxna liqi karin waana marku qof mudo dheer biyo caabin

    • @fardushurre1668
      @fardushurre1668 ปีที่แล้ว

      ​@@axmedc.raxman7778👏

    • @abdilaahihussencg9169
      @abdilaahihussencg9169 7 หลายเดือนก่อน

      Luunka waxa kale oo keen gaajada raagta qoofku hudasan waxab cuuni xaat wuu luuma waxan maa laqi kaaro

  • @ahmedwadani3669
    @ahmedwadani3669 2 ปีที่แล้ว +7

    Heestaan waxan ku soo xasuusta mar aan jeclaa gabar yar markaan raaci jiray
    Waxaraha ariga 6sano ayaa jiray 💝💝
    Mar dhif ayaa arki jiray balse reer miyiga
    Inta badan waa la guurguuraa kolba meel ayaa la aada roobku ka jiro 🥺🤫
    Mar danbe arkay runtii sidan u farxay
    Ayidane sido kale Lkn tan ugu daran
    Waxa ay aheeyd xishood nakala
    Irdheeyey so hada mahaay Lkn sidii
    Ujeclahay ❤️❤️💗💖💖💖😪😪😪😪

  • @ahmedabdifarah6527
    @ahmedabdifarah6527 8 ปีที่แล้ว +21

    mashallaha waxaas ayaa fananat ladhahaa allow ku daa hooyadii fanka 1975s waayo waayo allow qaraninadii iyo isjecelkii umadnimo allow noosoo celi

  • @shukriabdiqadir2934
    @shukriabdiqadir2934 5 ปีที่แล้ว +103

    Heestan xusuusbay igalisaa mrkn somalilnd ka imanayay ayn jcylkygii waayay oo wan is khilaafnay wakhtiga iyo waayahan soo qaadanayna wlhi hadan kaga sheekayna waad ooyi any way waxan ku nolahay wadanka TurkeY ilaa imikna maskaxdayda kama bixin isagna uu isoo xidhiidhiyaa ana wan xidhiidhiyaa si walaaltino leH😭😭 illahow meel walbo oi dunida kga noolyahay xafid oo dhawr

    • @mustafabdiuk866
      @mustafabdiuk866 4 ปีที่แล้ว

      After 9 months maxaa kuu hagaagay

    • @sidiiroonrabaaog4222
      @sidiiroonrabaaog4222 4 ปีที่แล้ว

      Mustaf Abdi uk bb wlhi Anba hadaa arkay waala qiirooday 😰

    • @mustafabdiuk866
      @mustafabdiuk866 4 ปีที่แล้ว +6

      @@sidiiroonrabaaog4222 gabdhaha lkn hal cilad eey qabaan oo ah go.aan aaan laga fiirsan oo laga shalaaayo maalmo ka dib lkn gabdhaan ma aqaan sxbked sidey isku waayeen

    • @sidiiroonrabaaog4222
      @sidiiroonrabaaog4222 4 ปีที่แล้ว

      Mustaf Abdi uk way qalbi jilcan yihiin

    • @siradgulaid3369
      @siradgulaid3369 4 ปีที่แล้ว

      p

  • @dr-abdala8041
    @dr-abdala8041 ปีที่แล้ว +6

    Hadad igu lamaan tahey..
    Laabtan ku galin lahaa..
    Libtaan la hoyan lahaa💖

  • @ahmedmohamedyasin1520
    @ahmedmohamedyasin1520 4 ปีที่แล้ว +6

    Gabar aan jeclaa ayaa laigu direy oo garoob ah hadda waxaan joogaa dalka canada iyaduna gaalkacyo waan wada xiriirnaa mashallah caruur ayaa hadda u joogta anna wali ma guursan iyada ayaan sugaya

  • @fat6h61y3
    @fat6h61y3 6 ปีที่แล้ว +95

    Ya ila dhagaysanaya 2019 like halaysaaro ❤❤🎧

  • @yaasmiinyuusuf7110
    @yaasmiinyuusuf7110 6 ปีที่แล้ว +12

    Hooyadii jacaylka, alla maxay dhuuxa iyo dhiigaba ina dhaqaajisay axyaa khadra dhool.

