Gabay 🅂🄰🅈🄸🄳 🄼🄰🅇🄰🄼🄴🄳 ( 𝐍𝐢𝐧 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡 𝐲𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧 )

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 6 ก.พ. 2025
  • Ingiriisku wuxuu isku dayey inuu Sayid Maxamed si walba ula dagaalamo. Dhinaca diinta, dhinaca qabyaalada, dhinaca siyaasadda iyo dhinac kasta oo suuragal ah wuxuu Ingiriisku ku dadaalay inuu Sayidka ka weeraro.
    Isagoo isticmaalaya daacaayad iyo niman Soomaali ah oo gabya ayuu Ingiriis wuxuu Sayidka ku cambaareeyey inuu yahay hoggaamiye nacab ah, laayaan aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn iyo xaabqaad aan xataa maal agoomeed dhaafaynin. Dacaayadda noocaa ah oo dhabcan been iyo huuhaa iska ahayd wuxuu Ingiriisku ku faafin jiray gabayo ay tiriyaan rag dhawr ah oo halgankii Daraawiishta giniga Ingiriiska ka doortay. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan Goroyo, Cali Jaamac Haabiil iyo kuwo kale.
    Sayidka naftiisu noocyada dagaalka, af iyo adinba, maahir ayuu ku ahaa, daacayadda Ingiriiskana mid lid ku ah oo ka lugo badan ayuu ka horgayn jiray. Siduu Cabdiqaadir Xirsi Yamyamba u yidhi: haddii ay ku moosaan, kartaa laysku muujaa, Sayidku karti ayuu isku muujiyey wuxuuna ku guulaystay inaan cadowgiisu qeexin shaqsiyadiisa ee uu isagu Soomaali isbaro isagoo gabay, wadaniyad, diin aqoon, cabsi Alle, hoggaamin siyaasadeed iyo mid dagaal iyo gacan furnaan aan caadi ahayn isku darsaday.
    Gabaygan hoose wuxuu ka mid yahay gabayada uu Saydiku isku keen baray, kagana hortagay dacaayadii Ingiriiska ee xaqdaradda ahayd. Wuxuu yidhi:
    Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala
    Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin
    Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye
    Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
    Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
    Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin
    Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka
    Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin
    Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin
    Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin
    Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
    Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin
    Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
    Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya
    Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh
    Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
    Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye
    Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?
    Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey
    Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay
    Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay
    Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaygu loo saaro
    In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado
    Ninkii maalintaa ka aarinsha, aaqil aw ma aha?
    Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho
    Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato
    Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo
    Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
    maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
    Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda
    Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro
    Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo
    Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?
    Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye
    Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin
    Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya
    Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
    Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin
    Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin
    Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto
    Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
    Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin
    Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
    Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin
    Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin
    Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin
    Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin
    Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan
    Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
    Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo
    Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha?
    Adhi badan lo' iyo geel intii, mulug adduunyaada
    Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey
    Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya
    Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxidh loo yeelay
    Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli
    Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami
    Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay
    umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
    Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya
    Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa
    Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
    Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

ความคิดเห็น • 4

  • @Xaq-raace
    @Xaq-raace 3 หลายเดือนก่อน

    Alle ha barakeeyo cid kastoo ka soo shaqaysay Maadadan waa Dhaxal Suugaantu, Hiddaha iyo Dhaqanku.

  • @imbashiir1825
    @imbashiir1825 4 หลายเดือนก่อน +2

    Sucuudiga iyo Suriya iyaba imisay Islaamay dileen, AHN sheekha shahaadadisana haka aqbalo

  • @BukhaariaadanCali
    @BukhaariaadanCali หลายเดือนก่อน

    Ale hawnaxariisto sayifkeni🤲

  • @AbdikhalikMHashi
    @AbdikhalikMHashi 4 หลายเดือนก่อน

    Soo Noqosho Wanaagsan Sollas Media.