Tixmaal - suugaanta haweenka 5/6

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 6 ก.ย. 2024
  • Tixmaal - suugaanta haweenka

ความคิดเห็น • 23

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 ปีที่แล้ว +11

    1) qamriyacab
    Qaadirkeen wixii u xarimay
    Kuwa quud la gayo mooda
    Qamrada iyo aalkoolaha
    Kuwa sii qudhqudhinaaya
    Qaad iyo haduu buuri cuno
    Amase qiiq nuugo
    Qalbigiisu inuu qooman yahay
    Waa mid loo qiraye
    Qudhun iyo ileen lagama karo
    Qoon xun daba roore
    Gabdho an qaadi loo geyn
    Buu qolol la seexdaaye
    Qawiiloow alahayoow
    Midkaa nolol ha noo qaybin

  • @boqoradasomaliland5920
    @boqoradasomaliland5920 3 ปีที่แล้ว +6

    yuusuf shacir
    Abwaan qaliya
    marwalba wan ku duceya
    cafimad ku nolow akhirana
    janada ku nolow 💕💓🤲🤲

  • @mryamg
    @mryamg 15 ปีที่แล้ว +5

    I am loving this, it shows how great & strong Somali women are, proud to be Somali despite all the negative things going on in all Somali nation. may Allah have mercy on them and all troubled human being.
    Thanks Hassan, appreciated.

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 ปีที่แล้ว +6

    6)Nin fudud
    Qiyaas buu dadkuba leeyahay
    Iyo qaab u gooni ahee
    Qof waliba siduu yahay
    Yaa loo qadariyaaye
    Mid qafiif ah oo lagu matalo
    Qodobka ruux waalan
    Qasnadiyo mid aan lagu ogeyn
    Qoob wax lagu kaydso
    Oo hadal aan kala qornayn
    Qubayaa hoodaasa
    Qardajeexa sheekada
    Marbuu qalad rumeeyaaye
    Qawiiloow alahayoow
    Midkaas nolol ha noo qaybin

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 ปีที่แล้ว +8

    2)kibirlow
    Gar ma qaate kaligii quman
    Aan garanin qaynuunka
    Qalafsane mid aan nolosha qirin
    Abidna qiimeynin
    Oo qaloocano lala heshiin
    Damacu waa qayb ee
    Oo aan qadarintana aqoon
    Qowlna kugu deeqin
    Oo hadana qabweyn iyo kasxumo
    Kibir is qaadqaada
    Qows inan gumeeyd buu ka yimid
    Aan qorsha lahayn
    Qawiiloow alahayoow
    Midkaa nolol ha noo qaybin

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 ปีที่แล้ว +2

    7)bakhayl gacantii go'day ah
    Qalbigaa tijaar laga noqdaa
    Qarashka ma ahayne
    Quud iyo mid aan hoo aqoon
    Oo lagu qasoodaayo
    Midda uu qabi'iyo
    Uma damqado Qaanka u dhalaye
    Ehelkiyo qaraabadu
    Haday mar uun Qof soo moodo
    Qarshi ma hayuu dhaar qayaxan
    Qac uga siiyaa
    Dabadeedna iqarshuu ku yidhaa
    Qoom siduu dilay
    Qawiiloow allahayoow
    Midkaas nolol ha qaybin