    • @somkeysenior2088
      @somkeysenior2088 6 ปีที่แล้ว +2

      Aad io aad wlshY mamadii jacylka khadra

  • @khalidsalebaan1262
    @khalidsalebaan1262 ปีที่แล้ว +5

    Ereyada 100%
    Codka 100%
    Music 100%
    Best song❤

  • @Dhuuntow_ibrahim
    @Dhuuntow_ibrahim ปีที่แล้ว +1

    Waqti aad u Qurux badan galabta galbaha qoraxda oo sii hoobaneeyso ama sii dhaceeyso iyo Abwaan ka oo dareenkiisa Nafsiyeed heestaan ku cabbiray
    heestaan hadii aay taqaatirtu oran la haayeen waa dawada jacayl ka Loo isticmaalo qof ka diidi lahaa oo Somaali ah ila maba jirayn sidaan filaayo
    Erayada qaar oo heestaan ku jira ayaa waxaay dawa u yihiin nafaf fara badan oo jacaylka uu soo gumeeystay heestaan waxaay ka turjumeeysa labba qof oo si darran jacayl isugu qaaday Labbada dhinacba
    Qof aad is jacleeydeeyn oo aad nasiib u yeelan weeydi inaad is calfataan wax ka xanuun badan ma jiro 😭
    Waxaay dhibbaata ka taagan tahay Naftii aad adduunka ugu jaclayd oo aad u weeydi dhaqaale aad ku guursato hadii lagaa guursado maxaad oran lahayd naftaada sideena ugu sheegi lahayd in aay kaa raacday naf kaloo kaa dhaqaale badan
    Ragga waa siman yahay lacagta unbaa kala sareeysiisa 😭
    Codkii khadro Daahir cige
    Maskaxdii Abwaan cali saleebaan bide
    Kabanku waa Aweys Abuukar goobe
    ALLA YARXAMU RAAXIMIIN DHAMAANTIINBA

  • @aliabdi2886
    @aliabdi2886 8 ปีที่แล้ว +4

    waa lyric hore khadra daahir cige fanaaniinta Aan codkooda jeclahay kamidtahay Allah daayo amiin

  • @cadecilmi4003
    @cadecilmi4003 5 ปีที่แล้ว +11

    jaceyl igu dhacay 1998 aniga oo Joog magalada Gaalkacyo ayaan dhageysannjirey heesaha khadro daahir cumar dhuule iyo axmed cali cigaal salaad darbi axmed gaceyte

    • @abdiwahabmohamedsugulle6172
      @abdiwahabmohamedsugulle6172 5 ปีที่แล้ว +3

      Oo sxb xilligaas aaad wax jeclaanayso waa marka aan dunidaba kusoo biraye cimriga allah hakuu barakeeyo

  • @munowacan7448
    @munowacan7448 4 ปีที่แล้ว +6

    Xusuus bey igu leedahey sida leygu kaa lareey hdad igu lamanteen labtaan ku galin lahaas 💓

  • @CSeerbiya
    @CSeerbiya 5 ปีที่แล้ว +38

    Erayadii Abwaan Cali Saleeban Bidde

    • @cabaastusmeye438
      @cabaastusmeye438 5 ปีที่แล้ว +3

      Murti kaydshe cumar sxp allah haku barakeyoh

  • @CSeerbiya
    @CSeerbiya 5 ปีที่แล้ว +3

    Erayadii Abwaan Cali Saleebaan Bidde oo la dhashay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Alle ha u naxariisto 1995 ayuu dhintay

  • @saynabibrahim7787
    @saynabibrahim7787 3 ปีที่แล้ว +3

    Heesta waxan ku xasuusta wllshay iyo wiil ay isjeclayen way isla tagen kadib walaga soo reebay heestasay marwalba dhagaysan jirtay hada wa ay dhimatay 2019 Alle haku maxariisto wllshay qaali😭😭🤲🤲🤲

  • @walaalqaaliah8871
    @walaalqaaliah8871 6 ปีที่แล้ว +28

    Heestan markaan dhaagysto waan iska ilmeeya xaqiiqdi inay iga hadlayso ayaad mooda xaaskayga oon aad u jeclahay ma anan arag 4 sano intaas maalin kasta waxaan la hadlaa 20 jeer ka badan ma seexdo inaan woco mahane markaan soo kco waan wacaa sidoo kale waan jeclahay xaaskayga alaha nabad iskugu kaana keeno

    • @ismailabdullaahi9497
      @ismailabdullaahi9497 5 ปีที่แล้ว +4

      bro wlh sidokle kulamida ahay wlh aniga xita xaskayga ad ayan ujeclahay wlh bro adunyadu wa dhimantahay inshallah wan wada halayna bro aad ayan kugu duceyna ilahay haku keno xaskaga bro amiin amiin 🤣🤣😍😍❣❣🤣🤣🤣

    • @walaalqaaliah8871
      @walaalqaaliah8871 5 ปีที่แล้ว +1

      @@ismailabdullaahi9497 mhd sanid walal ducada waa aqbal maal mahaan soo aadan insha alah inaan isku imaano ayaan rajaynaa sida qorshahaygu yahay alaha ii saqiro wax kasta

    • @AbshirFarole
      @AbshirFarole 5 ปีที่แล้ว

      Rabi ha isu soo kiin aruuriyo ha isu kiin barakeeyo.

    • @walaalqaaliah8871
      @walaalqaaliah8871 5 ปีที่แล้ว +2

      @@AbshirFarole mahad sanid 19 bishan baan rajaynaa inaan 4 sano kdib isku imaano alle ayaana mahad leh

    • @najah140
      @najah140 ปีที่แล้ว

      @@walaalqaaliah8871afar sano kadib Waan idin salamay👋

  • @abdirashidalimursal480
    @abdirashidalimursal480 2 ปีที่แล้ว +2

    Heestan waxan dhagaysan 17 jan 2023 waxa isoxasusiyay sxbkay abwaan asad biciid waayo iyo habeeno badanoo aan liido kula cawayn jiray heestan gabadhii aan markaas wada soconay waan kala harnay mustaqbal qurxoon oo ifiya baan urajayn

  • @habzaabdirahmn113
    @habzaabdirahmn113 ปีที่แล้ว +4

    Kala laalmi waayee Dani kala lugaysee 😢
    Insha allah Riyadeenu way rumoobaysaa
    April 19 2023

  • @ahmedqatin77
    @ahmedqatin77 ปีที่แล้ว +2

    Jan/09/2024 waxa aan diyarinaya Exam-ka Semester-6 SIMAD University marka aan chapter akhriyaba hal hees oo khadra ah baan kuturtaa lkn heeskan dhoorjeer ayaan dhageestay.

  • @DrmuuseDrmuuse-pz5vo
    @DrmuuseDrmuuse-pz5vo ปีที่แล้ว +1

    Maama khadra ilaaheey hakuu naxriisto maama janatul fardoosana ilaaheey hakuugu bishaareeyo maama

  • @MohamedAhmed-qn1yn
    @MohamedAhmed-qn1yn 5 ปีที่แล้ว +34

    Sida laygu Kaa ladhy
    Hadaad igu lamaanthy
    Labtaan ku galinlaa
    Libtaan la hoyaanlaa
    Sow maynu kala Lumin
    2019 August 24

  • @boqoradasomalilan1825
    @boqoradasomalilan1825 6 ปีที่แล้ว +103

    2018 7.13 yaa dawaanaya oo uu jacayl haya sidaayda😭😭😭😭😭😭😭😭 eshcala hees

    • @sharmarkegaraad9027
      @sharmarkegaraad9027 6 ปีที่แล้ว +1

      boqorada somalilan aniga inader

    • @cabdiraxman2484
      @cabdiraxman2484 6 ปีที่แล้ว +2

      Anigaa dhagaysanaya Hada 20/10/2018 waayo Waayo

    • @s-hayna6421
      @s-hayna6421 6 ปีที่แล้ว +1

      me 2 i love love

    • @tooblessedadan89
      @tooblessedadan89 5 ปีที่แล้ว +1

      boqorada somalilan add mee

    • @abshirmohodiin203
      @abshirmohodiin203 5 ปีที่แล้ว +1

      boqorada somalilan
      Aniga ayu said ii hayaa o dawa nayo wayo
      Jecelka ii haayo qofku ii haayo ma garanayo

  • @muktarbulshawi
    @muktarbulshawi 7 ปีที่แล้ว +77

    Dhiigay raacaysaa heestaan . Dadka dhan ma fahmi karan intii ay khusayso ayunba garan nuxurkeeda.😑😑😑😑😑😑

  • @axmeddhagacade7736
    @axmeddhagacade7736 5 ปีที่แล้ว +35

    Heestaan makugu leedhaay ?? Haday jawabtaadu haa tahay fadlan like iisaar si aaan waxkaaga waydiiyo macquul inaynu isku qiso nahay

  • @Alisacudi
    @Alisacudi ปีที่แล้ว +2

    Wxn dhegaysanaya 22/9/23
    Alle has naxariisto khadra dahir
    Oo dhimatay 3/7/22
    Hada wzn jooga berbera