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 ปีที่แล้ว +12

    Aduun waa qisiyo yaab
    Quudhsan oo gudhin ee
    Marna waa qaflado iyo naxdin
    Qaawan abidkiiye
    Qoraxdii dhacdiyo waagu
    Way kala qaloocaane
    Qosolkiyo farxadiiso
    Waa qaab aan soconayne
    Marna qabow iyo nimco
    Laysku qoofalay
    Qof waliba wixii loo qoray buu
    Qayb u heleya
    Qasdigiyo ujeedada
    Hadaan qodob kasii taabto
    Arintii la qaataba
    Hadaan laysla qabanayn
    Qardoofiyo hadaan laga tirtirin
    Camal qaayano dhan
    Qodaxdana hadaan laga jarayn
    Way qalibantaaye
    Qiyaasti qorshaha aadmiga
    Yaa taa la qaabadehe
    Qiimo mala barashadu
    Hadaan lays qadarineyne
    Qeyrkay hadaan kuu jeclaa
    Waan ku qoonsadaye
    Ka qawadayna qoyskaan laha
    Aysla qabataane
    Qormadaan yagleeleyney
    Een qiimo galinaynay
    Qabanqaabadii an watay
    Iyo qaradkii beenow
    Inkasto sad an qaayibo
    Iyo qarash la ii sheego
    Ama quruxda ad leedahay
    Iyo qalin la faaleeyo
    Qalbigaygu wuu jabay
    Sida shay quraarad ah
    Qosolkiyo sasabadaad wadana
    Ka qoto dheex xaale
    Qof liita ilayn lagu hodaa
    Qaladka ii dhaafe
    Hadaad qaafil ii haysatayna
    Dhowr qarnaan jire
    Sharafkaygi anigo qaba
    Aan qooni igu oolin
    Oo aan qalqaalina ahayn
    Qawlna aan fududaanin
    Qalqaloocna aan abidkay usocon
    Qubinna diinteyda
    Nafta inaan qisaasaa
    Waa mid aan meesha qabaneyn
    Quudhsigu ma fiicna
    Ee runtaan kuu qayaxayaaye
    Qawlkaan ku leeyahay
    Maaha been aan kuu qoraye
    Qiyaas iiga maqal
    Oo dhagaha qun ugu sii deyso
    Sheekadaa markaan qaadanay
    Iyo quruxdii hasaawaha
    In qalooca laga dhowrayo
    Yuu qodobku taagnaaye
    Ciladdii la qariyaa
    Dib bay kuugu qaraxdaa
    Qunyar socodka waa taan ahaa
    Een ku qaabilaye
    Qiyaaniyo adaa been watey
    Oo qubay wanaagiiye
    Ma qayiro ilaahay
    Ileen qoonkii daacad eehe
    Qofkii qool sameeyaa
    Marbuu qoorta galiyaa
    Dabinkaad igu qaban lahayd
    Qoobka kuugu roorye
    Adaa qoday daluunta
    Ee yeey kula qadhaadhaanin

    • @engmustafahassan3945
      @engmustafahassan3945 5 ปีที่แล้ว

      Aad baad u mahadsan tahay, hadaad inoo dhamaystiri kartana way wacnaan lahayd.

    • @milgohodan7351
      @milgohodan7351 4 ปีที่แล้ว

      Mahadzanid Mahadzanid 🤗

    • @nastehomar9474
      @nastehomar9474 3 ปีที่แล้ว

      Manshalaha

  • @nabadraadshe
    @nabadraadshe 15 ปีที่แล้ว +6

    "Hooyo ma joogto kor iyo koofur bey aaday" This is one of the familiar lullaby & cradlesongs. Do you remember any others????

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 ปีที่แล้ว +2

    3)beenlow
    Qalbigii an daacadi ku jirin
    Qoon jin baa gale ee
    Qiyaaniyo midkii been yaqaan
    Ama qudh soo gooyo
    Qabri inuu galaayiyu
    Marnaba dhimasho qoondaysan
    Qaadirkii abuuriyo
    Mid aan qirin rasuulkeena (scws)
    Aan qowl lilaahiyana aqoon
    Diinta waa lagu qaboobaye
    Qawiiloow alahayoow
    Midkaas nolol ha noo qaybin

  • @nabadraadshe
    @nabadraadshe 15 ปีที่แล้ว +2

    Hassanahemdw. thanks for uploading this unique clip about the role of the Somali women in the national poetry. It is the customary within the Somali culture to overlook the role of the women in this field. Women's poetry is usually recited within a limited & close circle (Buraanbur) & as a result it fails to reach out to the common. I suppose the gender inequality is an international issue!!!

  • @Googaa
    @Googaa 15 ปีที่แล้ว +2

    thank you brother,allah may bless you

  • @abchirabdillahi3036
    @abchirabdillahi3036 4 หลายเดือนก่อน

    Yuusuf shaacir ❤

  • @engmustafahassan3945
    @engmustafahassan3945 3 ปีที่แล้ว +1

    Mahadsanid Milyan jeer1

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari 6 ปีที่แล้ว +1

    HhHh YzuF ZHaaCir____Waa NiN XkMaaWiYaH________

  • @maxamedshaakirmacalinmahad5116
    @maxamedshaakirmacalinmahad5116 4 ปีที่แล้ว +1

    Kkkkk