  • @ahmeddabdib5346
    @ahmeddabdib5346 7 ปีที่แล้ว +123

    Ladii is doortee
    Isku laab ahaa dee
    Kala laalmi waayee
    Dani Kala lugoysay ( LIKE IISAARA ASXAABEY

    • @ahmedgu7373
      @ahmedgu7373 3 ปีที่แล้ว

      76665666666u74u66666666566666666665566666656666666666666666666666666466566666666666666666666766556666666665656656u666666667565666666666766 6455u6665666566666u6666u666i5u665u65665666uu566i6666666u6u66765i66uu65u6656666uu6i65675667676u75666u6666u 65u666557u6u66uuu756uu646 6i7u6u6666u6u5uuu66i666u5566667556677u56u6666666u66u666u666656667uuu66666u66uu6u66oiu6u6666655666uu5656666iu5666u665666666uu7o5uu6u66u75666iu66uu6uu666565u66ui76u66u5u66u6i7666666u666666ulu6u666uuu65656666u5u76i6u6675u56766666666uuiuu665657656u66666uu66u66u7u6u66666uuuu6667u666u6u6l666u67676665665i7u6666u64i66u76u6uuui64u6u566566uui6655665uu6i56u657666665uuuu666u66565665u766666u665u6u666u6u6u75u66u666uu766666666u6u6u66u6666u6666u6ui66u5uu6uluuu56656677766765666655567l77u6 and 6uu65u5u765uuuu6uuuuu76o5u6uu6uu6

  • @AhmedbiciideAhmed
    @AhmedbiciideAhmed 4 ปีที่แล้ว +6

    Jacelkaygii waa ghabad reer burco ilaahow igu sin insha Allah next year I'm coming baby no worries keep your head up the love of my life ❤❤❤❤

    • @farhiasabdulahi9474
      @farhiasabdulahi9474 10 หลายเดือนก่อน

      yaawaayE. familyyyy baanahayba facyaasheey cadceedumaroo murwoo dumaroo samsameey qiimoqayobadan baaba layga yiraahdaaba. iyaaaaaaaaaa abyultttyyy sabirineeyyyyyy lagufarxeeey. inbadan runrun offcourseeeeeeeeeeee seen istahilaaba . saxsax run familyyy systems sytems jiilba wafdajire soo imaw qatraayqaraneey cadceedcdumaroo shamsooy jemaadeeeyyyyyyyyyyy prinsesesesesesese familyyy jiilba

  • @axmedyaasiindool3759
    @axmedyaasiindool3759 4 ปีที่แล้ว +1

    Caad lagu lingaxay iyo
    Cirku liidad leeyahay.
    Kalgacayl ku looloo.
    Labadaas tuduc sida aan u qoray ayey sax ku yihiin. Abwaan khaliif Faarax Xayir.

  • @daauudali3989
    @daauudali3989 3 ปีที่แล้ว +2

    waxaN dhagaysanayaa 14/5/2021 xasuus hore waa yaan xasuustay yaa iLa dhagysanaya 2021 iLaa yaraantiisi

  • @ahmedmohamed-by1tc
    @ahmedmohamed-by1tc 7 ปีที่แล้ว +91

    cidii 2017 daawanaysaa like hay saarto

  • @MariamyusufMariam-d2p
    @MariamyusufMariam-d2p 6 หลายเดือนก่อน +1

    Heesta wxn dhagaysanaya 15/8/2024 ano qorshayaal bdn niyada igajiran insha allh wan sooboqon doona anoo wxksta iskugu Kay tooseen hduu wadku idaayo ilaahey ha urumeeyo intii riyo leh 🙏♥️♥️

  • @indheergaradwaxweydii8656
    @indheergaradwaxweydii8656 5 ปีที่แล้ว +5

    Heestan wakhti hore Gabiley,waxaa ku ridi jirey 2001 hoteel qarmacle ah,dabadeed markaan mirqaamo waxaan soo fadhiisan jirey meel catabad ah,marka aan labada bogba dhageysto waxaan ku limin jirey ugu yaraan 2saacadood waa xusuus runtii

  • @MO10.
    @MO10. 7 หลายเดือนก่อน

    Sida laygu kaa ladhay
    Hadaad igu lamaan tahay
    Laabtaan ku galin lahaa
    Libtaan la hoyan lahaa
    Sow maynaan kala lumin
    Khadra maamo eebe haku naxariisto jacayl miidhan bey ahayd

  • @dailyxiin
    @dailyxiin 4 ปีที่แล้ว +7

    Hees jacayl ah oo Somali Samayso Waatan ugu Qotada dheer uguna Erayada macaan
    Bal halka eeg miyuu luun igawracay! Luunku waa haraadka Gaajadana Wata

    • @dailyxiin
      @dailyxiin 3 ปีที่แล้ว +2

      @@alisaladahmed424 Mahadsanid Wlaal Waaan MaQlay inuu erayada Sameeyay Cali Saleeban bide Waa Erayo Aad Ucajiiba
      lkn Sida Axmed Uma Caan bixin Cali Mar Haduu erayada Saan u Wanaagsan Samaynayay

  • @Sinjiibiiiiiiimmmmmmmml10
    @Sinjiibiiiiiiimmmmmmmml10 7 หลายเดือนก่อน +1

    Habeen isniin oo talaado so galayso ayaan keligay qolkayga ku dhegaysanaya heestan
    Sida labo is jecelo laydh-sanayaa fiidkii😢😢😮

  • @idrisjijo2215
    @idrisjijo2215 8 หลายเดือนก่อน

    Masha Allah tahniyad dardar
    Galina muna bilaan foore
    Radio mugdisho waa gacan
    Kaaa dhacdo kugu dhacday

  • @bossiebadass9890
    @bossiebadass9890 8 ปีที่แล้ว +2

    hooyaddii fanka somaliyeed KHADRA DAAHIR CIGE HEESAHA UG MACAAN OO WALIBA JACEYL HUWAN . CODKA MIDHAHA LAXAN IS DULSAARAN 100% KHADRA DAAHIR U DAA ALLA YAA CISAG

  • @cabdifitaaxwadani8875
    @cabdifitaaxwadani8875 2 ปีที่แล้ว

    Bilaash.looma dhihi hablaha fananada ugu cod macaan looguna jecel yahy khadea daahir allow ku naxriso cod degan kaban macaan codfasiix ah

  • @Khaleif7
    @Khaleif7 3 ปีที่แล้ว +4

    *Hooyadi jacaylka Khadra Daahir Cige Ilaahay Cimriga Hakuu barakeeyo*

  • @galoose
    @galoose 2 ปีที่แล้ว +2

    Heestaan hees kadagan oo ka macaan ima soo maarin 🙏🥰 2023 bilow wanaagsan

  • @NuuxBaashe
    @NuuxBaashe ปีที่แล้ว +1

    Remember this day began 😮/15/11/2023 waa malin xasus leh wxpa wy hagagidoomaan i.a

  • @kamaalabdi5987
    @kamaalabdi5987 5 ปีที่แล้ว +8

    Heesta waxaan xasuustaa anigoo wadanka mexico tahriib ku jooga ,maantana USA 🇱🇷

  • @qaysyare1784
    @qaysyare1784 2 ปีที่แล้ว +2

    Heestaan wlhi xasuuus dheer igu leedahay mar aan dukaaan ku yaal south africa meel philipi la yiraa ka shaqeeyn jiray 2012 gabar aad u jeclaa waqtigu nakala fogeeyay ayaduna xmr joogtay ayaan aad u dhageeysanjiray anigoo nafta ku qanci jirray nolosha meeshaas ka jirtana aheeyd mid cabsi badan marka waxaan ugu jeclaa marka ay leedahay
    Laabtaan ku gallin lahaaa
    Libtaan la hoyan lahaaa
    Soo maynu kalla lumin

  • @indhauroon4291
    @indhauroon4291 8 ปีที่แล้ว +7

    laaptan ku galilaa
    liptan la hoyanlaa
    sommaynu kala helin😍
    my king xariiri 💕❤💕

    • @cabdiqani9104
      @cabdiqani9104 4 ปีที่แล้ว +2

      Sida laigu kaaladhay

    • @indhauroon4291
      @indhauroon4291 4 ปีที่แล้ว +1

      @@cabdiqani9104 👌

    • @cabdiraxman2484
      @cabdiraxman2484 3 ปีที่แล้ว +1

      Soow maynu kala lumin weeye Huuno iga Giiji Bahasha.

  • @zalmiita5623
    @zalmiita5623 5 ปีที่แล้ว +2

    Sida labo is jecelo laydhsanya fiidki
    AH...😍
    Khadra Daahir cige ....
    RabiH naxariis wasaca haku siiyo..
    HooYo....

    • @nemorachid9992
      @nemorachid9992 5 ปีที่แล้ว

      Way nooshay khadri wali waa xay

    • @zalmiita5623
      @zalmiita5623 5 ปีที่แล้ว

      @@nemorachid9992 oo naxasriista ale miyaa laga marma walaL ma doqon baad tahay....😂😂

    • @xamzeahmed3768
      @xamzeahmed3768 5 ปีที่แล้ว

      Wwwww khadra dahir nolow

  • @WaayoArag.
    @WaayoArag. 3 ปีที่แล้ว +1

    Khadra-Dhool codkeedii cajaa'ibka ahaa, erayadii Xasan-Ganey mise Cali Saleebnaan Bidde, iyo cuudkii Goobbe, allaahu akbar, waa uun wax qof nasiib lihi isla helo.
    Goobbe darmuugadda iyo cuudka ayuu tumi jiray. Balse darmuugadda ayuu heeraare ku ahaa.

  • @nickal2018
    @nickal2018 4 ปีที่แล้ว +1

    Ooooffff caleek Khadra dahab cimriga Allah hakuu dheereeyo iyo caafimaad ba.. Sawtal raxma weeye codkeedu

  • @hannadiamond2099
    @hannadiamond2099 4 ปีที่แล้ว +4

    Heestan anoo yar 2006 baan cajelada kucelleshan jiray Rikodhka buug iyo qalin intaan soo qaatay ayaan kuqortay kadib markaan xafiday baan habeenkii danbe aroos jirikaan kaqaaday intuu askarigii ikiciyey xusuus wlh

  • @xafsaabdimanaan2572
    @xafsaabdimanaan2572 2 ปีที่แล้ว +1

    Alle ha unaxriisto iyaduna 3/7/2022 ayey dunidan macsalmysay qabriga alle ha u nuuriyo

  • @cabdiqanismart9180
    @cabdiqanismart9180 8 ปีที่แล้ว +38

    Miyuu Luun i gawracay (not Luul)Sida laba is jeceloLaacdamaaya fiidkiiKalgayl ku looloo(not Loogo)Noolow Khadra Daahir Cige

  • @saammu8231
    @saammu8231 5 ปีที่แล้ว +9

    Ya ila dhageysanaya manta oo ah ciida arafo 🎉 jaceylne ku laran yahay 😍
    Ciid mubarak Asxbta🎉💖

  • @ahmedharir5863
    @ahmedharir5863 8 ปีที่แล้ว +3

    Wooow khadra alla yakhiliki wa halki somalidi hore
    Khadari dhiga cadbay kordhisa

  • @sharmakemaxamed1144
    @sharmakemaxamed1144 8 หลายเดือนก่อน +2

    Waxan kawada shekaysanay aniyo sxpky nadiir abdixakim waqtiyadi iyo xasusihi jacayladii ragu soo maray waxan fadhina oo jawi ku wada qadanayna addis ababa Ethiopia khamiis 23/5/2024 habeen jimco so galayo mama khadra naxaristi jano allaha siiyo 🤲❤️

    • @ceelbaxay1
      @ceelbaxay1 8 หลายเดือนก่อน

      Xayaaka allah saxiib iyo Walaal aan la'wada haysan. 🙏

  • @lovelyamjaad1346
    @lovelyamjaad1346 9 ปีที่แล้ว

    Khadra dahir cige khdra dhool alle dambigaaga hadhaafo mamo qaali ku ah bulshada afka somaligaa ku hadashaad tee cod mcn rabi ku manaysty mansha alah

  • @cts3029
    @cts3029 6 ปีที่แล้ว +8

    There is a reason why nobody make this can kind of music and song anymore.... they actually can’t :)

  • @MaxasmedAbdi
    @MaxasmedAbdi ปีที่แล้ว

    Ax ax ax hees iga dheh khadra daahir cige alleh hakuu naxariisto ayeeyo😭😭💔

  • @fardowsoxueeen5219
    @fardowsoxueeen5219 4 ปีที่แล้ว +2

    heestaan dareenkeyga ka hadleysaa si bey itaabatay ax jeceyla😍2020'13july

  • @ilwaadsiciid9174
    @ilwaadsiciid9174 ปีที่แล้ว +1

    RAXMAANKU HAW NAXARIISTEE KHADRA DAAHIR HEESA HEEDA MIDAAN UGU JECLAHAY WEEYAN TAN IYO MAALINKAAN BARTAY KAMA CAAJISO CAAWA MALAHA SADEX SAAC BAAN DHAGEYSANAYAA 11:40. /21/12/2023 HADAAD IGA DANBAYSO WAN IDIN SALAMAAYA😂❤

  • @dabagalechanel9369
    @dabagalechanel9369 ปีที่แล้ว +1

    markale ayan heestan dib udhagaysanaya wakhtigu waa 11/04/2023 sacaduna tahay 2:56 habenimo axad alle aya mahad leh oo nagu simay❤

  • @hudhudgaas6519
    @hudhudgaas6519 12 ปีที่แล้ว +3

    heestan waxan soo xasustaa yaran taydii markan jiary 9 jir waxa ku hesi jiray dumarka wawayn ee xafada dagan..sanadku wuxuu ahaa 1992..kii waxay iso xasusisay wayo wayo ....caad lagu lingaxay iyo cirku liidad leyahay.....waa hees top ah noolow khadra..kolay hada fanka wad ka baxday..cafimad ayan ku rajaynayaa iyo cimri dherer

    • @najah140
      @najah140 2 ปีที่แล้ว

      👋 long time after

  • @mohamedali-po3qj
    @mohamedali-po3qj 8 หลายเดือนก่อน

    AHU NAXARIISTO KHadra Dahir aameen yaa Rabbi

  • @samaaleabdul3178
    @samaaleabdul3178 3 ปีที่แล้ว +6

    Hees iyo badh yaa ila jooga meshan is muuji bal 👋 Khadra Daahir 🤍

    • @alisaladahmed424
      @alisaladahmed424 3 ปีที่แล้ว

      ☝️☝️
      Waa Erayadii Abwaan Cali saleebaan bide.
      Erayo miid ah weeye oo dhagta ku haraya.
      Allaah yaa raxma raaximiin Abwaanka

  • @YoonisbarkhadSiciid
    @YoonisbarkhadSiciid 3 หลายเดือนก่อน +1

    Allah ha unaxariisto aaamiin aamiin

  • @safiyanaasir2827
    @safiyanaasir2827 2 ปีที่แล้ว +6

    "Sida laygu kaa ladhay
    Haddaad igu lammaantahay
    Laabtaan ku galin lahaa,
    Libtaan la hoyan lahaa
    Sow maynu kala lumin."
    18/December/2022, 12:00 habeenimo baan dhagaysana heeskaan, caawa waa habeenkii saddexaad ee aan maalin dhan iyo habeen oo dhan farriintaada oo aan isoo dhicin aan iska noolahay, xalay ma seexan maantana qado ma cunin kaliya adiga uun baan kaa fekerayaa, waxay u muuqataa caawana in aan Qaraamka weheshan doono oo aan soo jeedi doono waayo qofka seexda waa qofka maanka iyo quluubtuba u dagan yihiin lkn aniga labadaba maslaxad la,aan badan baan ka dareemaya, Waxaan ku leeyahay "Anna mawdku ha i dilo, adna maalmo sii joog" 💔🥲🙌

  • @issamohamed3304
    @issamohamed3304 5 ปีที่แล้ว +2

    Xasuuuus wlh ano yar ayn mqli jiray.....super asxan cod👍👍

  • @aalkayare2782
    @aalkayare2782 3 ปีที่แล้ว

    heestan markii ugu horeysay gabar iga weyneyd baan ka maqlay waxayna ii sheegtay in labo qof oo is jecel oo kala maqan heestan daaran jireyn kadibne dhageysan jireen ayagoo labadoodaba oynaayo markaas heestaan anaga jecleeday hada ayadaan ku qayilaa waxaa ila joogo asxaabteyda labo wiil iyo hal gabar waxaan ku qayilaynaa france 🇨🇵 wixii isjecel waxaan alle uga baryaa iney is helaan 3/9/2021 salaama asxaabta inta iga danbeysa😍

  • @abdirahmanruuzhka2474
    @abdirahmanruuzhka2474 3 ปีที่แล้ว +1

    safia tusmo iyo ninkeda 120gela ah ka bixiyey wixi heestan kuso arkay like iska saar wayo arag tahay 10/11/2021 hargeisa😓😓

  • @axmadkaysecali6179
    @axmadkaysecali6179 5 ปีที่แล้ว

    Fanaanad keeni karta codkan degan ee dahabiga ah ma jirto waaaw khadra mother of love

  • @apdirashiidosmail
    @apdirashiidosmail 7 หลายเดือนก่อน

    rabi naxriisti jano hakaa waraabsh0 mamo qadra daahir cige

  • @saaboc-raxmaan.5275
    @saaboc-raxmaan.5275 ปีที่แล้ว

    Waxaan dib u xasuustay habeenkii Boorama. October 2021 iyo gurigii buuraha Boorama ku hoos yaallay. Waa aniga, koobkaygii bunka ahaa, codka dhirta daaradda weyn ku taalla iyo codka Khadra Dhool. Saacaddu waa 3 AM, ma aqaanno saacaddan waxa halkan isoo fadhiisiyay se waan hubaa in ay sabab jirto! Khadra Dhooleey waan ku jecelahay.

  • @duliyeshabeel4237
    @duliyeshabeel4237 8 ปีที่แล้ว +1

    waa ereyadii ilaahay ha u naxariiste muj cali saleebaan bide,

    • @farhandauud9219
      @farhandauud9219 7 ปีที่แล้ว +1

      sxb wa nol yahay

    • @osmanmohamoud143
      @osmanmohamoud143 6 ปีที่แล้ว

      @@farhandauud9219 walaalkii Ahmed ayaa nool oo isna abwaan ahaa

  • @7aydarus
    @7aydarus 13 ปีที่แล้ว

    Khadra daahir legend off somali singers Allow du daa iyo waliba sida mar kaliya aad ugu baneysey fanaanada soo kacaya masraxa fanka Iney iyaguna markooda ka qaybqaataan waliba waxaan ogahay in qof kastoo somali ku hadlaa uu heesahaaga ku dhayey jaceylkiisa ama ku yara dhayey qalbigiisa

    • @najah140
      @najah140 2 ปีที่แล้ว

      Hi 👋

  • @issamohamed3304
    @issamohamed3304 5 ปีที่แล้ว +3

    Nice wa mid kamid ah hesa qadra dahir an ukujeclahay👍

  • @yuusufhersimadadaal6668
    @yuusufhersimadadaal6668 2 ปีที่แล้ว

    Alle ha u raxmado khadra iyo abwaan cali saleebaan bide oo curinta erayada lahaa.

  • @DEQA_AXMED
    @DEQA_AXMED ปีที่แล้ว

    2012 baan dhaysan jiray allaha u naxariisto khadra daahir cige

  • @axkanmohamed8583
    @axkanmohamed8583 3 หลายเดือนก่อน

    Heestan waxaan dhageysanayaa 5 November 24 heesta qeyb ka mid ah ayaan said u jeclaa in badan wan rajaynayy in aan dhameysto favoriete song 🎵

  • @samsambarud4376
    @samsambarud4376 5 ปีที่แล้ว +7

    Ma sha Allah beautiful voice and emotional strength does vibes to it...bless u Aameen ya Rabbi

  • @mrburco4life1
    @mrburco4life1 13 ปีที่แล้ว +4

    wooow shes one of the best somali singer , slow motion ,superb voice viiva khadra dahir cigeh

  • @abdulkariemiman1916
    @abdulkariemiman1916 2 ปีที่แล้ว +4

    Old is gold
    Still listening in 2022
    Dadka dhan ma fahmi karaan except intey quseyso💔😪.

  • @HajjiWarsamah24
    @HajjiWarsamah24 8 ปีที่แล้ว +19

    waa Jacaylkii oo soconayaa anigu waaban qiiroodaa markaa dhigeysanayo.

    • @ahmedfiqow9959
      @ahmedfiqow9959 6 ปีที่แล้ว

      Hajji Warsamah hahahahaha waad iga qoslisay Wlhi

  • @ibraahinabdilaahi9897
    @ibraahinabdilaahi9897 9 หลายเดือนก่อน +2

    Cidii dawanayasa 2024 like igu qabo🤤🫣

  • @fardowsahassan541
    @fardowsahassan541 7 ปีที่แล้ว +16

    heestan xasuus beey ii tahay😌😌 my first love he's died allow ku naxariiso🙇🙇

  • @mukhtarcabdirahman1369
    @mukhtarcabdirahman1369 6 ปีที่แล้ว +4

    Alaylehe waan ku mirqaamay heestan

  • @mcjamajama6092
    @mcjamajama6092 9 ปีที่แล้ว +2

    waayihii fan ka iyo Khadra yaa salaam afkaga Cana lagu qabay

  • @khalifmohamudibrahim
    @khalifmohamudibrahim ปีที่แล้ว

    25/12/2023 weli waan dhegaysanayaa
    Sannadka dhamaanaya ayaan ku sagootinayaa ❤